SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

Waxaa isku soo dubaridey:
Abuu xassan <dacwah@hotmail.com>


بسم الله الرحمن الرحيم 

 BAYAAN KA SOO BAXAY DALLADDA CULIMADA SOOMAALIYEED 

Sida la ogsoon yahay dalka Soomaaliya arrimihiisu ayaamahan waxay marayaan meel kala guur ah oo xasaasi ah , taasoo saameyn weyn ku leh diinta iyo dalkaba , keenaysana in culimadu caddeyso moqifkeeda sharciga ah , si looga badbaado halista ummadda ku soo fool leh mustaqbalka , haddaba dalladda culimada Soomaaliyeed markay dib u akhrisay cahdi qarameedka K. M. G. ee dawladda looga soo dhisayo ummadda Soomaaliyeed dalka Kenya , ogaatayna in dalka la keenayo ciidammo shisheeye oo hub ka dhigis ah , markay ogaatay in kooxo Soomaaliyeed beryahan caadeysteen arrimo fool xun oo ummadda muslimka ah lagu aqoon taasoo ah in gaalada loo dhiibo dad muslimiin ah , waxay soo saartay bayaankan :-

A. ARRIMAHA CAHDI QARAMEEDKA :

Ka dib markaan akhrinnay oo dhuuxnay qodobbo ka mid ah cahdi KMG ah , sida qodobbada ,8aad , 15aad faqradiisa 1aad, 40 aad faqradiisa ( C ), 7aad , 10aad faqradiisa 3aad iyo kuwa kalaba waxaa noo cadaatay :

 1- Cahdigani inuu yahay mid is burinaya oo is khilaafsan ,waayo waxaa ku qoran in shareecada islaamku tahay asaaska shuruucda dalka taasoo uu burinayo qodobka oranayo siyaadada (awoodda ) shacabka ayaa leh diinta islaamkuna waxay qabtaa in sarreeyaha aan laga sarrayn uu yahay Alle kaligiis , isagaa wax xalaaleeya waxna xaaraameeya dadkuna waa adoomadiis oo ay waajib tahay inay ka amar qaataan siduu alle yiri :

الأعراف الآية 54( (ألا له الخلق والأمر

2. Dadku diin ahaan ma sinna , waayo shareecadu waxay qabtaa in qofkii diinta islaamka ka baxa (murtad ) uusan islaamka wax xaq ah ku lahayn sida nolol iyo waxbarasho IWM , balse mudan yahay in la dilo siduu nabigu yiri scw

 [من بدل دينه فاقتلوه ] رواه البخاري .

Waayo diinta ayaa ugu horreysa waxyaabaha shareecadu ilaaliso , sidoo kale ma sinna qof gaal ah iyo ruux muslim ah siduu alle yiri

{أفنجعل المسلمين كالمجرمين}سورة القلم الآية 35

Waxaa kale oo shareecadu qabtaa inaan waddan muslim ah lagu faafin Karin diin gaalo noocay doonta ha ahaatee  , waxayba taasi ku caddayd dastuurradii dalka hore ugu qorraan jiray dhammaantood

3 Ruux haweeney ah uma bannaana sida ay shareecadu qabto inay qabato jagada madaxwaynaha sababo sharcigu ogyahay dartood sida uu nabigu yiri scw

 [لن يفلح قوم ولوا أمرهم امرأة] رواه البخاري

Arrinkaas cahdigani wuu oggolyahay sida ku cad qodobkiisa 40aad  faqradiisa (c ) , sidoo kale ma habboona in shacabka soomaaliyeed dibedda lagaga soo fardiyo in ay barlammaanka ka mid ahaadaan dumar tira cayiman ah oo aan shacabku dooran

4. Cahdigani wuxuu luqada ummadda soomaaliyeed u qaybinayaa may iyo maxaa tiri ,taasoo horseedi karta qayqaybin ummadeed iyo cuqdado abuurma .

5. Waxaa ka muuqda qodobka 10 aad faqradiisa 3aad inaan qof soomaali ah loo aqoonsanayn , qofkii soomaali ah ee ku dhashay meel ka baxsan Jamhuuriyadda soomaaliya ama aabbihiis jinsiyad soomaali ah haysan ,taasoo meesha ka saaraysa dadka soomaaliyeed ee ku nool dhulalka soomaaliya laga haysto IWM.

B. Arrimaha Ciidamada Shisheeye :

 Dallaadda culimadu iyagoo maanka ku haya halisaha ka imaan kara keenista ciidammo shisheeye dalka , kuna cibra qaatay ciidamadii Unisom wixii laga dhaxlay , eegayana xaaladaha maanta caalamka ka jira waxay arkaan inaan ciidammadaas dalka in la keeno maslaxadi ku jirin  , waayo waxaa ka dhalanayo dhibaatooyin ay ka mid yihiin dalka oo madax banaanidiisii waaya , diintiisa iyo dhaqankiisa oo la fara galiyo , cudurro halis ah oo dalka lagu fidiyo IWM , dadka soomaaliyeedna waxaan u soo jeedinaynnaa inay ka waantoobaan sababaha kallifaya in ajnabi dalka gacanta loo geliyo oo ah is khilaafka iyo heshiis la’aanta dhexdooda ah . 

C. Dadka Muslimiinta ah ee Cadawga Loo Dhiibayo :

 sida la ogsoon yahay qofka muslimka ah xurmo ayuu leeyahay aad loo adkeeyay , ,mana bannaana in lagula kaco wax yeello naftiisa , maalkiisa iyo sharafkiisa , dadka muslimiinta ahna waa walaalo hal jir oo kale ah hal cadowna leh , wuxuuna  yiri nebigu scw :( muslimku waa muslimka kale walaalkiis ma dulmiyo , kama garab baxo , cadawna uma dhiibo) , wuxuu kaloo yiri nebigu scw ( qofkii ruux muslim ah dilkiisa cid kale ku caawiya kalmad nuskeedba ha noqotee wuxuu alle la kulmaa qiyaame asagoo wajigiisa ay ku qorantahay NAXARIISTA ALLE WAA KA QUUSTAY , sidaa darteed waa dambi aad iyo aad u wayn gaalnima gaarsiin kara qofka ku kaca arrimahaas oo cadow islaam walaalkiis u gacan geliya isagoo adduunyo dhaafsanaya , waa alle ka dheeraansho , cadaab iyo ceeb if iyo aakhiro ah .

GEBAGEBO:

 Waxaan dhamaan dadka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u soo jeedinaynaa inay Alle u toobad keenaan dastuurna ka dhigtaan manhajkii alle usoo dejiyay mushkiladoodana ku xallistaan sida shareecada islaamku farayso kana waan toobaan dambiyada foosha xun iyo ka fogaanshanaha Alle taasoo keenaysa ciriiri aduunyo iyo cadaab aakhiro siduu Alle yiri

{ومن أعرض عن ذكري فإن له معيشة ضنكاً ونحشره  يوم القيامة أعمى} طه 124

  KU SIMAHA GUDDOOMIYAHA DALLADDA CULIMADA SOOMAALIYEED 
SH.NUUR BAARUUD GURXAN

Bayaankaan kala xiriir: <dacwah@hotmail.com>

Afeef: Xuquuqda Bayaankaan waxaa leh dalada culimada Soomaaliyeed

Faafin: SomaliTalk.com | July 4, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD