Dayaxgacmeedka Cassini oo Sawirro kasoo Diray Meeraha Raage
Hawlgalka sahanka caalamiga ah ee Maraykanka iyo reer Yurub ay
iska kaashadeen si ay baaritaan cilmiyeysan ugu sameeyaan
meeraha lixaad ee garaangarta leh oo Soomaalidu u taqaanno
Raage ama Saxal, af
Ingiriisigana lagu yiraahdo Saturn, ayaa soo
bandhigay sawirro aad u muujinaya garaangarooyinka (rings)
xal-xalleefsan ee meerahaasi leeyahay.
Dayaxgacmeedka Cassini oo Maraykanku sameeyay wuxuu meeraha
Raage ku gaaray safar toddoba sano qaatay. Waxaana lagu wadaa in
uu halkaas baaritaan ka sameeyo muddo afar sano ah.
Dayaxgacmeedka Cassini ayaa si gudub ah u maray dusha sare ee
garaangarada meeraha Raage, masaafo dhan 158,500km (una dhiganta
98,500 mayl). Markaas ayaa matoorka dayaxgacmeedka Cassini oo
wajahaddiisu u jeedo dhinaca safarka ayaa la qarxiyay muddo 96
daqiiqadood ah si hoos loogu dhigo dayaxgacmeedka oo sawirro
halkaas kasoo qaadayey. Dayaxgacmeedka Cassine ayaa markaas
kadib ka dul gudbay dhammaan garaangarooyinka meerahaas masaafo
kale oo dhan 20,000km (una dhiganta 12,400 mayl). Waa markii
ugu horeysay ee la gaaro jawiga ku xeeran meeraha Raage.
“Arrintaasi indhahayga ayay illin (tears) ka keentay. Waa wax
qurux badan oo loo riyaaqo” sidaas waxaa yiri hogaamiyaha kooxda
sawir-samaynta ee dayaxgacmeedka Cassini, Mr. Carolyn
Porco, kaddib markii uu indhihiisa ku arkay sawirrada
muuqaalkoodu aad u wacan yahay ee laga soo qaaday
garaangarooyinka meeraha Raage.
Sawirrada intooda badan waxay muujinayaan wax u eg hir-biyood (ripple)
ku dhex jira garaangarooyinka meeraha Raage. Sawirradu waxa kale
oo ay muujinayaan hir weec-weecanaya oo kor u galoolan.
Labada nooc ee hirarka la arkay ayaa la sheegayaa in ay
sameeyeen bilo (moons) ka baxsan meeraha Raage
oo garaangaroonkiisa dul jooga.
Mr. Ed Weiler oo ah maareeyaha hey’adda Nasa
ayaa isaguna sheegay in sawirrada iyo xogta laga helay halkaas
ay saynisyahannada u sheegayaan wax badan oo ku saabsan habka
garaangarooyinka ku xeeran meeraha Raage ay u sameeyaan
meerayaal iyo xiddigo kale. Mr. Ed Weiler oo
hadalkiisa sii wata ayaa yir: “…waxani ma ah sheeko
saynis-beeneed ah (science fiction); xaqiiqdii
waa (sanco) aannu samaynay”.
Hawlgalka sahankani wuxuu ka kooban yahay labo dayax-gacmeed oo
wada socda, kan hore oo ah Cassini Maraykanka
ayaa sameeyay, kan kalena waa mid ay sameeyeen reer Yurub oo la
yiraahdo Huygens; kaas oo bisha January ee
sannadka 2005, ku dul degi doona bisha ugu weyn ee meeraha Raage
oo la yiraahdo Titan.
Haddaba, hawlgalkan labada dayax-gacmeed ee
Cassini-Huygens
wuxuu ka mid yahay hawlgallada ugu ballaaran, ugu kharash badan,
uguna dhibka badan ee abid hore loo sameeyey. Waxay cir-bixiyeennadu
si aan samir lahayn u sugayaan waxa ay dayax-gacmeedyadaasi
nooga sheegi karaan meeraha Raage iyo guud ahaan habka
meereyaasha kale ee qorraxda ku wareega.
Cirbixiyeennada ku taqasusay cilmiga xiddigiska (xiddiga’aqoonta),
meereyaasha sarsare iyo wixii soo raaca oo cirka dhexdiisa ku
sugan (waxa ay yihiin, inta ay le’egyihiin, socodkooda, iwm.)
ayaa aad isugu hawla in ay darsaan oo wax badan ka ogaadaan
meereyaasha dhulalka noqday. Meereyaashaasi qorraxda ayay la
socdaan oo kusoo wareegaan waxayna qayb ka yihiin habka bah-cadceedeedka
oo ka kooban qorraxda, meereyaasha sagaalka ah, iyo in ka badan
130 cirmeereyaal oo sayaariinta (meereyaasha) la socda, tiro aad
u badan oo ka kooban walxo yaryar oo xiddigo ah iyo cirmeereyaal
kale (planetary satellites) oo aan ilaa iyo hadda la ogaan.
MEEREYAASHA SAGAALKA AH EE
QORRAXDA KU WAREEGA:
1. Dusaa
(Mercury) – waa meeraha
koobaad oo ka mid ah meereyaasha qorraxda ku wareega. Waa
meeraha ugu sukeeya haddii xagga qorraxda laga eego; sidoo kale
wuxuu noqonayaa kan sideedaad haddii dhinaca weynaanta laga eego;
waxa kale oo Soomaalidu u taqaannaa Cuddaar; wuxuu u dhexeeyaa
qorraxda iyo waxaraxirta.
2. Waxaraxir
(Venus) – waa meeraha
labaad oo ka mid ah meereyaasha qorraxda ku wareega; waxa kale
oo Soomaalidu u taqaannaa magacyada Sahra; Xiddigta Waaberi;
Bakaal; iyo Bakool; wuxuu u dhexeeyaa Dusaa iyo Dhulka aan ku
noolnahay.
3. Dhul
(Earth) – waa meeraha saddexaad
oo ka mid ah meereyaasha qorraxda ku wareega; wuxuu noqonayaa
kan saddexaad haddii xagga qorraxda laga eego; sidoo kale wuxuu
noqonayaa kan shanaad haddii dhinaca weynaanta laga eego. Wuxuu
u dhexeeyaa Waxaraxirta (Sahra) iyo Farraarre (Mariikh). Dhulku
waa meeraha dadku ku nool yahay waana meere ka samaysan dhagax;
ciid; geedo; buuro iyo boholo; bad iyo biyo; togag iyo webiyo,
iyo macdanno fara badan oo kala duwan, iyo walxo kale oo aan
weli la ogaan.
4. Farraare
(Mars) – waa meeraha afaraad oo
ka mid ah meereyaasha qorraxda ku wareega; waxa kale oo
Soomaalidu u taqaannaa Marriikh; wuxuu u dhexeeyaa dhulka iyo
Mushtarka (Cirjeexda).
5. Cirjeex
(Jupiter) – waa meeraha
shanaad oo ka mid ah meereyaasha qorraxda ku wareega; waxa kale
oo Soomaalidu u taqaanna Cirjiir iyo Mushtar; wuxuu u dhexeeyaa
mariikha (Farraarre) iyo Saxalka (Raage).
6. Raage
(Saturn) – waa meeraha lixaad oo
ka mid ah meereyaasha qorraxda ku wareega; waxa kale oo
Soomaalidu u taqaannaa Saxal; wuxuuna u dhexeeyaa Mushtarka (Cirjeexda)
iyo Uraano. Waxaa ku wareega saddex garangarood oo
xal-xalleefsan oo ifaya. Maalintiisu waxay le’egtahay toban (10)
saacadood iyo afar-iyo-toban (14) daqiiqadood oo kuweenna ah.
Sannadiisa ama inta jeer ee uu qorraxda ku wareego waxay u
dhegantaa sagaal-iyo-labaatan (29) sannadood iyo boqol toddoba
iyo lixdan (167) maalmood oo kuweenna ah; wuxuu leeyahay sagaal
xiddigood oo ku wareega.
7. Uraano
(Uranus) – waa meeraha toddobaad
oo ka mid ah meereyaasha qorraxda ku wareega; wuxuuna u
dhexeeyaa Raage (Saxal) iyo Netuun.
8. Netuun
(Neptune) – waa meeraha
siddeedaad oo ka mid ah meereyaasha qorraxda ku wareega; wuxuuna
u dhexeeyaa Uraano iyo Buluto. Lixdan jeer buu dhulka ka weyn
yahay.
9. Buluto
(Pluto) – waa
meeraha sagaalaad oo ka mid ah meereyaasha qorraxda ku
wareega, waana kan ugu dambeeya dhammaan meereyaasha sagaalka
ah; waa kan ugu fog haddii xagga qorraxda laga eego. Wuxuu
qorraxda u jiraa lix kun oo malyuun oo km (6000 million km.).
W.Q. C/fataax M.
Cabdulle
Ottawa, Ont. Canada
abdulfatah@yahoo.com
.Yaa
Sameeyay Diyaarad Matoor leh tii ugu horeysay?