Howl nadaafadeed oo ay ka qeyb qaadanayaa dhamaan haweenka ku sugan
deegaanada ay ka midka yihiin Godinlabe, Qaradhi, God-dhurwaa, Gaalyeel,
Gidheys, Kayn, Bowda-dhogore, Dusmaale, Fadalaweyn iyo tuulooyin badan
oo ka tirsan degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa ka soconeysa
tuulooyinkaas.
Howshan haweenka oo kaashanaya dhalinyarada deegaanadaas ayaa tuulo
kasta oo ay joogaan ka qeyb qaadanaya waxayna haweenku samaysteen oo ku
midaysan yihiin urur wadani ah oo la yiraahdo RAHMO WEMON AND CHILDREN
DEVELOPMENT ORGANIZATION, ururka hormarinta hooyada iyo dhalaanka ee
Raxmo.
Boorar ay ku qoran
yihiin halku dhigyo muujinaya qiimaha ay leedahay howshan iyo daryeelka
hooyada iyo dhalaanka ayey ku dhajiyeen haweenku gidaarada meelaha ay
howlaha ka hayaan waxaana ay meel isugu keenayaan qashinka kadibna
isagoo tuurin ah ayey gaari iska roge ah ku qaadayaan si loogu gubo
goobtaas.
Gudiga fulinta ee ururka Raxmo ayaa ka warbixyey howshaan baahi wayn in
loo qabo islamarkaasna sheegay ay si tabarucaad iskaa wax u qabso ah ku
wadaan aysana jirin cid wax ku siisay balse ay doonayaan in ay kor u
qaadaan bilicda deegaanada ay ku nool yihiin.
Waa markii ugu horaysay ee haweenka ku sugan deegaanadan ay yeeshaan hal
urur oo mideeya afkaartooda isla markaasna ay soo bandhigaan fakarkooda
iyo wax qabadkooda iyadoo si ficil ah u muuqda.
Ururka haweenka ee Raxmo ayaa hay’adaha samafalka iyo jaaliyadaha
deegaankaan ka soo jeeda ugu baaqay in taageeraan arimaha hormarinta
bulshada ee ay hada bilaabee, waxay si gaar ah uga codsadeen cid kasta
oo wax ka qaban karta arimaha aas aasiga ah ee deegaanla waxayna
sheegeen in ay ugu daran tahay xiligaan in lala hir galiyo MCH ama bar
caafimaad oo waxun ka qabata dhibaatada caafimaad ee deegaankaas gaar
ahaan Godinlabe oo dad badani daganyhiin aana lahayn raad caafimaad
xitaa Umuliso iyo MCH midna.
Kala soo xiriir RAHMO WEMON AND CHILDREN DEVELOPMENT ORGANIZATION,
Tel 25215887011/689444 Email raxmo_org@yahoo.com
Waraysiyo
Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS
ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha
Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo
baxa Boosaaso... Guji
Guddoomiye
ku xigeenka Baarlamaanka Kenya, Faarax macallin, oo waraysi siiyey
Idaacadda Australia ee SBS
halkan ka
dhegeyso ama
halkan
(mp3)
Dagaal
ka Dhacay Balli-Doogle Kulan ka dhacay Gobolka shabeelaadda Hoose iyo Olole nadaafadeed oo ka soconaya isbitaalka hooyada
iyo dhalaanka degamad guriceel ee goblka Galgaduud
Akhri Jan 25