Xaaladda Soomaaliya Ku Sugantahay
Maxamuud Cumar Asad oo
ah qoraaga warbixintan waxa uu ahaan jirey Agaasimaha Guud:
1) Wasaaradda Kaluumaysiga&Khayraadka Badda 1980 – 1984.
2) Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha 1984 - 1991
E:Mail :
muminyo@hotmail.com |
Hordhac
Waxa aannu isku dayeynaa in aannu
siyaabo kooban wax uga sheegno dhowr arimood oo soomaaliya ku
saabsan.
- Waa maxay sifada ama tilmaanta
ummadda soomaalida lagu sheego oo ay ummadaha kale kaga duwan
tahay?. Waxaan u jeednaa dalkii loo yiqiin jamhuuriyada
Soomaiya oo burburtay 1991.
- Waa intee tiro ahaan inta lagu
qiyaasay dadka Somaliya 1991, masaaxada dhulka iyo khayraadka
laga heli karo?
- Intee baaxad le’egyahy
burburka ku dhacay bulshada Soomaaliya ha noqdo xaga dhaqaalaha,
bulshada, degaanka iyo xaalufinta badda?
- Maxaa sababay in ay dhacaan
xaaladahaasu, yaase mas’ul ka ah in bur burka iyo halaagu si
joogto ah u socdaan muddo dhan 14 sano?
Tilmaamaha ummadda soomaaliyeed
Soomaalidu waa dad wadaag ku ah wax
kasta oo ummad ka dhexayn kara sida afka, dhaqanka, diinta, xeerar
dhaqamedka, midabka, dhulka waa wadaagaan marka laga reebo dhul
magaalo ahaan loo deggan yahay ama beeran, waxaana u sabab ah habka
dhaqan dhaqaale oo ku dhisan reer guuraanimada iyo dhulka oo aad u
weyn oo ay in badan biyaha iyo daaqa ku yaryahay, taasuna ay
sababtay in la isugu tago meeshii leh baad iyo biyo. Waxa kale oo
jira in ummadda soomaliyeed ay tahay ummad sabool ah oo aan u
qaybsamin dabaqado ku kala tagsan dhaqaalaha.
Intee lagu qiyaasayey tirada dadka
somaliya markii dawladu burburaysay? Masaaxada dhulka iyo khayraadka
laga helikaro bad iyo beri?
Trirada dadka waxa lagu qiyaasay 7
maliyan, masaaxada dhulkana waa 630,000 Kilomiter oo isku wareeg
ah, dhulbeereedka waxa lagu qiyaasay sided milyan oo hegtar.
Qiyaasta xoolaha nool waxa ay ahayd
riyaha 20 milyan, Idaha 14 milyan, Lo’da 4.9 milyan , Gela
2.5-2.9milyan.
Xagga badda iyo khayraadka laga
heli karo Sommaliya waxa ay leedahay xeebta Afrika ugu dheer oo dhan
3300 oo KM oo dherer ah, xagga dalxiiskana aad ugu wanaagsan. Bedka
ama masaaxada ay sharci ahaan soomaalidu u leeyihiin in ay ka
kaluumaystaan ama petrol iyo macaadin ka baartaan waxa ay dhan tahay
200 meyl badeed.Marka lagu dhufto 200 mayl badeed xeebta dhererkeeda,
loona rogo Km(200x1.852x3300) waxaa soo baxaya 1,222,320( hal milyan
laba boqol laba iyo labaatan kun,saddex boqol iyo labaatan)Km oo
laba jibaaran; waa waxa loogu yeero aaga dhaqaale (Economic Zone).
Daraasado cilmiyeed oo lagu
sameeyey badda Soomaaliya waxa lagu sheegay in badda Soomaaliya
sannadkii lagala soo bixi karo kaluun miisaankiisu dhan yahay 200
ilaa 300 oo kun oo ton oo kala nooc nooc ah iyadoo aan wax dhibaato
ah loo gaysan isu dheeli tirka nafleeyda ku nool badda.
Umadda leh dhulka iyo badda aynu
kasoo sheekeynay sidee xaaladoodu ku sugantahay waqtiga la joogo?
Dalka badi waxa ka jira nabadgelyo
la’aan oo waxa ku baahay colaado qabiil oo aan ku dhisnayn figrad
siyaasadeed ee ku dhisan reer hebel waa cadowgeenee aynu iska
dhicino. Taas waxa ka dhashay in dalkii midka ahaa uu u kala googo’o
soddon aag in ka badan oo ay nimanka la baxay magacyo dhowr ah ay ku
doodaan in ay kataliyaan. Nimankaas waxa bulshadu ugu yeertaa
qabqable dagaal ama hoggaamiye kooxeed. Xaaladda colaadeed ee ay
kooxahaasu masuulka ka yihiin waxa ay dalkii ka dhigtay xaalad aanu
qaadi karim damiirka bani’aadanku.
Burburka ku dhacay soomaaliya waxaa
lagu sheegi karaa halaag ku dhacay dhinac kasta.Nabadgalyo la’aanta
iyo colaaddu waxay gaartay heer gumaad oo aan ujeedo lahayn .
Arimaha Bulshada
Waxbarasho la sheegaa kama jirto
dalaka; Ubadkii soo koraayey oo dalka u ahaa raasumaal in ka badan
80% waxa ay noqdeen dad aan wax akhrin waxna qorin, taas oo saadaal
u ah in Soomaaliya mustaqbalka aaney is wadi Karin in la wado mooyee.
Dalka badidiisa kama jiro adeeg
caafimaad, waxa aad u faafay cudurada la isku gudbiyo sida Qaaxada,
Tiifowga, Burseelaha, Daacuun Caloolaha, Kaneecada, Aydhiska. Waxaa
kale oo jira Dhiig yari,Umul raac iyo nadaafad xumo gaartey heer xun,
taasoo sahal ka dhigtay faafida cudurada.
Dawoowinka dadka laga iibiyo in
badan oo ka mid ah waa dawooyin dhcacay ama oo dhamaaday waqtigii la
isticmaali lahaa. Waxa kale oo soomaaliya aad ugu batay cudurada ku
dhaca maskaxda oo keena waalida, kuwaas oo loo tirnayo in ay ka
dhasheen xaaladda murugsan ee ka jirta Soomaaliya. Dadka cudurkaasi
saameeyey waxa ugu badan da’da dhalinta yar oo mustaqbalkoodii uu
galay mugdi.
Dhaqaalaha
Soomaaliya burburkii ka hor waxa
lagu tirinayey dawladaha adduunka ugu saboolsan mid ka mid ah. Afar
iyo tobankii sano ee burburku ka socday dalka waxa dhacay dib u dhac
weyn oo ku dhacay dhaqaalaha.
Xoolaha Nool
Sida la ogsoonyahay tiirka ugu weyn
dhaqaalaha soomaaliya waa xoolaha nool. Colaadda iyo kala go’doonka
waxa ka dhashay in xoolihii ku noolaa daaqa iyo in ay u guuraan
hadba meeshii roob ka da’o ay suurtogal noqonweyday,sababtoo ah
colaadda ka dhex jirta beelaha dhexdooda.
Waxaa kale oo joogsadey suuqii ugu
weynaa ee xoolaha loo dhoofin jirey(Sacuudiga).
Beeraha
Beeraleyda waxa ka hor timid
dhibaato ku saabsan sidii ay u suuq geyn lahaayeen miraha ay soo
saaraan ,sababtoo ah jid gooyooyinka iyo burcadda oo aad u badan.
Taasi waxa ay keentay inay talfaan miraha aan dhigmi Karin sida
khudaarta iyo furutada(Mooska,Babayga IWM).
Ganacsiga
Ganacsiga waxaa ka horyimid
dhibaatooyin ay adagtahay in laga gudbo. Dalka kama jiraan wax sahla
hawlaha ganacsiga sida bangiyada. Dalka gudihiisa si xor ah looma
ganacsan karo, waxa ka jira colaad dalkii ka dhigtay aagag kala
xiran. Waxa kale oo jira jid gooyooyin iyo burcad aad u tiro badan.
Sidaas darteed xaaladaha jira ma aha kuwo ganacsigu ku korikaro.
Waxa kale oo dhaawacay dhaqaalaha lacagaha been abuurka ah.
Deegaanka
Deegaanka waxa ka dhacay dhibaato
aad u culus oo aan laga soo kaban karin. Dhirtii waa la jaray oo
waxa laga dhigay dhuxul loo dhoofiyo waddamada dibada. Falkaasi waxa
uu degaankii ka dhigay dhul aan lahayn dhir oo lama degaan ah.
Badda
Khayraadkii badda ku jirey waxa loo
boobayaa si xad dhaaf ah oo aan horey loo arag. Waxaa boobkaasi ku
shirkoobay maraakiib ajnabi ah iyo Mafia soomaaliyeed oo ay ka mid
yihiin kuwa sababay iney Soomaaliya sidan noqoto .
Waxa kale oo la sheegay in badda
soomaaliya lagu duugo qashinka ka soo hara warshadaha. Dhalintii
dalka u ahayd raasumaalka ama hantida waxa ay ku goosteen ama ku
gumaadmeen labada badood oo loo yaqaan Bad yarada gacanka cadmeed
iyo badda cad ee u dhaxeysa waqooyiga Afrika iyo Yurub. Dhalintaas
dalkooda ayey ka rajo beeleen oo waxa ay ahaayeen dhib ka carar hase
yeeshee waxa haleelay masuubo midda ugu xun.
Waxa aynu si kooban uga soo
hadalnay sifada ama tilmaamaha ummadda soomaaliya gaarka u ah,
dhulkeeda iyo khayraadka laga heli karo. Waxaa aynu si kooban uga
soo hadalnay dhibaatooyinka ka jira dalka soomaaliya. Waxa soo baxay
su’aalo waaweyn oo ku saabsan masiibada dalka ku habsatey ma mid
soomaalida kaligeed ku kooban baa oo ayadu leedahay sababta iyo
falka mise waa lala wadaagaa?
Marka dhibta jirtaa la qiyaaso ma
tahay mid Soomaalidu kaligeed ka bixi karto mise waxa ay u
baahantahay kaalmo iyo gacanqabasho aad u balaaran oo dawli ah?
Soomaaliya waxa ay dhacdaa ama ku
taal meel istiraatiiji ah oo adduunyada muhim ku ah. Taasi waxa ay
keentay in quwadaha waaweyni daneeyaan oo ku herdamaan. Soomaaliya
waxaa ku kulma saddex badood oo nolosha adduunka meel weyn kaga jira,
waxa ay kala yihiin Bad yarta Gacanka Cadmeed, Bad weynta Hindiya
iyo badda carbeed. Waxa badahaas isaga goosha maraakiibta ka timaada
ama u socota waqooyiga Ameerika, Yurub, Bariga dhexe, Aasiya,
Australiya iwm.
Qarnigii 19aad markii ay dawladaha
isticmaarku ay kala boobayeen adduunyada,lana furay Suweys
kanaal,Soomaaliya waxa ay noqotay meel xagga istaraatejiyada muhim
ku ah.Arrintani waxa ay sababtay in dawladihii waaweynaa (Ingiriiska,Faransiiska
iyo Talyaanigu) ay kala qaybsadaan dhulkii Soomaalida,ummaddii
Soomaaliduna u kala qaybsanto,dhibaatana kala kulanto.
Dagaalkii qaboobaa markii uu socdey
waxa dhacay sannadihii todobaataneeyadii (1970s) in dalalka kala ah
Soomaaliya, Yamantii Koonfureed iyo Itoobiya ay ku dheceen nufuudda
Midowgii soofiyeetiga iyo gaashaan buurtiisa.
Dawladda Mareykanka iyo yurubta
galbeed xaaladaas aad ayey u dhibsadeen waxa ay isku dayeen in ay
kala furfuraan is bahaysiga uu sameeyey Midowga Soofiyeeti oo iyaga
ku ahaa lid sida ay u arkayeen.
Markii ay darseen xaaladaha
dawladahaas (Soomaaliya, Itoobiya iyo Yamanta koonfureed) Soomaaliya
waxa ay u arkeen iney tahay meesha ugu sahlan oo silsilada laga
jebin karo, waana ku guuleysteen ayaga oo dowr weyn ka cayaarey
dagaalkii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya.
Heshiiskii dhexmaray Soomaaliya iyo
Midowgii Sofiyeedka oo ogolaanayey in ciidamada Soofiyeedku ay
isticmaali karaan dekadaha iyo garoomada dayuuraha gaar ahaan
Berbera, Muqdisho iyo kismaayo, dowladda Soomaaliya heshiiskaas waa
ka baxdday oo waxa ay heshiis la mid ah la gashay dowladda
Maraykanka.
Markii uu dhamaadey dagaalkii
Itoobiya iyo Soomaaliya, dalka Itoobiya gudihiisa waxaa laga asaasey
ama ka dhismay jabhado soomaaliyeed oo nidaamkii dalka ka dhisnaa ka
soo horjeedey oo dagaal hubaysanna la galay; waxaase nasiib darro
noqotay in jabhadahaas figradda ay ku dhisaayeen ahayd mid reer ama
qabiil oo aaney ahayn mid soomaaliyeed. Ma jirin wax xirir ah ama
iskaashi ah oo ka dhexeeyey jabhadahaasi oo la dagaalamayey hal
cadow , isla markaasna saldhigooda iyo taakulayntooda ay ahayd hal
meel.
Jabhad kasta waxa ay la baxday
magac Somaliyeed sida SSDF, SNM, SPM,USC IWM,hase yeshee mid kasta
dadka ay dagaal gelisey waxa ay ahaayeen qabiil oo waxa ay dagaal
ka gashay aagga ama degaanka reerkeedu u badnaa, taasuna waxa ay
degaanka dadkii ku noolaa ka dhex abuurtay is nacayb iyo kala aamin
bax. Waxaa kale oo jirtey in nidaamkii ka dhisnaa dalka uu qudhiisu
uu hurinta colaadda kaalin muuqata ku lahaa.
Waxaa in la is xusuusiyo mudan
dadkii iyo axsaabtii ka ahaa hormuudka doonistii gobanimadoonka
Somaaliyeed waxa mabaadii’dooda ka mid ahaa in la mideeyo shacbiga
Somaliyeed ee ku hoos jirey xukunka Ingiriiska, Faransiiska,
Talyaaniga iyo Itoobiya. Siyaasadaas doonista midnimo Somaliyeed
waxa ay Somaliya u keentay in ay colaadiyaan Kenya iyo Itoobiya oo
dad oo soomaaliyeed ay ku hoos noolyihiin.Arrintaas waxaa ka marag
kacay madaxweynihii hore ee dalka Kenya Mr Moi markii uu isaga oo
booqanaya dalka Maraykanka uu si cad oo qayaxan u sheegay in
dawladaha Itobiya iyo Kenya aysan doonayn in uu dhismo qaran
Somaliyeed.
Siyaasadaha ku saabsan diidmada in
uu dhismo qaran Somaliyeed oo xooggan ma ah mid qarsoon. Laga soo
bilaabo xiligii Xayle Salasi ilaa hadda siyaasadoodu waxa ay ku
taagnayd in aanu dhismin qaran xoog leh oo iyaga ka madax banana.
Kooxaha Soomaliyeed ee dalka ka
wada dagaalka una kala jarjaray in ka badan soddon aag, kuwooda ugu
waaweyn oo dhibaatada dalka ka jirta badi ka mas’uul ah, waxa ay
taageero dhawr nooc ah ka helaan dowladda Itobiya, waxaana ka mid ah
labada maamul ee la baxay Somaliland& Puntland iyo isbahaysiga la
magac baxay SRRC. Labada maamul iyo kooxaha kale dhexdooda waxa ka
jira colaad iyo karaahiyo ka dhalatay siyaasadda cad ee lagu
burburinaayo ummadda Somaliyeed meel kasta ha joogtee. Siyaasadaasu
waxa ay ka shidaal qaadanaysaa tii uu ku dhaqmi jiray Mingiste Xayle
Maryam oo ahayd in la hubeeyo jabhadaha Somaliyeed oo qoys qoys ah
oo hal cadow la dagaalamaya, wax isku mid ahna doonaya, iyaguna
isku ah cadow. Jabhadahaas qoys qoyska ah midkasta waxa ay gaarkeeda
u doonaysaa in hasha maandeeq keligeed hanato haddii kale hasha la
waayo.
Waxaa in la is xusiisiyo mudan,
dawladda ku meel gaarka iyo labada maamul ee ka jira waqooyi bari
iyo waqooyi galbeed marka la isku daro golayaashooda wasaaradaha
iyo Xeer dejinta waxa ay ku dhow yihiin laba boqol oo wasiir iyo in
ku dhow shan boqol oo xildhibaan. Taasi waa arrin murugo leh oo aad
looga naxo. Waxaa la fili karaa haddii kuwa kale sameystaan maamullo
noocaas ah in qaranimadii ummadda Soomaliyeed aanay dib u dhismin.
Siyaasadaas waxaa ka dambeeya dawlado ajnabi ah oo ay ka mid yihiin
dawladaha deriska ah qaarkood oo ku fushanaaya siyaasadooda dad ka
mid ah kuwa la magac baxay qabqablayaal dagaal iyo kuwa ka farcamay
oo loo baxshay mooryaan, jiri IWM.
Qof kasta oo leh dareen wadaninimo
dib ha u eego waxa dalka ka socda oo ay ka mid yihiin dagaalada
foosha xun, faqriga, jahliga, cudurada wax gumaada, xaalufinta
dhulka, boobka khayraadka badda, qashin ku duugga, dadka ku
tabaalaysan xeryaha qaxootiga iyo dhalinyarada ku dhimanaysa badda
cas, badda cad iyo lama degaanka Afrika.
Dalkii waxa uu noqday meel aan wax
sharci ahi ka jirin. Waxaa joogsaday dhammaan sharciyadii ummadu ku
dhaqmi jirtay ama ku kala bixi jirtay . ku dhaqankii shariicada
islaamka, sharciyadii dawladdu u dejisay nidaaminta bulshada iyo
xeer dhaqameedkii soo jireenka ahaa.,badi sharciyadaasi waa
istaageen, waxaana bedeley waxa loo yaqaan sharciga duurka ama
qoriga.
Waxaa kale oo khatarteeda leh in
dawlado ajnabi ah oo cadow ku ah ummadda Somaliyeed ay meelaha
qaarkood ka sheegaan in soomaalidu ay tahay ummad aad xagga maskaxda
uga dambaysa oo aan soo gaarin heer ay ku gartaan baahida loo qabo
in la noqdo dawlad. Waxa ay xujo ka dhigtaan faragelinti milalteri
ee lagu sameeyey Soomaaliya, shirarkii faraha badnaa(14) ee loo
qabtay soomaalida ee lagu doonayey in mushkuladooda lagu xaliyo.
Shirarkaas oo uu ku jiro kan hadda ka socda dalka Kenya oo socdey
muddo ku dhow labo sano midna kama soo bixin wax natiijo ah. Sidaas
darteed figradoodu ma gaarsiisna heer in ay ku gartaan faa’iidada
dawladi leedahay iyo inay ka saaraan dhibaatada haysata
shacbigooda,Sawirkaas ama dareenkaas waxa bixiyey dadkii ka
qaybgalay shirarkaas.
Annagoo ahayn dawlad muddo soddon
sano ah adduunyaduna ka marag tahay waxa aynu ahayn, waa nasiib
darro in ay hadda dhalato “ma noqon karaan dowlad, waayo waxaa laga
garan karaa falkooda iyo fikradooda”.
Annagu waxa aanu aaminsanahay in
shacbiga Soomaaliya uu dhisan karo dawlad soo celisa sharaftiisii
iyo karaamadiisii oo dunida qaarkeed ku dayato, laakiin dawladaasu
ma dhalan karto inta ay arrimaha Soomaaliya hor boodayaan ragga la
baxay magacyada dhawrka ah oo fulinaaya siyaasadaha lagu burburinayo,
laguna kala qaybinayo ummadda soomaaliyeed.
Ummadaha adduunka sida dawladda
Mareekanka , Midowga Yurub, Qaramada midoobay iyo Midowga Afrika
waxa aanu ka codsanaynaa in ay gargaar dhab ah u fidiyaan ummada
Somaliyeed sidii ay uga bixi lahaayeen dhibaatada haysata. Sidoo
kale dawladaha IGAD qaarkood waxa aanu ka codsanaybaa in ay ka
daayaan dhibta ummadda soomaliyeed, waayo dhibtu kuma koobnaan
doonto Somaliya oo qura.
Gunaanad.
Ummadda Soomaaliyeed ee wax garadka
ah waxaannu u soo jeedinaynaa inay ka hortagaan burburka iyo
halaagga ay quwadaha shisheeye iyo kuwo soomaali ku sheeg ahi ay ku
wadaan dalkooda iyo ummadooda.
Aynnu u midowno in aynnu joojino
colaadda iyo is nacaybka aan ujeedada lahayn, kana shidaal qaadanaya
caadifad qabiil iyo is nacayb.
Aynnu u hawl gallo sidii aynnu dib
ugu dhisi lahayn qarankii burburay. Dhagax dhigga dib u dhisku ha ku
salaysnaado mabaadi’ qeexan oo ay ka mid yihiin in la aamino
soomaalinimada iyo midnimada;in la joojiyo colaadaha,la is
aamino,lana walaaloobo oo la is kaashado.
Waa in aynnu dhaqan ka dhiganaa
habka dimuqraadiga ah,dhawrista xuquuqda aadanaha. Waa in aynnu
dhisano dawlad ku timaada rabitaanka shacbiga oo leh amaano,karti
iyo hufnaan.Waa in sharcigu leeyahay awoodda sare.
Wa Billaahi Towfiiq.
Waxaa qoray Maxamuud Cumar Asad
oo ahaan jirey Agaasimaha Guud:
1) Wasaaradda Kaluumaysiga&Khayraadka Badda 1980 – 1984.
2) Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha
1984 - 1991
E:Mail :
muminyo@hotmail.com