Xildhibaan Suleymaan Colaad Rooble "Baarlamaanka Xorta waa hooyadii
muqaawamada"
"Haddii lagu sheelo waa laysa sheegaa, haddii lagu sheegana
waa laysa sheelaa"
Afhayeen u hadlay baarlamaanka xorta ayaa ku tilmaamay waxaa sal iyo
raad toona lahayn wararka sheegaya in Shariif Xasan Sh. Aadan
guddoomiyaha sharciga ee Baarlamaanka inay qadka talefoonka ku wada
hadleen ninka lagu magacaabo Nuur Cadde, waa waxaan suuragal ahayn in
Nuur Cade oo jooga Adis ababa uu Shariif Xasan lasoo xiriiro, isla
markaana sida ay wararkaa sheegayaan ay isku afgarteen kulan ku dhexmara
magaalada Qaahira ee dalka Maser, waxaan canbaaraynaynaa websadyada
faafiyay wararkaa afalagaada ah ee looga gol leeyahay in Shariifka iyo
xubnaha Baarlamaanka xorta ah looga xanyuubiyo haybada iyo sharafta ay
ka dhaxleen kaalinta ay ku leeyihiin halganka loogu soo horjeedo
qabsashada ciimada cadowga ee soo jireenka ah ee ummadda Soomaaliyeed.
Walaalayaal sida in badan oo la socoto halganka iyo marxaladihii ay
qirayaan, xubnaha Baarlamaanka xorta ah waxay ahaayeen aasaskii
muqaawamada ka hortoodna cidna uma istaagin ka hadalka ciidamadii ku soo
duulay dalkeena iyo gobonimadeena, waxayna ahaayeen kuwii ku mutaystay
xarig, masaafurin iyo jirdil. gabdhaha iyo raga ka tirsan Baarlamaanka
xorta ah, waxay ahaayeen kuwii iska diiday xilalkii ay haysteen oo kala
ahaa Guddoomiye baarlamaan,Wasiiro,Wasiir ku xigeeno,xoghayaal
baarlamaan, guddiyada baarlamaanka, mar haddii dalku gacanta ka baxay oo
gumaysi u gacan galay, waxay ahaayeen kuwii ku dhawaaqay "anaga waxaan
xil,sharaf iyo darajo ka rabnaa waa dadkeena, dadkeenana gumaysi ogalaan
maayaan" markii loogu baaqay inaysan lumin xilalka ay haystaan. waa ku
wii iska diiday balanqadyo dhaqaale oo ay u fidiyeen dowlada lagu sheego
kuwo waaweyn oo yiri "shilamaad ku iibsan meyno dadkeena iyo dalkeena"
waa ku wii u dhabar adeegay qorsho kasta oo lagu damacasanaa in lagu
hoos geeyo gumaysiga si loo waayo cid ka hadasha oo iftiimisa waxa uu ka
damacsanyahay gumaysiga dalka, waa kuwii u istaagay sidii ay halganka
saldhig ugu heli lahaayeen kadibna loo dooni lahaa dhamaan ummadda
Soomaaliyeed ee aaminsan in dalka xoriyadiisii luntay, loona baahanyahay
in dib loogu halgamo sidii loo soo celin lahaa, waxay abaabul u galeen
in shir hordhaca laysugu keeno 4 qaybood oo markaa loo arkayay in
mujtamaca soomaaliyeed ku mideysanyihiin shirkaana wuxuu kadhacay dalka
Khaddar magaaladiisa Dooxa waxaana isugu yimid 4 waaxoo oo waaweyn oo
kala ah Xubnaha Baarlamaanka xorta ah, Midowgii Maxkamadaha Islaamiga,
Bulshada rajidka iyo mujtamaca Soomaaliyeed ee khurba jooga ah. waxaana
lagu guulaystay inay meelmarto fikirkii ay xanbaarsanaayeen xubnaha
Baarlamaanka xorta oo ah in la mideeyo Muruqa, Maalka iyo Fikirka
ummadda Soomaaliyeed ee diidan gumaysiga taasoo lagu guulaystay, mahadi
haka gaartee shacbiga iyo dowlada eretareeya ayaa u guntaday marti
gelinta in kaban 400 ergo ah oo Soomaliyeed oo ka kala yimid daafaha
aduunka iyo gudaha Soomaaliya, waxaana halkaa lagu unkay isbahaysiga la
magacbaxay "Isbahaysiga dib-u xoreynta Soomaaliyeed".
Walaalayaan waxaan fariin u diraynaa shacbiga Soomaaliyeed oo ay ka mid
yihiin boqorada, isimada, suldaanada, malaaqyada, ugaasyada
culumaaudiinka, waxgaradka haweenkii geesiyaasha ahaa, saraakiishii
qaranka loo diyaariyay, aqoonyahanka, ganacsatada, mujaahidiinta iyo
muqaawamada xaq-udirirka ah intaas oo dhan waxaan ugu baaqaynaa midnimo
kama maarano midnimo waxaana ka codsanaynaa in cadowga loo midoobo.
Sidaas daraadeed waxaan ummadda soomaaliyeed usheegaynaa inaanan ka
tansuli doonin mabdii ahaa in dalka laga xoreeyo cadowga ummadda
Soomaaliyeed
Halganka guul cadowguna waa saaris.