SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
PUNTLAND - QAFAAL

Bayaan Ka soo Baxay Beesha Maxamed Cumar oo ku Saabsan Rag Laga qabqabtay Degaanada Puntlad oo loo gacan galiyey Ethopia.

Waxaa shir isugu yimid Nabdoonada iyo wax garadka beesha Maxamed Cumar maantay oo ay taariikhdu tahay 5/5/2008 shirkaas oo ka dhacay magaalada Galkacyo ayaa lagu falanqeeyey arrintii foosha xumayd oo ka dhacday dagaanka Puntland Gaar ahaa Gobolka mudug falkaas oo ay beeshu u aragtay inuusan ahayn fal laga aamusi karo.

Falanqayn dheer ka dib beeshu waxay soo saartay Go'aanadaan hoos ku qoran.

(1) waxaan Canbaaraynaynaa Falkii loogu gacan galiyey Ethopia dhalinyarada u dhalatay Beesha Absame oo dagaanada Puntland u yimid isku halayn ay ka qabeen dadka dagaanka laakiin ay hada la kulmeen mid aysan malaysanayn.

suldaanBaaq cambaareyn ah oo si wadajir ah usoo saareen Beelaha Absame iyo Adeerkood ee K/Afrika, oo Puntland ku wajahan.

odayBaaq Cambaarayn Ah Oo ay Soo Saareen Waxgaradka Beesha Dhulbahante Ee Ku Dhaqan Muqdisho Iyo Kismaanyo...

caddeGen. Cadde Muuse oo Qiray in laba Nin Laga Kaxaystay Puntland iyo Xaaska Mid ka mid ah Ragga Laga Qafaalay ka warbixisay sidii ninkeeda looga qabtay Kantaroolka Garoowe... Akhri..

(2) Waxaan ugu baaqaynaa walaalaheena Absame in ay san u qaadan in arrintaas foosha xun ay ku dhacday talo beeleed ee ay u qaataan arrin ay ku kaceen damiir laawayaal aan xeerinay Islaamnimada Somaalinimada iyo waliba Ehelnimada. Walaalyaal waxaanu idiin cadaynaynaa hadaanu nahay Beesha Maxamed Cumar in aanu arintaas aad uga xunahay.

(3) Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan Isimada, Nabadoonada iyo waliba shacabka Puntlad inay arintaas u is taagaan sidii cadaalada loo hor keeni lahaa cidii ku kacday iyo waliba cidii soo abaabushay.

(4) Waxaanu ugu Baaqaynaa Maamulka howshiisii Gabay oo dayacay dadkiisii iyo dalkiisii oo waliba hadda ku darsaday ka ganacsida dadka inuu iska casilo xilka ay ummaddu u dhiibatay.

Nadbadoona ka qayb galay iyo saxiixoodii

Nabadoon:Cabdulahi Faarax Bayle (Takarooni)______
Nabadoon:Axmed Muuse Nuur yare (Dabokariix)_____
Nabadoon :Siciid Gaanburi _________
Nabadoon:Cawil Baasawayne ________
Nabadoon :Cabdi Aadan Siyaad (Cabdi dheere)_____

Beesha Maxamed Cumar
Xarfo3@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 5, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS