Wararkii: Maarso 14, 2008
- Isbahaysiga Dib-u-Xoraynta Soomaaliya oo Warsaxaafadeed ka soo saaray
Shirka Uganda
- Isbahaysiga oo uray Raadiyo “Halkani waa Radiyo Xornimo”
- Sarkaal ka tirsan Ciidanka PSA-da ee Magaalada Bosaaso oo la dilay....
- Taliyihii Ciidanka Booliska Degmada Balcad Oo La Diley
- iyo warar kale oo GoosGoos ah...
warsaxaafadeed shirka yugandha (asmara)
Suleymaan Colaad Rooble "Majirto ciduu Isbahaysiga Dib-u-xoreynta u dirsaday
shirka ka socda dalka Yugandha, horuuna u cadeeyay mowqifkiisa ku aadan shirkaa"
Waxaan warbaahinta khaarkood ku aragnaa in shirka la sheegay inuu ka dhacayo
dalka Yugaandha uu Isbahaysiga uga qaybgalayaan xubno sida la sheegay ka mid ah
mas'uuliyiinta sarsare ee Isbahaysiga, haddaba waxaan caddeynaynaa inaysan jirin
xubno Isbahaysiga matasha shirka ee uga khaybqaadanaya, aragtida Isbahaysiga ee
shirkaana horuu warbaahinta iyo dowlada Yugaandhaba ugu cadeeyay, waana shirar
loogu talagalay in lagu sii fogeeyo jahawareerka uu awalba dalka uu ku jiray
waana ka soo horjeednaa wixii aan u adeegayn maslaxada ummadda oo uu shisheeshe
iyo NGO yaddii ka midka ahaa mushkilada dalka ay dabada ka riixayaan si loo sii
murjiyo mushkilada daba dheeraatay ee dalka Soomaaliya.
Waxaan beesha caalamka u sheegaynaa inaan laysku mashquulin talaabooyin aan
horseedaynin wanaag inay wax sii murjiyaan mooyee.
Guddoomiyaha guddiga warfaafinta iyo wacyi galinta ee isbahaysiga
Md sulaymaan colaad rooble.
Warsaxaafadeed Marso 13, 2008 Sida laga maqlay isla
warkaa BBC ee Arbacada, 12 Maarso 2008, dawladda Maraykanku wax ay
siidaysay wax ay ugu yeertay ‘Warbixin Sannadeedkii ku tacadiyada
xaquuqal insaanka dunida oo dhan ee sannadkii la soo dhaafay 2007. Wax
aa xusid gaar ah mudan oo warbixinta lagu sheegay in ay Soomaaliya ka
jiraan ku tacadiyadaas xaquuqal insaanku. Hase yeeshe, wax ay dawladda
Maraykanku ka gaabsatay oo aysan qiran ama aqoonin, in ay iyadu falal
debiyeedyadaa qaarkoodna toos u gashay kuwo kalena abuurtay, masuul ka
tahay tacadiyadaa ay Soomaaliya ka geystaan ciidamada Itoobiyaanka oo
Maraykan awaamiirtiisa iyo danihiisa fulinaya iyo dabdhilifyadda Bur-
cadda Soomaali ku sheega loogu yeero TFG. Madaama ay dawladda
Maraykanku awood u leedahay in xakamayso dembilayaasha iyada ku xiran,
sidaasna ay san yeelin waa caddaan in ay raali ka tahay waxa Soomaaliya
ka dhacaya.
Isla warkaa BBC wuxu sheegay in isla maalintaa Soomaali ku-sheega
T.F.G. qabatay shir saxaafadeed, sheegayna wax ay ku tilmaameen
‘Istraatijiiyad Cusub oo Dibu Heshiisiineed’. In kasto at tani qiraal u
tahay fashilka ‘shir dibu heshiisiineed ku-sheegi hore oo la qabtay
sanndadkii tegay (Agos- September 2007) oo si weyn loogu durbaan tumay,
maal badana lagu bixiyay, haddana, koxda Embagati sidii caadada u ahayd,
wax ay xataa ka gaabsadeen in sheegaan dhibaatooyinka ugu waa-weyn oo
qaranka Soomaaliyeed haysta, wada hadal Soomali dhex marana caqabad ku
ah. Kuwaas oo ah duulimaadka Ciidamada shisheeye iyo haysashadood dalka
Soomaaliyeed oo u adeegaya danaha Maraykanka, iyo baahida deg-degga ah
oo loo qabo in si dhakhso ah ciidamadaa looga saaro ciidda Soomaaliyeed.
Warkan koxda Embagati waddo waa dacaayad raqiis ah oo loogu talo galay
jaah wareerin, wax cusub oo qiimayn mudanna aanay ku jirin.
Wa billaahi towfiiq.
Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta.
Dhalinyarada Soomaaliyeed ee United Kingdom oo tacsi u direysa halgame
Marxuum Daahir Dhagawayne
Waxaan tacsi u direynaa dhamaan ummada Soomaaliyeed iyo eheladii qarabadii u
ka geeriyooday halyeey marxuum DAHIR XAAJI CUSMAAN SHARMAAKE oo xalayto ku
geeriyooday magaalada qardho ee gobalka Bari .
Marxuumka oo ka mid ahaa halgamayaashii 13-KA SYL ee dalka ka xoreeyay
gumaystaha Talyaaniga iyo Ingiriiska ayaa mudan in xuso lagana tiraanyoodo
geerida marxuumka wadaniga ah ee u soo halgamay dadka,dalka iyo diinta Islaamka.
Waxaan Allah uga baryeynaa inuu marxuumka ka waraabiyo janadii fardowsa ummada
Soomaaliyeed-na ka siiyo samir iyo iimaan aamiin aammin yaa Allah.
Waxaan aad uga xun nahay in halyeygaan oo ka mid ahaa dhalinyaradii Soomaaliyeed
ee dalka xoreysay gumaystihii reer Yurub inuu geeriyoodo iyadoo dalkii iyo
dadkii Soomaaliyeed ay haystaan cadaw ( Ethopia) ah oo xasuuqaya maatada
Soomaaliyeed ee dalkooda loogu yimid ee aan waxbo galabsan.
Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool United Kingdom
Yusuf mohamed Abdi Yusuf
OGEYSIIS MUHIIM AH: “Halkani waa Radiyo Xornimo”
Waa furitaanka barnaamijyada radiyaha ku hadla codka Isbaheysiga Dibuxoeynta
Soomaaliya.
Radiyahaan oo baahinta barnaamijyadiisa bilaabi doono 21 Marso (March), 2008;
waxaa laga dhageesankaraa Mowjadda Gaaban ee Dhererkeeda yahay 41 Meterband,
Hirka 7175 Kilo-Hertz.
Idaacadda Xornimo waxaad dhegeesan doontaan malmaha:
Talaadada: 4:30-5:00 Galabnimo
“” : 8:30-9:00 Fiidnimo
Jimco: 4:30-5:00 Galabnimo
“’ 8:30-9:00 Fiidnimo
Barnaamijyada Idaacadan oo titaajabo ah waxa laga codanayaa dhegeystayaasha
sharafta leh meel kasta oo ay joogaan inay ka soo talabixiyaan sida ay la tahay
in lagu hormarin karo laguna tayeyn karo idaacaddan.
Waxaa kale oo laga codsanayaa in ay ka soo warbixiyaan sida uu yahay maqaalka
idaacadda iyagoo soo sheegaaya meesha ay joogaan.
Ugu danbeyntii waxaa nalaga soo xiriiri kartaan e-mailadan:
1-) isbaheysiga@yahoo.com
2-) isbaheysiga@gmail.com
3-) isbaheysiga@hotmail.com
4-) xornimo@yahoo.com
5-) xornimo@gmail.com
6-) xornimo@hotmail.com
Sarkaal ka tirsan Ciidanka PSA-da ee Magaalada Bosaaso oo la dilay...
Bosaaso:- Waxa caawa [Jimce soo gelayey) fiidkii Dil Toogasho ah lagu Dilay
mid ka mid ah Saraakiisha Ciidamada PSA ee Magaalada Bosaaso,kaasi oo ay dileen
kooxo hubaysan oo aan la aqoon haybtooda, Marxuunkaasi ayaa waxa lagu dilay
Agagaarka Hotel Huruuse ee magaalada Bosaaso.
Saralkaasi caawa la dilay ayaa waxa lagu magcaabi jiray Cali Jiis waxana Dil
toogasho ah ku dilay Laba Nin oo aan haybtooda la aqoon iyada oo ay markii ay
falkaasi gaysteen ka baxsaday Goobta.
Meesha falkaasi ka dhacay ayaa ah Goob inta badan ay ka aga dhawyihiin
Masuuliyiinta Dawlad Goboleedka Puntland, waxana hal mar lagu war helay Rasaas
xoogan iyo Ninkaasi oo dhulka Yaala.
Booliska ayaa goobtaasi la soo dhoobay waxayna bilaabeen Baadhitaano xoogan oo
ay ku baadi goobayaan dadkii falkaasi ka danbeeyay,ma jiraan ilaa haatan cid
falkaasi loo qabtay Balse waxa jira hawl gal balaadhan oo ay wadaan Booliska
Magaalada Bosaaso.
Somalitalk.com | Bosaaso
Taliyihii Ciidanka Booliska Degmada Balcad Oo Lagu Diley isla Degmadaasi
Waxaa Habeenkii Khamiistu soo geleysey lagu diley magaalada balcad ee gobolka shabelada dhexe taliyihii
ciidamada booiska dowlada KMG ah Col,xasan cali gacal oo ay kooxo hubaysan
madaxa kala beegsadeen rasaasta bastoolada ka dhacda
Dilkan Sarkaalkan oo aan la ogayn sababta ka damabysa ayaa waxaa saxaafada uga
war bixiyey dilkiisa xaaskiisa oo sheegtay in dilkiisa loo aanaynayo siyaasada
is diidan ee ka jirta dalka taasoo ay intaasi ku dartay marwada oo magaceeda
diidey in la shaaciyo inay ka dambeeyaan kooxaha dowalada kasoo horjeeda waa
siday hadalka u sheegtaye .
Col,Xasan Cali Gacal, ayaa sidoo kale waxaa rasasta lagu diley dhaawacyo kasoo
gaareen sida ay saxaafada u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ahi xubno kale oo ka
tirsanaa maamulka degmadaasi balcad ee gobolka shabeelada dhexe.
Dilalka kala duwan ee badanaaba ka dhaca caasimada iyo gobolada ku dhow dhow
ayaa loo aaneeyaa xaalada nabad gelyo xumo ee ka jirta wadanka soomaaliya gaar
ahaan koonfurta soomaaliya oo ay ka aloosan yihiin siyaasado is diidan .
Xoogaga Al-shabaab Oo La Wareegay Saldhig Fariisin Ay Ku Lahaayeen Ciidamada
Dowlada Deegaanka Leego.
March 13, 2008:
Xoogaga al-shabaab ayaa la wareegay deegaanka tuulada Leego ee gobolka
shabeelada hoose kadib markii ay weerar xoogan kusoo qaadeen fariisin halkaasi
ku yaalay oo ay lahaayeen ciidamada dowlada FKMG ah islamrkaana ku dileen sadex
kamid ah askarta dowlada ee halkaasi fariisinka ku lahaa.
Shalay goor Maqribnimadii ayay ahayd markii ay weerar lama filaan ah kusoo
qaadeen xoogaga al-shabaab meel isbaaro ah oo baabuurta iyo dadka ay canshuurta
kaga qaataan ciidamada dowlada KMG ah islamrkaana ka bur buriyeen saldhigii ay
ciidamada dowladu ku lahaayeen halkaasi iyadoo ay kala wareegen Guud ahaan
deegaankaasi iyadoo ay ka bur buriyeen goobtii ay dadka iyo baabuurta lacagta
kaga urursan jireen lacagaha baada ah.
Sidoo kale Afhayeenka al-shabaab sh,muqtaar abu-mansuur rooboow ayaa sheeca ka
qaaday inay la wareegeen deegaankaasi islamrkaana gacanta ku hayaan taasoo uu
sheegay inay ka eryeen daba dhilifka ciidamada Ethiopia waa siduu hadalka u
dhigaye oo uu ula jeeday ciidamada dowlada ee fariisnka ku lahaa halkaasi .
Dhinaca kale afhayeenka sh,rooboow ayaa qiray inay dileen askar gaaraysa sadex
askari oo ka tirsanaa ciidamada dowlada fariisiinka ku lahaa halkasi islamrkaana
cadeeyey inay qoryihii ka qaateen taasoo uu sii raaciyey inuu kaga dhabayn doono
hadalkiisii ahaa inaysan cafin doonin askarta joogta inta u dhaxaysa deegaanada
dooloow ilaa iyo Muqdisho hadii aysan ka toobad keenin falka ay ku jiraan waa
siduu hadalka u sheegaye .
Dagaalada u dhexeeya xoogaga kasoo horjeeda siyaasada dowlada iyo weliba
ciidamada shisheeye iyo ciidamada dowlada KMG iyo ethiopia ayaa u muuqda kuwo
marba marka kasii dambeeya sii laba laxaadsanaya islamrkaana saamayn weyn ku
yeeshay dhinaca nabad gelyada guud ahaan dalka soomaaliya iyadoo ay kusoo
beegmayaan xili uu raysal wasaare nuur cadde sheegay inay xukuumadiisu doonayso
inay dadaalo nabadeed ka keeni doonto wadanka soomaaliya .
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 14, 2008
|