QAYBTA
SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI.
Marka
aad booqato Isbitaalka weyn ee Mbagathi oo ah halka la yiri
Soomaaliya ayaa ku shiraysa, lagana sugayo iney dowlad ka dhalato
dhawaantan, waxaad ugu tagaysaa dad dagan oo jiifa qolol oo aan buuq
lahayn, waaga markuu u baryana hawsha ugu horeysa ee ay qabtaan ay
tahay iney doontaan raashinkii ay cuni lahaayeen, subixii marka uu
soo quraacdo, wuxuu u egyahay sidii nin shaqo weyn Soomaali usoo
qabtay. Inta Duhurka laga gaarayo sheeko iyo kaftan ayuu galaa,
hawsha ugu quruxda badan agtiisa ee uu qaban karo ama qabanayo, waa
inuu hogaamiye hebel caayaa, ama midkuu jecel yahay amaanaa.
Colaadda ugu badan ninka uu u hayo waa kii ay saakay isku miiska ku
quraacdeen, labada qol oo isku dhaganna ay wada dagan yihiin.

Gabar
kamid ah kuwa cuntada kariya ayaan ku iri, dadkan halkan dagan maxay
yihiin? Halkaanse maxay ka hayaan? Waxay igu tiri. Adigu ma Soomaali
baad tahay? Haa ayaan ugu jawaabay. Qof Soomaali ah waxaanan u
sheegin ayaan kuu sheegayaa ee i dhagayso ayey tiri. Waxay hadalkii
ka bilowday: Dowladda Kenya waxay nagu tiri, dadkani waa dad col ah,
waa dad dalkoodii isku soo laayey, waa dad 14-Sano xabad isku hayey,
waa dad colaadda u dhaxaysa ay gaartay ineysan 14.Sano ku heshiin
sidii ay dowlad u dhisan lahaayeen. Laakiin anigu markaan dadkan
arkay iilama eka dad ay colaadi ka dhaxayso, wey isla qoslayaan
markay sheekeynayaan, dad goobo goobo u kula fadhiyo oo ay colaadi u
kala muuqato ma’ahan, wali ma’arag laba isu gacan-qaadaysa oo leh
waxbaan isku af-garan la’nahay. Marka aniga dadkan xaalkooda
hal-xiraale ayuu igu yahay. Si kale hadaad u eegto waa niman
qurux-badan, dumarka kenyaanka ahna aan ka faanin oo jecel inaan la
saaxiibno. Hadaba adaa Soomaali ahee i fahamsii dadkan waxay halkan
u joogaan, iyo sida ay run u tahay wixii ay dowladayadu noo sheegtay.
Gabadhii uma jawaabin. Waayo umahayn jawaab aan ku qanciyo.
Xilayadii
uu dagaalku ka socday Burundi iyo Ruwaanda, ayaa mar danbe shir la
isugu yeeray jabhadii isleynayey, nin kamid ah dadkii ka qab-qaatay
dib-u-heshiisiintoodii ayaa iiga sheekeeyey. Wuxuu yiri: goobta ay
ku shirayaan waxay ahayd, hool-weyn oo uu miis balaciisu dheer yahay
u dhaxeeyo, kuraastuna ay u kala fogtahay, codkooda mooyee uusan
jirkoodu isgaari karin, marka ay soo galayaan hoolka shirarka waxay
ka soo kala galaan irido kala duwan, koox waliba waxaa la socota
ciidan nabad-galyo, marka ay soo fariistaan hoolkii shirka, ciidanku
kama dhex baxo ilaa inta uu shirku ka dhamaanayo. Wuxuu yiri,
dowlada martida loo yahay shaqada ugu badan ee ay qabato waxaa weeye
sidii naftooda loo kala ilaalin-lahaa, hadii ay is arkaan madaxdoodu,
waxaa la ogyahay iney isleynayaan oo ay gacanta iskula tagayaan.
Mid-mid salamaya majiro, wajigooda isma-arko, fariimahoodu isma
gaaraan. Laakiin maalinta uu heshiisku dhacayo oo ay wax walba isla
ogolaadaan, kadibna ay is gacan qaadaan, waxaa meesha laga saarayaa
ciidankii nabad-galyada ee iyaga kala ilaalin jiray, si gooni gooni
ah ayey iskula kulmayaan, iyagoo isla qoslaya ayaa la arkaa, dad
heshiiyey sidoodii ayey u wada dhaqmaan. Hadalkii wuxuu iigu soo
gabagabeeyey, Soomaalidu sidaas matahay?
"Soomaalidu
waxay ku maah-maahdaa “ Nin soo jeedo lama toosin karo”
|
Waxaan
ugu jawaabay. Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa “ Nin soo jeedo lama
toosin karo” madaxda Soomaalida col ma’ahan, oo dad col ah ayaa la
heshiisiiyaa. Saaxiibana ma’ahan oo dad saxiiba ah lama kala
dhexgalo. Markaasuu inta yaabay igu yiri, mawaxay u egyihin sidii ay
Soomaalidu dhihi jirtay “ Nin iyo naagtii saaxiibna ma’ahan
colna ma’ahan” Waxaan ku iri, hadaan sidaas ugu maah-maahno
armaa xaal nalaga qaadaa.
Mudo
hadda bil laga jooga ayaan booqday degmada Neefaashe oo ah halka uu
ka socda shiraka wada xaajoodka Suudaanta, waxaan ku soo arkay dad
wax waliba ay u kala soocanyihiin, isku hoolal ma fariistaan,
cuntada iskumeel kama cunaan, jiifka sidoo kale, waa dad aan isku
sheeko ahayn, waxay kulmaan oo kaliya marka ay shirarka rasmiga ah
isugu imanayaan, markaas lafteeda gudiyo unbaa is arka, ee inta
meesha joogtaba masoo wada fariisato. Markaan arkay siday yihiin
ayaan iri, shirkan waa mira dhalaya maxaa yeelay dad dagaalsan ayaa
wada fadhiya, laakiin kan Soomaalida sideebuu ku miro dhalayaa
hadaysan dadku colaadi ka dhaxayn.
Maxamed Daahir Afrax. Sida uu buugiisa ku sheegay, wuxuu qabaa in
maanta ay Soomaali waalan-tahay. Maragna wuxuu ka dhigtay, in
Culimada Cilmiga Bulshada ay dhahaan sida qof u waalan karo ayey
bulsho dhanna u waalan kartaa. Saas owgeed “Afrax” wuxuu ku
qanacsan-yahay in maanta Soomaalidu aysan bulsho ahaan u miyiri
qabin. Lafteydu fikradaas iney suuragal-tahay kama fogi.
Dhacdooyinka aan is dhihi karo Soomaali maanta ma miyir qabto
kuwooda ugu yaryar waxaa kamid ah.
Beelaha Soomaaliyeed intooda badan,
waxay magacii hogaamiye u ogolyihiin kii ay islahaayeen waa ugu
hooseeyaa, aqoon ahaan, xishood ahaan, shakhsiyad ahaan, waliba
waxaa af-hayeen iyo lataliyo u ah waxgaradkii reerka.

Waxaan
aragay mid-kamid ah kuwa ladho Hogaamiye-yaasha Soomaalida oo ay
hawshiisa oo dhan tahay in galinka horana uu hurdo, galinka danbana
uu khamro iyo qaad isku wado, biilkiisa iyo xurmeyn-tiisana ay
qabaan inta dadka ugu sareysa.
Midbaa halmaalin 3.Warqadood oo caski
isku-wada ah saxiixay. IGAD ayaa ninkii u yeertay, waxaa lagu yiri,
sadaxda warqadood ee aad maanta soo wada saxiixday oo hadana iska
soo horjeeda ayaa naloo keenay ee teebaa adiga dhab kaa ah? Wuxuu
yiri, dadkii ku kala qornaa sadaxdaas warqadood hadaad itustaan
ayaan garan karaa midaan sida dhabta ah u taageersanahay. Malaha
wixii ku qornaaba ma’uusan akhrin.
Kiplagat ayaa la yaabay Soomaalida,
markasuu ku yiri, waligay ma’arag tiro intaan le’eg oo wada leh
dalkii ayaan matalnaa.
Dhawaan markii uu yimid xarunta shirka
Kofi Anan, ayaa intii uusan shirka soo galin waxaa Soomaalida
lahadlay Kiplagat, wuxuu ku yiri, fadlan waxaan idinka codsanayaa in
aydan Kofi Anan wax cunto xumo ah, ama jiif xumo ah, inaydanan u
gudbin Kofi Anan.
Nimankii Soomaali 14.ka Sano gubayey,
ee u diiday iney dowlad-nimo helaan, maanta jagada ugu sareysa ee ay
helayaan waa xubin Baarlamaan, iyagoo lamid noqoya qof kasta oo soo
gala Barlamaanka.
Maalinbaa Isbitaalka ay Soomaalida qaarkood jiifaan ee ah Hotelka
680. soo booqday, irida ayaan ugu imid labaataneeyo qof oo Soomaali
ah oo ay hortaagan-yihiin wiil iyo gabadh Saxafiyiin ah oo ka socday
warbaahinta Kenya, waxay yiraahdeen anaga 20.qof masawiri karno, ee
Wasiirkan hebel ah ayaan rabnaa inaan sawirno, maadaama aan isaga
waraysi gaar ah ka qaadayno, lagama-yeelin codsigooda, iyagoo ay
Saxafiyiintii caraysan yihin oo ay iska tagi rabaan ayaan ku iri,
hal mar kuligood wada sawira, kadibna wasiirka aad goonida u rabtaan
gaar ahaan usawirta, maxaayeelay adinkoon kuwan sawir ka wada qaadin
idin katagimayaan. Hadaan dadkii wajiyadoodii fiiriyey waxay wada
ahaayeen wasiiradii D.K.G. ah.
Cali
Khaliif Galaydh ayaa igu yiri. Sanadkii 93.kii ayey Dowlada
Maraykanka noo yeertay, halmeel ayey isugu kaaya keentay anagoo
dhawr qof oo Soomaali ah, waxay nagu tiri. Soomaalidiina marka aad
qof qof noola hadleysaan dad caqli badan, aftanno ah, aqoon leh,
ayaad u egtihiin, ee bal qolkaas wada gala oo adinku isla hadla oo
waxaad isku afagarataan noo soo sheega. Wuxuu yiri Galaydh, waxba
waan isku afagan weynay, oo shirkii aan yeelanay wax miro ah kama
soo bixin.
Maxamed Aadan Sheekh oo markaas kayimid Isbitaalka ay Soomaalidu ku
xaraysan yihiin ee Mbagathi, ayaan weydiiyey Su’aashan. Maxaa
waayadan shirku usocon la’yahay oo hakiyey shirka? Wuxuu iigu
jawaabay, dadkii aan Mbagathi ku soo arkay su’aashaasba
isma-weydiineyn, waxay u ekaayeen dad aysan hawli ka dayacmeyn, meel
ay ku dagdagayaanna aysan jirin.
Waan
ka xishoonayaa inaan sheeg-sheego ceebta ay dadkeygu leeyihiin.
Qofka kasta oo isku daya inuu tilmaamo wanaagga iyo dhaqamada
qurxoon ee ay dadkanagu leeyihiin, waxaa ka hor timaada su’aasha ah,
oo hadaad saas u fiican-tihiin maad dowlad dhisataan.
Dadka
wanaaga iyo khayrka hormuudka u ah hadaysan hadda umadda badbaadin,
goormey wax qabanayaan, hadii la dhaho hebel waa nin jaahil ah,
hadaanan wax lasiin dagaal iyo colaad ayuu nagalin, imisa ayey
qaadan doontaa in dadka wanaagsan ay wax noqdaan. Oday Soomaaliyeed
ayaa igu yiri, wiilka aan dhalay waxaan rabay inaan iskuul geeyo oo
uu Jaamacad kasoo baxo, si dadka dhexdiisa uu qiime uga yeesho, oo
xukunka dalka ula wareego, laakiin hadda sida ay Soomaalida wax ku
doorato markaan arkay waxaa igu soo dhacda inaanan wiilkeyga wax
barin, horumar iyo aqoonna uusan kororsan, si uu xukunka sidaas ugu
gaaro, maxaa-yeelay hadhaw isaga iyo nin aqoon leh markay wax isku
qabsadaan isaga ayaa jaahil-nimadiisa lagu dooranayaa.
Fahad
Yaasiin Xaaji Daahir.