C/QAASIM IYO TARTANKA MADAXTINIMADA.
Waa qormadii aan ku qiimeyneynay
tartama-yaasha.
IDOORO AAN KU DAYACEE!!!
HORUDHAC:
C/Qaasim Salaad Xasan |
Marka la eego dhaqdhaqaaqa
Madaxweynaha D.K.G.ah C/Qaasim Salaad Xasan, waxaa la dareemayaa
inuu ku hawlan yahay sidii mar labaad loogu dooran lahaa jagada
Madaxwene-nimo Soomaaliya. Goobaha ay Soomaalidu arimaha shirka uga
hadlayaan, waxaa la isla dhex maraa in C/Qaasim uu si buuxda u
damacsan yahay inuu dib u helo jagadaas. Inta hadda la ogyahay,
waxaa magaalada Nairobi kusoo qulqulaya ergooyin farabadan oo ka
tirsan D.K.G. ah, oo badankood ku mashquulsan iney diyaarina-yaan
doorashada C/Qaasim, qaarkoodna deegaanno u gaar ah ayaa laga
dajiyey Nairobi, si ay firaaqo ugu helaan abaabulka doorasho ee
ololaha madaxtinimo, inkastoo uusan wali si rasmi ah ugu dhawaaqin
mushraxnimadiisa.
MUXUU
AHAA:
C/Qaasim wuxuu Siyaasada ku soo
biiray isagoo da’yar, si xawli ah ayeyna u koreysay muuqaalkiisa
Siyaasadeed, taasoo ay dad badani sabab uga dhigayeen xiriirkii gaar
ahaaneed ee uu lalahaa M/S/Barre. Sabab kasta haku dhashee
xiriirkaase, waxaa cadeyd inuu kalsooni iyo dhaga-nuglaanba ay ka
dhaxaysa isaga Madaxweynihii dalka. Iyagoo aan marna iska hor iman
isaga iyo Jaalle M/S/Barre ayuu dalkii burburay.
Jagoonyin kala duwan ayuu ka soo
qabtay dowladaas, dhawr wasaaradood oo kala duwan ayuu ka soo
shaqeeyey, oo ay kamid ahayd Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda
Warfaafinta. Iyo kuwa lamid ah. Dadkii xiligiisii la shaqaynayey
hadaan waraysanay, waxay noo sheegeen in Wasaaradaha qaar uu
sifiican xilkiisa u gudnayey, qaarka kalana uu si musuq-maasuq ah
umaamulay. Waxaa intaa u dhereyd koorsooyin waxbarasho oo uu dalka
dibadiisa ugu baxay si uu aqoon dheeri ah usoo helo.
C/Qaasiim haddii ay burburtay
Dowladdii Soomaaliyeed, wuu ka dhoofay dalkii, isagoo naf lacarar ah
ayuu dagay dibadaha. Qalbiga wuxuu kaqabay, iyo xiriir hoose mooyee,
lamahayo tilmaan cad oo muujineysa inuu wax u fududeeyey Jabhadihii
mucaaradka ahaa, wey jireen tuhumooyin sheegayey inuu taakulo siin
jiray Jabahadii U.S.C. intuu ahaa wasiirka arrimaha gudaha.
XILLIGII
BURBURKA:
Haddii dalkii kala tagay oo ahayd
intii beelihii Soomaalidu isleeynayeen inta badan waa uu ka maqnaa
dalka, inkastoo uu mararka qaarkood safaro ku tagi jiray magaalada
Muqdisho, waana xiliyadii uu noolaa Jen Caydiid oo ay dadka qaar
qabeen in Jananku uusan raali ka’ahayn in uu dhaqdhaqaaq
siyaasadeed sameeyo. Laakiin geeridii Caydiid kadib ayaa Soomaaliya
dib looga dareemay inuu bilaabayo soc-socod Siyaasadeed, wuxuu
saldhig deegaan kadhigtay Xamar, isagoo isku hawlay inuu dib-u-habeyn
ku sameeyo Beesha Hawiye. Wuxuu abuubulay shir loo qabanayey beelaha
Hawiye, kaasoo looga gun lahaa inay beeshaasi yeelato hogaamiye
siyaasadeed iyo midnimo heer qabiil ah. Taasoo ay wax badani ka
fuleen laakiin heerkii la higsanayey aan gaarin. Wuxuuna safarro
Siyasadeed ku kala bixiyey Itoobiya, Jabuuti, iyo gobollo dalka
qaarkood.
Sidoo kale wuxuu isu muujiyey inuu
wadaadoobay, oo ay diintu gashay, wuxuuna xiriir si hoose ku
bilowday asii banaanka usoo baxay la sameeyey ururadii Islaamiga
ahaa ee ka jiray dalka qaarkood, oo iyaguna fursad weyn u arkayey
inuu saaxiib la noqday nin bari ahaan jiray Wasiir. Waxaana
dhabowday xiriirkaas oo markiisii hore ka yimid dhinaca C/Qaasim,
inuu ahaa fursada kali ah ee uu markaas ku meel mari karay C/Qaasim.
Taasoo ay wadaadii uu ku lugdarsadayna nasiib-xumo ay run uga
qaateen. Waxaase lakala baxay xiligii doorashadii Carta oo la
xaqiijiyey in xubnihii ururkaas ka galay barlamaanka aysan isaga
u codeeyn
sababtu waxay rabto ha’ahaatee.
HINDISIHII
JABUUTI:
Nasiib wanaag waxaa bilowday
hindisihii walaal-tinimo ee kasoo baxday Madaxweyne Ismaaciil Cumar
Geelle hindisahaas oo ay sheekadiisu dheer tahay. Wuxuu C/Qaasim
kamid noqday ragga ugu firfircoon, wuxuuna u muuqday nin doonaya
dowlad Soomaaliyeed, dadaallo qiime gal ah ayuu ku dhaqaaqay si uu
shirku u hirgalo, guulihii uu ka keenay waxaa kamid ahaa: inuu
beelaha Hawiye badankood ku qanciyey iney aadaan shirka uu marti
galinayo Madaxweyne Geelle. Taasoo aad looga ajiibay. Mana’ahan wax
la inkiri karo inuu qayb lixaad leh ka qaatay hirgalintii shirka.
DHISIDDII
DOWLADA:
Nasiib wanaagga kale: waa tii ay
Soomaali halkaas ku dhisatay Barlamaankii qaran, doorashadii la isku
herdiyey ee sidii dimuqraadiga ahayd u dhacdayna waxaa uuna C/Qaasim
ku guuleystay inuu noqday Madaxweynaha Soomaaliya. Meel kasta oo ay
Soomaali joogtay aad ayaa loogu farxay, soo dhawayn uusan wali qof
Soomaali ahi helin ayuu helay. Sababtii loo taageerayna waxay ahayd
baahidii dowlad-nimada loo qabay. Nin kamid ah raggii u ololeynayey
C/Laahi Caddow ayaa igu yiri, waa nalaga adkaaday laakiin C/Qaasim
waa Madaxweynihii Soomaaliyeed, maadama ay Soomaali dooratay.
Taariikhyahan Soomaaliyeed ayaa igu yiri: waan taageersanahay
Madaxweyne-nimadiisa taasna macnaheeda ma’ahan inuu Soomaali ugu
fiican yahay, ee waa Soomaalidii Jabuuti joogtay oo anaga wakiilka
naga ahaa ayaa doortay.
Mar’aan ku booqday
Madax-tooyadiisa Muqdisho,
ayaan ku weydiiyey goortii ay ku dhalatay inuu isu sharaxo madaxtinimada
Soomaaliya, wuxuu iigu jawaabay: dad aan saaxiibo nahay ayaa igu
qanciyey inaan is sharaxo. Halagu dhaliyo ama isaguba saaxiibadiis haku
dhaliyo wuxuu ku guuleystay inuu helo guushii. Booqashadiisii ugu
horeeysay ee ku yimaado Muqdisho ayuu kula kulmay waxgarad Soomaaliyeed
oo Qabiil kasta leh. Hadaladii lagu yiri waxaa kamid ahaa: C/Qaasimow
laan dheere ayaad tahay maanta, waxaan kaaga digaynaa inaad noqoto
laan gaab, iyagoo ka waday nin qaran ayaad tahay ee nin qabiil hanoqon.
QOF
AHAAN:
Shakhsiyadiisa dadkii yaqaanay waxay
yiraahdaan: waa nin aftahan ah, hadalka toosin kara, jecel in qofka
intuu la joogo uusan ku caroon, isku daya inaad ku qanacdo fikradihiisa,
hadaad carootana kuu muujinaya inuusan kaa daba carooneyn. Laakiin
fudfudud, oo go’aannada degdeg ku qaata, Fulay ku ah talaabada uu
qaadayo. Jecel iney tiisa meel marto.
LAMOOD
NOQONSE WAA:
Waxaan kamid ahaa dadkii diidanaa in
laga horyimaado dowlada uu isagu madaxda ka ahaa. Waxaana wakhti badan
iyo qalin badan ku bixiyey in la garab istaago dowladdaas Carta lagu soo
dhisay, waxaan qoray maqaallo farabadan ooy gunteydu ahayd in aan maanta
Soomaali la sii burburin, oo haddiiba ay Soomaali maanta tiri hebel baa
noo ah Madaxweyne inaan laga hor imaan ee la toos-toosiyo.
Marka aan damco inaan isku eedeeyo
maxaad u difaacday nidaam uu horboodayo C/Qaasim, waxaan nafteyda ku
qanciyaa, inaanan ka aragti dheereyn bulsha-weyntii Soomaaliyeed ee sida
buuxda ugu faraxday, iyagoo islahaa baahidii dowalad-nimo jidkii loo
mari lahaa ayaa kan ah. Sidoo kale waxaanan ka garasho dheereyn Mudane
Geelle oo isagu yiri: C/Qaasim waa ninkii maanta Soomaali badbaadin
lahaa. Waxaa munaasab ahaan lahayd in la weydiiyo Geelle inuu sidaas
hadana dhihi lahaa maanta!!. Laakiin jawaab anaa hayoo Mudane Geelle
oran maayo sidaas. Maxaa yeelay dantuu lahaa waxay ahayd, inuu arko
walaalihisii Soomaaliyeed oo dowlad ah, si ay garab ugu noqdaan Jabuuti.
Laakiin dantiisu ma’ahayn inuu arko C/Qaasim oo shirarka Caalamiga ah ka
qayb galaya oo kaliya.
Dowladdii Carta lagu soo dhisay waxay
awoodi weysay iney hanato hal gobol oo dalka kamid ah. C/Qaasim iyo
hoyga uu dagan-yahay ee uu ka soo dhaho, waxaan ahay Madaxweynaha
Jamhuuriyada Soomaaliya, sida uu yahay gurigaas, waxaad kaga bogan
kartaa inaad akhrido maqaalkii aan ka qoray gurgiisa ee cinwaankiisu
ahaa (MARKAAN TAGAY MADAXTOODAYA C/QAASIM). Inuu nabad-galyo wax
kaqabto iskadaayee isaga ayaa dhawr jeer ku sigtay iney tii alle u
timaado oo naftiisa la toogto. Meeshii aan ka filaynay inuu dhiso ciidan
qaran oo uu dalku leeyahay, nasiib-xumo waxaan aragnay wiilashii
waardiyihiisa qaabilsanaa oo gadooday, haddii la weydiiyey
cabashadoodana waxay noqotay waxaan cunno ayaan weynay!!.
Haddaan islahayn dowladiisu waa
dowlad dib-u-heshiisiineed waxaan aragnay iney talabooyinkii ay
martay ee kala ahaa: Gudigii loo dhisay iney noqdaan gudiga dib-u-heshiisiinta
ee madaxda looga dhigay C/Risaaq X.Xuseen inuu ka cudurdaarto
qabashada jagadaas. Xaaji Zoobana ay tii rabbi utimid. Sidaasna uuba
gudigii ku dumay. Kuwii dowladda soo galayna sida
Qanyare oo noqday
Wasiir ka tirsan dowlada, isaguna, wuxuu isku hasytay jagadiisii
Wasiirnimada, ciidamadiisii u gaarka ahaa, iyo meelihii uu sida
goonida ah u xukumay. Waxaadna moodaa in Qanyare fahmay in dowladda
uu kubiiray ee uu wasiirka ka noqday, iyo inuu siduu awal ahaa iska
sii ahaado aysan iska hor imanayeyn. Malaha C/Qaasim ayuu sidaas ka
dareemay.
WAXA DHACAY MA OGTAHAY:
C/Qaasimow waxaan ka xumahay inaan
kuu sheego in dowladaadu ay noqotay dowlad magaca ka qurxan, laakiin
ka itaal xun Qab-qablaha ugu awooda yar Soomaaliya. Waxaan ku
farxay markii la iiga sheegay in adigoo jooga golaha Baarlamaanka
K.M.G.ah uu Mudane Xildhibaanada kamid ahi kugu yiri: Waxaan arki
jirnay dowlad lagu dhago oo loo soo kala ordo, laakiin dowladaadu
waxay noqotay tii ugu horeysay oo la arko nin kamid ah oo ka
cararaya oo leh dowladdii waan ka baxay, waxaana kugula talinayaa
inaad is casisho. Waxaadna ugu jawaabtay: Xildhibaan hadalkaaga
waxaan u qaadanayaa Nasteexo una qaadan maayo colaad, waayo hadalka
horteyda ayaad ka tiri. Su’aasha maanta taalse waxay tahay:
talaadaas maxaad u qaadan weysay?.
Cabdi Qaasimow Dowladaada oo kaliya
ayaa aduun-yadu lagu arkay, Wasiirro jiifa Hoteelada xaafadda Islii,
waliba aan ogahay qaarkood in laga bixinayo. Dowladdaada kaliya ayaa
lagu arkay G/Barlamaan oo kaligiis lugaynaya. Madaxdii dowaladaada
qaarkood waxay awoodi waayeen iney iska bixiyaan kiradii guryahii ay
ka daganaayeen Xamar, qaarkood waxaa la ogyahay ineysan ilaa hada
iska bixin lacagtii lagu lahaa.
Marka aan arimahaas ku weydiinayo
lama yaabani raggan dhibta dhaqaale ku dhacday, laakiin waxaan la
yaabanahay dhaqaalihii aad ugu horeynba magacooda ku soo heshay iney
duruuftooda nololeed xitaa wax ka badasho ma u suuragaliweysay.
HAL BACAAD LAGU LISAY:
Aad baan ugu farxaa markaan kugu
dhex arko adigoo dhex fadhiya shirarka caalimagi ah. Adigoo uu ku
horyaalo calankii Soomaaliyeed, waliba waxaan jeclahay sida aad
carabigu u taqaan, ee aad khudbadaha dhaadheer ugu akhriso. Waxaan
is arkaa anoo muusoonayo markaan arko adigoo madaxweyne hebel la
fadhiyo, dhab iyo khiyaali key ahaataba sidii nin guul weyn gaaray
baan dhahaa wakaas madaxweyne-heenni boqor hebel salaamay,
wakaasooyoo maanta ka khudbeynaya xaruntii UN.ta. Haddiise
maskax-deydu khaldanto oo ay i dhahdo: war waxaad fiirineyso waa
dhaan-dabagaale, waan canaantaa.
Waxaanse kaa naxaa marka aan eego
Madaxwey-nayaasha aad ag fadhido dalalka ay ka yimaadeen, iyo dalka
aad adigu ka timid. Waxayse murugo idishaa markaan ogaaday sida ay
madaxdii aduunku uga xishoodeen iney kugu dhahaan: Anaga ciidanka na
ilaaliya mishaarkooda waxaa laga bixiyaa miisaaniyada dalka, adigana
jeebkaaga ayaad ka bixisaa mishaarkooda, ee fadlan haka soo
qayb-galin shirarka.Waxaa iiga sii daran anigoo ku sigta inaan
Soomaali-nimadaba inkiro markaan arkay inaadan su’aalo badan
isweydiineyn ka hor intaadan ka qayb galin shirarka qurxda badan ee
dunida ka dhaca.
WAX TARKAAGII:
Cadaaladda anagoon ka fogaaneyn
waxaan kuu qirsanahay inaad qabatay hawlaha soo socda:
-
In muuqaalkii magaca Soomaalida uu
dib usoo noolaaday gudaha iyo dibadaba. Walow taas sharafteeda
uu si weyn kuula wadaago Mudane Geelle, maadama uu isagu meel
walba xoog iyo xeeladba kugu geeyey.
-
In aad si qiime leh u difaacday
buun-buuniskii uu Maraykanku waday, inuu sabab uga dhigto
duulaan uu ku soo qaado Soomaaliya, isagoo ku andacoonaya
Argagixiso ayaa Soomaaliya joogta. Waxaa cad taas inaad go’aan
sharaf leh ka qaadatay.
-
In aad ku guulaysatay adoo meelo
kale kaalmeysanaya in arinta Soomaaliya aysan u gaar noqon
Itoobiya ee ay IGAD la wareegto.
-
Inaad dudumisay guryihii sida
sharci darrada ahaa looga dhistay barxaddii Tarabuunka.
SU’AALAHAN KA JAWAAB:
Waxaad isku daydaa inaad shacabka
Soomaaliyeed uga jawaabto Su’aalahan farahabadan.
- Intii aad xilka haysay sadex R/Wasaare
ayaad isku kala badashay. Keebaad adigu ka saxsanayd? Keese kaa
saxsanaa?.
- Lacag farabadan ayaad aduunka kaga
heshay magaca Soomaalida iska daa inad gobolada u kala qaybisee! Hal
iskuul ama hal Isbitaal ma dhistay? Haday dhistay magacii
Isbitaalkaas ama Iskuulkaas? .
- Xubnaha dowaladaada laga soo
bilaabo Madaxweynaha ilaa ninka ugu darajo hooseeyaa mishaar miyey
ka qaataan dowladaada? Haddey mishaar qaataan waa imisa mishaarkoodu?
Su’aalahaas hadaad jawaab u hesho,
ayna noqdaan jawaabo lagu qanco, waxaan ogolaanayaa iney kugu soo
dhici karto inaad tartanka soo gasho.
GUUBAABO:
Talada ugu wanaagsan ee hadda kula
gudboon, ahna wadada ugu fiican oo aad taariikh taabba gal ah ku
yeelan kartid, wixii aad gashayna lagu iloobayo waa: Adigoo meel
fagaara ah ka dhaha xilka Soomaaliya waan ka tanaasulayaa, waxaana u
banaynayaa qofkii ay Soomaali soo doorato. Taas hadii aad ku
dhaqaaaqdo, laba qodobba in lahelo hubaal bey u dhaw dahay. Tan
koowaad: in Soomaali ay degdeg u heshiin karto, isku tanasul miro
dhal ahna uu iman karo, iyadoo adiga lagaaga dayanayo. Tan labaad in
xiliga labaad haddii aad isa soo taagto ay Soomalidu si ka qurux
badan tii Carta kuu dooran doonto. Haddiise aad taladaas iga diido:
waxaan ogahay, anna nimaad katala diiday uguma aan horeyn. Adna nin
tala diiday uguma aad horeyn.
Faylasuuf Soomaaliyeed ayaa yiri :
Soomaali maanta waxaa horyaal laba barnaamij iney kala doorto.
- Nin leh: Idooro aan ku dilee. Iyo
- Nin leh: Idooro aan ku dayacee.
Hadaba C/Qaasim haddii la eego
sidii uu u dhaqmay intii uu D.K.G.ah Madaxweynaha ka ahaa, wuxuu soo
galayaa qolada leh. IDOORO AAN KU DAYACEE. Hadaba Soomaali ayey u
taalaa iney sidaas ku dooran doonto marlabaad iyo in kale.
ODOROS:
Haddii shirkan ay doorasho ka
dhacdo, C/Qaasimna isa soo rashxo, uuna ku guuleysan waayo inuu
noqdo Madaxweynaha Soomaaliya, waxaan isugu hanbalyeyn-doonaa in
dantii aan qoraalkan kalahaa aan ka gaaray. Haddiise uu ku guuleysto,
waxaan ogaan doonaa in C/Qaasim uu lacag badan ku gatay damiirkii
dadka.
Dagaal-ooge kamid ah kuwa jooga
shirkan ayaa yiri: C/Qaasim markuu yimaadana xafladii aan lacagta
doorashada uga qaadan lahayn ayaan u dhigaynaa, marka dowlada la
dhisana xafladii tacsida ahayd ayaan u dhigaynaa. Maxaa yeelay
madaxweyne Soomaali heli mayo hadeer.
Aniguse labadaas xafladoodba midna
ka qayb gali maayo.