Fahad
Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya
URL:
www.SomaliTalk.com/fahad
YAA MADAXWEYNE KU HABOON
<><><>
Su’aasha muhimka ah waxay tahay.
Maanta baahida ay Soomaali qabto marka laga hadlayo sidee
dowlad-nimo loo helaa? Ma’in dhaqaale loo raadiyaa? Si dalka iyo
dadkaba loo nooleeyo? Taas waa maya, oo Soomaalidu dhibta haysata,
dhaqaale xumi ma’ahan, marka xagga Gacanasiga laga fiiriyo,
Soomaalida weyba ku firfircoon yihiin, inta hadda ka khaldanna
haddii dowlad loo helo wey u sii hagaagi lahayd. Ma nabad galyo
la’aan oo kaliyaa? Taasna waa may, maxaa yeelay dadka nabad la’aanta
noo horseeda waa hogaanka aan anagu usacbinno, marka dhibta inagaa
isu keenay ee Qab-qable nooma keenin. Markii aan baarintaan
cilmiyeysan ku samaynay qodobkan waxaa noo soo baxday jawaabtan biyo
kama dhibcaanka ah.
Soomaali maanta waxay u baahantahay
hogaamiye leh tilmaamihii hogaaneed oo noqon kara ninkii maanta
Soomaali badbaadin lahaa. Firkadan waxaa saldhig u ah. Soomaali
dhibta ku dhacday iyadaa gacmaheeda ku kasbatay. Beel kasta oo
Soomaaliyeed waxaa hogaamiya ninkii ugu itaal-yaraa. Haddey tahay
aqoonta. Haddey tahay shakhsiyadda. Haddey tahay Siyaasadda. Hadey
tahay nabad raadinta. Haddey tahay hormarinta bulshada. Iyo haddey
tahay u qalmid hogaamineed. Ceebtu waxay sii laba jibaar-matay
markii la’arkay Profesar Soomaaliyeed oo gacanyare u ah Qabqable
dagaal, waliba afmugii ku leh isagoo miyir qaba. Ninkan waan ogahay
inuu jaahil yahay, laakiin maadaama ay R/Hebel iska soo saareen kii
ugu Jaahilsanaa, waa inaan uhelnaa ninkii la xisaab-tami lahaa oo
isaga ay isku luqad noqon lahaayeen. Isweydiintu waxay tahay,
hadduuba isagu qabiil kale uga dayanayo xumaanta! Muu isagu nin
fiican soo doorto si beelaha kale ay ugu daydaan. Waxaan filayaa
inaad baraha Internet-ka inaad ku aragtay nin magaciisa laga
hormarinayo Profesar, kadibna jagada uu ku magacaaban-yahay ay tahay
Afhayeenka Hogaamiye hebel.
Waxaad arkeysaa Wadaad magac ku
dhex leh bulshada, oo u taagan inuu jago u raadiyo Dagaal-ooge ay
isku beel yihiin. Markaad si hoose ula sheekaysatana, wuxuu ku
leeyahay. Waan ogahay inuusan ninkan diinta ku fiicneyn, laakiin waa
nin adag oo kuwa kale oo isagoo kala ah cadkiisa ka goosan karo, ama
wuxuuba ku dhihi isagoo hadalkiisa inuu diimeeyo raba. Ma’ogtahay
sheekhoow dhiigga in ilaaliyo ayaa muhim ah, ninkii rabo dowlada
haqabsadee wax un aan helno. Wuxuusan ku baraarug-sanayn in
taladiisan aysan ahayn mid saxsan, hadana uu qayb kayahay wax sii
burburinta, isagoo waliba si ku talagal ah ugalaya. Wadaadka kale ee
kaas caksiga ku ahna wuxuu qabaa fikradan. Sheekhoow Siyaasad lama
dhex galo, waa golo sheeydaan, waxan waxba haku darsan, dantaada iyo
diintaada ilaasho. Laakiin nasiib darro waxaad arkeysaa isagoo
hadana Siyaasaddii ku dhex jira oo leh: Kaasi waa Gaal. Kaasi waa
Mujrim. Waxay ahayd inuu marka hore ka qayb qaato sidii uu dalka ugu
dhiibi lahaa hogaan muslim ah oo diinta iyo dalkaba aan cadow ku
ahayn, taariikhdusana aysan madoobeyn.
Ganacsadihii Soomaaliyeed markii
dowladda la burburinayeyna qayb weyn buu ka qatay, iyagoo islahaa
haddii M/S/Barre dalka ka tago ganacsi furan baad heli doontaan,
laakiin sirixkii baa dib iyaga ugu soo laabtay. Hadana waxaa
marqaati madoonto ah in Dagaal-ooguhu uusan dhaqaale ka fakarin,
illeen wuxuu ogyahay in ganacsatada beeshiisa ah ay hiil iyo hooba
la garab taagan yihiin. Inta badan tujaarta Soomaalida dhaqaalaha ay
bixiyaan kan ugu niyad wanaasan ayaa lacagta usiiye Qab-qablaha
isagoo u niyoonaya Sadaqo ama qaaraan toleed.
Qofkasta waajib diini ah iyo mid
wadani ah ayaa ka saaran inuu raadiyo ninkuu isleeyahay maanta
Madaxweyne ayuu ku haboon-yahay. Mahadaad diyaar u tahay inaad mar
walba tijaabo gasho? Ama aad u sacbiso nimaad ku ogtahay khayr darro?
Adigoo isleh wax un hadhismaan. Taasi talo nin garaad lihi ma’ahan,
ee bal aan isla goob-goobno ninkaan ka dhigan-lahayn Madaxweynaha.
Maqaallada soo socda waxaan ku
falanqayn doonno ragga maanta urashaxan jagada Madaxti-nimada
Soomaaliya, ee shirka Nairobi ka socda doonaya inuu dhamaado isagoo
Madaxweyne laga dhigay. Wuxuuna noqon doonaa qoraal furan oo
soconaya inta ay uu ka dhamaanayo shirka Kenya.
Maqaalkan kan xiga qof qof ayaan
usoo qaadan doonnaa ragga ugu cad-cad jagada madaxti-nimada dalkaaga.
Ilaahay ka bari inay Soomaali hesho
ninkii Taariikhda gali lahaa, oo loo soo xusuusan lahaa sidii
Asaasa-yaashii S.Y.L. iyo raggii maalin Soomaali wax u taray.
Qaybta 1aad oo ku
saabsan C/Qaasim Salaad Xasan ... GUJI
Fahad
Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | June 24, 2004
URL:
www.SomaliTalk.com/fahad
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|