SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SWEDEN

Baaq: Jaaliayadda Puntland ee magaalada malmö ee dalka swedan

Bismilaahi Raxmaani Raxiim
Asalaamu Caleykum Waraxmatulaahi Wabarakaatu
Salaanta Islaamka Ka Dib

Ku:wakiilka gaar ah ee Qaramada midoobey ee arimaha Soomaaliya Mr:Walad Cabdla
Ku:OA
Ku:Arab Leauge
Ku:Urur goboleedka IGAD
Ku:Ururka Islaamka


Dhamaan jaaliyada puntland ee swedan gaar ahaan magaalada malmö ee dalka swedan waxay taageersan yihiin isla markaana garab taagan yihiin bayaankii xukuumada dowlad goboleedka puntland iyo madaxweyne mudane cabdiraxmaan faroole ay ka soo saareen shirka jabuuti.


Waxay jaaliyada halkan ku cadeyneysaa inaysan taageeri doonin wax kastoo ka soo baxa shirka jabuuti maadama laga leexday nidaamkii waxqeybsiga ee 4,5 ka ee waxqeybsiga beelaha soomaaliyeed tan iyo shirkii carta iyo imbaghati sidoo kale marnaba jaaliyada puntland ee sweden iyo soomalida nabada iyo qaranimada jecel ma aqbali doonaan nidaam aan aheyn midka federalisamka.

Shirka jabuuti wuxuu soomaaliya u horseedi doona dagaal sokeeye iyo bur bur hor leh oo ku soo kordha soomaliya maadama uu yahay mid laga leeyahay dano qaloocan oo beelo gaar ahi wataaan ,shir ku sheega jabuuti wuxuu puntland u horseedi karaa mid ku riixa gooni isutaag.


Mar labaad waxgaradka soomaaliyeed waxay umada soomaaliyed u sheegeysa in shirka afduuban ee jabuuti uu yahay mashruuc walad cabdla iyo ismacill cumar geele wataan la rabo in soomaaliya god madow lagu rido aysan weligeed ka soo bixin.

Walad cabdala wuxuu baal maray hanaankii Soomaalida wax ku qeybsan jirtey sanadihii ugu danbeyey isagoo ka dhigay barlamaankii soomaaliyeed mid tiro iyo tayo beelay,waxaa cadaatay in walad cabdala uu rabo in beelaha koonfureed oo keliya inuu u qeybiyo barlamaankii umada u dhexeeyey somaali inteeda kalena raba mid uu u afduubo.


Ugu danbeyntii jaaliyada puntland ee swedan gaar ahaan magaalada maalmö waxaanu u sheegeyna uruurada caalamiga sida UN,MIDOWGA AFRIKA,IGAD iyo dhamaan beesha caalamka in aan taagersanahay garabtaanahay bayaankii dowlad goboleedka puntland ee soomaaliya.


wabilaahi towfiiq

cabdixafiid maxamed waberi
malmö swedan

La xiriir: abdi waberi <waberi1@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 2, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: