ZAKARIYE: NUUR CADDE WAA NIN ODEY AH WAXASE UU SAARAN
YAHAY GAARIGII DALKA LAGU QABSADEY (WAREYSI)
- Waxaa wareystey: C/qaadir Gutaale
"Haddii dawladi jirto ma hal milyan iyo bar Soomaali ah ayaa la qaxin lahaa?
Ma caasimaddii ayaa madaafiic iyo B.M loo qaybin lahaa habeen walba? Xamar
maalintii Xabashidu soo galaysey 72 isbitaal ayaa shaqeynayey maantana 2
kaliya."
Guddoomiye ku-xigeenka Isbahaysiga Dib u Xoreynta
Soomaaliyeed Dr. Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo
maalin ka hor ku soo laabtey dalka Britain isaga oo
safar ku kala tegey dalal ku yaalla waqooyiga
Ameerika, Yurub iyo xarunta Isbahaysigiisa ee Casmara,
waxaana wareysi aan la yeelanney uu inooga warramey
wixii u soo qabsoomey, dadaalka siyaasadeed ee haatan
socda iyo mawqifka Isbahaysiga. Waxaana ugu horreyn
weydiiyey:
S: Safar dheer ayaad ku soo kala bixiseen waqooyiga
Ameerika, iyo Yurub adiga iyo xubno ka tirsan
Isbahaysiga maxay ahayd ujeedada iyo farriinta aad
gudbinayseen?
J: Safarkayagu laba ujeeddo ayuu lahaa: in jaaliyadaha
Soomaaliyeed iyo dawladaha dalalka aan tagney aan
gaarsiinno xasuuqa iyo barakicinta dadka Soomaaliyeed
lagu hayo iyo gumaysiga dalka la geliyey iyadoo magac
dawladnimo aan jirin lagu hoos gabanayo. Ujeedada
kalena waxay ahayd in dawladaha adduunka iyo dadka
Soomaaliyeedba loo sharraxo ujeedada halganka dalka
lagu xoreynayo. Labadana guul ayaan ka soo gaarney?
S: Dalalka aad soo marteen yaa ka mid ah?
J: waxaan soo marney Mareykanka oo aan ka tagney,
Meneapolis, Virginia iyo Washington. Canadana waxaan
tagney Toronto iyo Ottowa.Waxaan kale oon soo marney
Geneva, Holland iyo Brussels oon hadda soo marey.
S: Maxaa ka mid ah guusha aad ka gaarteen?
J:
Waxaan ku guulaysanney inaan abaabulno wacyi gelin iyo
shirar is daba joog ah oo loo qabanyey jaaliyadaha
dalalka aan tagney kuwaasi oo u jeedadoodu ahayd sidii
jaaliyadahaSoomaaliyeed ay uga qayb geli lahaayeen
halganka dalka lagu xoreynayo, innaga oo kaashanayna
xubnaha firfircoon ee jaaliyadaha dalalkaas oo horeba
dadaal uga dhex wadey jaaliyadaha Soomaalida. Waxaan
Shacbiga Soomaaliyeed gaarsiinney in hal meel laga soo
wada jeesto si dalka loo xoreeyo, waana ku
guulaysanney arrintaa, tusaale ahaan waqooyiga
Ameerika waxaa laga sameeyey Dallad ay ku mideysan
yihiin ururrada jaaliyaduhu leeyihiin ee dalalkaas ka
jira oo loo bixiyey Somali Cause. Dalalka aduunkana
waxaan ku guulaysanney inaan gaarsiino farriinta
ujeedada halganka socda, dalal badan ayaana taas ka
garaabey. Awal waxaa nalaku handadi jirey ARGAGIXISO
WEEYAAN, dawladda Ereteriyana cadaadis ayaa la saarey
hadase waxay garawsadeen sida dadka Soomaaliyeed uu
meel uga soo wada jeestey waxa Xabashidu ka wado
Soomaaliya, waxayna keentey in annaga nala soo raadiyo
oo ay Asmara yimaadaan, xitaa kuwii annaka Argagixiso
nagu sheegi jirey.
S: Kuwaasi Mareykanku ma ka mid yahay?
J: Haa.. Qaramada Midoobeyna cadaadis ayuu ku saarey
inaysan nala kulmin, hadase Mareykanka, Qaramada
Midoobey iyo Midowga Yurub intaba waa ay nala kulmeen
waana u bandhigney xalka iyo mawqifkayagu waxa uu
yahay.
S: Dadaalka haatan socda ee beesha caalamku waddo ee
lagu soo jeediyey wadahadalka diyaar ma u tihiin
inaad ka qayb gashaan?
J: haa.. waxaan u sheegney inaan wada hadal diyaar u
nahay, laakiin gumaysi annaku wada hadal la geli
meyno. Ciidamada gumaysigu horta dalkayaga ha ka
baxaan, annaka ayaa idiin ballan qaadeyna inaan wada
hadal umadda Soomaaliyeed la geleyno, ayaan u
sheegney.
S: Mawqifkiinna dawladda KMG ah hore ayaad u
sheegteen, laakiin Ra’iisul wasaaraha Cusub Nuur Cadde
sida uu u hadlayo iyo siyaasadaha cusub oo uu la yimid
ma idin soo jiiteen?
J: Runtii Nuur Cadde waxaan u aragnaa inuu yahay nin
odey ah oo nadiif ka ah dagaalladii sokeeye, laakiin
waxa uu saaran yahay waa gaarigii dalka cadawga lagu
keeney ee lagu qabsadey, waa gaarigii daba-dhilifka
ahaaa, ee gumaysiga soo hor kacay. Annaku shaqsi ahaan
waxaan u haysanno ma jiraan laakiin meesha uu galay
meel quruntey weeye, waxaan kula talin lahayn inuusan
shaarka iska wasaqeyn oo odeytinnimadiisa ku ekaado.
Meesha dawladi ma jirto, waxaa dawlad ka ah nin Gabre
la yiraahdo oo Tigree ah. Taasna dadka Soomaaliyeed
waa ay iska xoreynayaan. Dalku nabad buu ahaa waa
ogtahay intii aan Tigreegu imaan. Dadkii dalka laga
qabtey ee dadka dhiiggooda cabi jirey ayaa dib loogu
soo celiyey, hadana waa laga xoreynayaa macal
xabashidooda.
S: Laakiin miyeysan ahayn wax la soo dhoweeyo inuu
yiri mucaaradka waa la kulmayaa dhammaantood, inuu
muujiyey inuu ka xun yahay xaaladda uu dalku ku jiro,
inuu doonayo in Itoobiyaanku ay dalka ka baxaan, taasi
oo aan ahayn wax looga bartey madaxda dawladda uu
hadda Ra’iisul wasaaraha u yahay, taasi miyeysan
dabacsanaan idinku abuureyn iyo inaad soo dhoweysaan?
J: Horta Mucaaradna ma jiro dawladina ma jirto. Waxaa
jira Gobanimodoon dalkooda ka xoreynaya gumaysi iyo
koox daba-dhilif ah. Waagii Afrika ay gumaysiga la
dirireysey lama dhihi jirin Mucaarad iyo dawlad baa
diriraya ee waxa uu ahaa Gobanimadoon iyo gumaysi
dagaal u dhexeeyey, Soomaaliyana hadda xaaladaas ayey
ku jirtaa…berigaasba dad daba-dhilif ah oo gumaysiga
la shaqeeya waa ay jiri jireen. Meesha daba-dhilif iyo
gumaysi ayaa jooga. Haddii dawladi jirto ma hal milyan
iyo bar Soomaali ah ayaa la qaxin lahaa? Ma
caasimaddii Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa madaafiic
iyo B.M loo qaybin lahaa habeen walba, ma dumarka iyo
carruurtaa la dili lahaa, ma guryahaa la dumin lahaa,
ma hantida shacabkaa la boobi lahaa…waa maxay dawladda
aad sheegaysaa ood ku celcelinaysaa? Dawlad waa tan
umaddeeda xannaanaysa, oo dadka muwaadiniinta ah
nabad-gelyadiisa sugta oo boliis u samaysa oo
xuquuqdooda ilaalisa, xannaaneysa oo isbitaallada u
samaysa. Xamar maalintii Xabashidu soo galaysey waxaa
shaqeynayey 72 Isbitaal maantana 2 kaliya ayaa
shaqeysa. Aawey dawladnimadii? Dawladdu magac ma ahan
la iska sheegto calaamado lagu yaqaanno ayaa jira.
S: Soo uma muuqato inaad wada hadal oo dhan aad meesha
ka saareysaan?
J: Maya..annaku umadda Soomaaliyeed ayaan wada hadal
la geleynaa, waxaan la hadlaynaa oo hadda wada hadal
inoo socdaa dawladihii shalay Xabashida keeney iyo
kuwii maal geliyey iyo UN-ka, waxaana kala hadlaynaa
inay Xabashida dalka ka saaraan, haddii ay ka saari
karaan inta aannan annaku xoog ku saarin. Gabre iyo
Melez Zenawi dalka nalama lahan, nalamana gorgortami
karaan iyaga oo dalkayaga haysta.
S: Dhowaan kulankii aad la yeelateen Wakiilka Qaramada
Midoobey ee Soomaaliya maxaad u sheegteen amaba isku
afgarateen?
J: Waxaan u sheegney in Itoobiyaanka dalka laga saaro,
In Shaqsiyaadkii dembiyada dagaal Soomaaliya ka
geystey Maxkamad Caalami ah la hor geeyo sida Melez
Zenawi iyo saraakiishiisa iyo Soomaalidii ku gacan
siisey qabsashadiisa Soomaaliya, in wada hadal
Soomaali loo qabto oo dawladi ma jirtee Soomaaliya
dawlad loo sameeyo, in dadka la bara-kiciyey gargaar
bani’aadannimo loo fidiyo degaannadoodii iyo
guryahoodiina ay dib ugu laabtaan arrimahaas ayaan
kala hadalney.
S: Ma jirtaa qorshe la idiin soo jeediyey oo ah in
ciidammo nabad ilaalin ah oo ka socda QM dalka la
keeno, Afrikana laga wareejiyo mas’uuliyadda nabad
ilaalinta.
J: Waxaan u sheegney in ciidammo dadka Soomaaliyeed ay
ka wada hadleen oo heshiis ku yihiin in la keeno.
Ciidammo kooxi keensatey annaku nabad ilaaliyayaal uma
aqoonsanayno. Waxa loo baahan yahay ciidan QM ay waddo
oo nidaamkooda la yaqaanno, oo waxa ay qabanayaan la
yaqaanno, muddadooda la yaqaanno. Dalka annagaa leh ma
ahan meel qashin qub ah oo wixii la rabo la iska keeni
karo sidii la rabona laga yeeli karo. Aan dawlad la
‘aanno aana kala daadsanaano laakiin weli ummad baynu
nahay sida umadaha adduunka loola dhaqmo waa in
naloola dhaqmaa. Umadaha kale marka dhinacyada is haya
ay isku raacaan ayaa ciidammo ay heshiis ku yihiin
waxa ay qabanayaan ayaa loo geeyaa. Ciidammo koox gaar
ah iyo shaqsiyaad ilaalinaysa ama ay ku adeeganayaan
ma doonayno.
S: Hadda waxaa Xamar tegey amaba weli jooga koox ka
socota QM oo qiimeynaysa sida Ciidammo nabad ilaalin
ah loo gayn karo dalka, taas ma la idin kala tashtey?
J: Kuwa hadda joogaba yaa nagala tashtey, waxa ay
gaashaan u yihiin Kooxda Imbagathi iyo Itoobiyaanka.
Annaku waxaan u sheegney in Soomaalidu ay go’aanka
ciidamada iyagu leeyihiin, haddii marka Soomaalidu
wada hadasho ay ku heshiiso inay u baahan yihiin
ciidammo kala dhex gala muddo gaaban waa OK, waa la
keenayaa, haddii kalena waxa ay ku heshiin karaan
inaan loo baahnayn. Soomaaliya meelo xasilloon oo
dadkeedu inta isu yimaadeen heshiiyeen ayaa jira sida
Somaliland iyo Puntland maxaa Koonfurta ciidamada aan
dadkeeda lagala tashan loogula soo ordayaa?.
S: Itoobiyaanku si ay u baxaan in ciidammo kale la
keeno ma ogolidin miyaa?
J: Itoobiyaanku haddii ay baxaan nabad baa imanaysa,
dhibaato aan iyaga ahayn dalka kama jirto. Nabad
darrada iyagaa mas’uul ka ah.
S: Hadii ay Itoobiyaanku baxaan ciidammo bedelena aan
la helin soo uma ekaanayso cidii xoog leh ee adkaataa
ha soo harto, sida dadka qaar ku doodaan?
J: Xoogga maxaa keenaya? Dadkii dalka lahaa ayaa ka
wada arrinsanaya aayahoodee. Annaku bahallo is cunaya
ma nihin. Markii horeba nala kuma kala dhex jirin.
Maxaakiimtu waxa ay joogeen Xamar qolada Imbagathina
Baydhaba, ciidamana kuma kala dhex jirin, isumana
imaan illaa Itoobiyaanku ay weerar soo qaadeen.
S: Laakiin markaas authority ama awood maamul oo Xamar
gacanta ku haysey ayaa jirtey?.
J: Xaaladdaas oo kale ayaa abuurmi karta. Dadka
Soomaaliyeed waa ay heshiin karaan, waxna waa qabsan
karaan haddii aan lagu kala dhex jirin.
S: Laakiin marka la eego mawqifkiinna iyo
istiraatijiyada aad wadataan soo ma khilaafsana qaabka
ay Beesha Caalamku ku celceliso ee ah in
Itoobiyaankana dalka laga saaro ciidammo bedelana la
keeno, adinku qaabkaas inaad ka soo horjeedaan ayey u
muuqataa?.
J: Carabtu waxay ku maahmaahdaa DADKA MAKKA IYAGAA
YAQAANNA LUUQLUUQYADA MAKKA. Xaafad kastaa luuqluuq
yadeeda qofkii u dhashey ama deggan ayaa kala
yaqaanna. Beesha Caalamka dalka annaka ayaa ka xigna
oo kabadina una dhalanney xalkiisana ka aqoon og.
Waana u sheegney sida wax loo kala hor marinayo iyo
inaysan xal ahayn keenista ciidammo aan la isku
raacsanayn. Beesha caalamka wixii ay nagula
qumanaayeen waan ka yeelney, wixii kalena waan u
caddeyney mawqifkayaga. Gobollada waqooyi ee
Soomaaliya markii ay heshiinayeen UN-na looma keenin
Afrikaanna looma keenin, Waqooyi-Barina looma keenin,
Koonfurtuna wacal maahan kuwaas ayey la mid tahay,
Soomaalida haddii la isaga dhex baxo iyagaa
heshiinaya, haddiise ay gartaan inay ciidan u baahan
yihiin markaas iyaga oo raalli ka ah ayaa loo
keenayaa.
S: Keenista Ciidan miyaan la idinku soo qaadin?,
Maxaadse isku ogtihiin beesha Caalamka iyo UN-ka
markii ugu dambaysey?
J: waa nala ku soo qaadey. Waxaana niri horta kuwa
jooga halla saaro, kuwa la keenayana soomaali haka
tashato.
Waxaa wareystey
C/qaadir Gutaale
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 24, 2008
|