SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
PUNTLAND - QAFAAL

Ragga Puntland dhiibtay maxaa ka dhalan doona?

Waxaa maalamahaan soo baxay warar sheegaya in maamulka P/land u dhiibay dawladda Itoobiya labo nin oo Ogaadeen Absame ah, kana mid ah madaxda ururka ONLF ee u dagaallama xorriyadda S/galbeed. Labada nin waxaa laga qabqabtay magaalada Garoowe, waxaana lagu wareejiyay dawladda Itoobiya. Haddaba waxaynu qormadaan ku eegaynaa saamaynta ay tillaabadaani ku yeelan karto maamul goboleedka P/land iyo shacbiga ku noolba. Waxaa kale oo aynu soo qaadi doonnaa bal waxyaabaha lagaga hortagi karo raadka xun ee uu falkaani ku reebayo xiriirka labada shacab iyo labada deegaan.

Ugu horrayn falkaani wuxuu dhaawac weyn oo aan ciyaar lagaga soo waaqsan Karin u gaystay sumcadda iyo sharafta dadka dega gobolada w/bari; maxaa yeelay:

a) Soomaali waa ay taqaan nin la iska dilo, waxaase ugub ku ah gaar ahaan goboladaan in cadaw gacanta la isu galiyo.

b) Qofka muslinka ah wuxuu walaalkiis muslinka ah xaq ugu leeyahay hiil, in uusan dulmiyin iyo in uusan cadaw u dhiibin.

c) Waxaa kale oo falkaan foolxumo kale u sii kordhinaya in dadka la dhiibay ay ahaayeen qaraabo isu arkaysay in ay joogaan dalkoodii, walaalohoodna aan loo soo dhaafi doonin.

d)Wararka qaarna waxayba tilmaamayaan in ay ahaayeen rag maamulku ogaa oo marti iyo maganba u ahaa.

e) Arrimaha dhacdadaan saamaynteeda sii weynaynaya waxaa ka mid ah in aanay labada deegaan iyo labada dad u dhexayn wax xumaan ah haba yaraatee oo tillaabadaani ay tahay xadgudub cad oo aan lahayn wax marmarsiiyo ah.

f) Abaaraha, go’doominta iyo xasuuqa lagu hayo dadka reer S/galbeed ee ragga la dhiibay ay ka soo jeedaan waxa ay keenaysay in loo gurmado dadkaas walaalaha ah dhinac walba, waxaana ugu yaraan ay ahayd haddii aan wax loo tarayn in la ammaangaliyo ee aan cadawga loo sii lug qaban.

g) Dad badan oo garanaya taariikhdii iyo dhaqankii wanaagsanaa ee ay lahaan jireen dadka dega goboladaan ayaa waxa ay liqi la’yihiin falka noocaan ah oo khilaafsan diinta, wadaninimada, dhaqanka wacan, sharafta iyo dhalashada ee maanta ay ku tillaabsadeen dad ku abtirsada dadkaan. Sannadahaan dambe maamulada iyo horjoogayaasha ka jira Soomaaliya oo maamulka P/land ka mid yahay waxay bilaabeen in ay dad u qabqabtaan gaalada ayaa nicib ama doonaysa, waxaana loo fahamsanaa diin yari, sharaf la’aan iyo dareenkii wadaninimo oo ka dhintay, waxayse dad badan la ahayd in aysan ficiladii dhalasho ka dhamaan, waxaase arrintaani caddaysay in aysan u baaqi ahayn waxa ka badan u khidmaynta iyo raalligalinta Xabshida.

Muran kuma jiro in guud ahaan dadweynaha goboladaani ka soo horjeedaan ficilkaan guracan, waxaase sannadahaan dambe caado u noqotay in ay ka aamusaan wax badan oo ay kharribayaan nimanka maamulka haysta, waxayse ila tahay inay tani noqon doonto tii lagu kala bixi lahaa, waxaana arrintaan si gaar ah uga hadlay ilaa iyo hadda culimada,iyo isimada ganacsatada iyo waxgaradka gobolka bari, waxaa kale oo socda dhaqdhaqaaqyo xooggan oo dal iyo dibadba ah oo lagaga hortagayo xadgudubkaan, in kasta oo ay soo baxayaan warar sheegaya in ay joogaan Garoowe ciidan iyo saraakiil Xabashi ah oo hawshaan qaqabashada kormeeray, lagana yaabo in la soo kordhiyo.

Waxaa kale oo la caddaynayaa in maamulka P/land la soo galay Xabashida heshiis adag oo aysan ka bixi Karin, waxna ka badali Karin, wacadka adag ee gaalada lala soo galena waa tii ay eedeen qabqablayaashii Xamar ee bal aynu eegno halka ay tanina ku dambayso.

Maxaa ka dhalan kara falkaan sirgaxan ee maamulka P/land ku tillaabsaday?

Shaki ma leh in falkaani gobolada w/bari iyo dadka ku abtirsada u keenayo dhibaatooyin farabadan haddii aan waxgaradku si buuxda ugu istaagin ka hortaggeeda iyo xallinteeda, waxaana ka mid ah:

1. isu socodka iyo is dhexgalka labada dad iyo labada deegaan oo joogsada sidii ay horay ugu kala go’een S/galbeed iyo S/land ka dib markii maamulka S/land sidaan oo kale Xabashida ugu dhiibay dad u dhashay S/galbeed.

2. kala aamin bax iyo is colaadin dhexmarta labada dad ee walaalaha ah oo gaari karta in nin walba halka uu ku tabar roon yahay ku aarsado, sida ka dhex dhacday S/land iyo S/galbeed.

3. In gobolada w/bari galaan go’doon buuxa; maxaa yeelay horay ayaa maamulka P/land uga qeybqaatay dhibtii Xabashidu ka geysatay koonfur, maamulada S/land iyo P/land-na horay ayaa colaadi uga dhexaysay, dhinaca baddana waa tan baryahaan dambe la isu fariistay halka kaliya ee si toos ah ugu furan deegankaani waxay ahayd galbeed oo hadda albaabkeeda la soo xirayo.

4. dhaqaalihii awalba liitay ee goboladaan oo si buuxda dhulka u gala ka dib marka isu socodka iyo ganacsigu joogsado.

5. in ay xirmaan badanka goobaha waxbarashada ee w/bari; maxaa yeelay dadka wax ka dhiga heerarka kala duwan ee waxbarashada waxay u badan yihiin dad Soomaaliweyn ah oo inta badan ka yimid S/galbeed iyo koonfurta dalka oo aan iyaguna joogi Karin mar haddii kuwii dadkaan la dhashayba la beec geeyay.

6. in ay soo dedejiso burburka P/land oo awalba la il darrayd maamul xumo, khilaaf hoosaad, amni darro, dhaqaale xumo, sumcad xumo iyo faragalin shisheeye.

7. dhinaca siyaasaddana waxaa ka dhalanaya:

a) in uu burburo isbahaysigii siyaasiga ahaa ee Col. C/lahi Yuusuf la galay siyaasiyiinta beelaha Absame ee dega koonfurta Soomaaliya.

b) In uu samaysmo isbahaysi Soomaaliweyn ah oo ka dhan ah P/land.

c) In qabqablayaasha Soomaalida kale (koonfur, woqooyi iyo kuwa reer P/land ee xoogaaga laga qadiyay) oo isku duuban, kuwa reer P/land-na ugu caraysan Xabashida ay uga hoosmareen ay wax kasta u saxiixaan Xabashida, iyaduna ay u fasaxdo in ay kuwaas ka xayuubsadaan daar-dhuuqa ay meesha ku haystaan.

8. In maamulka P/land si buuxda magan ugu noqdo Xabashida oo uu waayo meel kale oo uu irkado ka dib marka ay ka jarto xiriirka walaalnimo ee ay la lahaayeen deegaanada iyo qabaa’ilka Soomaaliyeed, colaadna ay dhex dhigto, horeyna ay uga jartay xiriirkii Ilaahay. Waxaa waliba aad u sii xoojinaya khatarta arrintaas burburka iyo khilaafaadka gudaha ee u dhexeeya qabaa’ilka ama siyaasiyiinta reer w/bari.

9. Waxaa janaazo lagu tukanayaa qaraabo la isugu gurmado ama la isku xiriiriyo iyo magan la isku ilaaliyo oo ahaa wixii ugu dambeeyay ee Soomaalidu tixgalinjirtay; maxaa yeelay horay ayaa loogu tuntay muslinimo la isgu hiiliyo ama lagu kala amaan helo, wadaninimo iyo darisnimo la isku xaq dhawro.

10. Waxaas oo dhan waxaa isku fuuqsanaya taariikhda fooshaxun ee buugga u galaysa dadkaan iyo carada Ilaahay iyo ciqaabtiisa oo la bartay inay dulmiga noocan ah oo kale ku soo degdegto aakhiro ka hor, markaas oo aanu ka fakanayn kan ka qeybqaatay iyo kan kale midna.

Maxaa dhibaatadaan lagaga hortagi karaa?

Dhab ahaan waxa meesha ka dhacay waa wax weyn oo fajiciso ah, wax ka qabdkeeduna wuxuu u baahanyahay wax aad u weyn. Ilaahay ayayna arrintu gacantiisa ku jirtaa, wixii uu sahlana way fududaadaan, meeshana rag wax walba gala ayaa jooga, Soomaaliduna waxay dhahdaa: (rag wax aan naftiisa ahaynba maaree). Haddaba aynu wax ka tilmaano walxaha lagu xakamayn karo duufaanta ka dabayn karta masiibadaan waxaa ka mid ah:

1. In ay dhammaan waxgaradka deegaanadaan (culimo, isimo, nabadoono, aqoonyahano, siyaasiyiin, ganacsato iyo nin doorka kaleba) si wadajir ah uga hadlaan ceebta iyo gunimada u soo hoyatay goboladaan, ayna cambaareeyaan, kana bari noqdaan, isla markaana ay ka bixiyaan cududaar rasmi ah. Tillaabadaan oo ay tahay in aysan u kala harin qabaa’ilku. Waxaa kale oo kaalin weyn ay tahay in ay ka qeybqaataan jaaliyadaha dibadda.

2. In isimada iyo baarlmaanku ka soo saaraan arrintaas qaraar cad oo loo dhanyahay, lana xaddido ciqaabta uu yeelanayo ninkii ku xadgudba, isla markaana si rasmi ah loogu dhawaaqo in aan arrintaan mar dambe loo noqon doonin.

3. In loo magacaabo xallinta mushkiladaan guddi heer P/land oo dhan ah oo ka kooban salaadiin, culimo, siyaasiyiin, ganacsato iyo aqoonyahan, isla markaana loo qoondeeyo kharash ay kaga salgaari karaan arrintaan.

4. In martiqaad loo fidiyo salaadiinta iyo waxgaradka ay ka dhasheen ragga cadawga loo dhiibay, si ka fool ka fool ahna loogala hadlo waxa dhacay iyo sidii loo wada xallin lahaa, mushkiladda aloosanna loo joojin lahaa inta xalka la gaarayo.

5. In nimanka falkaan ka dambeeyay la horkeeno isimada iyo baarlamaanka P/land, ka dibna laga qaado tillaabooyinka ku habboon.

6. In loo hawlgalo sidii nimankaas looga soo dayn lahaa cadawga loo dhiibay iyada oo ay si gaar ah uga hawlgalayaan arrintaas maamulka federalka iyo kan P/land oo la aaminsan yahay in ay qandaraaska wada qaateen, waana in loo qabto waqti ay arrintaas ku soo xalliyaan.

7. In jaaliyadaha gobolada w/bari ee dibaddu sameeyaan dhaqdhaqaaq lagu soo daynayo nimankaas cadawga loo loogay.

8. In dhammaan gobolada iyo deegaanada P/land u hawlgalaan sidii loo joojin lahaa aafadaan soo korortay.

9. In isimada iyo siyaasiyiinta oo isku duubani u gudbiyaan dalab hay’adaha iyo dawladaha ka qeybqaadan kara soo daynta dulmanayaashaas.

10. In culimadu ka soo saaraan fatwo sharci ah habka loola dhaqmayo ciddii ku tillaabsata falkaan oo kale.

11. In aad loogu wacyigaliyo bulshada khatarta ay leedahay arrintaan oo kale, loona adeegsado qalabka warbaahinta qeybihiisa kala duwan.

12. In la soo saaro go’aan loo dhanyahay oo caddaynaya in ninkii ku tillaabsada faldambiyeedkaan oo kale ay isaga ku gaar noqonayso, uusanna helayn cid uu kula galgasho iyo meel uu ku gabbado midna, loona dhiibi doono ehelka ciddii uu dadkeeda iibsaday.

Gabagabadii waxaa xusid mudan in faldambiyeedkaani u baahan yahay jawaab adag oo u dhiganta baaxadda dambiga, haddii aan loo bareerin qaadashada go’aamo kharaar oo adagna waxaa loo dulqaadan doonaa dhibaato ka adag tii laga gabbaday, balaayana ka hortag bay leedahaye ka dabatag maleh, caano qubtayna dabadoodaa la qabtaa ee fadhiga ha laga koco oo yaan la fiirsan halaagga la inaku wado.

Axmed C/samad

alwaqaar@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS