SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dr.Taqi Bashiir
taqibashiir@hotmail.com


Asbaabaha Dhiliya furiinka (Taqi)

 

Asalamu Calaikum

Qaybta: 1aad | 2aad

 

Hordhac-

Qeebta 1aad -

 

 Ugu horeen qoraalkaan wuxuu kusaleesan yahay baaritaan iyo tijaabooyin cad cad aan kusameeyey waxyaalaha dhiliya furiinka, waxaana wareestay dadyow kala duwan oo meelo kaladuwan kukalanool oo iskugu jira dad wax  furay ama lafuray iyo dad xaaslayaal, tijaabada kamo marno dad waayo araga  dhamaantood waa  Somali dalka iyo dibada kala jooga waxaana kaaga cudur daaran inaan magacyadooda kusheegi karin.

 

Guur iyo furiin labaduba waxay kamid yihiin sunada suubanaheena Mohamed (cs)

Ilaah dhibkastoo dhaca xalkiisa ayuu soodejiyey labadii is fahmi weeso in wadada weyn lakala maro ayaa haboon—furiinku waa farxada ibliis waayo maalin ayuu ibliis uyeeray askartiisa wuxuna warsaday waxay maantay sooqabteen siduu midba uwaree sanaayey  uu kulahaa waxba maadan sooqaban ayuu aaqirkii mid yiri waxaan maantay sooqabtay nin iyo naag isqabo ayaan kala furan markaas ayuu jaasadii ugu weyneed uu bixiyo siiyey intii lasabri karo oo shaydaan lagu caasinkaro in lagu caasiyo ayaa wanaagsan.

 

Hadaan ugu horesiiyo dadka dalka gidihiisa kunool oon aqoon badan uleeyahay dabeecadahooda, dhibaatooyinkooda iyo dhaqaalahooda--wuxuu  kabilowdaa furinka habeenka laysku aqal geeyo ninka iyo naagta waayo waxaa jira dabeecad haboowsan oo soojireenaa taasoo ah in haddii uusan ninku kubikro jabin naagta habeenka ugu horeeyo uusan aheen nin ragaa!!  taasoo kuxanbaarta inuu gabadhii daalaneed ee cabsida iyo xishoodka kujirtay wixii maantoodhan dhacaayey uu habeenkii uladul yimaado siduu udhaawici lahaa xibinta ugu mihiimsan jirkeeda halkaas ayey shaki iyo cadawtinimo ku,abuuranto gabdha  waayo farxadii ay kuriyaaqi jirtay mudada dheer ayaa kuburburta habeenkaas- badi dadku waxaa kalunsan asbaahaha loojideeyey todobo galka, oo shaydaan ayaa tusay inay tahay in laysku awood sheegto  7 bari ee nolsoha ugu horeeso- waxaa lahilmaamay inay tahay asbaabaha  todoba galka in laysku tarbiyeeyo wanaag iyo qeer iyo sidii lays kugu dulqaadan lahaa farqiyada yaryar ee kadhici kara. Waxaa kaloo sababa furiinka in markii horeba aysan jirin baahi qoto dheer oo laxiriira guurkooda- macnaa uu kudhisnaa guurkooda shahwaad xaga nafsiga markii baahida shahwada yaraato ayay isku bedeshaa neceeb dhaliya furiin. Qotobka sedexaad waa xilkasnimo iyo aqoon dari laxiriirta ujeeda guurka – sida axadiiska kucad guurku waa suno maahan waajib sida barshada diinta waxaa shardi u,ah guurka awood kakooban xoolo iyo xilkasnimo- midna kuarki meesid guurka somalida 2dan shardi- dhanka xoolaha dumarkeena xoolo lagamo qaato marka loo barbardhigo dalalka Arabta oo badi intii sifudud loola baxsado ayaa lagu mehriyaa wax udhigmo 2-5 dolarka US ama kitaab qur,aan ayaa lagu beer laxoodsadaa iyadoo qiimaha kitaabka loola jeedin balse ujeedadu tahay in kitaabka laheli karo adigoo xoolo kuiibsan, dhanka xilkasnimada  ninka iyo naagta midkoodna umo bisla  macnaha dhabtaa ee  guurka awooday kuxanbaaran malahan  rabitaankooda guur ayaa kabilowday sheeko jaceel oo buug laga aqriyey ama filmada Hindia ee jaceelka beenta kudhisan iwm- markii la,aqalgalo oo waajibka iyo masuuliyada guurka la,arko in laxamili waayo ayaa lays furaa

 

Heblaayo uur ayey leedahay ama ilmo ayey dhashay ama waa lafuray ayaa maqli subxaana laah!! Guurmee qaan gaartay ama la,aroosay intaad furiinkeeda iigu kaadisid? mayee jaale hebel ayaa labaxsaday oo soomasafeestay kadibna dibaduu ku,uureeyey kuna furay  sheekooyinkaas maqalkooda waa kubadan yahay qofkii kunool dalka gudihiisa, nolosha ayey kamid noqotay oo wax laya yaabo maahan—suuratu Nisaa oo in badan xukunka dumarka looga hadlay waxaa ragga lafaray inay gursan karaan 1-2-3-ilaa 4 dumar hal waqti balse waxaa shardi looga dhigay awood xoolo iyo xilkasmino ruxii aan guur awoodin soon sunaa ayaa lafaray -masaafadaan wiil kastoo food dheeraa ufududeesay inuu gabar labaxsado oo siduu doono kayeelaa sidee looga hortagi karaa? Ulamo jeedo in masaafadu ( in gabadhu ruux aan qaraabo la,aheen uwakiilato walaayadeeda )banaaneen oo saruulka (cs) ayaa kuguursaday  Ummu Xabiiba dhulka xabashida waxayna walaayadeeda udhiibatay Qaalid bin sacid  aysan qaraabo aheen---waxaa jirta shaykastoo xaaraamaa haddii baahi ama daruuro loonoqdo inuu xalaalsamo oo baqtigaa kamidaa –silamidaa shayga xalashaa ee banaan waa lamid marka guurka masaafada haduu banaan yahay iyo hadii kaleba dhibka kadhasha waa shay cad marka in intii laga dhoorsan karo laga dhoorsado ayaa ila haboon- maraan tagay goobaha masaafada waxaa indhahayga ku,arkay aqalo loodhisay dadka dooni in lasyku mehriyo – waa shay fiican balse shaygu hadii ganacsi isku bedelo waji kale ayuu yeeshtaa waxaad arki wiilal dhalinyaraa oo cimaamado iyo tusbax sitta oo wax iskumehrin aqoontooda diin iyo habdhaqankooda aqlaaq midna mawanaagsano marka sidee ugu aamini kartaa inuu wax kaaxaaraanaa kuu xalalyeelo ruux aan shubahaadka kadhoorsaneen waa jiraaan dad culimo oo fiican oo wax mehrin kara kuwa aan kahadlaayo waa kuwa mehrada kayeeshay isku guurinta dadka soocararay – dadka qaar waxay kutilmaameen guurka masaafada inuu lamid yahay guurka shiicada ee “muta” lagu magacaabo taasoo ah inaad naagta kula heshiiso inaad maalin, usbuc ama bil aad qabi kadibna aad furi – guurka masaafada aan cidina ogeen kadibna laysku furo waa shay qataraa waayo gabadha aad masafeesatay aysan ugoon waalidkeed sidee u,ogan karaa anigoo isku xaafad, school nahay maxaase iidiidi inaan cilaaqaad guur lasameesto  marwadaas waa waxba, marka guurka kudhisan diinteena waxaa caado u,aheed in gabadha lagu mehrimo masaaji dadkana loosheego si looga fogaado marwadaas –xiliyadii danbe waxaa lasameen jiray dhar gooni ayaa loolabisi jiray si umada looga dhex aqoonsado marka walalhayga muslimka ahoow shaydaan yaana loogargarin waayo shaydaanka ayaa wax qarinta jecel masafana waa in wax laqarshaa !!

 

Xiliydan danbe dalka waxaa kusoo batay dumar  tabliigaa  oo guur doonaa  waxaad arki gabdho yar yar oo qurxoon oo usafri maaso dhan 1800km siday aqal udhistaan waa shay fiican in dumarka oo da,da dhalidooda gaban tahay ay guurasadan basle kuwaan ujeedo guracan ayey wataan oo waxay qiil kadhigteen cagtaada hoosteeda ayaa calaf kujiraa ee waa inaan nin meelkstaa uraadsano –geedkii orod lagu kuro orod ayaa looga soodegaa! xaaladahaan waxay kamid yihiin asbaabta dhaliya furiinka –xiliaydii hore aabayaasheen ama awoowayasheen dhalinyada ahaayeen waxaa caado aheed in gabar loosoogeed fariisto oo ninku balad inuu katago baadiyo uraadsado bilcaan – tanse ceeb maahan oo waa cagsigeeda raga ayaa yar dumarka ayaa badan sida diinta saadaalisay ayaa lajoogaa.

 

June 15 2003

DHISMAHA QOYSKA MUSLIMKA AH.... GUJI

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD