Kooxo ciyaartooyda kubbada cagta oo Soomaaliyeed, kubbada ugu xeeldheer ayaa
kasoo ifbaxay dalka K/Afrika.
Ciyaar Xiiso leh , oo aad loogu riyaaqay ayaa galabta dhexmartay labbo
kooxood oo ka kala socdey magaalooyinka Johannesburg iyo Rustenburg, ciyaarta oo
ka dhacday garoon ku yaala Johannesburg ayay guushu raacday kooxdii marti
galinta lahayd. Hase yeeshee hardanku ma aheyn mid si sahal ah guul lagu
xayuubsan karay.
Waxay aheyd ciyaar ku bilaabatay dardar , weerar iyo difaac adag oo hadba
kooxaha midba mida kale hardanku uu ahaa mid aan kala dhicin oo hadba koox fooda
la darayay, ciyaarta oo aan 10 daqiiqo socon ayay kooxda Rustenburg la timid
gool aan sidaa usii xiiso badneyn, oo xittaa dadka qaarkood ee daawanayay eey
garan waayeen goorta uu dhashaya, waayo sidii loo arkayay kubaddii oo dibadda u
baxday, ayaa misane lagu baraarugey gool dhashay iyo gansooraha oo firimbiga ka
dhawaajinaya. Inta eeysanba 8 daqiiqo kasoo wareegin ayaa waxaa kooxda
Johannesburg eey la timid hal gool, oo laakiin gool ku laad ahaa (Penalty
shoot-out). Oo uu laaday Ciyaaryahan Zakariye Cabdi. Ciyaartu markii eey socotay
ilaa nusa saac ayaa markale waxaa gool layaab leh Johannesburg u dhaliyey Xidiga
Maxamed Saalax, goolkani oo ahaa mid cajiib ah oo aan is iri malaha isaga oo
kale ciyaarta lagama dhalin doono, ayaa si weyn usoo jiitey dareenka
daawadayaasha oo xittaa haween eey ka mid ahaayeen.
Wareegii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaaday 2-1 oo kooxda Johannesburg eey wali
hormuudka tahay, dhowr daqiiqo oo lakala nastey ka dib ayaa wareegii labaad dib
la’isu soo noqdey, iyadoo kooxda Johannesburg eey garoonka soo galisey
ciyaaryahano cusub, halka Rustenburg eeysan wax badan ka badalin
ciyaartooydooda. Wareega labaad inta uusan qadar daqiiqado ah socon ayaa waxaa
gool kale shabaqa kaga gilgiliyey xidiga caanka ah ee lagu magacaabo Sadiiq oo
kooxda Johannesburg ugu dheela nambarka 7-aad, kaasi waa goolkii 3 aad oo
Johannesburg u dhasha, halka kooxda kale eey wali hal gool lahayd, hase yeeshee
kooxda Rustenburg ayaa lasoo kacday dardar hor leh, oo kubaareysey goolka
Johannesburg, waxaa jirey fursado gool loo filan karay oo laakiin beeldaro ka
noqdey kooxda Rustenburg. Ciyaaryahanka dhalinyarada cuslaatay ah ee weerarka
oga dhela kooxda Rustenburg C/eaxmaan Ukun ayaa laad cajiib ah, oo tiiro gaaban
ahaa, goolna loo filan karay waxaa ka dalfiyey mid ka mid ah kooxdiisa. Nasiib
wanaag kooxda Rustenburg Ayaa gool haboon oo la yaqaano la timid daqiiqado
kadin, waxaana u dhaliyey ciyaaryahay isuga ah dhalinyarada cuslaatay oo
magaciisa aan kusoo koobi karro Cafaare, goolkaasi ayuu sacab baddan u dhacay si
weyne loogu riyaaqay, waxaana la arkayay ciyaaartooyda oo si weyn ugu
dabaaldagaysa goolka dhashay.
Daqiiqadihii ugu dambeeyey ayaa kooxda Rustenburg waxa eey aheyd mid camimtey
ciyaarta, una muuqatay in eey lasoo baxday adimo hor leh iyo awood qarsooneyd.
Hase yeeshee uma eeysan suuro galin in wax gool dheeraad ah oo ugu yaraan barbar
dhac kala dhiga kooxda kale eey la yimaadaan. Ciyaartana waxa eey ku dhamaatay
Johannesburg 3-2 Rustenburg.
Hase yeeshee ma aheyn ciyaar buuq iyo qilaaf mid eey ka marnaayeen, waxaa
dhacday in ugu yaraan rubuc saac la hakiyo ciyaarta, kadib markii feer iyo laad
eey isla dhaceen labbo ciyaartooy oo ciyaarta isku maandhaafay, waxaase taasi ka
darnaadey ciyaartooydii kale oo iyaguna damcey in eey .dagaalka qeyb ka galaan,
waxay aheyd rubuc saac eey socotey ruwaayad yar oo aad moodey in isbartiibo
buujimo ah la daawanayo, haddii eeysan daawadayaasha iyo mas’uuliyiin joogtey
aheyna, xaalku faraha ayuu ka bixi lahaa, waxaan arkayay tababaraha koox kooxaha
ka mid ah oo ciyaartooyda ku amraya in eey ciytaarta joojiyaan, garoonkana isaga
tagaan, hase yeeshee eey ka amar diideen ciyaartooydii, wuxuuna ahaa isla
tababarahaasi ninkii sinaba aan ugu qanacsanayn sida eey ciyaarta u socotey oo
la arkayay isaga oo cod dheer ugu qeylinaya Garsoore Axmed C/di oo dulqaad fara
badani ka muuqdey. Waxaase jirtey eedeyn garsooraha loosoo jeediyey oo macquul u
muuqatay, waxay aheyd in uusan garoonka ka saarin ciyaartooygii dagaalamay. Inta
eey ciyaarta socotay labbo ciyaartooy ayaa ka dhaawacmey kooxda Rustenburg.
Walow dhaawacyada eey fududaayeen.
Kasokow dagaalka iyo buuqa dhacay, dhanka kale ciyartooyda waxay ahaayeen kuwa
is ciyaar yaqaana, oo isla heleyay kubbadda. Isla markaana marar badan is
balansaday oo si joogto ahna ciyaaro noocaan oo kale ah isaga hotyimid..
Tani waa astaan wanaagsan, oo dhiiro galineysa in dhalintu eey helaan waxyaalo
eey ku madadaashaan, isla markaasna isku bartaan, is dhexgalkana fududeyn karta,
ciyaaraha waa manda’a kaliya ee aan diini aheyn, ee aduunka ka jira ee dadka
walaaleyn kara, is dhexgalkana ka shaqayn kara, walow xamaasada ka dhalata eey
dhaliso gacan qaad iyo isku dhac.. dhalinyaradani maanta ciyaareysay waxay uun
tiro jajab ah ka yihiin, kumanaanka dhalinyaro ee maaliinkasta lagu dilo
tuulooyinka dalkani ee ay nolol maalmeedka ka raadsanayaan.
C/nasir Saxansoxo. Johannesburg. Tell: +27767059384. Email:
saxansoxo1@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 11, 2008
|