SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

QALINJABINTII JAAMACADA BARIGA AFRIKA QAYBTA GAALKACYO (EAST AFRICA UNIVERSITY-GALKAIO CAMPUS).

SAWIRRO: Sawirada Qalinjebinta Halkaan ka daawo....

Taariikhdu markay ahayd 29/01/2009 waxaa magaalada Gaakacyo ee xarunta Gobolka Mudug kadhacday xaflad balaaran oo looguqabtay arday ka qalinjabisay Jaamacada Bariga Afrika (EAST AFRICA UNIVERSITY) qaybteeda Gaalkacyo. Munaasibadaan waxay ahayd mid si gaar ah loo xasuusandoono ama taariikhi u noqondoonta umada Somaaliyeed gaar ahaan Gobolka Mudug, taasoo noqotay munaasibadii ugu horaysay ee Jaamacad Gobolka Mudug ama Gaalkacyo kutaala oo arday ka qalinjabisay looqabto.

Xafladaan waxaa kasoo qaybgalay dadwayne aad iyo aad ufarabadan oo iskugujiray Maamulka D. G.P., aqoonyahano, Ganacsato, Isimo iyo dadwayne aad ufarabadan. Dhamaan dadkaas waxaa wajiyadooda kamuuqday farxad aad iyo aad looga akhrisanayo in ay kufaraxsanyihiin xafladaan taariikhiga ah, waxaa sigaar ah farxadi uga muuqatay ardaydii qalinjabisay, waaridiintoodii iyo waliba eheladoodii.

Jaamacada Bariga Afrika waxaa magaalada Gaalkacyo laga aas aasay sanadkii 2006. Jaamacada hadda waxaa si toos ah ushaqeeya 4 qaybood oo kala ah, Caafimaadka, Computer Science , Luuqadaha, iyo kuliyada shareecada iyo Daraasaadka Islaamka. Qaybta Caafimaadku waxay ukalabaxdaa labo qaybood oo kala ah: Nursing iyo Medical Laboratory Technology, muddada waxbarashada Caafimaadku wuu ahaan jiray labosano, laakiin hadda sanadka 2008/2009 waxaa laga dhigay sadex sano. Computer Science wuxuu ukala baxaa asna labo qaybood: Diploma halsano ah iyo Degree 3 sano ah (Bachelor of Computer Science). Ardayda hadda qalinjabisay waxay kakala yimaadeen qaybta Caafimaad iyo kuliyada Computer Science, caddadooduna waa 40 arday, 20 Computer Science ah iyo 20 Caafimaad ah.

farxaan yaasiin mire <isqootax@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 2, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: