SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
PUNTLAND - QAFAAL

Baaq cambaareyn ah oo ka soo baxay Isimada, Aqoonyahanada, dhalinyarada- beelaha Reer bicidyahan oo ku wajahan Maamulka  Puntland.
  • Cambaarayn falkii lagu iibsaday Halgamayaashii ONLF.

Ku: Shacabka reer Somali Galbeed.
Ku:Isimada Maamul Goboleedka Puntland ee somaliya
Ku: Shacabka Maamul Goboleedka Puntland
Ka: Isimada, Aqoonyahanada, dhalinyarada- beelaha Rer bicidyahan ee ku nool caalamka oo idil.

UJEEDO: BAAQ Cambaarayn falkii foosha xumaa.

Ka dib markii aan muddo dheer ku jirnay xog aruurin rasmi ah oo ku saabsan qaabkii loo dhiibay Maxamed Axmed Caafi (Dhiirre) iyo Cabdi Nuur Maxamed Sooyaan 04/22/2008 oo ahaa dad Soomaaliyeed,una dhashay gobolka Soomaligalbeed, aan ogaanay in ragaasi si fool xun gacanta ethopia loogu galiyey, iyadoo ay noqotay waddada loo soo maray masuuliyiinta ka tirsan kuwa putland.

Markii aan qiimaynay, sida ay u dhacday dhacdadii foosha xumayd ee Rag u dhashay dalka Soomali Galbeed loogu Gacan galiyey Maamulka Dalka Ethopia ee dagaalku kala dhaxeeyo Jamhada Xoreynta Gobolka ee ONLF, Markii aan si taxadar leh uga fiirsanay anagoo ah Beesha Cali Ibraahim ee REERBICIDYAHAN, aan qiimaynay saamaynta ay yeelatay iyo sida looga wada xumaaday" Falaar cirka loo tuuray ninwalbow filo" Markii xabashi lagu soo hogaamiyey somaliya in waxaani ay dhacayaan waa la filan karay.

Markii aanu eegnay waxa shareecada islaamku ay ka qabto in Qof Muslim ah loo gacan galiyo Gacan Gaalo oo dagaal kala dhexeeyo, lagana gacansado jirkiisa, iyadoo laga raadinayo Mansab iyo Mamuusid Gaalo lagu raali galinayo, markii aanu eegnay shacabka ay ka dhaxayso wada dhalashada, soomalinimada, Diinta, afka somaliga, ganacsiga in la doonayo in laga dhex huriyo colaado sokeeye.

Waxaan ka soo saarnay Qodobadaan hoos ku xusan.

  1. Waxaanu Cambaaraynaynaa, oo ka xunahay in Mawaadiniin soomaaliyeed oo u halgamaya dalkooda, in loo gacan galiyo Gacan gaalo, iyadoo laga leexday Soomalinimadii, Muslinimadii, walaaltinimadii, wadda dhalashadii ay wadaageen Deegaanka puntland iyo kan soomaligalbeed.
     
  2. Waxaan Tacsi u diraynaa dhamaan shacabka reer Soomaligalbeed, gaar ahaan, waxaan si gaar ah tacsi ugu diraynaa eheladoodii iyo qaraabadoodiiba, halgamayaashaas looga gacan galiyey gacanta Taliska Ethopia.
     
  3. Waxaan maamulka Puntland ku canbaaraynaynaa ugana digaynaa inay shacabka walaalaha ah ee ay ka dhaxayso, walaaltinimadu, darisnimada, ganacsiga, wadda dhalashada, muslinimada, ee walaalaha aysan ka dhex abuurin colaad sokeeye.
     
  4. Waxaan ugu baaqaynaa Shacabka reer puntland inay muujiyaan, iskana qaadaan reeryada dhushooda saaran ee u horseeday Dulmiga iyo isku dirka bulshadooda, ayna ka dhiidhiyaan Halgamayaashii loo gacan galiyey taliska tigreeka ah, iyadoo ay ku xigi doonaan walaalahooda kale ee ku sugan gudaha puntland, gaar ahaan waxaan si gaar ah ugu diraynaa, Culumida, Dhalinyarada, Haweenka iyo dhamaan qaybaha bulshada rayid ka ah ee ku dhaqan puntland inay muujiyaan siday uga xunyihiin, ayna xilka ka tuuraan taliska u adeega taliska tigree.
     
  5. Waxaan shacabka reer soomaali galbeed ugu baaqaynaa inay is dajiyaan, aysana walaalahooda reer puntland, ay ogaadaan inay dhibka la qabaan, ayna tahay wax fool xun.
     
  6. Waxaan Masuuliyiinta puntland ugu baaqaynaa inay xilka iska casilaan, oo ay ka horwareegaan umada nabada jecel ee reer puntland, madaama ay ku fashilmeen masuuliyadii loo igmaday, ayna iibsi ku bilaabeen shacabkooda.

Gabagabodii.

Waxaan umada soomaaliyeed la socodsiinaynaa in bulshada beelaha reerbicidyahan ay aad uga xunyihiin falkii foosha xumaa ee puntland ay ugu gacan galisay ethopia masuuliyiintii Jamhada Xoraynta ONLF, taas oo ka bayrsan sharciga diinta islaamka iyo Qawaaniinta caalamiga ah.

Wabilaahi Towfiiq.

Afhayeenka Beelaha Reer bicidyahan
Eng. Maxamed Axmed Abdalla
Maxamed_nabadoon@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2008

baaqOdayaasha Gobolka Nugaal oo Bayaan ka soo saaray Dadkii Loo Gacan Geliyey Itoobiya.. Akhris/Dhegeysi

Sidoo kale Akhri: Bayaan Ka soo Baxay Beesha Maxamed Cumar oo ku Saabsan Rag Laga qabqabtay Degaanada Puntlad oo loo gacan galiyey Ethopia.

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS