SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QARDHO

Bayaan ay Beesha Cusmaan Maxamuud Kasoo Saareen Magaaladda Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar

SAWIRRO: Sawirada Shirkii Qardho ee Beesha Halkan ka Daawo....

  • Qore: wariye c/rashiid maxamed daahir(haykal)
    Qardho-Karkaar, Email: qardhomedia@hotmail.com
    sawirqaade:Axmed c/laahi Ismaaciil(Axmed zaki)

30 bishan January ayaa waxaa shir uga furmay beelweynta cusmaan maxamuud hotel allaamin ee magaalaadda qardho shirka ayaa waxaa si wayn loogu gorfaynayay arimaha siyaasadda ee beesha kaga aadan maamul goboleedka Puntland iyadoo ay goob jog ka ahaayeen masuuliyiin siyaasiyiin cuqaal isimo iyo waxgaradka iyo aqoonyahamadda beesha cusmaan maxamuud iyadoo uu shirku ku taxaluqay wadda tashi iyo dood si wayn loogu gorfaynayay arrimo dhawr ah.

  • 1.Arrimaha Siyaasadda
  • 2.Arrimaha Nabaddgalyadda
  • 3.Arrimaha Cadaaladda
  • 4.Arrimaha Bulshadda
  • 5.Arrimaha Deegaanka
  • 6.Arrimaha Diinta. 


Qaar kamida Ka qayb galayaashii shirka Qardho... Sawirada Shirkii Qardho ee Beesha Halkan ka Daawo....

Shirka ayaa waxaa goob jog ka ahaa Dad caanka ah Siyaasadda Puntland iyo masuuliyiin ka tirsan maamul goboleedka Puntland Sida wasiirka Amniga Puntland Cabdulaahi siciid samatar Wasiirka Deegaanka iyo Arimaha duurjoogta C/qani muuse cadde iyo waliba madaxweynihii hore EE Maamul goboleedka Puntland maxamuud muuse xirsi(General cadde muuse) iyo dhamaan wax garadka qaybahooda kala duwan ee ka soo jeedda gobolka Karkaar ee maamul Goboleedka Puntland iyadoo shirku aha shir siyaasadeed waxaan shirku socday muddo laba maalmood ah iyadoo ay shirka kazoo qaybgaleen Maamulka degmada Qardho duqa degmadda Cismaan Buux  cali iyo Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Yaasiin Siciid xuseen.

Waxaa shirku ahaa mid albaabadu u xiranyihiin balse manta 31 january ayaa shirka looga yeeray saxaafadda waxaana halkaasi ka dhacay shir jaraa’id shirka jaraa’id ayaa waxaa ka hadlay furayna Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Yaasiin siciid Xuseen iyo Wasiirka Amniga cabdulaahi siciid samatar waxaana halkaasi laga aqriyay bayaanka ka soo baxay beesha degta Gobolka Karkaar waxaana aqriyay Caydaruus cismaan yuusuf(Agaasimihii hore ee madaxtooyadda maamul goboleedka Puntland ) iyadoo sidoo kale uu hadlay wasiirka amniga Puntland cabdulaahi siciid samatar waxaan a uu si wayn u tilmaamay ahmiyadda shirku uleeyahay arimaha amniga maamul goboleedka Puntland uuna soo dhawaynayo uuna taagersanyahay hanaanka shirka maadama uu yahay Wasiirka amniga Puntland . 

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Yaasiin siciid xuseen waxana uu ka hadlay ajandaha shirka waxana uu sheegay in shirku ahaa mid najaxay layskuna afgartay qodobadda uu caydaruus aqriyi doono.

Waakan hoos ku qoran Bayaankii Beeshu:


Shirkii Qardho, Jan 30-31, 2009, Sawirada Shirkii Qardho ee Beesha Halkan ka Daawo....

BAYAAN KA SOO BAXAY SHIRKA BEESHA CUSMAAN MAXAMUUD

Isimo, cuqaal, siyaasiyiin,ganacsato, culamaa’udiin,aqoon-yahanno iyo xubno kale oo ka tirsan beesha Cusmaan Maxamuud waxay January 30-31, 2009 Qardho ku yeesheen shir wada-tashi.

Doodo badan iyo fikrado la is-weydaarsadey ka dib waxaa shirka ka soo baxay go’aamada iyo talooyinka soo socda:

I. ARRIMAHA SIYAASADDA

  1. Beeshu waxay si buuxda u taageereysaa maamulka D/Goboleedka Puntland iyadoo si hagar la’aan ah hiil iyo hooba la garab taagan si loo xaqiijiyo loona gaaro himilada muddada dheer ee shacabka Puntland.
  1. Beeshu waxay dowladda u soo jeedineysaa dhammaystirka tallaabooyinka ku aaddan hirgelinta hannaanka dimoqraadiyeynta maamulka iyo is-xukunka dadweynaha,taasoo ballan-qaad u ah taabbagelinta maamul dimoqraaddi ah oo muunad iyo tusaalaba u noqda qaybaha kale ee Soomaaliya.
  1. Beeshu iyadoo la dareen, aragti iyo mowqifba ah dhammaan beelaha Puntland, iyadoo dhan kalena ka duuleysa xaqiiqada ah in reer Puntland iyo bulshada Juba/Land ay yihiin isir-wadaag isku-dan iyo masiirba ah waxay ku talinaysaa:

3.1, In ay caddaalad, nabadgelyo iyo xasilooni ka hirgalaan iyadoo la sugayo in dadka degaamadaasi ay aayahooda ka taliyaan.

3.2, In uu degaankaas ka taabbagalo nidaam maamul oo hanta barnaamijyada horumarinta, la-dagaallanka xaalufka iyo guud ahaan daryeelka iyo sare u qaadista nolosha dadweynaha.

3.3, Si loo fuliyo ujeeddooyinka la soo xusay beeshu waxay dowladda Puntland ku boorrineysaa inay ka hawlgasho xaqiijinta himilada shacabka Juba/Land.

4. Beeshu waxay taageersan tahay xiriirka iyo wada-shaqaynta wanaagsan ee D/goboleedka Puntland iyo dowladda federaalka.

  1. ARRIMAHA AMNIGA
  1. Iyadoo la tixgelinayo in nabadgelyadu tahay tiirka asaasiga ah ee nolosha iyo horumarka waxay beeshu taageereysaa barnaamijka dowladda ee ku aaddan hawlaha amniga iyo sugidda in hubku noqdo mid ku jira gacanta dowladda.
  1. Beesha waxaa ka go’an inay dowladda gacan buuxda ku siiso hawlaha nabadaynta,la- dagaallanka tahriibta, burcad-badeedka, dhaqamada silloon iyo taakulada difaaca Puntland
  1. Beeshu waxay dowladda iyo shacabka Puntland ku boorrineysaa, dhankeedana ay diyaar u tahay ka hawlgalka soo celinta L/Caanood iyadoo xoraynteeda naf iyo maalba loo hurayo.
  1. ARRIMAHA CADDAALADDA
  1. Suurtagal ma aha in nabad, xasilooni iyo horumar lagu taamo iyadoo ayan caddaaladi jirin. Sidaa darteed beeshu waxay soo jeedineysaa in dowladdu si weyn isugu taxallujiso tayeynta iyo sare u qaadista awoodda wax-qabad ee hay’adaha sharci-fulinta.
  1. Beeshu waxay qabtaa kuna talinaysaa in laga hortago lana sugo inaan beeluhu gabbaad u noqon dembiilayaasha.
  1. ARRIMAHA DEEGAANKA

Beeshu iyadoo tixgelineysa ahmiyadda uu deeganku u leeyahay nolosha dadka iyo noolaha kaleba waxay ku talinaysaa:

  1. In la meelmariyo barnaamij ku aaddan ilaalinta deegaanka iyo ka hortagga xaalufka berriga iyo badaha.
  1. Beeshu waxay ballan qaadaysaa inay wixii kaga aaddan ka gasho hawlaha la xiriira ilaalinta deegaanka.
  1. ARRIMAHA BULSHADA

Beeshu waxay dowladda iyo bulshadaba ku boorrineysaa horumarinta iyo tayeynta adeegyada iyo kaabayaasha bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka.

Arimaha Diinta

Waxay Beesha soo jeedinaysaa ku dhaqanka Shareecada Islaamka iyo xoojinta tarbiyada milladda diinta Islaamka


Shirkii Qardho, Jan 30-31, 2009, Sawirada Shirkii Qardho ee Beesha Halkan ka Daawo....

Sawirada Shirkii Qardho ee Beesha Halkan ka Daawo.... (SomaliTalk.com)

Waxaa soo tebiyey:
wariye c/rashiid maxamed daahir(haykal)
Qardho-Karkaar
Email: qardhomedia@hotmail.com
sawirqaade: Axmed c/laahi Ismaaciil(Axmed zaki)

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 2, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: