SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet Daabaco Boggan | Print

Kulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde
nuur cadde
G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...


Gudoomiyaha Isbaheysiga Dibu-xureynta Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxuu Maanta Shir jaar'ad ku qabtay Hotelka Maridian ee uu ka deganyahay Magaalada Qaahira..

Sheekh Shariif oo Amniga Masaarida u waardiyeynayeen Sidii Hogaamiyaha Xamaas Mr.Khaalid Mishcal garabkiisana ay taagnaayeen Rag bostoolado ku hubeysan ayaa Shirkaan jaar'id Kaga Hadlay Arimo badan waxuuna ugu horeyn ka war bexiyay ujeedada Safarkiisa isagoo iyo wefdigiisa waxuuna Sheegay in ay Dalka Masar u yimaadan in ay aragtida Isbaheysiga dibu-xureynta Soomaaliya iyo halganka Shacabka Soomaaliyeed ugu jirto sidii u xureydiisa u heli lahaa. Sidoo kale inay u Bandhigaan Dowlada Masar Maadama ay tahay Masar Dowlada Muhiim ka ah Gudaha Dalalka Carabta iyo Africa Ayna tahay Dowlada Daneeso Arimaha Soomaaliya iyo Sidii Dowladaha Carabta ay Dowr Muhiim uga qaadan lahaayeen xal u helida mushkilada Soomaaliya waxuuna Sheegay in ay Arimahaas ay isku af garteen iyaga iyo Mas置uliyiinta Masaarida, Maalamaha Soo Socdana Shacabka Soomaaliyeed uu Arki doono mira dhalkeeda kulankaan.

Sheekh Shariif waxuu Sidoo kale Sheegay in uu Kulan la yeeshay Maalmaha uu Joogay maagaalada Qaahira Xubno ka Socday Midowga Yurub waxuuna Sheegay in uu Bandhigay Arigtida Isbaheysiga Ku aadan ee xal u helida dhibaatada Soomaaliya iyo Dowrka looga baahanyahay midowga Yurub in uu Qaato Arimaha Soomaaliya oo faahfaahsan isagoo sheegay in ay noqon doonan kulamadooda kuwa joogto ah waxuu sidoo kale sheegay in uu xubnaha wefdigaas u gudbiyay,Barakaca,Kufsiga ay Ciidamada Itoobiya Dalka Soomaaliya Ka Wadaan.

Mar uu Ka Hadlaayay Sheekh Shariif Hadalka jaamacada Carabta kasoo baxay ee ku saabsan in aysan Ururka jaamacada Carabta Casuumin waxuu Sheegay In ay Markii Horeba Jaamacada Carabta Aysan Casuumin waxuuna Sheegay in Ay tahay Cida Casuuntay Dowlada Masar Kulunkoodna ku koobnaa Masaarida oo Aysan La kulmin jaamacada Carabta.

Sheekh Shariif waxuu ku tilmaamay Wax kama jiraan Wararka Saxaafadda Qaarkeed qortay ee ku Saabsan in uu Dalka Qatar wada hadal kula yeeshay Saraakiil Mareykan Ah waxuuna Cadeeyay in uu dalka Qatar u joogay Barnaamij ku saabsan Telefishinka Al-jaziira.

Gudoomiya Is baheysiga Dibu-xureynta Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed Waxuu Sidoo Kale Shirkaan jaraa段d Kaga Hadlay Arimaha Dibu Heshiisiinta Waxuuna Sheegay in aysan Shardi Aheen ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya Dalka Soomaaliya Lakiin ay tahay Dariiqa Saxda ah ee Wada hadalka Loo Mari Karo,waxuuna Shaki geliyay Awooda Ra段sulwasaare Nuur Cade u leeyahay in uu wada hadal La furo Isbahaysiga, Waxuuna Sheegay ka hor wada hadal In ay tahay Muhiim in La ogaado aragtida Nuur Cade ee Ku Aadan Joogitaanka Ciidmada Itooobiya iyo Boqolaalka Soomaalida ee Xabsiyada Maamulkiisa iyo kuwa Xabashida ku jiro iyo Kuwa Xabishidu Dalka ka Barakicsay Hadii uu raali  ka yahay iyo hadii ku mowqif yahay Isbaheysiga dibu-xureynta Soomaaliya

Sheekh Shariif Waxuu Meesha ka saaray Jiritaanka Dowlada Soomaaliyeed asigoo sheegay in magaalada Muqdisho dadka la gato waxuuna Sheegay in Dalka Soomaaliya uu Xakumo Jananka Ciidmada Itoobiya Mr.Gabre Asigoo taasi Daliil ugu dhigay In uu Joogo Kulamada Madaxda Dowlada ay la Qaataan Mas'uuliyiinta booqdo, Sheekh Shariif waxuu Sheegay in Laga Soo ansixiyay Itoobiyaanka Casilada Ra段sulwasaarihii Hore Cali Geedi iyo Magacaabista Ra段sulwasaaraha Cusub Nuur Cade.

Gudoomiya Isbaheysiga Dibu-xureynta Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxuu Itoobiyanka Ku eedeeyay in ay Fashiliyeen wada hadalkii Dhex Maray iyaga iyo Dowlada waxuuna Sheegay in ay Cabdulaahi Yuusuf ku Qasbeen in uu joojiyo Wada hadalada, waxuu Sidoo kale ku eedeeyay Ciidamada Itoobiya Iyo Maamulka Cabdulaahi Yuusuf in ay ka danbeeyaan Qaraxyada Ka dhaca magaalada Muqdisho ee wax loogu geysanaayo Shacabka Soomaaliyeed, waxuuna Meesha Ka saaray wax lug ah oo ay ku leeyihiin Kooxaha Muqaawamada ama Kooxda Al-shabaab ee Taageersan Isbaheysiga Qaraxyadaas, Waxuuna Sheegay In kooxda Al-shabaab ay ka mid tahay isbaheysiga dibu-xureynta Soomaaliya hadafkooduna yahay sidii loo xanuunjin lahaa Gumeysiga Loogana Saari lahaa dalka Soomaaliya, Shariifka waxuu wax kama jiraan ku tilmaamay in ay ka danbeeyaan falal wax loogu geysanaayo Shacabka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii Sheekh Shariif waxuu sheegay in uu Qabo Geesinimo uu ku weydiisto Cudur daaro Shacabiga Soomaaliyeed hadii ay jiraan wax ay khaldeen Lixdii bilood ee ay Maamulka Soomaaliya inteeda Badan gacanta ku hayeen waxuuna sheegay in maamul walba Khalad ka dhaco waxii la khaldayna La saxi doono.

Ismaciil Saxaaf
Saxaaf@hotmail.com
Qaahira-Masar

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 16, 2008


bosasoDEKEDDA BOOSAASO OO AY KU SOO FOOL LEEYIIN LABO DOONYOOD OO HUB SIDA....
Doonyahaas oo hubka ka soo raraya dalka Yemen ayaa waxaa wararku tibaaxeen in ay.... Akhri...

yusuf vs Nuur CaddeMa Dhabaa In Khilaaf  Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde...

Saddexdii Dhallinyarada ahaa ee ku xirnaa Thailand oo la soo daayey...: 3-dii dhallinyarada ahaa ee katirsanaa Cidamada Daraawiishta Puntland ee saddexda sano (2005-2008) ku jirey xabsiga Thailand ayaa helay Xoriyadoodi, waxay hadda ku sugan yihiin..... Akhri...

G/sare C/lahi Yusuf: DFKMG waxay jiri doontaa 5-sano ka badan, Itoobiyaankuna kama bixi doonaan Soomaaliya.... Daawo Waraysi

Booliiska Federaalka Australia oo Baaritaan Xooggan ku haya Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad.. Akhri...

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA.. Jariidada The Independent ayaa shaaca ka qaaday in magangelyo USA laga siiyey Geeddi oo uu... Akhri

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...

cise dholawaaWaraysiyo Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo baxa Boosaaso... Guji

macalinGuddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya, Faarax macallin, oo waraysi siiyey Idaacadda Australia ee SBS halkan ka dhegeyso ama halkan (mp3)

Dagaal ka Dhacay Balli-Doogle
Kulan ka dhacay Gobolka shabeelaadda Hoose
iyo Olole nadaafadeed oo ka soconaya isbitaalka hooyada iyo dhalaanka degamad guriceel ee goblka Galgaduud
Akhri Jan 25

sakariyeZakariye Xaaji: Nuur Cadde Waa Nin Odey ah Waxase uu Saaran yahay Gaarigii Dalka Lagu Qabsaday (Waraysi)... Akhri...

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland.
Warbixinta ka akhri halkan...

norwayMu'tamaradii Norway-Sweden oo khayr kudhamaaday.. mu’tamarkii “Horumarinta Samafalka iyo Iskaashiga”... Sawiradii mutamarka...

ukBannaanbax looga soo horjeedey Xasuuqa iyo Joogitaanka Itoobiya
London: Mudaharaadkan oo noqday kii ugu weynaa ay isugu yimaadaan Jaaliyada Geeska Africa.. Akhris/sawirro...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com