SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet Daabaco Boggan | Print

Kulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde
nuur cadde
G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...


Hay’adda COGWO oo Toban caruur U heshey in lagu soo daweeyo wadamada Kenya iyo Uganda

 waxaad la idiin ka codsanayaa in aad ka qaybqaadataan Tigidhada Caruurtaa lagu geyn lahaa wadamadaa

Waxaan salaan balaaran idinkaga sidaa hay’adda COGWO oo ah dallad ka kooban 30 urrur,oo ka shaqeeya horumarinta haweenka, caafimadka,waxbarashada, nabadda iyo xaququl Insaanka. Taas oo noo surta galisay inaan wax weyn u qabanno bulshadeena somaaliyeed anagoo ka shaqeeyno 5 gobol oo kala ah Banadir, Bai, Bakol, Hiran iyo Galgaduud

Intii aan ku jirnay shaqadasi samafalka ah, siiba arrimaha gargaarka bani’aadamnimo ayaa waxaa soo ifbaxeen dhibanayaal tiro badan oo kala ah kuwo loo geystay xadgudub iyo kuwo caafimaad daro haysato isla markana aanan waxaba looga qaban Karin dalka gudahiisa gaar ahaan Konfurta iyo bartamaha Somalia oo ay ka jirto nabad gelyo daro.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 12-02-2008 oo ah maalinimo talaada ah waxaa ay hay’adda COGWO weydisatay in ay bulshada somaliyeed dalka iyo dibadaba ku nool in ay dhaqaalo u fidiyaan 10 caruur ah oo ay xaladooda cafimaad aad u hoseeyso waxna looga qaban waayay dalka gudahiisa, kuwasoo haddi aan degdeg loo geynin dibadda nolashooda ay Qatar ku jirto. Ka dib markii aan la tashanay takhaatirtaAMISOM ay noo shegeen in aysan haysanin wax qalab ah oo ay wadanka gudahiisa wax ugu qabtaan lakiin ay nagu cawin donaan in ay nagu xiraan dhaqaatir jooto dibadda, kuwasoo taqasuus gaar ah u leh cudurada haayo caruurtan xanuunsan.



Tasoo aan tijaabadeeda aan horay ugu guuleysanay ka dib markii aan geynay dalka mareykanka laba gabdhood oo kala ahaa Binti jeylani iyo Muraayo Nur Cali kuwasoo manta ilahay mahadiis cafimaadokooda u soo noqday, mantana ku nool nolol cadi ah isla markaana kusugan dalka mareykanka. Sidoo kale waxaa ay COGWO ku guuleysatay in aan geyno labo gabdhood oo kala ah Sokoreey iyo Xabiibo oo la geeyay magalada hargeyso halkasii oo qalinkooda lagu guleystay isla markaana weli Hargeisa ku sugan oo soo noqon doono mar dhow.

Sidaa darted waxaan dhamaan shacbiga somaliyeed meel kasto oo ay joogaan ka codsanaynaa in ay gacan ka geystaan waditanka 10 caruur iyo waalidiindood oo la rabo in la geeyo dalka Kenya iyo Ugandha oo loogu diyaariya daqaatirtii loogu tala galay.

Ugu dambeyntii waxaan u mahad celineynaa dhaqaatirta AMISOM, MAYO CLINIC ee dalka Maraykanka, Cabdi Muse Maxaay oo ah wiil Soomaaliyeed oo jooga dalaka Marayka ilaa hadda ka shaqeynayo sidii shacbiga somaliyeed loogu samata bixin lahaa dhibatada ay ku jiraan, iyo Takhatirta ka shaqeyso isbitaalka Hargeisa group gaar ahaan Dr. Saciid_oo ka tirsan UNFPA iyo Eric Larouch oo ah uqeybsanaha UN-ka ee arrimaha bani adamanimo ee Somalia.

Waxaa kale oo mahad gaar ah u celinaynaa Dr. Yaasiin oo ah Agaasimaha Hargeisa Group Hospital, Dr. Cabdiraxmaan Cali Mahdi (Aw-Koombe), Dr. Xuseen Ismaaciil & Dr. Ibraahim Biixi.
Waxaa kale oon la iloobi Karin oo aan mahad gaar ah iyagana u celinaynaa Dr. Fadumo Suudi Wasiiradda Haweenka & qoyska ee Somaliland, Ayaan Xassan Nuur & gabadha la yiraahdo Faadumo Cabdullaahi Xasan oo ka tirsan ururka WOHEDA oo iyagana gacan weyn ka geystay xanaanaynta bukaankii loo qaaday Hargeisa si loogu soo daweeyo.

Walaalyaal, ciddii rabto in ay gacan ka geysato u gargaarida caruurtan waxaa ay gargaarkeeda ku shubi kartaa DAHABSHIL AC/No 3222 iyo QARAN oo ah 41

Prepared By: COGWO

waxaa soo tebiyey Ammiin Yuusuf

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 13, 2008

bosasoDEKEDDA BOOSAASO OO AY KU SOO FOOL LEEYIIN LABO DOONYOOD OO HUB SIDA....
Doonyahaas oo hubka ka soo raraya dalka Yemen ayaa waxaa wararku tibaaxeen in ay.... Akhri...

yusuf vs Nuur CaddeMa Dhabaa In Khilaaf  Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde...

Saddexdii Dhallinyarada ahaa ee ku xirnaa Thailand oo la soo daayey...: 3-dii dhallinyarada ahaa ee katirsanaa Cidamada Daraawiishta Puntland ee saddexda sano (2005-2008) ku jirey xabsiga Thailand ayaa helay Xoriyadoodi, waxay hadda ku sugan yihiin..... Akhri...

G/sare C/lahi Yusuf: DFKMG waxay jiri doontaa 5-sano ka badan, Itoobiyaankuna kama bixi doonaan Soomaaliya.... Daawo Waraysi

Booliiska Federaalka Australia oo Baaritaan Xooggan ku haya Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad.. Akhri...

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA.. Jariidada The Independent ayaa shaaca ka qaaday in magangelyo USA laga siiyey Geeddi oo uu... Akhri

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...

cise dholawaaWaraysiyo Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo baxa Boosaaso... Guji

macalinGuddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya, Faarax macallin, oo waraysi siiyey Idaacadda Australia ee SBS halkan ka dhegeyso ama halkan (mp3)

Dagaal ka Dhacay Balli-Doogle
Kulan ka dhacay Gobolka shabeelaadda Hoose
iyo Olole nadaafadeed oo ka soconaya isbitaalka hooyada iyo dhalaanka degamad guriceel ee goblka Galgaduud
Akhri Jan 25

sakariyeZakariye Xaaji: Nuur Cadde Waa Nin Odey ah Waxase uu Saaran yahay Gaarigii Dalka Lagu Qabsaday (Waraysi)... Akhri...

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland.
Warbixinta ka akhri halkan...

norwayMu'tamaradii Norway-Sweden oo khayr kudhamaaday.. mu’tamarkii “Horumarinta Samafalka iyo Iskaashiga”... Sawiradii mutamarka...

ukBannaanbax looga soo horjeedey Xasuuqa iyo Joogitaanka Itoobiya
London: Mudaharaadkan oo noqday kii ugu weynaa ay isugu yimaadaan Jaaliyada Geeska Africa.. Akhris/sawirro...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com