SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
PUNTLAND - QAFAAL

Odayaasha Gobolka Nugaal oo Bayaan ka soo saaray Dadkii Loo Gacan Geliyey Itoobiya.

  • Waxaa la saaray Guddi ka kooban 9 xubnood oo arrinta xal ka keena....

SomaliTalk.com | Garoowe May 5, 2008


Magaalada Garoowe waxaa Isniintii May 5, 2008 ka dhacay kulan aad u ballaaran oo looga hadlay dadkii Soomaaliyeed ee laga qabtay Puntland [24/04/2008/ - 01/05/2008] ee loo gacan geliyey Itoobiya.

Nadaddoonada, culimaa'udiin, Cuqaasha iyo waxgaradka Gobolka Nugaal kulanka ay yeesheen kaddib waxay soo saareen baaq tibaaxaya in shacabka ku dhaqan Gobolka Nugaal iyo guud ahaan Puntland ay aad uga xun yihiin dadka Soomaaliyeed ee loo gacan geliyey Itoobiya, waxaana maamulka Puntland laga dalbaday in ay caddayn rasmi ah ka bixiyaan sidii ay arrintaasi u dhacday iyaga oo uga fadhiya maamulka Puntland in uu shacabka Puntland u caddeeyo arrintaasi sida ay ku dhacday.

Baaqa ka soo baxay Nabaddoonada iyo Waxgaradka Gobolka Nugaal waxaa lagu xusay qodobadan:

  1. Waxaan ka xunahay dhacdooyinkii ka dhacay Gobollada Puntland taariikhuhu markeey kala ahaayeen 24/04/2008/ - 01/05/2008 ee ku saabsaneyd dad Soomaaliyeed ee la qab-qabtay loona gudbiyay Dowladda Ethiopia ayadoon la marsiin sharuucda u degsan Maamulka Puntland. 
     
  2. Waxaan Dowladda Puntland ka dooneynaa iney gudato xilka amni ee kaga aadan ummadda ku nool Puntland gudaheeda.
     
  3. Waxaan ka dooneynaa Maamulka Puntland inuu cadeyn ka bixiyo kana qinciyo shacabka Puntland dadkii lagu qab-qabtay gudaha Puntland ee loo dhiibay Dowladda Ethopia.
     
  4. Waxaan kusoo dhaweyneynaa shacabka Ogaden kuwada noolaanshaha deegaanka Puntland si walaalnimo ah, isla markaana waxaan ka dooneeynaa iney ka fogaadaan falal amni xumo oo khal-khal gelin kara gudaha Puntland iyo Dowladaha aan dariska nahay.

Guddoomiyaha Guddiga isku xirka iyo horumarinta Gobolka Nugaal, Daahir Maxamed Faarax,  oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay sababtii kulanka loo qabtay, isla markaana loo soo saaray baaqa, in ay ahayd kaddib markii Puntland ay ka dhacday arrin aan hore uga dhicin oo ah in dad Soomaali ah la qabqabto oo loo gudbiyo Itoobiya.

Daahir Maxamed waxa uu intaas ku daray: "Qof waa la qaban karaa dembina waa geli karaa, laakiin arrinta dadka kicisay oo gobolladan kicisay waxay tahay iyada oo aan qofkii la marin hay'adihii sharciga Puntland ayaa qofkii la iska qabtay oo waxaa loo qabtay dawlad heblo iyo ku tiri kuteen sidii neef ari ah oo bahal dhexda kalal baxay. Arrintaasi waxay noqotay in dadka wax garadka ah ee saaxiibul caqliga ah ee isimada ah, nabadoonada ah, ganacsatada ah, in ay cabbiraan ra'yigooda ku aadan."

Odayaasha saxaafadda la hadlay kulankaas ka bacdi waxaa ka mid ahaa Nabadoon C/laahi Maxamed Aw-Ciise oo isaga oo maamulka Puntland la hadlaya waxa uu yiri: "Wixii maamulku sameeyey wixii aad sameyseen dhulka ka xalliya ha la yiraahdo, oo eedda iyo magaca waan idin la wadaagnaaye waxa xun ee aad samayseen kabaxa ha la yiraahdo. Nimankii waxaan sameeyey hala yiraahdo maxaa waxaan loo sameeyey. Maxay ku ahaatay .. maxay ku dhacday.."

caddeGen. Cadde Muuse oo Qiray in laba Nin Laga Kaxaystay Puntland iyo Xaaska Mid ka mid ah Ragga Laga Qafaalay ka warbixisay sidii ninkeeda looga qabtay Kantaroolka Garoowe..
Akhri  ama 
Dhegeyso ama mp3

Baaq cambaareyn ah oo sida wadajir ah usoo saareen Beelaha Absame iyo Adeerkood ee K/Afrika, oo Puntland ku wajahan


odayBaaq Cambaarayn Ah Oo ay Soo Saareen Waxgaradka Beesha Dhulbahante Ee Ku Dhaqan Muqdisho Iyo Ksmaanyo...


May 3, 2008: Cadde Muuse oo jooga Addis Ababa oo ka hadlay Burcad badeedda kaddib markii ay su'aalo weydiisey Idaacada Codka Maraykaanka...
Dhegeyso ama mp3


Dad laga afduubay Puntland oo loo gacan geliyey Itoobiya "haddii ay dhacday wa arrin qarsoodi ah, haddee qarsoodi Soomaaliya meel kasta waxbaa iska socda oo dhacaaya", wasiirka warfaafinta DGPL, May 3, 2008
Dhegeyso ama mp3


afqurac"Ilaa La Soo Celiyo Gobolka Sool ma Suurta Gelayso in Shidaal La Soo Saarayo" sidaas waxaa yiri Madaxweyne Xigeenka DGPL. Akhri


caddeGen. Cadde Muuse oo ku Laabtay Itoobiya
Madaxweynaha DGPL ayaa markale ku laabtay Addis Ababa, iyo warar kale oo GoosGoos ah. Akhri.. May 3, 2008

Waxa kale oo saxaafada la hadlay Caaqil Axmed Faarax Maxamed oo oo si kulul arrintaas uga hadlay waxana uu yiri: "Qabashada iyo dadkaas la yiri waxaa loo gudbiyey Gaalo oo gobolkeena laga qabtay oo islaamka ah, oo walaalaheen ah, waana ka xunnahay, waana ka xumaan doonaa wixii sidaas oo kale ah."

Hadallaada qaar ka mid ah cuqasha G/Nugaalka dhegeyso warbixinta Axmed Kismaayo oo ka tirsan Idaacadda Britsih Broadcasting Corporation:

Kulankii lagu qabtay Garoowe 5/5/2008 ee laga soo saaray baaqa, waxaa kale oo lagu magacaabay guddi ka kooban sagaal (9) xubnood oo loo xilsaaray inay xal ka keenaan ama xal u helaan arrimaha la xiriira dhacdadaas. Guddiga magacyadoodu waxay kala yihiin:

  1. Nabadoon Jaamac Samatar Surcad
  2. Nabadoon Khalif Aw- cali
  3. Nabadoon Mirre Xaaji Axmed
  4. Nabadoon Gaafaa Ciise Ibcad
  5. Nabadoon Siciid Faarax Nuux
  6. Cismaan Guureeye Kaarshe
  7. Sheekh Jaamac Cali liibaan
  8. Xaaji Yuusuf Jaamac Degel 
  9. Xaaji Cabdi Xaaji Yuusuf

Nabaddoonada, culimada, cuqaasha iyo waxgaradka Gobolka Nugaal ee Bayaanka soo saaray, waxna ka saxiixay, waxaa ka mid ah:

  1. Nabadoon Faarax Guureeye Kaarshe
  2. Nabadoon Axmed Cartan Cali
  3. Nabadoon Jaamac Samatar Surcad
  4. Nabadoon Siciid Faarax Nuux
  5. Nabadoon C/laahi Jaamac Ismaaciil
  6. Nabadoon Khalif Aw-Cali Axmed
  7. Nabadoon Ayax Cali Halow
  8. Nabadoon Gaafaa Ciise Ibcad
  9. Nabadoon Shaafici Xirsi Firito
  10. Samadoon Axmed Faarax Madoobe
  11. Nabadoon C/laahi Maxamed Aw- Ciise
  12. Nabadoon Khaliif Askar Qalyayax
  13. Nabadoon Maxamed Aden Cali (Degel)
  14. Nabadoon Mirre Xaaji Axmed
  15. Nabadoon Maxamed Faarax Buley
  16. Nabadoon Cabdi Diiriye Qoorad
  17. Nabadoon Cabdi Shakuur Axmed Maxamuud
  18. Sheekh Jaamac Cali Liibaan
  19. Dahir Maxamuud Faarax (Sanweylood)
  20. Maxamed Abshir Nuur
  21. Jaamac Maxamed Axmed (Dhegood)
  22. Maxamuud Ismaaciil Aw-Cusmaan
  23. Maxamuud Warsame Faarax
  24. Qaasin Maxamed Cabdi
  25. Maxamed Faarax Nuux
  26. Cabdi Nur Cilmi Koor
  27. Xassan Gureey Dusaaye
  28. Cabdulaahi Ciise Aw-Axmed
  29. Cabaas Cali Dheere
  30. Cabdi Casiis Axmed Hiirad
  31. Xaaji Yuusuf Jaamac Degel
  32. Cabdi Fataax Maxamed Cabdi
  33. Cismaan Guureeye Kaarshe

###

  • Codadka Shacabka ee ku aadan Dadka Loo Dhiibey Itoobiya:
    Waxaa fikirkooda ka dhiibanaya dadweyne kala jooga daafaha dunida sida Bariga Dhexe, K/Afrika, Minnesota, Washington DC, Nairobi, Jigjiga iyo meelo kale... Dhegeyso ama mp3 [xorriyo]

Baaq cambaareyn ah oo ka soo baxay Isimada, Aqoonyahanada, dhalinyarada- beelaha Reer bicidyahan oo ku wajahan Maamulka  Puntland.

Sidoo kale Akhri: Bayaan Ka soo Baxay Beesha Maxamed Cumar oo ku Saabsan Rag Laga qabqabtay Degaanada Puntlad oo loo gacan galiyey Ethopia.

###

Faafin: SomaliTalk.com | May 5, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS