WADAAD, WARANLE IYO WADANI
Maxamad Bukhaari Axmad
Bukhaari14@hotmail.com
Hadii aad si qoto dheer u akhriso taariikhda dhaqan/dhaqaale iyo
siyaasadeed ee qaaruunta Soomaalida waxaad heli kartaa iney jiraan sadax
Nidaam ama hab-nololeed oo ka dhisan dhulka. Siyaabo iyo qaabab kala
duwana u saameeya nolosha guud iyo tan gaar ahaaneed ee dadka. Si fasir
loogu helo sawirka iyo muuqaalada ka taagan geeska afrika, loona garto
afkaaraha dhaqaajiyay dhacdooyinkaas, ayey haboontahay in la iftiimiyo
mid kasta oo kamid ah sadaxda Nidaam.
Wadaad, Waranle iyo Wadani ma ahan oo kaliya sadax tilmaamood ee waa
sadax hab nololeed oo ka tarjumaya heyb iyo ahaan falsafadeed oo u gaar
ah mid kasta oo kamid ah sadaxda Nidaam, taas oo ku dhisan sida loo
arkayo Caalamka, Nolosha, Bulshada, Dowalada iyo Qaanunka.
Nidaamka waranle: Waa xariir ama xaq dabiici ah oo ku dhisan
dhiig iyo u dhalasho issir ama qabiil gaar ah.
Nidaamka Wadani: Waa falsafad dhinaca nolosha ah, kuna dhisan
in dhulku yahay lahaan wadareed oo ey wadaagaan dhamaan dadka ku dhaqan
dhulkaas, iyada oon la eegeyn Issirka iyo Diinta qofka. Sidoo kale in
dalka "Wadanka" gundhig iyo asaas u yahay Xuquuqda iyo Waajibaadka
wadaniga ah, aragtidaasna waxaa marjic iyo tixraac u ah laba meelood oo
kala ah:
- Saxiifadii madiina: taas oo aheyd hashiis qoraal ah oo ey
kala dhigteen dadkii kuwada dhaqnaa magaalada barakeysan ee
Madiina iyo nawaaxigeeda, kuwaas oo issir ahaan iyo diin ahaanba
si weyn u kala duwanaa. Miithaqan oo ey kala qorteen Ansaar,
Muhaajiriin iyo Yuhuud waxaa hindisihiisa iyo kormeerkiisaba
lahaa Nabi Maxamad nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato.
qodobada ku qorana waxaa kamid ahaa in:
- Sadaxdaas qolo yihiin hal Umad, oo isaga sokeeya inta kale.
- Loo simanyahay xuquuqda iyo waajibaadka.
- Si siman looga difaaco dhulka cadow kasta oo ka soo weeraro
dibada.
- Si siman loo bixiyo kharashaadka ku baxa howlahaas. Iyo qodobo
kale.
Heshiiskaas oo ey diiwaan galiyeen kutubta taariikhda, waxa uu
dhagax dhig u yahay in dadka ku wada dhaqan dhul iyo dagmo gaar ah
ey kala qoran karaan {dastuur} nidaamiya Nolosha Siyaasadeed, Nabad
galyo, Dhaqaale iyo Difaac.
- Baaqa Caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo Miithaaqa
qaramada midoobay: kaas oo aqoonsi buuxa siiyay qaranimada iyo
madaxbanaanida dal kasta. Waana falsafad iyo hal abuur ey
curisay ilbaxnimada reer galbeedka, taas oo ku dhisan in
xeerarka iyo qawaaniinta la xiriira Jinsiyadda iyo wadaniyada ey
noqdaan kuwo ku dhisan Xuquuq iyo Waajibaad wadani ah, oo ey u
simanyihiin dhamaan dadka ku wada dhaqan hal wadan.
Labadan marjic ayaa ku kala abtirsada laba Ilbaxnimo oo inta
qoran ka mideysan in la aqoonsado kala duwanaanta baaxada leh ee u
dhaxeysa Aadanaha. Iyo in la barto, lagana faa"iideysto keydka
taariikheed ee shucuubta iyo qaaruumaha kala gadisan, hadey ahaan
lahaayeen kuwo ku wada dhaqan hal wadan, ama ey yihiin kuwo ku kala
nool cirifyada dunida. Taas oo fududeyn karta in dhaqan kasta iyo
bulsha kasta si nabad ah u suuq geyso afkaarta iyo aqoonta wax tarka
u leh guud ahaan aadanaha, Xikmadana tahay baadi ka maqan qof/bulsha
kasta oo u howl gasha iney goob-joog noqdaan, waxna ku biiriyaan
ilbaxnimada caalamka.
Marka aan hoos ugu dagno duruufaha u gaarka ah qaaruunta
Soomalida, Nidaamka “WADANI” waa mid ku cusub fagaaraha Siyaasadeed
ee Soomaalida, sababtoo ah waxey aheyd fikrad aan ka dheehanay
gumeysigii reer yurub. Intii ka horeysayna Soomaalida waxey ahaayeen
kuwo u qaabeysan Beelo si siman isu garab Dagan, oo aan laheyn
Maamul iyo Nidaam mideeya, sidoo kalana aan laheyn seero iyo xuduud
reebta.
Garashada iyo Fahanka Soomaalida ee ku aadan “Wadani iyo
Wadaniyad” waxa uu yeeshay laba waji oo aad isaga hor jeeda, taas oo
la dhihi karo waxaa saameyn ku leh biseylka wacyiga Dowladnimo. In
la diido, Lana dafiro xuduudaha iyo juquraafiga Siyaasadeed ee laga
dhaxlay gumeysiga reer Yurub {Ingiriis, Talyaani iyo Faransiis} ayaa
laga gurtay mire aad u kharaar iyo cawaaqib xumo baaxad leh.
Arinkaas oo Soomaalida gayeysiisay in dib loo akhriyo taariikhda,
isla markaana la aqbalo Juquraafiga Siyaasadeed ee Caalamka. Waana
xujada iyo dooda ey cuskadaan hogaamiyaasha Siyaadadeed ee
jamhuuriyada Soomaaliland.
Nidaamka wadaad :
Waa afkaar iyo xiriir ka guntama maskaxda iyo maanka dadka, Waa fahan
iyo matalaad dhinaca Diinta ah oo ey isla qaataan dad ku kala dhaqan
dhul iyo qaarado aad u kala fog. Waxaa jiray laba qaab oo gundhig iyo
asaas u ahaa nidaamka “Wadaadka”
- wadaanimo ku dhisan “ Reer ” taas oo macnaheedu yahay in
qolo ama Qabiil gooni ah la siiyo tilmaanta “ Ow“ oo u
taagan Sheekh, Caalim ama Faqiih.
- Dariiqo ku dhisan aragtida Tasawufka: kuwaas oo bulshada
ku hadasha AF- Soomaaliga u dhagax dhigay arima ey kamid
yihiin Faafinta diinta islaamka, dhisida xarumo tacliin oo
lagu dhigto fiqhiga iyo diinta iyo sidoo kale Tarjumida afka
Carabiga iyo xoojinta af- Soomaaliga.
Hadii aan dib u milicsano sooyaalka taariikheed ee “Wadaad Wadani iyo
Waranle” intii ka horeysay isticmaarka reer Yurub Kama dhax jirin
khilaaf horseedi karay dagaal iyo colaad dhex Marta labada nidaam. Waxaa
lagu doodi karaa in uu jiray wax u eg awood qeybsi ku saleysan in:
- Nidaamka Wadaadka looga dambeeyo arimaha la xiriira Tacliinta,
Hanuuninta bulshada iyo ka tala bixinta xeerarka qoyska.
- Meesha Nidaamka Waranlahu ahaa mid gacanta sare ku leh talada
dhabta ah ee bulshada. Sida go,aan ka gaarida arimaha la xiriira
Nabada iyo Colaada, bixinta iyo kala noqoshada Jinsiyada {Deyro ama
Sheegad} iyo talada la xiriirta Dhaqashada.
Dhulka ey ku dhaqanyihiin Soomaalida Itoobiya waxaa ka dhisnaa hanaan
ey ku bahoobeen labada nidaam ee Wadaad iyo Waranle, kaas oo lagu
magacaabi jiray “Ow iyo Ogaadeen” kuna dhisnaa is-kaashi iyo is-qadarin.
Sida ku cad magaca waxaa dhinaca Waranlaha u matali jiray is-baheysigaas
qabiilka Ogadeenka oo bixin jiray dhaqaale lixaad leh, si nidaamka
Wadaadka u joogteeyo gudashada howlihiisa.
Dhanka kale gobolka Hiiraan waxaa ka dhisnaa Nidaam dhinaca Wadaadka
ah oo loo yaqaanay “Shanta Culimo“kaas oo aqoonsi buuxa ka helay beelaha
kale ee ku dhaqan gobolkaas.
Labada dhulba Nidaamka Wadaadka waxaa hor-jooge ka ahaa Beesha Reer
Ow-xassan, oo xarumo dhinaca tacliinta ah ka dhistay dhulka loo yaqaanay
{Gal cusbo iyo Asharaaf} oo hoos tagta dagmada Feerfeer ee Dowlad
Degaanka Somalida Itoobiya. Xarumahaas oo ey ka qalin jabiyeen
hogaamiyaal dhinaca sharciga ah, kuwaas oo markii danbe kamid noqday
hogaanka sare ee Nidaamka Wadaadka “Daraawiish” sababna u noqday in
magaalada Balad/weyne ee gobolka Hiiraan noqoto xarunta labaad ee
Nidaamka Daraawiishta. Sayid Maxamad C/lle Xassan ayaa Suugaan ku xusay
ragaas mar uu ka calaacalay khilaaf dhinaca fikirka iyo Siyaasada ah oo
dhex maray isaga iyo hogaankiisa dhinaca sharciga iyo diinta, {Axmad
fiqi, Cabdille qoriyow, sheesh Cali guuxaa iyo kuwa kale} waxa uuna yiri:
- Axmad Fiqi sawaab ugama helin sadaqadeydiiye.
- Waxa saatan ii galayna waa seedigey run ahe.
- Sugi meynin Qoriyow inuu suuqyo ii tumane.
.
Darawiishta waxa ey aheyd nidaam ku taagan sadax tiir oo kala ah:
- -Hogaan dhinaca Siyaasada ah, Sayid Maxax, d C/lle Xassan oo loo
heystay in uu yahay hogaamiye barakeysan.
- Hogaan dhinaca fikirka iyo sharciga ah “Khusuusi” oo ey hormuud
ka ahaayeen Culimada kor ku xusan.
- Cudud Milatari oo aheyd gaashaanka iyo awooda ciidan oo ey tiir
dhaxaad u ahaayen beesha dagta Buuhoodle.
Xilligii uu isticmarka reer Yurub ku soo biiray nolosha dadka ku
dhaqan dagmada geeska afrika, waxaa dhacay isbadal weyn, kaas oo
murjiyay, ragaadiyeyna xiriirka u dhaxeeya "Wadaadka iyo Waranlaha"
Kadib markii qaar kamid ah Waranlaha ey si buuxda u aqbaleen iney
noqdaan maxmiyad hoos tagta maamulkii isticmaarka, isla markaana gacan
Saar iyo is-kaashi buuxa la yeesheen gumeysiga reer Yurub. Arrintaas oo
caro iyo cabsiba galisay Darawiishta oo iskood isaga dhigay iney yihiin
sumada iyo astaanta Wadaadka.
Waxaa jiray laba arimood oo ku cusbaa nolosha Soomaalida, dhaliyeyna
iney aad u kala fogaadaan Wadaadka iyo Waranlaha:
- Mowqifka iyo go,aanka laga qaadanayo gumeysiga reer Yurub {Gobanimo}.
- Qaabka iyo Tilmaanta siyaasadeed ee Qaranka cusub iyo
astaanta Dowlada.
Arimahaas waxaa si weyn looga akhrisan karaa Taariikhda iyo Suugaanta
xilligaas ey ka tageen labada nidaam, taas oo laga fahmi karo in
khilaafka u dhaxeya Wadaadka iyo Waranlaha yahay mid Siyaasadeed, ee
uusan aheyn mid diimeed.
Cali dhuux oo ahaa Abwaan iyo Feylasuf ku hadla magaca nidaamka
Waranlaha, ayaa si cad u qeexay khariidhada afkaarta waranlaha ee ku
aadan arimahaas. Issaga oo si cad u qeexay fahanka uu ka heysto:
- Shacabka oo uu ka dhigay, kuna saleyey issir iyo qabiil gaar ah.
- Si wadar ahaaned loo kala qorto Wacad iyo Axdi nidaamiiya
nolosha Siyaasadeed ee tolka.
- Asteeynta Caasimada dowlad uu ka dhistay khayaalkiisa.
- Calaamadinta xuduudaha qaranka, iyo xiriirka arimaha dibada.
Dhankooda Nidaamka Wadaadka Ayaa si mugdi ku jiro uga hadlay aragtida
Qaran iyo Dowlad {dalkaba adinkaa lehe Dowlad maad u noqotaan?} {hadaan
waayey Calan ley nashiro tan iyo Nayrobi. Miyaan waayay howd oo naq leh
iyo inaan Nugaal daaqo? }
Gacansaar iyo is-kaashi dhex maray Nidaamka Waranlaha iyo Isticmarka
ayaa horseeday in hardan dheer kadib si buuxda loo jabiyo Nidaamka
Wadaadka, isla mar ahaantaana laga fogeeyo nolosha Dhaqan/Dhaqaale iyo
Siyasadeed ee guud ahaan dagmada geeska afrika.
Qaar ka tirsan nidaamka Wadaadka ayaa ku dooda in Isticmaarka uu
adeegsaday xeelad iyo xirfado aad u sareysa, isaga oo si cilmiyeysan u
falkiyay in guusha la dhaxalsiiyo taageerayaasha isticmaarka, si ey u
dhameys tiraan mashaariicda qabyada ka ah gumeysiga, eyna ugu horeyso in
Nidaamka Siyaasada, Sharciga, Dhaqaalaha iyo Tacliinta dhamaantood
noqdaan kuwo laga soo min-guuriyay galbeedka.
Jabka gaaray nidaamka Wadaadka waxey horseeday iney galaan hurdo
dheer, waxeyna soo baraarugeen xilli furayasha cilmiga iyo awooda ey si
dhab ah u hanteen dad kale. Arrinkaas ayaa qaar kamid ah nidaamka
wadaadka ka dhigtay kuwo afkaartooda ku dhisantahay ciil iyo colaad loo
hayo Bulshada, Dowlada iyo guud ahaan Caalamka, iyaga oo nolosha ku
fiiriyay ookiyaal mugdi ah oo wax kasta u tusay shar iyo kheyr darro.
Dhinac kale Wadaadka ey afkaartiisa qabowdahay ayaa qaba aragti ka
gadisan taas hore, kuna dhisan in Aadanaha ku wada nolaadaan Nabad,
Cadaalad iyo Barwaaqo. Taas oo ah baadida ka maqan bulshada ku wada
dhaqan dagmada geeska Afrika. Waana arrin bilow iyo yididiilo fiican u
noqon karta dadka ku dhaqan dagmadaas, Laakiin waxaa caqabad ku ah laba
arimood:
- Afkaar iyo aragti ku dhisan Aqoon yari iyo Xikmad gaabni.
- Culeyska taariikhda laga dhaxlay aabayashii hore, hadey ahaan
laheyd Xiriirka gudaha iyo Kan dibada.
Duruufo heer gobol iyo heer Caalami ah oo isbadalay darteed, iyo
afkaarta iyo facillida ey dhaliyeen duruufahaas ayaa dhamaan Soomalida
Wadaad, Waranle iyo Wadaniba hor dhigay xaqiiq cusub oo ah in:
- Afkaarihii lixdamaadkii qarnigii tagay eysan ka gadmi Karin
Caalamka maanta, isla mar ahaantaana eysan Buuxin Karin himilada
Soomaalida cusub.
- Nabad iyo Xasilooni ka aslaaxda dagmada Geska Afrikana tahay mas,
uuliyad wadareed oo si siman u saran dhamaan shucuubta ku dhaqan
dagmadaas.
- Dadka ku hadla af- Soomaaliga la galiyo sadax khaanadood oo kala
ah:
- Dad Soomaali ah oo kaligood ku dhaqan dhul iyo wadan u gaar ah,
Arrinka ugu weyn ee haystana yahay sidii ey ku kala badbaadi
lahaayeen, una dhisan lahaayeen Maamul iyo Nidaam mideysan. {Jamhuuriyada
Soomaaliya }
- Dad Soomaali ah oo la nool dad kale, laakiin leh sarreeynta,
heystana talada iyo maamulka dalka { Jabuuti }
- Dad Soomaali ah oo la Nool qaaruumo kale oo ka tiro badan,
lagana heysto sarreeynta iyo talada dalka, {Soomaalida Kenya iyo
Itoobiya }
Hadii aan isticmaalno Sadaxda Soomaaliya, qolo kasta waxaa hor yaala
arimo ey tahay iney xal u helaan, si dhab ahna wax uga qabtaan.
Wax- garadka, Aqoonyahanka iyo Abwaanka Soomaalida ku jirta khaanada
kowaad waxaa horyaala sidii ey ku dhisan lahaayeen hanaan iyo nidaam
kala badbaadiya, mideeyana dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada
“Wadaad, Waranle iyo Wadaniba”. Sababtoo ah waxaa jira hardan iyo loolan
dhex maray labada Nidaam “Wadaad iyo Waranle” kaas oo ku saleysnaa
hanashada Maamulka iyo talada dalka. Gobolada manta loo yaqaan Puntland
waxaa dhamaadkii qarnigii tagay ka dhacay dagaalo lagu qubay dhiig tiro
badan, kuwaas oo ku dhamaaday in la wiiqay awoodii milatari ee Wadaadka
uu ku lahaa dhulkaas. Isamada oo ka duulayay xaqiiqda ka jirta dhulka oo
ah in la jabiyay nidaamka Wadaadka ayaa qabtay sanadkii 1998ka shirweyne
lagu gorfeeyay sidii loo dhisi lahaa Maamul sharciyad Siyaasadeed ka
heysta dadweynaha. Kaas oo Wadaadka siinaya xuquuq ku siman in uu gar u
leeyahay raadeynta nolosha, marka laga reebo tan Siyaasadeed.
Doorashadii sadaxaad ee ka dhacday Is-Maamul goboleedka Puntland,
ayaa u dhacday si ku dhisan Nabad iyo Cadaalad. Taas oo dadka ku dhaqan
goboladaas ka dhigtay kuwo ku talaabsaday Nabad iyo Xasilooni u horseedi
karta Horumar. Waa tusaale iyo tijaabo la xiriirta loolanka iyo xarig
jiidka u dhaxeeya Wadaadka iyo Waranlaha oo ku dhamaaday in la shiiqiyay
doorka Siyaasadeed ee Wadaadka, oo si toos ah u gudoonsaday in uu ku
hoos noolaado nidaamka Waranlaha, si loo badbaadiyo Nabada, Sharafka iyo
Maamuuska dadka ku dhaqan dhulkaas.
Dhanka kale Is-diiwaan galinta ka socota Jamhuuriyada la magac baxday
Soomaaliland oo lagu hubsanayo heybta iyo jinsiyada wadaniga ayaa astaan
cad u ah is-badal qoto dheer oo ku dhacay hab dhisanka bulshada. Cod
bixinta iyo kala xulashada Barnaamijka Siyaasadeed ee axsaabta
Soomaaliland, iyo sidoo kale kala doorashada dadka u tartamaya buuxinta
xilalka heyadaha dastuuriga ee qaranka ayaa muujineysa yididiilo ah in
is-badal dhinaca Siyaasada iyo Arimaha bulshada ah ka hanaqaaday
dhulkaas. Sababtoo doorashada ayaa ah hanaan xaqiijin Kara “Ijmaac”
dhinaca Xukunka iyo talada dalka ah, oo ku dhisan Talo-wadaag, Xukun
wanaag iyo Xisaabtan. Taas oo dhalin karta in dadweynaha oo ah asaaska
sharciyada Siyaasadeed, raali ka noqdaan, islamar ahaantaana adeecaan
hogaanka dalka iyo dadka.
Waana meelaha dhab ahaan ey ku kala gadisanyihiin Wadaadka iyo
Wadaniga. Sababtoo ah falsafada iyo aragtida wadaadka ayaa inta muuqata
ku dhisan laba qaab oo kala ah:
- In uu Sharciyad Siyaasadeed ka heysto xaga Ilaahay, cid kula
tartami karta ama ka xanyuubin kartana eysan jirin.
- In Sharciyada laga dhigo mid ku jaan go,an hubka iyo ciidanka ku
jira gacanta Wadaadka.
Waana gaf weyn oo dhinaca Siyaasada iyo garaadka xaga Sharciga ah, kaas
oo ku daabacan fikirka Siyaasiga ah ee nidaamka Wadaadka, iyo fahanka ey
ka heystaan macnaha “Dastuur/Miithaaq” oo ah qodobo iyo xeerar nidaamiya
nolosha Siyaasadeed ee bulshada, kuwaas oo yeelan Kara sax iyo khalad.
Aragtida Islaamka ee ku aadan Siyaasada waxey jeexday dariiq furan oo ah
in wada tashiga [Shuura} iyo cadaalada Islaamka gun dhig iyo tiir
dhaxaad looga dhigo talada iyo hogaanka bulshada. Waana wax u furan
ijtihaadka sharciga, hal abuurka caqliga iyo tijaabada Aadanaha iyo
Umadaha kale. Hadii aad akhriso dhaxalka iyo keydka Siyaasadeed ee
Muslimkii hore waxaad heli kartaa in khibrado badan oo dhinaca Maamulka
iyo Siyaasada ey ka kororsadeen dowladihii ku harereysnaa, gaar ahaan
Yurub iyo Iiraan oo laga bartay arimo ey kamid yihiin Diiwaanka,
Wasaarada iyo maamulka Dhaqaalaha.
Nidaamka Wadaadka waxaa isaga qasmay erayada “Garsoor iyo Dastuur” oo
u baahan in si qoto dheer loo saaro fasir iyo fahan dhinaca sharciga iyo
qaanuunka ah. Sidoo kale waxaa mudan in la kala saaro waxa lagu darsan
karo, ama lala wadaagi karo dad kale “Siyaasad“, iyo waxa aan marna la
yeeli Karin in lala wadaago dadka kale “Cibaadada”. Waana tan uu ku
fashilmay nidaamka Wadaadka oo ku guul dareystay qaabeynta Miithaaq
dhinaca Siyaasada ah oo laga dheehday ‘Waxyiga, Caqliga iyo Tijaabada
Umadaha kale” una noqda marjic loo laabto marka uu dhaco khilaaf iyo
ismaan dhaaf dhinaca Siyaasada ah. Taas oo meesha ka saari karta in mar
kasta loo gar dhigto qaraxa baaruuda iyo qoriga.
Hadii aan daraasad iyo qiimeyn ku sameyno nidaamkii T.F.G waxaa lama
huraan ah in la kala garto laba arimood:
- Heyadaha Dastuuriga iyo Axdi qarameedka oo ah gunta iyo asaaska
qaranimada.
- Dadka buuxiyey xilalka ugu sareeya qaranka oo aan inta badan
sharciyada Siyaasadeed oo dhameystiran ka heysan dadweynaha.
In kastoo Waranlaha buuxiyey xilalka sarsare uu ku tilmaanaa
fasaad iyo qalooc, hadana waxa uu dhistay sharci iyo xeerar
nidaamiya xiriirka u dhaxeeya golayaasha qaranka. Khilaafkii dhex
maray qaar kamid ah madaxda sare ee T.F.Gda ayaa muujiyey iney si
dhab ah ugu gar dhigteen Axdiga Qaranka iyo Golaha Baarlamaanka,
isaga oo qaf kasta uu doodiisa ku xoojiyey qodab ku xusan axdiga ama
go,aan ey meel mariyeen golaha Baarlamaanka, taas oo ah qiraal
cadeynaya in Sharciga iyo Bulshada leeyihiin sareynta.
Dhanka kale Soomaalida ku jirta khaanada sadaxaad Culimo iyo
Caamaba waxaa hor taala sidii ey isu waafajin lahaayeen heybta ey ka
s oo jeedaan Issir ahaan { Soomaali} iyo jinsiyadda ey yihiin Wadani
ahaan { Kenya/ Itoobiya }, taas oo siineysa, isla mar ahaantaana
saareysa xuquuq iyo waajibaad wadani ah.
Soomaalida ku dhaqan dalka Kenya si “Ijmaac” ah oo aan kala har
laheyn ayey u aqbaleen iney yihiin Wadani Kenyan ah. Dhamaadkii
qarnigii tagay oo Kenya ey qaadatay nidaamka axsaabta badan, ayaa
dhalisay in Soomaalida Kenya kaalin mug leh ku yeeshaan Siyaasada
iyo dhaqaalaha Wadanka. Waxey qeyb libaax ka qaateen diidmada
Dastuurkii loo bixiyay "Bomas/ kaliifi" kaas oo ka hor imaanayay
danaha iyo masaalixda Somalida ku dhaqan dalka Kenya, iyagoo u
codeyay calaamada Oranjiga oo astaan u aheyd diidmada Dastuurka.
Sidoo kale waxey hab Dastuuri ah u hor joogsadeen "Xeerka la
dagaalanka Argagixisada" kaas oo la hor geeyay Baarlamaanka dalka
Kenya si loo meel mariyo.
Doorashadii ugu danbeysay 2007ka ayey Somalida Kenya muujiyeen
karti iyo galangal Siyaasadeed, iyaga oo codkooda ka dhigay wadiiqo
iyo buundo ey ku xaqiijiyaan danaha iyo maslaxada Soomaalida Kenya,
isla markaana ey ku gaaraan goloyasha Dastuuriga ah ee Dalka Kenya.
Maanta waxey si weyn uga muuqdan Heyadaha Amniga, Golaha sharci
dajinta, iyo fagaaraha ganacsiga iyo dhaqaalaha. “Guddiga
ganacsatada Islii” oo ah Dallad mideysa ganacsatad Soamalida Kenya,
gaar ahaan xaafada Islii ee dagmada Kamankuji ayaa la dhihi karaa
waa natiijo ka dhalatay u furfurnaanta axsaabta Siyaasadeed ee dalka
iyo Dimuqraadiyada ka hana qaaday Kenya .
Daadka ku Dhaqan Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiiya ayaa sidoo
kale aqbalay, raalina ka noqday Dastuurka Fadaraalka Itoobiya. Kaas
oo qiray in qoomiyad kasta dhisato Dowlad Deegaan u taagan
horumarinta dhaqanka, Afka iyo Dhaqaalaha, lehna dhamaan kaabayaasha
Nolosha Siyaasiga ah, sida Baarlamaan, Xukuumad, Garsoor iyo Boolis
hanan Kara Nabada iyo Xasiloonida Dowlada Deegaanka Somalida Itobiya.
Arrinkaasna ma ahan hadiyad si fudud lagu helay, ee waa mirihii laga
gurtay halgan iyo dadaal dheer oo naf iyo hanti badan loo huray,
kaas oo hormuud ey ka ahaayeen qowmiyadaha Somalida iyo Tigreega, oo
dal weynaha Itoobiya u horseeday is-badal dhinacyo badan taabtay.
Dagaalkii dhax maray dalalka Itoobiya iyo Ereteriya sanadkii
97/98kii qarnigii tagay ayaa muujiyay in Dowlad Deegaanka Somalida
kaalin mug leh uga jirto difaaca dalka, taas oo adkeeysay heybta iyo
ahaanta wadaniyadadeed ee dadkaas. Isla mar ahaantaana muujisay in
dadka ku dhaqan Dowlad Deegaanka Soomaalida gundhig iyo asaas u
noqon karaan Nabad ballaran oo ka aslaaxda dagmada geeska Afrika.
Waxaa is-badalay fikradihii ku dhisnaa is-moodsiiska, taas oo
Soomalidii hore ka dhigtay kuwa aan aqoon xeel dheer u laheyn
hab-dhismeedka iyo khariidada Dimuqraafi ahaan u kala daganyihiin
qowmiyadaha iyo issirada ku dhaqan dalalka Itoobiya iyo Kenya.
Waxaa jira sadax arimood oo Somalida Itobiya dhigay halka ey maanta
yaalaan:
- Xukunkii hore ee Itoobiya oo cadawnimo qorsheysan iyo Issir
sifeyn kula dhaqmay Soomaalida.
- Maamuladii jamhuuriyada Soomaaliya oo siyaasado iyo afkaar
guracan ka lahaa dhulkaas, taas oo ka dhigtay goob milatari iyo xero
jabhadeed.
- Garaadka dowladnimo iyo wacyiga wadani oo ku yaraa dadka ku
dhaqan dhulkaas, taas oo ey sii adkeysay duruufaha dhaqan/dhaqaale.
Arimahaas oo isbiirsaday ayaa horseeday in Wax-garadka,
aqoonyahanka, abwaanka iyo culimada si ula kac ah u badalaan heybta
iyo jinsiyada, si xilal iyo jagooyin sare uga qabtaan dowlada kale.
Hadii aan ilelys badan ku ifino Dowlad Degaanka Somalida Itobiya
{Somali Reginal State} waxaan heli karnaa in lagu jiro xilli kala
guur ah, oo laga guurayo xaalad ku tilmaansan nidaam xumo iyo kala
danbeyn la,aan, loona guurayo Sharci, Nidaam iyo kala danbeyn.
Xaalada hore waxaa hor jooge ka ahaa Nidaamka waranlaha kaas oo:
- Xiriirka bulshada ka dhigay mid ku dhisan cabsi iyo
walbahaar.
- Dhaqashada iyo lahaantana ka dhigay mid ku qotonta muruq iyo
awood.
- Garta iyo Cadaaladana galiyay waranka caaradiisa.
Laakiin xilligan danbe ayaa la dhagax dhigay xaalad ka gadisan
taas hore. Iyada oo laga shidaal qaadanayo is-badalka Dhaqan/Dhaqaale
iyo Siyaasadeed ee ka curtay Itoobiya ayaa laga guuray falsafada
nidaamka Waranlaha, loona guuray nidaam Wadani ah, oo ku dhisan Xuquuq
iyo Waajibaad loo simanyahay, oo ey wadaagaan dad isku dal ah, laakiin
ku kala duwan Afka, Issirka iyo Diinta. Waa markii kowaad ee taariikhda
Siyaasiga ah Somalida Itoobiya si wadar-ahaaneed u yeeshaan maamul
mideysan, oo hab iyo hanaan casri ah u maareeya Dhaqaalaha, Nabadgalyada
iyo Cadaalada bulshada. Waxaa dhisan:
- Gole sharci dajin oo sameeya xeerarka, Lana xisaabtama
xukuumada.
- Gole garsoor oo u taagan hir galinta iyo adkeynta
cadaalada bulshada.
- Xukuumad u dhisan fulinta qorshayaasha Dhaqan/Dhaqaale
ee bulshada.
- Laamaha Nabadgalyada {Boolis} oo u taagan ilaalinta iyo
hanashada Nabada iyo Xasiloonida dalka iyo dadka.
Waxaa socda hirgalinta mashaariic dhinaca horumarka ah, sida Jidadka,
Biyaha, Is-gaarsiinta iyo tamarta korantada. Kuwaas oo qeyb laxaad leh
ka qaadan Kara is-badal dhinaca nolosha ah oo ka hanaqaada dhulkaas.
Inkasta oo falsafada iyo afkaarta Waranlaha turanturo iyo caqabad ku
tahay horumarka uu tiigsanayo nidaamka Wadaniga, eyna jiraan loolan iyo
xarig jiid dhinaca awooda ah oo u dhaxeeya labada nidaam, hadana waxaa
la garwaaqsaday in laga gudbo xaaladihii laga dhaxlay nidaamka Waranlaha.
Hirgalinta mashaariicda istiraatiiji ah ee dhinaca dhaqaalaha sida
biyo xireenka gobolka Godey oo ah mashruuc laga dhalin karo tamarta iyo
awood dhinaca korantada ah oo aad u baaxad weyn, loogana faa; iideysan
wax soo saarka dhinaca beeraha ayaa horseedi kara isbadal dhinaca
aragtida iyo afkaarta ah, oo la xiriirta danaha dhaqaale iyo wax dheefka
bulshada. Taasna waxaa sii xoojin karo in la helo farsamo iyo qaab la
isugu dheeli tiri Karo:
- Sugida iyo adkeynta Nabada oo daruuri u ah bulshada, waajib
saarana ah dadka haya xukunka iyo talada.
- Dhawrista xuquuqda iyo xoriyadaha madaniga ah oo daruuri u ah
bulshada rayidka.
Arinkaas ayaa waayo cusub u horseedi Kara bulshada ku dhaqan dowlad
deegaanka Soomaalida Itoobiya. Hadii ey bulshada tahay dhariga lagu
bisleeyo aqoonta iyo afkaaraha, isla mar ahaantaana tahay xididka laga
soo dhiraandhiriyo nidaamka dhaqan/dhaqaale ee dadka, waxaa hubaal ah in
caqiidada ijtimaaciga ah ee bulshada ku hadasha AF- Soomaaliga tahay
danta iyo wax dheefka tolka, taas oo adkeyn karta in la gaaro gobanimo
dhinaca bulshada iyo barwaaqo dhinaca dhaqaalaha. Fogaantaas oo lagu soo
dhaweyn karo in sharafka iyo maamuuska qofka lagu falkiyo, gundhigna
looga dhigo nabada sokeeye ee bulshada.
Arimahaas oo dhan waxa ey dhaliyeen is-badal dhinaca aragtida iyo
aqoonta loo yeeshay macnaha “Xoriyad, Cadaalad iyo Xuquuq “. Tusaale
ahaan Xoriyad waa qiime aad u weyn, uuna tiigsanayo qof kasta oo ku
dhaqan dunida, Taas oo lagu gaari karo in dadka ku wada dhaqan hal wadan
ey si heshiis ah u kala qortaan “Dastuur” nidaamiya nolosha dadka, Kaas
oo horseedaya in si cadaalad ah loo wadaago Talada dalka, loona qeybiyo
Hantida qaranka.
Hadii qaamuuska Siyaasada laga baaro erayga Xoriyadna waxaan filayaa
in uusan la ekeyn goosasho iyo madaxbaanani, ee waxa uu la egyahay in
si siman loo wadaago talada iyo kheyraadka qaranka, loona sinaado
Xuquuqda iyo Waajibaadka wadanka, iyadoo si weyn loo dhowrayo xoriyadaha
madaniga ah ee qofka, sida Rumeynta, Lahaanta , Hadalka iyo wixii lamid
ah. Mar hadii la yahay Afrikan ma jirta cid ku doodi karta in uu heysto
xuquuq iyo xoriyad dhameystiran, ee waxaa haboon in loo howl galo sidii
loo yareyn lahaa masaafada u dhaxeysay waxa qoran iyo waxa la qabtay.
Waxaa si caalami ah isu badal dareenka iyo baahida dadka ku dhaqan
guud ahaan dunida. Haadii xilligii lagu jiray dagaalka qabow ereyga
Awood uu ahaa midka leh mudnaanta kowaad, hada waxaa mudnaanta kowaad
leh ereyga Barwaaqo. Waana laba aragti oo ka tarjumaya is-badal laxaad
leh oo dhinaca falsafada nolosha. Handadaada ugu weyn ee heysata dadka
ku dhaqan Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya waa faqriga, gaajada,
jahliga iyo jirooyinka, taas oo looga bixi karo oo kaliya in la gaaro
barwaaqo sooran.
Arimahaas ayaa dhaliyay biseyl ah inaan laga tallaabsan Karin
xaqiiqda taalla dhulka, taas oo ah iney adagtahay in wax laga badalo
khariidada iyo juquraafiga siyaasadeed ee Caalamka. Saas darteedna ey
waajib wadani tahay in laga gudbo Colaadaha iyo Mashaakilka jira, hadey
ahaan laheyeen kuwa ka dhax taagan hal Dowlad gudaheed, ama ey ahaan
lahaayeen kuwa heer gobol ah.
Gunaanadka iyo gabagabadii nidaamka Wadani waxaa lagu tilmaami karaa
inuu yahay xariiqa iyo diilinta u dhaxeysa labada nidaam ee kale, isla
mar ahaantaana yahay tijaabo siyaasadeed oo ku dhisan caqli iyo cilmi,
kana fog caadifad qabiil, qomiyad iyo mid kalaba.
Sidoo kale Faaladadan waxey xambaarsantahay fariin ah in Wadanku
yahay lahaansho wadareed oo ey wadaagaan dhamaan dadka ku wada dhaqan
dhulkaas, waajib iyo masuuliyad akhlaaq iyo qaanuni ahna kawada
saarantahay sidii loo wada dhisan lahaa Nabad, Cadaalad, Dhaqaale iyo
Maamul suuban. Khilaafka iyo kala duwanaantana lagu maareeyo wada hadal
iyo is-qancin. Iyo sidoo kale in laga gudbo adoonsiga taariikhda, oo la
gaaro biseyl ah in la dhagax dhigo afkaaro xal waara u noqon Kara
dhibaatada maanta iyo tan mustaqbalka fog.
Maxamad Bukhaari Axmad
Bukhaari14@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan