Warbixin:- Ururka caalamiga ah ee Lasqorey Concern ayaa mashaariicdii ugu
badnayd ka fuliyay Gobolka Sanaag, Ururkaasi ayaa inta badan waxa uu u olaleeyaa
Horomarinta Caafimaadka iyo waxbarshada,iyaga oo Deegaano badan oo hoos yimaada
Gobolka ka fuliyay Mashaariic fara badan, waxa ka mid ah goobaha uu Ururkaasi ka
fuliyay Magaalada Dur Duri ee ku taala Xeebta Sanaag.
Lasqorey concern waxaa la asaasay sanadii 2005 bishii December, ururku waxaa uu
ka shaqaynayey laga soo bilabo wakhtigaa deegamada PUNTLAND khaas ahaan Gobolka
Sanaag.
Qalabkii ugu horeeyey ee ururku ku shaqo galo waxaa ku deeqay wiil Somali ah oo
ku nool wadanka Emirate ka arabta. Hadii aan nahay shaqaalaha ururka LQC waxaa
nasiib wanaag noo ah in aan mahad balaaran u diro wiilkii ku deeqay qalabkii ugu
horeyey ee lagu shaqo bilaalbo oo magiciisa la dhoho FAYSAL AHMED YUSUF (HAWAR)
oo ku nool Dubai wadanka emirate ka arabta
Hooyiinka Qaarkood ayaa Ururka Lasqorey Concern waxa uu tababar dheeraad ah
ku siiyaa sidii ay u Karin lahaayeen Cunto Nadiif ah oo isu dheeli tirin dhanka
faytamiinka marka .
Hooyiinka Qaarkood ayaa Ururka Lasqorey Concern waxa uu tababar dheeraad ah ku
siiyaa sidii ay u Karin lahaayeen Cunto Nadiif ah oo isu dheeli tirin dhanka
faytamiinka marka la eegayo.
Waxa Siminaaro badan oo uu Ururka Lasqoray Concer u qabtay Bulshada rayidka ah
kuwaasi oo inta badan lagu wacyi galiyo inay ka shaqeeyaan Nabada.
Hadaan dib u yara milicsano wax yaalaha uu qabtay Uruka Caalamiga ah ee Lasqoray
Concern waxa ka mid ah.
Barnaamijyada uu fulieyey ururku waxaa ka mid ah
Workshop ku saabsan Naas nuujinta iyo cunada nafaqada leh
Bali-busle oo aan ka dhisnay school tent iyo qalabkiisa sida
buugaag,kuraas iyo miisas
Dayactir ka shan ceel oo ku yaala Sanaag
Wacyi-gelinta iyo Qaybinta malaria nets
Wacyi-gelinta cholera/shuban biyoodka
Kormeer ay ku mareen meelo badan oo ka mid ah Sanaag si aan u ogaano
xaalada caafimaad,waxbarasho iyo biyood.
Puntland
oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?
Waxaa beryahan Puntland si xawli ah uga socda qorshe ballaaran oo ay madaxda
Puntland ku doonayaan in ay ku dhaqan geliyaan "Dastuur Cusub ee Puntland"
loo sameeyo 2008. Dastuurkaas oo u muuqda mid si cad u kala faquuqaya
Soomaalida, gaar ahaan xagga... Akhri...
Waraysiyo
Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS
ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha
Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo
baxa Boosaaso... Guji