SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - YURUB
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet Daabaco Boggan | Print

Kulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde
nuur cadde
G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...


Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Nuur Cadde oo Xarunta Modoowga Yurub kula kulmay  Xoghayaha Guud ee Arrimaha Amniga Mr. Javier Solana...

Brussels: Nuur Cadde oo Sheegay in aan waxba ka jirin Wararka Sheegaya in uu Tegi Doono Qaahira iyo Casmara... Waraysi...

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ah Mudane Nuur Cadde ayaa magaalada Brussels kula kulmay Mr. Javier Solana oo ah ma’suulka u qaabilsan Midoowga Yurub arrrimaha amniga. Kulankan ayaa ka dhacay xarunta Midoowga Yurub ee European Council.

Mudane Nuur oo soo gaaray magaalada Brussels shalay subaxnimadii ayaa waxaan wax ka waydiiyay kulanka uu la qaatay Mr. Solana, waxaana ugu horreyntii waydiiyay waxa ay iskula soo qaadeen kulanka isaga iyo Javier Solana wuxuuna ii sheegay isagoo ii faahfaahinaya inuu kulankan ahaa mid ku dhamaaday  jawi wanaagsan isla markaana ay ka wada hadleen xaaladda guud ee dalka Soomaaliya iyo sidii wax looga qaban lahaa soo celinta nabad galyada  iyo arrimaha dib u hishiisiinta, Midoowga Yurubna ay gacan uga gaysan lahaayeen. Wuxuuna Mudane Cadde ii sheegay in ay dhamaan arrimahaas isku af garteen. Dhinaca kalena wuxuu Ra’iisul Wasaaraha sheegay in uu Mr. Solana ugu ballan qaaday in ay wax wayn ka qaban doonaan Midoowga arrimaha Soomaaliya gaar ahaan xagga dib u hishiisiinta iyo nabad galyada.

Ra’iisul Wasaaraha oo aan waydiiyay qaabka ay u wajahayaan dib u hishiisiinta iyo qaabka ay wada hadal ula furayaan kooxaha mucaaradka ah ayaa iigu jawaabay.. 

In ay ka go’an tahay in ay mucaaradka dowladda kasoo hor jeeda si aan kala sooc lahayn oo loo dhan yahay ay ula xaajoon doonaan ulana hadli doonaan isagoo hadalkiisa sii watana wuxuu yiri “ Mucaaradka waa dad dalka xaq ku leh waajibna uu ka saran yahay in ay wax ka qabtaan, maxaa yeelay dalka wax u qabashadiisa iyo umadda Soomaaliyeed wax u qabashadeeda annaga iyo mucaaradka waa u simman nahay oo ma kala xigno wadanka iyo dadkaba haddiise mucaaradka ay dhaliilsan yihiin wax qabadkeena dowlad ahaan amaba ay jirto in ay wax ka tabanayaan xagga awood qaybsiga annaga diyaar ayaan u nahay inaan arrimahaas ka wada hadalno, meel isla dhigno wixi dan u ah ummaada Soomaaliyeed wixii qilaaf jirana meel la isla wada dhigo” 


Nuur Cadde iyo Javier Solana, Feb 11, 2008, Brussels

Sidoo kale ayuu Prime Ministerka iiga jawaabay su’aal kale oo ku saabsanayd qaabka ay ku bixi karaan ciidamada Itoobiya iyo habka ay ku imaan karayaan ciidamada AMISOM iyo haddii uu kala hadlay Mas’uulka Midoowga Yurub in ay ka taageeraan dhinaca dhaqaaalaha ayuu iiga jawaabay waxaa uuna yiri… 

“Ciidamada AMISOM in qarash loo helo oo la soo dhamays tiro maadaama ay tirade hadda joogta ay yar tahay hore ayaa looga hadlay shirkii Madaxda Midoowga Afrika haddan waa ka wada hadalnay, ciidamada Itoobiya laakin joogitaankooda iyo bixidoodaba waxay ku xiran tahay ummadda Soomaaliyeed oo isu timaada wada hadasha mucaaradka iyo dowladda in ay wada hadlaan oo ay isla gartaan iyo ciidamadaasu joogayaan iyo in ay baxayaan waxay ila tahay go’aankii markaas la gaaro ayaa soconaaya” 


Nuur Cadde iyo Javier Solana | Feb 11, 2008

Ugu danbayntii ayaa waydiiyay waxa ka jira wararka sheegaya inuu Qaahiro wada hadal kula yeelan doono mucaaradka iyo inuu tagi doono magaaalada Casmara ee dalka Eritrea oo xarun u ah mucaaradka wuxuuna iga yiri….. 

“Run ahaantii waxba kama jiraan warkaas annaga waxaan hore u sheegnay mucaaradka inaan kula kulmi doono meel kasto ay joogaan oo aan la xaajoonayno oo aan diyaar u nahay taas horena waan u cadeynay laakiin hadda qorshe maantay go’an oo aan Qaahro iyo Casmara aan ku tagayno safarkaynaan ma jiro” 

Mudane Nuur Cadde ayaa beri kulamo la yeelan doona Baarlamaanka Midoowga Yurub iyo Sarkaalka Midoowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Gar Gaarka  iyo Horumarinta   Mr. Louis Michel.

Waxaa xusid mudan in uu Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde sidoo kale berri kulan la leeyahay safiirada Midoowga Yurub u qaabilsan arrimaha Amniga iyo Nabad Galyada oo loo yaqaano Peace and Security Council (PSC) kulankaan haddu dhacana waxaa Mudane Nuur Cadde uu noqonayaa Mas’uulkii seddexaad ee Afrikaan ah oo la kulma PSC waxa hore ula kulmay Madaxa Gudddiga Midoowga Africa Alpha Omar Konare iyo Ra’iisul Wasarihii hore ee DFKMG ah Mudane Cali Maxamed Geedi . 
 
Ra’iisul Wasaaraha oo ay socdaalkaan ku wehliyaan Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Jangali iyo Wasiirka Maaliyada Mudane Xaamud ayaa maanta waxay la hadli doonaan jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool Yurub.


Nuur Cadde iyo Javier Solana | Feb 11, 2008, Brussels Belgium

Saida Sheikh Ahmed (VIP) 
Brussels Belgium
saidavip1@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 11, 2008

bosasoDEKEDDA BOOSAASO OO AY KU SOO FOOL LEEYIIN LABO DOONYOOD OO HUB SIDA....
Doonyahaas oo hubka ka soo raraya dalka Yemen ayaa waxaa wararku tibaaxeen in ay.... Akhri...

yusuf vs Nuur CaddeMa Dhabaa In Khilaaf  Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde...

Saddexdii Dhallinyarada ahaa ee ku xirnaa Thailand oo la soo daayey...: 3-dii dhallinyarada ahaa ee katirsanaa Cidamada Daraawiishta Puntland ee saddexda sano (2005-2008) ku jirey xabsiga Thailand ayaa helay Xoriyadoodi, waxay hadda ku sugan yihiin..... Akhri...

G/sare C/lahi Yusuf: DFKMG waxay jiri doontaa 5-sano ka badan, Itoobiyaankuna kama bixi doonaan Soomaaliya.... Daawo Waraysi

Booliiska Federaalka Australia oo Baaritaan Xooggan ku haya Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad.. Akhri...

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA.. Jariidada The Independent ayaa shaaca ka qaaday in magangelyo USA laga siiyey Geeddi oo uu... Akhri

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...

cise dholawaaWaraysiyo Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo baxa Boosaaso... Guji

macalinGuddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya, Faarax macallin, oo waraysi siiyey Idaacadda Australia ee SBS halkan ka dhegeyso ama halkan (mp3)

Dagaal ka Dhacay Balli-Doogle
Kulan ka dhacay Gobolka shabeelaadda Hoose
iyo Olole nadaafadeed oo ka soconaya isbitaalka hooyada iyo dhalaanka degamad guriceel ee goblka Galgaduud
Akhri Jan 25

sakariyeZakariye Xaaji: Nuur Cadde Waa Nin Odey ah Waxase uu Saaran yahay Gaarigii Dalka Lagu Qabsaday (Waraysi)... Akhri...

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland.
Warbixinta ka akhri halkan...

norwayMu'tamaradii Norway-Sweden oo khayr kudhamaaday.. mu’tamarkii “Horumarinta Samafalka iyo Iskaashiga”... Sawiradii mutamarka...

ukBannaanbax looga soo horjeedey Xasuuqa iyo Joogitaanka Itoobiya
London: Mudaharaadkan oo noqday kii ugu weynaa ay isugu yimaadaan Jaaliyada Geeska Africa.. Akhris/sawirro...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com