SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
PUNTLAND - QAFAAL

Gen. Cadde Muuse oo Qiray in laba Nin Laga Kaxaystay Puntland....

Xaaska Mid ka mid ah Ragga Laga Qafaalay Puntland oo ka warbixisay sidii ninkeeda looga qabtay Kantaroolka Garoowe, Waraysi siisay Idaacada Codka Maraykanka....

  • Cadde Muuse: "...ciidan ayaa yimid, dad ayaa soo galay oo weliba Soomaali u badan ayaa nimankii soo wadey oo weliba qaraabo ah ayaa dhiibey ayaa la yiri labadaas nin..."
  • "Cabdullaahi Ciise Human Rights": Gaalkacayo raggii laga qabtay waxaa afduubay Ciidamo isku jira...
  • Hinda Ismaaciil: Ninkayga waxaa laga qabtay Kantaroolka u dhexeeye Boosaaso iyo Garoowe... Waxayan sheegtay ragga la qabtay inay ahaayeen 4 reer Ogaadeenya u dhashay iyo 2 reer Mudug ah...
  • Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo ak tirsan DFKMG ayaa sheegay in ilaa 10 qof Laga Qabtay Puntland...
  • Humar Rights Watch: Maamulka Puntland mas'uuliyad ayaa ka saaran in aysan dadka u celin wadamada laga yaabo in loogu geysan karo jir dil ama ciqaab

Waraysiyadaas ka dhegeyso Halkan ama mp3


Madaxweynaha DGPL. Gen. Gen. Cadde Muuse oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo waraysi Axad May 4, 2008 siiyey Idaacada Maraykanka ayaa qiray in laba nin oo Soomaaliyeed ay Itoobiyaanku ka kaxaysteen Puntland.

gen cadde muuse hersi puntland
Gen. Cadde Muuse, Madaxweynaha DGPL

afqurac"Ilaa La Soo Celiyo Gobolka Sool ma Suurta Gelayso in Shidaal La Soo Saarayo"
sidaas waxaa yiri Madaxweyne Xigeenka DGPL.
Akhri

caddeGen. Cadde Muuse oo ku Laabtay Itoobiya
Madaxweynaha DGPL ayaa markale ku laabtay Addis Ababa, iyo warar kale oo GoosGoos ah. Akhri.. May 3

Gen. Cadde Muuse markii la weydiiyey su'aal ahayd waxa uu ka ogyahay ragga lagu qabtay Gaalkacyo ee Itoobiya loo dhiibey waxa uu ku jawaabey: "Ma jirto, waxaa jirtey oo la ii sheegay niman yimi oo la raadinaayey oo soo galay oo ka soo baxsaday wixii ka dhacay Dhuusamareeb ayaan maqlay, laakiin war cad ma hayo."

Markaas ayaa weriyihu waxa uu Gen. Cadde Muuse weydiiyey: Iyagu waxay leeyihiin 6 qof oo dhallin yaro ah oo ku abtirsata dadka taageera ONLF ayaa (May 1, 2008) lagu qabtay Gaalkacyo waxaana loo gudbiyey ciidamada Itoobiya, sidoo kale April 22, 2008 laba nin oo ka tirsan golaha dhexe ee ONLF ayaa lagu qabtay Puntland oo iyagana loo gudbiyey Itoobiya sidaas ayey ku doodayaan.

Waxa uu markaas madaxweyanaha DGP ku jawaabey: "Tan ay ku doodayaan, TAN HORE WAA JIRTAA, annagu ma aanaan.. ee.. Puntland mana gudbin waana la ogyahay taariikhda inta jeer ee ay arrintaasi dhici lahayd ee Puntland ay weligeed diidi jirtey, laakiin sida aad u ogtihiin xuduudda inaga, meeshaas Gaalkacyo iyo xuduudu waxay isu jiraan wax yar, waxaan maqlay ciidan ayaa yimid, dad ayaa soo galay weliba Soomaali u badan ayaa nimankii soo wadey oo weliba qaraabo ah ayaa dhiibey ayaa la yiri labadaas nin, tan lixda weli ma maqal."

Gen. Cadde Muuse waxa uu difaacey wasiirkiisa Maaliyada Gaagaab oo uu yiri raggaas isagu ma dhiibin, waxana uu sheegay in uu isaga taas weydiiyey wasiirka.

Hay'adda "Cabdullaahi Ciise Human Rights" oo cadaysay Dad laga qabtay Galkacyo...

Dadka laga qabqabtay Gaalkacyo waxaa caddaysay hay'ad u dooda xuquuqda aadamiga oo fadhigeedu yahay magaalada Gaalkacyo oo magaceeda la yiraahdo "Cabdullaahi Ciise Human Rights".

Guddoomiyaha Hay'addaas oo ah Maxamed Aaden Muuse Caddoowe ayaa Idaacada Codka Maraykanka u sheegay sida dadkaas Gaalkacyo looga qabtay, waxana uu yiri: "Habeenkii Jimcada ayaa falkaasi dhacay [May 1, 2008] markey saacaddu ahayd labadii saac (fiidka) ayaa nimankaas la afduubay, waxaana afduubay ciidamo isku jira, halkan maamul ayaa ka jira ee nimankaan Itoobiyaanka ahi waxay wateen far mud oo waa loo far mudayey, sidaas ayaana nimankaas lagu qabtay - jaad ayaa loo dhigay oo rag Itoobiyoonka u shaqeeya ayaa nimanka jaad u dhigay, jaadkaas ayaa nimankii lagu qabtay."

Markii la weydiiyey halka ay Gaalkacayo uga sugnaayeen waxa uu Caddoowe ku jawaabey "Waxay ku sugnaayeen xaafaadda Israaca." Waxana uu sheegay in markii hore la qabtay 8 laakiin saddex la soo daayey oo la kaxaystay 5 sida la sheegay ayuu yiri. Waxana uu sheegay in raggaas lagu sheegay inay ahaayeen dhagax-layaal ah muruq-maal.

Hinda Ismaaciil oo ka hadashay sidii Ninkeeda Looga Qabtay Puntland

Hinda Ismaaciil oo ah xaaska Cabdi-Nuur Maxamed Sooyaan oo ka mid ah labadii nin ee April 22, 2008 laga qabtay Garoowe ee loo gacan geliyey Itoobiya ayaa ka haadashay sidii ninkeeda loo qabtay iyo markii ugu dambaysey ee ay wada hadleen, waxayna arrimhaas kaga hadashay markii ay waraysi May 4, 2008 siisay Idaacada Codka Maraykanka.

sweden
Safiirka Itoobiya ee Swedan: "Soomaalida Iswiidhan lacagta kaalmada loo siiyo argagixiso ayey u diraan" sidaas waxa uu ku sheegay waraysi uu siiyey Joornaal ka soo baxa Sweden.. Akhri...

Markii la weydiiyey halka lagu qabtay ninkeeda, Hinda Ismaaciil oo ku sugan magaalada Nairobi waxay ku jawaabtey: "Ina adeer-kiis oo Puntland lagu diley ayuu aadey, tacsidii markii uu aadey ee uu ka soo laabtay Boosaaso waxaa la ii sheegay in lagu qabtay kantaroolka u dhexeeya Boosaaso iyo Garoowe xagga bariga ah ee laga soo galo."

Goorma ayuu tegey Puntland markii la weydiiye waxay ku jawaabtey: "Puntland wax yar ayuu joogey oo aan badnayn oo aanu malaynayo inaysan ka badnayn toddoobaad."

Halkee ayuu ka yimdi isagu markii la weydiiyey waxay ku jawaabtey "Markii hore waxa uu ka tegey jabuuti" Waxana ay sheegtay inaysan inta badan meel kuwada noolayn oo uu ku jirey ONLF da'diisana ay ku qiyaastay 32-jir.

Intii aa la qaban ka hore markii kuugu dambeysey ee aad wada hadasheen goorma ayey ahayd markii la weydiiyey waxay tiri: "Talaadadii ayaa la qabtay (April 22, 2008) waxaana wada hadalay Isniintii, in aan Talaadada Makhribkii wada hadallona ayey ahayd ballantayadu, salaaddii makhrib markaan kabaxay ayaan la hadal is iri, telefoonkiina waa la iga qaban waayey, sidii aan u garaacaayey xilli shan saac oo habeenimo ah ayaa nin iga qabtay waxana uu igu yiri ninkii telefoonkaan lahaa shaqo ayuu aadey ee berri haddii ilaahyiraahdo kusoo celi, berridii markii aan garaacayna waaba damsan yahay (telefoonkii), laakiin isla makiiba gabar ayaa ii sheegtay oo tiri nimankii waa la qabqabtay, qolyaha Puntland ayaa qabtay oo booliskooda ayaa qabtay."

Markii la weydiiye in uu u sheegay in uu ammaankiisa u cabsanayey Puntland intii uu joogey waxay ku jawaabety : "maya iima sheegin sababtoo ah nin hubaysan ma uu ahayn, nin soo duulayna ma uu san ahayn, shakhsi Soomaaliyeed oo Soomaaliyi waa is dhex martaaye wadankii ayaan aadayaa oo carruurtii ayaan soo fiirinayaa igu yiri iyo gabadhii agoonta ahayd oo nimankii ayaan la soo xaajoonayaa ee lafahiisa in uu u baqanayo iima uu sheegin, lafihiisa haddii uu u baqanayo ma uusan aadeen."

BAAQA CAALAMIGA EE XUQUUQDA AADANAHA

Qod XIII

  1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu si xornimaa ugu dhex socdo una dego gudaha dal kasta.
  2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu ka dhoofo dal kasta oo uu ku jiro kiisa, kuna soo laabto.

Waxaa la weydiiyey in ay heshay wax uga warrama hadda meesha uu ku dambeeyey waxa ay Hinda ismaaciil oo ah xaaska Cabdi Nuur Maxamed Sooyaan ku jawaabtey : "Waxaa iigu war dambeysey in Garoowe laga soo qaaday habeenimadii iyagoo si xun u katiinadaysan oo loo xirxiray si aan bini'aadam loo xirxirin oo inta lagu wareejiyey Itoobiyaanka ilaa BOOKH laga soo dhiibey ayaa la ii sheegay, kaddibna Wardheer la keenay halkaas ayaana noogu war dambeysey, meel la geeyeyna ma sheegi karno, in ay dhintee iyo in ay nool yihiin ma sheegi karno."

Ninka kale oo la socdey ma taqaaney markii la weydiiyey waxay tiri : Haa si fiican ayaan u aqaanaa waxaan ala dhehaa Dhiire Caafi Cilmi waa nin isaguna reer Ogaadeenya u dhashay." Waxayna tiri waa nin oday da' dhexaad ah.

Hinda Ismaaciil waxa ay codsi u jeedisey hay'adaha xuquuqul insaanka u dooda sidii raggaas Itoobiya loo dhiibey nabad gelyadooda wax looga tari lahaa ay ku dadaalaan, waxayna sheegtay in ninkeeda oo keliya aysan ahayn ee ragga la qabtay ay ahaayeen 6 nin oo kala ah 4 reer Ogaadeenya u dhashay iyo 2 reer Mudug ah.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig: Ilaa 10 qof aaya Laga Qabtay Puntland

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo ka tirsan baarlamaanka DFKMG oo waraysi siiyey Idaacadda Codka Maraykanka ayaa sheegay in dadka laga qabtay Puntland ay ahaayeen dad shaqo u soo doontay dhulka, waxana uu sheegay in dadka ilaa hadda la qabtay ay tiradoodu gaareyso ilaa 10 qof.

Waxana uu xildhibaanku sheegay in uu aad uga xun yahay dadka Soomaaliyeed ee la ugaarsanayo.

Xildhibaan Xiddig waxa uu sheegay Puntland in aysan ahayn Booliis Itoobiyaan ah ee ay tahay Dawlad Goboleed ee dad ehel ahi ay madax ka yihiin. Qofkii ONLF ah ee itoobiya dembi ka galay Itoobiya ayey u taal sidii ay u raadsan lahayd ee ma aha in maamulka Puntland ama shacabka reer Puntland hawl iyaga u taal ma aha, haddii qofku uu ONLF ka tirsan yahay iyo hadduu cid kale ka tirsan yahay.. Haddii kuwaasi ONLF ka tirsanaayeen iyaga naftarkooda ayaa xuquuq leh oo ku noo laankara Puntland - laakiin kuwa dhagaxa ka shaqaysaneyey ee Gaalkacayo joogey ee xamaalanayey waxa loo qabsaday taas ayaa su'aal kale ah.

Xiddig waxa uu sheegay meel kasta raggaasi haka yimaadeene haddii raggaasi yihiin Absame anagaa xildhibaanadoodii ah annaga ayaana xuquuqdooda raadineyna.

Guddoomiayah ONLF: Dadka ku nool Puntland iyagoo filaya in dadkaasi ay ehelkooda yihiin.


Admiral Maxamed Cumar

Guddoomiyaha ONLF, Admiral Maxamed Cumar Cismaan oo ku sugan magaalada Casmara ee dalka Eriteriya ayaa sheegay in Puntland ay ku nool yihiin dad badan oo ka soo cararay Itoobiyaanka. Dadkaas oo ku nool Puntland iyagoo filaya in dadkaasi ay ehelkooda yihiin oo ay dhibaatada kaga raysanayaan.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in labada nin ee laga qabtay Garoowe ay gacanta ku dhigeen maamulak Puntland oo iyagu dhiibeen waxaana uu sheegay in la geeyey ilaa Jigjiga. Waxa kale oo uu sheegay in lix nin oo kale laga qabtay Gaalkacayo. Waxa kale oo uu sheegay in ay jiraan dad kale oo hore looga qabtay Boosaaso.

Guddoomiyaha ONLF waxa kale oo uu sheegay in dadkii hore looga qabtay Hargeysa in weli ay sidii ku maqan yihiin.

Humar Rights Watch oo ka hadashay dadka la dhiibo...

Gabar u hadashay hay'adda Xuquuqda aadamiga ee Human Rigts Watch ayaa tiri "Maamulka Puntland mas'uuliyad ayaa ka saaran marka la eego sharciga caalamiga ah ee dadweynaha in aysan dadka u celin wadamada laga yaabo in loogu geysan karo jir dil ama ciqaab ama macaamil xumo, sharcigaasi ma kala saarayo gobolada iskood isu maamula sida Puntland ama Somaliland iyo dawlad caadi ah sida Soomaaliya iyo Suudaan oo kale."

Taliyaha Qaybta Gobolka Mudug oo Qiray in Itoobiyaanku Dad ka kaxaysteen Gaalkacyo....

Akhri: BAAQA CAALAMIGA EE XUQUUQDA AADANAHA

Faafin: SomaliTalk.com | May 4, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS