SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Daladda SOYDEN oo Saddex Bilood tababar Saxaafadeed u furtey Dhalinyaro

SAWIRRO: Sawiradda Halkan ka daawo....

Daladda isku xirka iyo horumarinta dhallinyarada Somaaliyeed (SOYDEN) ayaa maanta qabatay xaflad ay tababar saxaafadeed ugu furtay in ka badan 90-dhallinyaro ah isuguna jira Wiilal iyo Gabdho.

Xafladda ayaa waxaa ka hadlay xubno badan oo uu ka mid yahay guddoomiye ku xigeenka SOYDEN Cismaan Maxamed Cabdi (DAALLO), isagoo xusay in tababarkan uu yahay mid ay ku doonayaan inay kusoo saaraan suxufiyiin Soomaaliyeed oo dadkooda u shaqeeya.

"Ujeeddada ugu weyn ee aan ka leenahay tababarkan waa inaan dhallinyarada Sooamaliyeed ee dhameystay waxbarashooyinka Iskuulada iyo Jaamacadaha ka dhisno mihnadda saxaafadeed, si ay ugu shaqeeyana shacabkooda, maadaama xilligan uu yahay xilli warbaahintu ay horay u martay" ayuu yiri Daallo.

Cismaan Daallo wuxuu ku boorriyay dhallinyarada Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan kuwii loo furay tababarka inay ka faa'iideystaan tababarkan oo lacag la'aan ah soconna doona muddo 3-bilood ah, isagoo xusay in qaybo badan laga barayo Saxaafadda.

"Dunidu waxay gaartay horumar, waxay la dagaalamaan xaalufka dalkooda iyo amaan xumada, balse anaga waxaan gacanta ugu jirnaa amaanxumo iyo xaaluf dhalinyaro, maadaama dhalinyaradeenu ay go'aasadaan intii ay dalkooda dhisi lahaayeen tahriib" ayuu yiri guddoomiya ku xigeenka SOYDEN Cismaan Daallo.

Xaflada yaa waxaa sidoo kale ka hadlay agaasimayaasha qaar ka mid ah idaacadaha, sida Agaasimaha HornAfrik Siciid Tahaliil Axmed, Agaasimaha ku xigeenka Banaadir Cali Madoobe, xuhno ka socda ururrada saxaafadeed sida Ururka saxafiyiinta haweenka Soomaaliyeed ee (SOWJA) oo ay u hadashay Xaawo Kiin iyo sidoo kale madaxa wargeyska Bilan Safiyo Abuukar Karaani.

Madaxa Shaqada ee hay'adda Suxufiyiinta Qaranka Somaaliyeed (NUSOJ) C/rashiid C/llaahi Xaydar oo isaguna hadal ka jeediyay xaflada ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in dhallinyaro tiradaan leh loo furo siminaar saaxaafadeed, ururkoodana uu diyaar u yahay inuu gacan ka geysto tababarida suxufiyiintan.

Dhamaan mas'uuliyiintan waxay sheegeen ballana ku qaadeen inay dhallinyarada ugu wanaagsan ee kasoo baxda tababarka ay siin doonaan shaqooyin, isla markaana ay horumarin doonaan xirfadahooda saxaafadeed.

Hormuudka Jaamacadda Green-Hope qaybteeda Muqdisho Prof. Tooxoow oo isaguna hadal kooban ka jeediyay kulanka ayaa uga digay dhallinyarada inay ka caajisaan waxbarashada, isagoo sheegay in Somalidu ay xiisaalayaal yihiin

Kulanka ayaa laga sheegay in saxaafada aan laga taajirin, balse ay leedahay Magaca, waxaana laga sheegay madasha kulanka in barayaal ay ka yihiin: C/raxmaan Cumar Madoobe (Dalmar) iyo Axmed Maxamuud Dhicisoow.

Tababarkan ayaa noqonaya kii ugu baaxada weynaa ee Muqdisho looga furo dhallinyaro la barayo saxaafadda, iyadoo SOYDEN lagu amaanay dadaalka ay sameysay.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 2, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: