SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Madaxweynaw yaad Madaxweyne u tahay?

Cabdiqani makhtal Maxamed

Cabdiqanimakhtal@hotmail.com 


Doorashadii Madaxtinimadda Soomaaliya ee ka socotay Wadanka Jabuui ayaa waxa ay Guushii ku raacday Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ahaa Hugaamiyaha Ururka Dib u xoraynta Soomaaliya balse maalinimadii shalay ahayd Burburay sida uu Madaxweyne Shariif ku sheegay Khudbadii Caleema saarkiisa, Guushan ayaa kolkii horeba la saadaalinayey iyadda oo xubnaha Baarlamaanka qayb ka mid ahi ay ahaayeen ARS-ta uuna hugaamiye u ahaa Shariifku hase-yeeshee Maslax Maxamed Siyaas Barre ayaa laga filayn marnaba in uu gaadho kaalinka labaad waxase ay ku tusaysaa in shacabka Soomaaliyeed ay wali qalbiga ku siihayaan Madaxweyne Siyaad Barre

Shiikh Sariif Shiikh Axmed waa nin dhalinyaro da'diisuna waa 42 sano jir waana madaxweynihii ugu yaraa ee Soo mara Soomaaliya, Shariifku waa nin aan lahayn Aqoon Maamul oo durugsan, waana Nin Aftahan ah sidoo kalana is Rogrog siyaasadeed oo badan laga arkay intii uu MaslaxaSiyaasadda soo fuulay 2004

Madaxweyne Shiikh Shariif waxa uu Guulo badan ka soo hooyey Muddo lix bilood ah oo uu Maamulayey inta badan Gobaladda Soomaaliya wakhtigaas oo uu Gudoomiye u ahaa Midawgii Maxkamadaha Islaamka waxana Shariifka waagaas laga bartay in uu yahay Gees Dagaal yahan ah waxana uu waagaas dhiiri galin weyn siin jiray Dhalinyaradii u dagaalami jirtay oo uu Dagaaladda qaar la gali jiray markii ay is hayeen Ururka Argagaxiso la Dirirka

Inta Badan Gobaladii ay Xukumi jirteen Maxkamaduhu una badnaa Koonfurta Soomaaliya oo ay la dageen Dagaalo Sokeeye iyo Burcad qawlaysato ah ayaa ay Nabad ku soo dabaaleen waxana dib u soo noqday isku socodka Gobaladda ay xukumeen Maxkamaduhu uuna hugaan u ahaa Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed, shacabka Soomaaliyeed ayaa waxa ay lixdaa bilood ee Maxkamaduhu jireen ku sheegaan in ay u dhigan tahay 60 sano

Nabadii iyo Xasiloonidii kaliya kuma aysan ee kayn balse waxaa ay bilaameen Wada hadal iyo dib u heshiisiin beelaha Somaaliyeed ee Koonfurta degan iyo waliba Dhaq dhaqaaq Ganacsi oo xor ah oo ka bilawday K.Soomaaliya inta badana Dibadd jooga Soomaaliyeed ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho si ay u maalgashadaan oo kala horarsanayey Suuqyadda Muqdisho

Ka dib Dagaalkii aan geed ku gabadka lahayn ee ay Itoobiya ku soo qaaday Maxkamadaha sidoo kalena ay ku qabsatay inta badan Soomaaliya ayaa sababtay in Shiikh Shariif iyo Saaxiibadiisaa markaas galaan Duurka Gobaladda Jubooyinka balse balse Shariifku kuma uusan waarin sida Abu Maansoor iyo Xasan Turi oo kale, waxaana jirtay talo aan la isla ogayn in uu Wajeer ku tagay dawladaha Maraykanka iyo Kenyana isku dhiibay taasina waxa ay sababtay kala shaki iyo kala fogaansho Urur Diimeedyadii Maxkamadaha ku bahoobay

Madaxtinimadda Shariifka iyo Xoogaga ka soo hor Jeeda


Xoogagii la soo hooyey Guulaha aynu kor ku soo sheegnay maanta waa isku dab iyo baasiin midna midka kale bixin maayo, Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ay isku dhawaayeena waa qofkii ugu horeeyey ee Mucaaradda, Shiikh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah Culimadda Soomaaliyeed kuwa ugu Cilmiga badana ayaa dhawaan Magaaladda Nairobi waxa uu si kulul u dhaliilay Culimadda Joogta jabuuti uuna ka mid yahay Madaxweyne Shiikh Shariif , Culimadda Soomaaliyeed badan kooda ayaa Shiikh Shariif u arka in uu yahay Mujrib weyn oo ku gabanayey Markii hore Diinta Islaamka

Mucaaradda Shariifku kuma koobna oo kaliya Culimadda Soomaaliyeed ee waxaa kala oo jira Ururadda Hubaysan ee Diinta sida Alshabaab, Jabiso, Raaskabooniyiin IWM in ay ka soo horjeedaan Dawladda Shariifka ayna khatar tahay in uu dagaal culus oo diimeed ay xaaladda Soomaaliyeed isku rogto, waxaana Guul daraystay Culimadii dhex dhexaadinta oo aantalo faro ugu jirin sidoo kalana inta badan koonfurta Soomaaliyana iyaga ayaa gacanta ku haya Xildhibaanadda iyo Madaxweyne Sharifna sida ay u tagaan baaba adag

Puntland iyo Somaliland


Labadan Maamul ee is xiga waxa ay ku dhawaaqeen in aysan taageersanayn waxa ka soo baxa Shirka Jabuuti sidoo kalana aysan Cidba u dirsanayn, Puntland waxaa ka soo jeeday Madaxweynihii iscasiley Cabdilaahi Yuusuf Axmed sababihii uu isku casiley ee ay Nuur Cadde isku maan dhaafeena waxaa ka mid ahaa Shirka Jabuuti oo uu u arkayey hal Beeli in ay wadato, waxaana adag sida Maamulka Cusub ee Puntland oo uu dardaar adag uga tagay Madaxweyne Yuusuf ay u hugaansaaan Madaxtinimadda Shiikh Shariif

Somaliland waxa ay sheegatay mar hore in ay ka go'day Soomaaliya inteeda kale sidoo kalan waxa ka socda Koonfurta iyo Puntland aysan u oolin mar Madaxweyne Riyaale la weydiiyey Shirka Jabuutina iyo mas'uuliyiinta jooga in uu la kulmay, waxa uu sheegay hadii Somaliya yeela to hal Madaxweyne oo ay u wada dhantahay in ay la hadlayaan balse inta isbarbaryaaca dhibaatadda badan jirto aysan shirarkooda iyo wada hadalkoodaba u oolin

Siyaasadda Dibadda ee Madaxweyne Shiikh Shariif


Siyaadda Arimaha Gudaha ee Madaxweynaha Cusub waa taas aynu ka soo sheegaynay balse Siyaasadiisa Dibadda ayaa ah mid uu taageero balaadhan ka haysto ka dib tanaasulaad badan oo uu beesha Caalamka u sameeyey ayna ka mid tahay balse waa Madaxweynihii ugu horeeyey Aduunka oo aan Caleema saarkii hal madaxweynana uusan ka soo qayb galin abid,Madaxweyne Shiikh Shariif waa nin ay beesha Caalamka ku kalsoon tahay ahna qunyar socod laakiin Gudaha dalka Soomaaliya taageeradiisu waa ay sii tirtirmaysaa, sida uu ula dhaqmo Wadamadda Dariska ahna waxa ku xidhan kalsoonida uu ka helo Kooxaha Hubaysan

Dawladda Itoobiya oo ah Dalkii ku soo duulay Soomaaliya, shacabka soomaaliyeedna ay aaminsan yihiin Xukuumadda Melez aysan Diyaar u ahay Dawladda Soomaaliyeed oo dhalata, Dawladda Masar iyo Eleteriya oo markii horeba taageero balaadhansiiyey Shariifka ayaa waxa ay taageeradoodu ku xidhan tahay sida uu Itoobiya u la dhaqmo

Siyaasadii Arimaha Dibadda ee Shiikh Shariif waa mid aad u waangsan hadii uusan wax xidhiidh sokeeya ah la yeelan Dawladda Itoobiya waxaana macquul ah in uu Taageero balaadhan ka helo Xoogaga hubaysan qudhooda balse Cadaadiska Melez iyo soo dhaweynta uu durba muujiyey waxa ay tahay Qar iska xoor

Maxaaa La gudbon Madaxweyne Shiikh Shariif


Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa horyaal Amuro Adag oo waa weyn una baahan in sida ugu dhakhsiyaha badan loo taabo galiyo, Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa loo doortay in uu dalka Soomaaliya oo ay ka taagan yihiin Dhibaatooyin Bini Aadaminimo iyo waliba Amaan daro, Kooxaysi in uu Mideeyo hal dalna ka soo saaro oo xasiloon

Xoog iyo is maquunis hadii la isku qabsan karo Itoobiya ayaa Cabdilaahi Yuusuf Dalka u qaban lahayd balse Talaabadda ugu Haboon waxa ay tahay in uu Tanaasulaad iyo is qancin la yimaado si qolyaha ka soo horjeeda ay soo dhaweyn uga helaan,

Magacaabista Raysulwasaare Soomaaliyeed oo bulshadda kalsooni ku leh, sida uu ku sheegay Khudbadiisii Caleemasaarka Mr Shariif waxa uu ku tilmaamay Raysulwaasare Tayo leh in uu soo magacaabi doono, Raysulwasaaraha iyo Xukuumadda uu soo dhisi dooni sida ay shacabka Soomaaliyeed ugu dhadhamaan aysana noqon kuwa hore ugu cusbaa amase aan wax qabad hore lahayn

Aabuuridda Ciidamado Soomaaliyeed oo tayo leh sugana Amniga Soomaaliya sidoo kalena hela Baahiyaha ay u baahnaayeen ayaa looga bixi karaa dhibka jira, Soomaaliya maanta uma baahna Ciimadami shisheeya waxana ay Abuurayaan Dagaaloa iyo Mashaakilaad hore waana in uu Madaxweynuhu ka saaraa kuwa hadeer jooga si uu taageero uga helo shacabka Soomaaliyeed

W/Q
Cabdiqani Makhtal Maxamed
Cabdiqanimakhtal@hotmail.com
cmkahtal@hotmail.com
 

 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 2, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: