SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
PUNTLAND - QAFAAL

Baaq cambaareyn ah oo sida wadajir ah usoo saareen Beelaha Absame iyo Adeerkood ee K/Afrika, oo Puntland ku wajahan...


Suldaan Maxamed Xaaji Siraaji

“Puntland kabaheeda ayaan toleeynaa, iyaguna kafanteena ayay tolayaan, balse balaayada eey u kabogaliyeen, iyo xumaanta karkaar dhaaftay aan aragno meesha eey ku xuubsiibato, balse kalmadaydu waa “HA LA’IS NABAD GALIYO, WAA MIDAAN LA HUREYN”. Suldaan Maxamed Xaaji Siraat (Siraaji).

“Nacabkii Hogaan kugu xidhee,heeryo kugu qaata iyo kii ku hoosaasiyaa waa isla halkiisee”, sidaasi waxaa yiri Suldaan Maxamed Siraaji oo isaga oo soo gocanaya gabay uu Dhoodaan tirshey, baaq cambaarayn ah, mid canaan ah, iyo maati ceeymis ah ka jeedinayay Falal soo noqnoqdey oo maamulka Puntland eey ogu dhiibtey dhalinyaro kasoo jeeda Gobolka Ogadenya, ciidamada xabashida. Suldaanka ayaa saxaafada la hadlayay isagoo kasoo baxay shir arrintaasi looga wada hadlayay oo ay beelaha Absame iyo Adeerkood isugu yimaadeen Dalka K/Afrika.

Waxaa shir balaaran oo loogaga hadlayay falal soo noqnoqdey oo xukuumada Puntland eey xabashida ugu dhiibtey rag dhalinyaro iyo mas’uuliyiin ah oo kasoo jeeda gobolka Ogadenya, iyagoo lagu eedeynayo ka tirsanaanshaha ONLF, isugu yimaaday madax dhaqameedyo, siyaasiyiin iyo aqoonyahani beesha Absame iyo adeerkood ka kooban , kuna dhaqan dalka K/Afrika. Kadib saacado eey arrinta isla gorfeeynayeen ayay soo saareen baaq aad u xeeldheer oo laakiin taxadar badan uu ka muuqday.

Baaqa waxaa saxaafada siiyey Suldaanka Beesha, Suldaan Siraaji oo hadalkiisa murti iyo maahmaahyo ka buuxeen, isagoo raba in uu si dhab ah u dareensiiyo shacabka reer Puntland iyo xukuumada iyo dadka maatida ah ee ay dhibaatada ku dhacday meesha uu xaalka marayo. Hadalkiisa waxa uu ukala qeybiyey 3 qeybood.

Dawlada Puntland.

“Waxaan cambaarayn xoogan, xeeldheer, xarko goys ah, oo tii ugu xumeyd ah u direynaa maamulka Puntland ee aan markii hore bideyney in eey walaalaheena yihiin ee bilaabay in eey xabashi ku sooryeeyaan wiilasheena iyo dadka maatida ah ee kasoo cararay gumeysiga” ayuu yiri Suldaanka oo carro baddan eey wajigiisa ka muuqatay, wuxuu intaasi ku daray in maamulka Puntland uu galayo godob raad reebtey oo uu rag ka dabaaqtamo, isla markaana habaar iyo hardan isku birjab ah keeni karta, wuxuu xasuusiyey Puntland in eey yihiin dad sokeeya ah, islaam ah, oo islamarkaasina eey ka filayeen soo dhaweyn iyo in eey shacabka reer Ogadennya ola dhaqmaan si wanaagsan, balse eey aad nasiib darro u tahay in marxabayta xabashka loogu wanqalo wiilsha Absame.

“Puntlan waxaanu nahay dadka dad isugu xigga, ee wax kasta ee bini’aadam lagu xigsado eey wadaagaan shacabka reer Ogadenya, ama Absame, waa hadde wax kasta oo qof bini’aadam ah lagu xariiriyo, ama soo dhawaansho iyo sokeeyenimo lagu noqdo, war islaambaan wada nahay, Soomaali ayaan wada nahay, Daarood ayaan wada nahay, Waan isaga sii hooseeynaa, deegaan ayaan wadaagnaa, daris ayaan nahay, waan isla deganahay, waan iska dhex shaqaysanaa, oon is dhexmarnaa, Bal addiga ii sheeg waxa xariir ah ee kaasi ka dhow ee labbo umadood dhex mari lahaa, maxaysa tahay xariirka sidaasi u xeeldheer waxa ka muhiimsan ee asxaan iyo badbaado la’isu fili lahaa. Punland weey xarko jartay, balaayo ayayna u kabo galisay, ee aan aragno meesha eey ku xuubsiibato xamuulka xumaanta ah ee ay ku rarantahay?” ayuu yiri Suldaan Siraaji. Wuxuu ugu baaqay dawalada Puntland, gaar ahaan Madaxweyne Cadde Muuse in uu sida u dhaqasaha baddan arrintaasi wax ka qabto, oo raggii la dhiibeyna soo celiyo, kuwa hadda Bosaaso ku xirana la sii daayo oo xoriyadooda la siiyo.

Salaadiinta iyo madax dhaqameedyada Waqooyi Bari (Puntland).

“waxaan hawada idin soo marinayaa salaan qiimo baddan oo qaali ah, waxaan filayaa in aad codkeeyga maqli doontaan, haddaad tihiin Salaadiinta iyo Cuqaasha beelaha dega waqooyi Barri, xushmad iyo xurmo aan la koobi karrin ayaan idiin heeynaa, idinka iyo shacabka samo ka taliska ahba, waanan tuhunsanahay in aadan waxa dhacaya raali ka wada aheyn, balse baaq qeeylo dhaan ah ayaan halkan idiinka soo jeedinayaa, waxaan idinka codsanayaa in aad inta karaankiina ah isku daydaan joojinta falalkani dhacaya ee dhalintii iyo gabdhihii gumeysiga kasoo cararay , ee magantiina ku jirra ee muruqooda ku xamaalanaya, ee qofna aan xadin, cidna xasdin, xalaashana quuta, waxaan idinka baryeynaa in aad dadkaasi noo xafidaan, xanaano idinka fili meeyno, ee amaankooda noo xifdiya inta eey cududiinu xabaal ka sarayso. Waa baaq Nin Suldaan beelo u ah uu idiinkugu baaqayo, oo waa mid biyo kama dhibcaan ah”. Ayuu yiri Suldaan Siraaji, isagoo garwaaqsan awooda xadidan ee salaadiinta beelaha gobolkaasi dega eey ku leeyihiin waxa hadda socda iyo maamulka jirraa ee aan cidna u taxreebeyn.

Maatida iyo shacabka reer Ogadenya ee Ku nool Puntland.

“Ruuxii Hulaalee, ka taga hogobka ciidiisa, haytoroshku maganta u noqdaa ebed ka hooseyn” waa Tuduc ka tirsanaa gabay uu mariyey Dhoodaan, oo uu bulshada reer Ogadenya uu ku xasuusinayay suldaanka, Xeeldheerida oraahda iyo micnaha ka dambeeya, wuxuu sheegey in beesha meel kasta oo eey aduunka joogto eey si waafi ah ola socoto dhibaatada kala heerheerka ah ee heysata dadkaasi kumanaanka ah ee qoysas iyo dad dhalinyaraba isugu jira ee ku nool Puntland, hase yeeshee dhibaatada ugu daran eey tahay in qof nool sidii neef ari ah oo kale, cadow loogu loogo, waliba cadowgu kala duwane kii uu kasoo cararay ee gumaca ay isu heysteen, oo kaaga darane eey sidaasi yeelayaan dadkii lasoo miciin bidey ee walaalaha ahaa “ma ahan wax la malayn karro, oo qof damiir iyo dadnimo ah ah uu dhagaysan karro” ayuu yiri suldaanku.

Taliyaha Qaybta Gobolka Mudug oo Qiray in Itoobiyaanku Dad ka kaxaysteen Gaalkacyo
Ciidanka Itoobiyaanku iyagaa qabsaday nimankaas weyna kaxaysteen, waa RUN" G/sare C/shukri.. Akhri/dhegeyso

“waxaan idiinkugu baaqaynaa hadaynu nahay beesha absame ee dibadaha ku nool, in aadan wax talaabo ah qaadin oo aargoosi ah,ama qaldan, waayo ninka walaalkii dhurwaa afka u galiyay isagaba ma noola, waxaan idinka codsanaynaa in aad si mas'uuliyad ku jirto oo aad si wanaagsan oga fiirsateen, isla markaasina ka wada tashateen in aad jawaab oga bixisaan waxa dhacay, jidkana kusoo jirra oo aan ka warqabno qorsheyaal lagu dhiibi rabbo ilaa 400 oo qof oo xabashida eey Puntland ka codsatay in eey usoo dhiibto. Jawaabta aad bixinaysaan waxa eey tahay Soomaaliya waxaa ka mid ah meelo amaankiina iyo sharaftiina eeysan cidna wax dhimeyn, oo eey ku noolyihiin dad walaalahiin ah oo aad wax kasta wadaagtaan, imaanshihiinana xiise u qaba, meelshaasina waa gobolada Jubooyinka, halkaasi u guura, oo go’aan ka qaata walaalihiin raxanta dhurwaayada ah hilbihiina ku quudinaya, koley wax ma garatonimo ayaa u geeyneysa iyo gaalo ka cabsi”.

Suldaan Maxamed Xaaji Siraad (Siraaji) ayaa shaaca ka qaaday in eey jiraan qorsheyaal eey xogtooda heleen oo ka hadlaya, tiro boqolaal ah oo xukumada Puntland eey tahay in eey u gudbiso Xabashida, si taasi isku mid oga dhigto Somaliland oo iyadu falkaasi dhowr jeer samaysan, illaa hadana wada , sidaasi darteed wuxuu ugu baaqay in eey dadka shacabka ah ee gobolaadaasi ku nool eey usoo wada guuraan gobalada jubooyinka, oo uu yiri “waa go’aan wada jir aan u gaarnay, hadaan nahay beesha Absame”.

Wuxuu kaloo baaq u jeediyey dadka ehaladooda ama qaraabadooda eey Puntland Joogaan ee iyagu dibada ku nool in eey ka qeyb qaataan sidii dadkaasi eey ugu wareego lahaayeen deegaanada eeysan naftooda waxbo ku noqoneyn, wuxuu yiri “inta baddan jaaliyada dibada waan iska war heynaa, go’aankana waan wada qabnaa oo waa aan ka wada tashanay, laakiin dadka oo dhan war lalama wada gaari karo, sidaasi darteed waxaan ugu baaqaynaa dadka dibada jooga in eey dadkaasi tabaaleysan ka caawiyaan in eey usoo wareegaan Jubooyinka oo abni ahaan iyo dhan kastaba u dhaanta Puntland”.

Wuxuu ka codsaday qalabka warbaahinta in eey ka shaqeeyaan gudbinta fariimaha xaqqa ah, ee aan dadka isku direynin, wanaagana ka shaqaynaya, isla markaasina eey ka hadlaan dhibaatada shacabka soo gaartay, gaar ahaan wuxuu u baaqay saxaafada Puntland oo ku amaanay in qaar baddan oo ka mid ah eey xilkasyihiin, wanaagana ka shaqeeyaan.

FG: Baaqani waxaa si wada Jir ah usoo saaray Golaha Midnimida Absame iyo Adeerkood ee Koonfurta Afrika, iyagoo taageero ka heysta inta baddan jaaliyadana magacaasi ah ee dibadaha ku nool oo eey xariiro sameeyeen.

Dad laga afduubay Puntland oo loo gacan geliyey Itoobiya "haddii ay dhacday wa arrin qarsoodi ah, haddee qarsoodi Soomaaliya meel kasta waxbaa iska socda oo dhacaaya", wasiirka warfaafinta DGPL, May 3, 2008
Dhegeyso ama mp3

Barnaamijkii Aljazera ka soo duubtay Dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumaysato.. Halkan ka daawo

Daawo halkan....

Diiwaanka magacyada saxiixayaasha baaqa

  1. Suldaan xaaji Maxamed Siraad (Siraaji).
  2. Gudoomiye Maxamed Cabdi Diiriye (Qooqaani)
  3. Axmed Mahad
  4. Nabadoon Dugsiiye
  5. Nbadoon Caqiil Sh. Yuusuf
  6. Crashiir C/laahi
  7. Sheeikh C/laahi Sheeikh Cabdi Timacade
  8. Cali Sheekh Xassan (Cali yare)
  9. Nabadoon Nuux Cabduwahaab
  10. Maxamed Daahir Muxumed
  11. Axmed Dhancadde
  12. Maxamed Sahal Tube
  13. Cabdiraxmaan San Toore
  14. Cabdi Axmed
  15. Sheikh maxamed Cabdullaahi
  16. Axmed Xaaji Maqtal
  17. Bashiir Cabdullaahi
  18. Nabadoon Maxamed Xiis
  19. Nabadoon faarax maxamed Cumar
  20. Cabdi casiis Buste Giije
  21. Cabdifataax saadiq sayid
  22. Axmed Luqmaan Sayid
  23. Cabdi habarwaa.

Iyo qaar kale oo baddan oo aanan soo koobi Karin magacyadooda.

Si kastaba ha ahaatee, falkani Punbtland lagu eedeynayo oo eeysan waligeed qiran, isla markaasina eeysan xitaa soo hadal qaadin mararka qaarkood, ayaa la sheegayaa in uukala dhacay 22 april oo la dhiibey 2 mas’uul oo xilal sare ka haya ONLF iyo 8 dhalinyaro ah oo 2 may iyaguna laga qabtay magaalooyinkja gaalkacayo iyo garowe, iyo xittaa kuwa kale oo la sheegayo in eey ku xirayihiin xabsiyo Bosaso ku yaala. Lama oga sida baaqani eey u dhagaysan doonto xukumada Puntland, hase yeeshee waxaa la filayaa in eey baaqa u dhagtaagi doonaan labbada dhinac ee kala ah salaadiinta Puntland iyo dadkja maatiuda ah eel ala hadlayo.

Kasokow fariinta uu baaqa siddo ee cambaaraynta, canaanta, codsiga iyo maati ceeymiska isuga jira, fariinta kale ee ugu xooga baddan ee uu sido ayaa ah in aanan wax talaabo aargoosi ah oo dadka sii kala fogeysa la qaadin, taasoo ah fariin xeeldheer oo mug iyo miisaan siyaasadeed iyo biseyl dhaqameed leh, waayo falal noocaan oo kale ah oo Somaliland eey ku kacday, waxaa ka dhashay in labbada shacab eey fooda is daraan oo eey dhexmarto cadowtooyo eeysan markii hore isu heeynin, taana eey kaliftey falka xukuumada aan taageerada shacabka heeysan, si markaasi taasi looga fogaado ayay hogaanka dhaqanka xooga saarayaan wixii kale ee xal keeni karra in lagu baaqo.

Cabdinasir Axmed sh. Bashiir saxansoxo. Johannesburg, SomaliTalk.com
Email: saxansoxo1@hotmail.com.

Faafin: SomaliTalk.com | May 4, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS