SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Mudane Halyeey Faarax Macalin Mohamed “ Dawaara” ahna ku xigeenka afhayeenka Baarlamaanka Kenya oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada London

dawaaraLondon 08.03.2008 Waxaa shalayto lagu qabtey xaafada West Ealing ee magaalada London xaflad aad u weyn oo lagu soo dhaweenaayey halyeey Mudane Faarax Macalin oo ah ku xigeenka afhayeenka Baarlamaanka dalka Kenya oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Ingiriiska .

Xafladaas oo lagu qabtey West London Islamic Centre ayaa waxaa ka soo qayb galay dhamaan jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ingiriiska , kuwaas oo ka koobnaa Aqoonyahano, Siyaasiin, Culumaa’udiin , Haween iyo Dhalinyaro aad u badan oo buux dhaafiyey goobtii lagu qabanayey xaflada.

Ugu horeyntiina waxaa meesha ka hadlay Shariif Mohamed iyo Sheikh Xasan Macalin oo ka jeediyey kalimado isugu jira quraan,wacdi iyo waano.

Kadibna waxaa halkaasi ka Hadley mudane Dr.Abdi Aydiid oo si rasmi ah ugu soo dhaweeyay goobta shirka Mudane Faarax Macalin “Dawaara”,isagoo ka warbixiyey sababta maanta loo qabtey munasabadaan qiimaha leh ee isku keentay dhamaan jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ingiriiska.

Waxaana iyana meesha ka hadlay mudane Ahmed Sheel iyo Marwo Dahabo Dowlo oo ku hadlayay magaca jaaliyada Soomaaliyeed ee London, iyagoo si lamid ah ugu soo dhaweeyay mudane Faarax, kuna amaanay Soomaalinimada ku jirta , iyagoo u sheegay sidii dadka Soomaaliyeed ugu farxeen markii u soo galey Baarlamaanka Kenya iyo waliba markii loo doortey ku xigeenka Baarlamaanka Kenya.

Waxaa isna meesha ka hadlay gudoomiye ku xigeenka Isbaheysiga Dib- xoreynta Soomaaliya mudane Zakariye Xaaji Mohamud, isagoo hadalkiisa ku bilaabay kaalinta geesinimo iyo doorka uu kaga jira mudane Faarax Macalin halganka ka socda Soomaaliya, isagoo ka sheekeyey taariikhda gumaysiga ku soo galay Sooomaaliya iyo sida ummada Soomaaliyeed loo kala qaybiyey, isagoo u sheegay in arimahaas oo dhan looga bixi karo in la midoobo, waayo Ethopia idin ma aqoonsana inaa tihiin dad iyo dal daris la ah oo xor ee waxay idin taqaan inaa tihiin jufo ka tirsan Oramada oo falagoowday, waa inaa u guntantiin sidii dalkeenii u xoreyn laheyn, fadlan dadka diyaarka u ah inay dalkooda ka xoreeyaan cadawga Ethopia ee qabsaday waxba ha siinina hadaa rabtaan ee waxaan idin ka codsanayaa inaa na sii saan taageeradiin un, waayo waxaa jira dad u istaagay inay dalka cadawga ka xoreeyaan.

Ducaale Yusuf ayaa isna ku hadlay magaca dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay in loo baahan yahay in dhalinyarada Soomaaliyeed midoobaan, isagoo sheegay in ay wadaan dhaqdhaqaaq ay ku dhisayaan dhalinyarada Soomaaliyeed kana codsaday in dadka Soomaaliyeed taageeraan.

Dr Abdi Xiirey ayaa ku soo dhaweeay micrafoonka Mudane Faarax Macalin”Daawaara” oo ah gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka dalka Kenya .

Mudane Faarax ayaa ugu horeyntii u mahad celiyey dadkii ka soo qayb galay musabadaan iyo dadkii soo qabanqaabiyey, waxaana u ka warbixiyey arimo dhawr ah, oo ay aad u danaynayeen dadkii ka soo qayb galay munasabada.

1. Dalka Kenya ayuu ka warbixiyey iyo sidii ay u dhacday doorashadii dalka Kenya, isagoo sheegay in ay Baarlamaanka dalka Kenya ay ku jiraan mudanayaal dhan 15 Xildhibaan oo dhamaantood Soomaalida Kenyan ah, oo si rasmi ah loogu soo doortey inay ka mid noqdaan Baarlamaanka dalka Kenya, isagoo ku tilmaamay inay yihiin xildhibanadaas dad aqoontooda iyo Soomaalinimadooda sareyso iskuna xiran,iyagoo ka kala tirsan xisbiyada ka jira Kenya.

Waxaana u sheegay in Soomaalida Kenya ay qaateen door weyn maanta ay haystaan fursad , fursadaas oo ah in lagu kala tartamaayo asxaabta ka jirta dalka Kenya, si ay u helaan codadkooda, dhamaan xisbiyadana waxaan ka haysanaa balan qaad lagu horumarinaayo gobalka Soomaalida Kenya ku nool dagto.

Waxaa hada ka dhacay heshiis buuxa dalka Kenya, kadib markii codadkii lagu shubtey la isku qabtey, waxaana la soo dhisayaa dowlad midnimo qaran ah, hada wixii ka dambeeyana ma dhici doonto awood hal dhinac ka imaada oo ku tagrifasha, baarlamaanka ayaa noqon doono mid qabsada howlaha looga fadhiya, golaha wasiirada oo u soo dhiso raisal wasaraha waxaa u hor keeni doono baarlamaanka si loo siiyo codka kalsoonida, kii ka soo bixi waayo shaqadana waa lala xisaabtami doono, madaxwaynahana waxa u noqon doono oday u dhaxeeya xukumada iyo baarlamanka, waxana u qaadan doono awooda sharciga u fasaxayo kaliya, caakuli xaal Kenya ma jiri doono mucaarad xisbi ah waayo waxaa sugnaaba waa in la soo dhiso dowlad midnimo qaran ah, si looga gudbo rabshadaha hareeyay dalka Kenya.

2. Kenya & Ethopia Soomaalida ku nool ayuu ka hadlay oo u sheegay in kuwa Kenya ku nool ay ka nolol fican yihiin kuwa ku hoos nool Ethopia,isagoo ku tilmaamay kuwa ku nool gobalka Soomaalida Dagto Ethopia, mid ku jirta gumaysi gacantiis oo la gumaysto wax xuquuqna aan ku haysan dalka Ethopia, balse Soomaalida Kenya ay markii horeba ay xuquuqdooda u dagaalami jireen hasayeshee shirkii Arusha ka dhacay ee dhaxmarey Soomaaliya, Kenya ayna Tanzania martigalisay lagu goostey in dadka Soomaaliyeed ee dagan Kenya ay ka sii mid ahaan Kenya inta afti laga qaadayo Soomaalida Kenya,hasayeshee dowladii heshiiskaan gashay iyadoo ka sal gaarin ayay burburtey,balse Soomaalida Ethopia ku hoos nool ama aan dhaho Ogaden waligood xuquuqdooda ka helin dowlad kasta oo soo marta dalka Ethopia.

3. Mudane Faarax Macalin ayaa ka hadlay arimaha Soomaaliya, waxana u ku bilaabay aniga danta aan ka leeyahay ma dhaafsiisana Soomaalinimo dan kale oo i qarsoon oo aan ka leeyahay ma jirto Soomaaliya, sidaa daradeed hadaan ka hadlo fikirkeyga ku aadan Soomaaliya., hadii caasimadii ama magaalo madaxdii Soomaaliya ( Muqdisho) ay xoog ku haystaan ciidamo Ethopian ah oo sharci daro ku soo galay, hadaan eegno shurucda caalamka dalkaasi waa la haystaa oo xor ma ahan, marka Soomaaliya waa dal la haysto oo cadaw haysto, marka waxa aan idin sheegayaa waa xaq i saran waayo madaxda waxaa laga rabaa inay tilmaamaan waxa jira iyo waxa soo socda, kuwa hada jooga oo madaxda sheeganaya ma ahan kuwa xor u ah talada dalkooda tusaale Ali Geedi ayaa is waalay, maalin cad ayaa laga qaaday, mid kale yimid waa Nur Cade isna waa laga qaadayaa ,kan joogana waa laga qaadayaa meesha waxaa ka jirta ujeedooyin fog fog oo arinka waa ka durugsan yahay sida aad moodaysaan oo hadaa eegto qoraalada meel kasta yaal ee ay qoreen madaxdii hore Ethopia, kuli waa isaga mid oo waxay aaminsan yihiin inay Soomaaliya leeyihiin,hadaba aniga kolay mowqifkeyga waa kaas waa inaa idin sheego qatartaas weyn , sidii dalkiina aad u xoreyn laheydeen idinkay idin jirtaa Soomaaliyeey, ayuu mudane Faarax.

Waxa kale oo u ka hadlay Soomalida ku nool qurbaha ,isagoo tusaale u soo qaatey kuwa ku nool dalka Mareykanka oo u soo arkay inay meel fiican marsiinayaan qadiyada Soomaalinimo ,iyagoo ka gaday fikirkooda Senators Mareykanka ah, waxaan soo arkay jaamacad ku taal magaalada Mpls inay ku jiraan 1200 arday Soomaaliyeed oo wax ka barata,Soomalida ku nool dalka Mareykanka ku dayda ayuu yiri fadlan waayo dadaalkooda waxa u gaarey in xafiis walba oo Mareykan oo muhiim ah qadiyada Soomaalinimo way gaareen oo aragtidooda ka dhadhiciyeen dalad weyna way samaysteen, marka Reer London wararka aan idinka maqlay ma fiicna oo kuligiin ma wada socotaan ,taasna waa laga fiican yahay, fadlan joojiya geediga aad ku jirtaan oo marba wadan u guureysaan, waxaan idin kula talin lahaa in aad qadiyadiina ka gadaan mudanayaasha ka soo galo magaalooyinka aad dagan yihiin khadiyada Soomaaliya, waayo iyaga arinkiina wax ka qaban kara, iska hilmaama wadamada aad mar walbo u moodaan inay wax idin qabanayaan sida wadamada Arabta, isagoo u sheegay ka soo qayb galayaasha markii uu xafiisyo badan uu tagay si arimaha Soomaaliya uga dhaadhiciya inuu soo arkay in wadamada aan moodno inay walaal noo yihiin arinkeena wax ka qabanayaan aysan jirin,marka Soomaaliyeey tashta kana samaysta meesha aad joogtaan dad qadiyadiina ka hadla oo baarlamanada Yurub ama Mareykan ku jira.

Mudane Faarax Macalin ayaa u sheegay in Soomalidu ka shaqeysa dantooda meelna isku racaan iskana dayaan qabiilka iyo waxaan soconaynin, waa inaa midoowdaan soona ceshataan sharaftiini ayuu yiri, qofkii dood ka qaba aragtideyda iyo mowqifka aan ka qaatey arimaha Soomaaliya ha ila dodo, Soomaalidu waa inay bartaan dood wadaaga ku dhisan is dhagaysiga ayna iska dayaan gacan ka hadalka.

Waxaan idin sheegayaa in golaha amaanka inay soo sareen qoraal ay ku shegayaan in wadamada safka hore aysan ciidamo Soomaaliya gali Karin,marka sida ay sharciga ku tahay in Ethopia cidamadeeda xoog ku galaan Soomaaliya ayuu hadalkiisi ku soo gabagabeeyay.

Intuu khudbaynayey mudanahaan ayaa waxaa u dhacayey sacab aad u badan oo aad ka dheehan karto sida ummada Soomaaliyeed u jecel yihiin mudane Dawaara

Waxaana isna meesha ka hadlay nin ka socday urur ka soo horjeeda dagaalada ee la dhaho Stop the War Coalition ,isagoo u sheegay in loo baahan yahay in ay Soomaalida midoobaan, waayo hadaa midoowdaan ooh al noqotaan codkiina waa la maqlayaa ee fadlan midooba una midooba inaad dalkiina ka saartaan dhiibatada, waxaana u ka warbixiyey mudaharaad weyn oo ka dhici doono 15 March magaalada London oo looga soo horjeedo dagaalada gardarada ah ee dowlada Mareykanka ka wado dunida oo dhan, isagoo ku casumay dhamaan dadkii goobta joogay inay ka soo qayb galaan dibad baxaas.

Waxaana iyana meesha ka hadlay dad badan oo dhamaantood ku faraxsanaa inay soo dhaweeyan Halyeey Mudane Faarax Macalin Mohamed “Dawaara”, iyagoo u muujiyey sida ay ula dhacsan yihiin garab istaagiisa Soomaalinimo ee Soomaaliya.

Shirkaas oo ahaa mid ay aad ugu maqsuudeen dadkii ka soo qayb galay ayaa ku dhamaaday guul iyo farxad, waxaana loo mahad celiyey ururkii suurta galiyey iyo dadkii gacanta ka gaystey.

Intii aan joogay meesha ayaa waxaa i soo baxday sida Soomaalida maanta ay u kala garanayaan kooda wadaniga ah iyo kooda damiirlawaha ah.

Waxaana farxad noo ah in maanta aan ku faani karno in dadalka Kenya iyo Djabuti ay madax ka yihiin shaqsiyaad ay ku weyn tahay Soomaalinimada, kuwaas wax badan ka badali karo arimaha gobalka geeska Afrika, hadii Madaxwayne Ismail Omar Guled iyo Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya Mudane Faarax Macalin “ Dawaara” ay iska kaashadaan sidii wadamada IGAD arimaha Soomaaliya oo ay faragalinta ku hayaa wax uga qaban lahaayeen, hadii taasina dhacdana waxaa la heli doonaa dowlad Soomaaliyeed oo ay Soomaalidu soo dooratey oo ka shaqeeya dib u dhiska dalka iyo horumarinta Soomaaliya.

Waxaa soo diyaariyey

Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
mrsomalia@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 11, 2008

:::Booqo Bogga Sawirada (somalitalk.slide.com)

oilPuntland oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?
Waxaa beryahan Puntland si xawli ah uga socda qorshe ballaaran oo ay madaxda Puntland ku doonayaan in ay ku dhaqan geliyaan "Dastuur Cusub ee Puntland" loo sameeyo 2008. Dastuurkaas oo u muuqda mid si cad u kala faquuqaya Soomaalida, gaar ahaan xagga... Akhri...

bosaso

hargeysaSomaliland oo Xaqiijisay in Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil: Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Lundin iy Africa oil Akhri

DEKEDDA BOOSAASO OO AY KU SOO FOOL LEEYIIN LABO DOONYOOD OO HUB SIDA....

Doonyahaas oo hubka ka soo raraya dalka Yemen ayaa waxaa wararku tibaaxeen in ay.... Akhri...

yusuf vs Nuur CaddeMa Dhabaa In Khilaaf  Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde...

Booliiska Federaalka Australia oo Baaritaan Xooggan ku haya Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad.. Akhri...

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA.. Jariidada The Independent ayaa shaaca ka qaaday in magangelyo USA laga siiyey Geeddi oo uu... Akhri

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...

cise dholawaaWaraysiyo Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo baxa Boosaaso... Guji

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland. Warbixinta ka akhri halkan...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com