SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - JABUUTI

War-saxaafadeedkii Dahabshiil Bank ee Jibouti laga furayey. X A A F A D E E D 
 

Waxa aannu la socodsiineynaa macaamiishayada sharafta leh, iyo guud ahaanba bulshaweynta iyo ganacsatadaba, in shirkadda dahabshiil ka heshay Dawladda Jibouti ruqsad ama liisan Bangi Islaami ah oo uu u dhan yahay sharciyaddiisii oo idili.  
 

Bangiga Dahabshiil waxa uu noqon doonaa bangi saamile ah oo dadweynaha iyo ganacsataduba ku yeelaan doonaan saamiyo waafaqsan shuruucda bangiyada Islaamiga ah ee caalamka.  
 

Bangigu waxa uu u fidin doonaa macaamiishiisa dhammaan adeegyada bangi islaami ah sida Warqadaha ruqsadaha ganacsi  (LC’yada), maalgelinnada, kaydinta lacagaha iyo waxyaabaha kale ee qaaliga ah, furidda xisaabaha socda (current accounts) iyo isu-gudbinta lacagaha. 
 

Bangiga Dahabshiil waxa uu adeeggiisa ku baahin doonaa dhammaan gobollada dalka marka u horreysa ee sharcigu u fasaxo 
 

Bangiga Dahabshiil waxa aasaaskiisa ka dambeeya shirkadda Dahabshiil, oo xarunteedu that Dubai, UAE.  Shirkadda waxa muddo labaataneeyo  sannadood si weyn looga bartay adduunweynaha iyada oo haatan adeeggeedu ku baahsan yahay caalamka oo idil. Shirkadda  waxa  bishii November 2008 guddoonsiiyey abaalmarin caalami ah  Guddoomiyaha Ururka Caalamiga ah ee IAMTN, Lord Lamont, oo fadhigiisu yahay London, UK.  
 

koobayn oo ay ugu dambeysey Abaalmirintii Caalamiga ahayd ee 18-20 November  Ururka ku guddoonsiiyey shirkadda magaalada London, UK. 
 

Allaa Mahad Leh 
 

Abdirashid M Saeed

Dahabshiil CEO

Qormadan kala xiriir:
Hassan Mohamed Jama <hassanheiss@gmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 2, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: