SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QISADII NEBI IBRAAHIM (CS)

 


Asalaamu Calaykum wr wb.

Qisadii Nabi Ibraahim (CS)

qaybtii 1aad

 

Waa khaliilkii illaahay (SW) ugu doortay risaaladiisa ee uu ka fadilay in badan oo khalqigiisa ah, Ibraahim waxa uu ku dhex noola qoom caabuda xidigaha arinkaan raali kamuu ahayn waxa uu dareemay iimaankiisa in uu jiro illaah ka weyn waxan ay caabudayaan ilaa illaahay hadeeyay una doortay siraaladiisa, Ibraahim waxa uu u yaboohay goomkiisi kalinimada illaahay (SW) iyo cibaadadiisa laakiin way beeniyeen waxana ay isku dayeen in ay gubaan illaahayna (SW) waa uu ka badbaadiyay, Tafiirtii Nabi Ibraahim (CS) waxa ahaa Nabi Isaxaaq iyo Nabi Ismacil, Nabi Ibraahim (CS) waxa uu dhisay Kabcada waxana ku welininayeen Ismacil.

 

Qisadii oo Dhamaystiran.

 

Nabi Ibraahim (CS) waxa uu ka mid yahay shanta Nabi ee la yidhaa (uulul Casmi) ee illaahay (SW) balanka adag la galay oo kala ah, Nabi Nuux, Nabi Ibraahim, Nabi Muuse, Nabi Ciise (CS) iyo Nabi Maxamed (CSW) oo sida ay u qoran yihiin u kala horeyay.

 

Nabi Ibraahim (CS) waa nabigii illaahay (SW) ku ibtileeyay ibtixaanka weyn, Nabi Ibraahim (CS) waxa uu ahaa adoonkii illaahay (SW) uu yidhi “Kii wanaaga oofiyay” Illaahay (SW) waxa uu ku kareemeyay Nabi Ibraahim xushmad gaar ah waxa laga dhigay aftirsiintiisi tawxiid saafi ah, waxana lagu tilmaamay kuwii diintiisa raacay in ay yihiin ehlu caqli.

 

Illaahay (SW) waxa uu ku tilmaamay Nabi Ibraahim (CS) in uu yahay mid tooban keen badan oo ka mid ahayn mushrikiinta, fadliga illaahay (SW) siiyay ibraahim waxa ka mid ahaa in looga dhigay dadka Imaam tafiir-tiisina laga dhigay Nabiyo, anbiyada ka denbaysay oo dhami waa awlaadiisi waxana xaqiiqobay balankii uu illaahay la galay oo ah in anbiyada isaga ka denbeeya ay noqdaan tafiir-tiisa, ilaa Nabigii ugu denbeeyay Anbiyada Nabi Maxamed (CSW), isla markaana ay xaqiiqowday aqbalaada ducadii nabi ibraahim (CS) uu illaahay beryay ee ahayd:- in umadan umuyiinta ah laga soo dhex saaro rasuul iyaga ka mid ah.

 

Hadii aynu wadno oo aynu baadhno fadliga Nabi Ibraahim (CS) iyo sida uu illaahay (SW) u karaameyay waxa inaga buuxsamaya layaab, waxaynu arkaynaa shaqsi rabigiisa la hortagay qalbi saafi ah, illaahay (SW) waxa uu ku yidhi nabi ibraahim islaam ilaa uu yidhi waxa aan isku diibay rabiga caalimiinta, waa nabi waana kii ugu horeyay ee yeesha maqaca muslimiinta, waa nabi midhiihii ducadiisu ay noqdeen soo saaridii Nabi Maxamed (CSW).

 

Nabi Ibraahim (CS) waxa uu ahaa awoowga iyo aabaha Anbiyadii ka denbaysay oo dhan waxa uu ahaa mid hanuunsan oo dulqaad badan, illaahay (SW) waxa uu inana xasuusiyay fadli ka balaadhan waxaa hore oo dhan oo ah illaahay waxa uu khaliil ka dhigtay ibraahim, kuma jirto kitaabka quranka ah Nabi illaahay (SW) ka dhigtay khaliil oo aan ahayn Nabi Ibraahim (CS).

 

 

Culumadu waxay yidhaahdeen waxa Khaliil loo yidhi jecel uu illaahay (SW) u qabo dartii, darajada aadka u saraysa ee ibraahim oo ah ku dhowaansha illaahay (SW), dhinaca kale hadii aynu ka eegno darajadani waa dhamaadka rajada masaakiinta, ujeedaha iyo hadafka dadka ehlu xaqiiqada ah iyo kuwa illaahay yaqaana in ay jeclaadan illaahay (SW) ee doonana in iyagana illaahay jeclaado.

 

Ibraahim waxa uu ahaa adoon rabaani ah oo xaq u yeeshay in uu illaahay ka dhigto khaliil.

 

Quraanku inagamuu warami dhalashadiisi iyo caruurnimadiisi kumanuu hakani wakhtigiisi si cadaan ah laakiin waxa la inoo tilmaamay muqaal jawigii nolosha ee maalmihisi, waxa aad arkaysaa dadku in ay u qayb sameen sadex qaybood, Qayb caabuda Sanamyo laga qoray dagaxaan iyo looxyo, Qayb caabuda xidiga iyo dayaxa iyo cad-ceeda iyo Qayb caabuda boqorada iyo kuwa xukuma.

 

Jawiga sidaas ah ayuu ku dhashay Nabi Ibraahim (CS) waxa uu ka dhashay qoys ka mid ah kuwaa noola wakhtiga fog, odayga qoys koogu dhinaca qolada sanamka caabuda waxa uu ahaa nin aan ka fogayn waxana gacantiisa ugu samayn jiray sanamyada ay caabudaan. Qoyskani waxay ahaayeen qoys balaadhan oo sameeya sanamyada, sidaa darteed qoyskoogu waxa uu ahaa qoys aad loo qiimeeyo oo ku dhow  dhow dadka degaanka maamula.

 

Hadaba qoyskaa muqadiska ah waxa u dhashay inan awood u leh in uu ka hor yimaado qoyskooga iyo nidaamka mushtamaca kana hor yimaado kuwa sanamyada caabuda iyo kuwa xidiga iyo dayaca caabudaba dhamaan shirkiga oo dhan waana wax iska dabiici ah, qofka talaabadan oo kele qaada ee umadi wixii ay aaminsan tahay ka hor yimaada in dhib uu la kulmayo isagana (nabi ibraahim) dab ayaa lagu dhex tuuray.

 

Ma doonayo in aan dhacdooyinka qaar aan soo qadimo aanu ka bilowno caruurnimadiisi, Nabi ibraahim Caqligiisu waxa uu ahaa mid iftiimaya illaahaybaana (SW) u iftiimiyay waxana uu illaahay siiyay  xigmad, ibraahim waxa uu gartay isagoo yar aabihii in uu sameeyo sanamyo la yaab leh waxa uu weydiiyay maalin wixii uu samaynayay waxa uu ugu jawaabay waa sanamkii aynu caabudeynay waana uu la yaabay ibraahim waxana uu caqligiisu gartay in uu ku ciyaaro waxa uu ka fuulfuulayay dusha sida ay dadku u fuulan fardaha iyo dameeraha aabihii ayaa maalin arkay isagoo fuushan sanamkii odaygii wuu ku cadhooday waxana uu amar ku siiyay in aanu ku ciyaarin mar denbena aanu u dhowaan.

 

Ibraahim waxa uu weydiiyay aabihii aabo sanamku dego waaweyna inaga wuu inaga dego waaweyn yahayee waxa uu ugu jawaabay waa kuwa soo qabta fahankiisa xeesha dheer ibraahim wuu ku qoslay xiligaana ibraahim waxa uu ahaa lix jir.

 

Ibraahim waxa uu aabihii weydiyay yaa dadka sameeyay waxana uu ugu jawaabay adiga aniga ayaa ku sameeyay anigana aabahay ayaa I sameeyay ibraahim waxa uu yidhi arintu sidaa maaha ee maalin ayaan maqlay oday weyn oo leh illaahay maxaad ubad ii siin weyday aabihii waxa uu ku yidhi waa runtaa illaahay dadka waxa uu ka caawiyaa sida ay dadka u samayn lahaayen laakiin illaahay dadka gacantiisa kuma sameeyo, halkana waxanau ka fahmaynaa ibraahim isagoo yar sida uu ula yaaban yahay aabihi iyo arinka uu sheegayo.

 

Waxa kale oo uu weydiiyay ibraahim aabihi illaahayadu waa imisa waxa uu ugu jawaabay tiro malaha, ibraahim waxa uu yidhi aabo maxaan sameeya hadaan mid u shaqeeyo oo kii kalena aan u shaqayn waayo xumaan ila doono hadii ay mashaqo dhacdo iyo dood dhex marta labadan sanam hadii la wax uu dilo kii aniga u shaqaynayay  miyayna runtu ahayn in anigana I dilayo maxaan sameeya? Odaygii intuu qoslay ayuu yidhi ha baqan inankaygiyow illaahyadu ma murmaane waxay wada hoos yimaadaan illaah kale oo weynee anigu waxa aan jiray totobaantan (70) sanno welina ma arag laba illaah oo is haysta, iska dhaaf hadaa heshiish ayaa ka dhexeeye, aabihii waxa uu yidhi waa runtaa, ibraahim waxa uu yidhi maxaa laga sameeya illaah yadan waxa uu yidhi waxa laga sameeya geed timireed iyo saytuun bal kuwan yar yar ee saaga ah eeg  maxaa ka qurux badan runti waxa ka maqan uun naftii.

 

Waxa uu ku yidhi ibraahim illaah yadani hadii ayna nafba lahayn sidee cid naf u gelinayaan hadii ay iyaguba nolol lahayn sidee cid ay u noolaynayaan anigu wax aan ku adkaysanayaa aabo kuwani illaah maaha, odaygii u aabaha ahaa ibraahim aad ayuu uga gubtay hadalkan wuxuna yidhi hadii aad qaan-gaadh ahaan lahayn madaxaaga ayaan faash ku kala jeesi lahaa, ibraahim waxa uu yidhi hadii illaah yadu dadka ay ka gargaaran samaynta dadka maxaa dadka ku kalifay in ay illaahyo sameeyan, hadii illaahyadu ka samaysan yihiin geedo in dhirta la gubaa waa khalad weyn laakiin aabo waxa aad I tidhaahdaa sidee u saacidaysaa illaah oo u samaynaysaa hadana kuwa kele oo tiro badan illaah-yadanba kaama caawinayaa sida aad caruur badan u yeelan lahayd dadkana ugu awood badnaan lahayn. Halkaas ayayna ku dhamaatay doodi u dhexeysay ibraahim iyo aabihii.

 

Maalmo ayaa ka soo wereegay ibraahimna wuu weynaaday qalbigiisana waxa ka buuxay caruurnimadiisi in uu si dhab ah u karaahisnaa sanamyadan ay samaynayaan walidkii dadkuna ay caabudayaan manuu fahan  sanayn sida qof caqli lihi uu gacantiisa sanam ugu samaysanayo ka dibna ugu sijuudayo wixii uu gacantiisa ku samaystay, ibraahim waxa uu arkay in aanay sanamyadani waxba cabin waxba cunin oo ayna hadal oo ayna karayna in xitaa hadii qof isisoo dhinac istaago ogaanayn, sidee ayay dadku ugu qaateen waxani dhib iyo dheef toona lahayn.

 

Figradan in badan ayay dhibtay ibraahim in qoomkiisa oo dhamina khaldan yahay oo uu kaligii xaqa ku sugan yahay miyayna ahayn wax lala yaabo?

 

Qoomka ibraahim waxay lahaayeen macwad weyn oo ay ka buuxan sanamyo bartankana waxa uu ku lahaa mixraab la dhigo ka ugu weyn, sanamyadu waxay ahaayeen noocyo leh muuqalo kala duwan, ibraahim isagoo yar ayuu aabihii u raaci jiray, waxana uu aad u beenin jiray looxantan iyo dhagaxanta ee ay caabudayaan waa arin la yaab leh isagoo dhex jooga qoomkiisi, marka ay soo galaan madaxa ayay hoos u foorarinayeen waxayna bilaabayeen in ay ooyaan oo baryaan sida wax maqlaya waxna fahmaya, bilowgii ibraahim waxay la ahayd wax lagu qoslo ka dibna waxa uu bilaabay in uu dareemo cadho miyayna wax lala yaabo ahayn? In waxaas oo dad ihi ay khiyaamaynayaan, mushkiladuna way sii koradhay.

 

Ibraahim aabihii waxa uu doonayay marka uu weynaado in uu noqdo kuhaan waxana uu ka doonayay uun in uu ixtiraamo sanamyadan, ibraahimna si cadaan ah umuu soo bandhigi karaahidiisi, maalin ayuu ibraahim soo galay macbadkoogi isagoo la socda aabihii waxana bilaabmatay xafladii sanamyada, xaflada bartankeedi ibraahim waxa uu raacay kuhaan la hadlaya sanam, ibraahim waa uu dhagaystay ninkan uu dhagaysanayaana waxa uu weydiisanaya sanamka in uu naxariisto arsaaqona, codkii ibraahim ayaa laga maqlay mar qudha macbadka oo dhan isagoo la hadlaya kuhaankii waxa uu yidhi kuma maqlayo kuhaan-yahow miyaanad ogayn in aanu sanamkani waxba maqal dadkii oo dhan ayaa soo eegay inanka yar waxa ay arkeen in uu yahay ibraahim kuhaankiina waxa uu dareemay cadho, aabihii ayaa cudur-daar sameeyay oo yidhi waa inan yar oo buka oo waxa uu leeyahay aan is ogayn.

 

Macbudkii ayay ka soo noqdeen waxana soo raacay laba qof isaga iyo aabihii waxa uu jiifsaday ibraahim furaashkiisi wayna ka tageen, ibraahim inta uu ka soo hingaday furaashkiisi ayuu u jeestay dhinaca buur weyn isagoo rumaysan in aynan sanamyadan qoomkiisu sameeyeen aanay koobka abuurin kuna tasarufin abuurtiisa waxa uu eegay samada waxa uu ku arkay xidigihii dhulka lagu caabudayay, ibraahim waxa ka buuxsamay qalbigiisa murugo, intaa ka dib waxa uu eegay waxa ka denbeeya dayaxa iyo xidigaha waxa uu la yaabay in ay dad caabudaan waxan kii abuuray caabudaya ee idinkiisa ku soo baxaya kuna dhacaya.

 

Dood ayaa dhex martay ibraahim iyo neftiisa doonina way socotay ilaa ay gaadhay qoomkiisi caabudayay xidigaha, illaahay (SW) arinkan waxa uu inooga cadeeyay quraanka “Markuu ku yidhi ibraahim aabihii sanamyo ayaad ka dhigateen illaahyo waxa aan u arkaa adiga iyo qoomkaaguba in aad baadi cad ku sugan tihiin, (74) sidaas ayaanu u tusnay ibraahim malakuudka samada iyo dhulka si uu u ahaado kuwa muuqiniinta ah, (75) mar kuu gabalku dhacay ayuu arkay xidig waxa uu yidhi kaasi waa rabigay” [suuratul-ancaam]

 

Quraanku kamuu waramin jawiga ibraahi ku dhaaway arinkan laakiin inagu waxaynu dareemaynaa socodka aayadka ku dhawaaqidan in ay ahayd qoomkiisa dhexdiisa in ay ku xasilaan wayna xidheen mar ki uu diiday in uu caabudo sanamyada kuna hamiyay in uu caabudo xidigyada, sadexdan qolo ee aynu soo sheegnayna qolol kastaba xor ayay u ahayn wixii ay caabudayso isla waabirigi ibraahim wuu badalay mawqifkiisi hore waana uu ka beenayay xidigihii uu caabudayay waayo xidigihii way dhaceen ibraahimna xidig kolba soo baxaysa kolna dhacaysa illaah uma noqonayso.

 

Markii ay dhaceen waxa uu yidhi ma jecli kuwan qarsoomaya (76) markii uu arkay dayaxa oo soo baxay waxa uu yidhi rabigay waa kaa” ibraahim habeenkii labaad waxa uu ku noqday in uu yidhaahdo dayaxa waa rabigay laakiin qoomkiisu darajo ku filan iyo may lahayn garasho ay ku gartaan in uu isagu yahay mid loo sikhiray iyo khaladka ay tahay caabudida shay kalna soo baxaya marna qarsoonaya, nidaaminta cibaada illaahay manay fahmin qoomkiisu markii hore waxay ka fikireen dayaxa dayaxu waa sida ubaxa sida falagyada kale ayuu kola soo baxa kolna dhacaa.

 

Markii uu qarsoomay waxa uu yidhi hadii aanu rabigay isoo hanuunin waxa aan ka mid noqonayaa qoomka daalimiinta ah”

 

waxaynu halkan ka arkaynaa in uu u soo bandhigay qoomkiisa sidii u diidan yahay waxyaabahan ay caabudayan, dadku sidee ayay u caabudaan rabi qarsoomaya waa dayaxee, markuu leeyahay hadii aan illaahay isoo hagaan iyaga waxa uu fahansiinayaa in uu jiro illaah kale oo ahayn waxan ay caabudayaan.

 

Markii uu arkay cadceedi iyadoo soo baxday waxa uu yidhi waa kaa rabigay isaga weyn markii ay dhacdayna waxa uu yidhi anigu beri ayaan ka ahay xumaanta aad ku jirtaan anigu waxa u jeediyay wejigayga kii abuuray samad iyo dhulka isagana u hagaansanay kamana mid ihi kuwa mushrikiinta ah”.

 

Hadalkiisa hore ee caqiidada cadceeda waxa uu soo gaba gabeeyay doodi kuwa caabuda xidigaha waxana uu kaga gar helay maadama ay cadceedu ka weyntahay xidigaha in ay cadceedu ka mudan tahay si sahlana waxa uu u soo mariyay dhaqihii qoomkiisa kuwii cadceeda caabudayna may fahmin ay caabudayeen waxyaabo illaahay abuuray, markii uu ibraahim ku dhawaaqay isagu in uu caabudayo cadceeda markii ay dhacdayna illaahnimadii loo nusmaynayay waxay noqotay waxba kama jiraan sida xidigaha oo kale.

 

Waxa uu awood u yaashay xujadii nabi ibraahim in uu xaqa uu cadeeyo soona bandhigo waxana bilaabmay is fahan la’aantii isaga iyo qoomkiisa, may aamusin kuwii caabudayay xidiguhu waxay bilaabeen in ay la doodan cabsina ay geliyaan una hanjabaan.

 

Ma waxa aad igu xujuynaysaa illaahay dartii runtii wuu I hadeeyay kamana baqayo waxan aad u shariid yeelaysan in illaahay doono mooyane rabiga shay kasta og miyaydaan waxba ku qaadanee, (80) sidee uga baqaa wax aan shirkiga ah idinku kama baqanaysaan illaahayna waad u shariid yeelaysan idinka oo haysanin wax ogolaansho ah labadeene midkee in uu nabadgelo xaq u leh hadii aad wax garanaysaan”

 

Ma garan karno weerarka lagu soo qaaday ibrahim iyo heerka ay taagnayd dooda kuwa isaga ka soo horjeeday asluubta qoomkiisi isaga raacay iyo cabsiga la geliyay wuu iska illaahay quraanka inoogumuu sheegin, dood-doodu waxay ahayd mid baadil ah sidaa darteed quraanka laguma soo darin, laakiin waxa lagu xusay hadalkii ibraahim ee caqli galka ahaa sida ay isaga u cabsi gelinayeen iyo sida ayna illaahay uga cabsanayn labadooda midkeeba in uu nabadgelyo helo xaq u leh illaahay (SW) ayaana kala shaagay.

 

Kuwa muuminiinta ah ee iimaankooga ku dedin dulmiga kuwaas ayuu u sugnaatay nabadgelyo iyagaana hanuunsan”

 

 

Halkan ka akhri qaybta 2aad....

 

Waxa si wada jir ah u diyaariyay

 

C/fataax Xasan aadan

Axmed Ismacil Xasan (Bucul)

Email: Cabditaax_96@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

June 3, 2003

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD