C/RAXMAAN
JAAMAC BARRE
IYO TARTANKA MADAXTI-NIMADA .
Waa
qormadii aan ku qiimeyneynay tartama-yaasha
IDOORO AAN KA DAREE.
HORUDHAC:
C/Raxmaan Jaamac Barre |
Bilo
kahor shirkii Eldoret ayuu C/Raxmaan Jaamac yimid magaalada Nairobi,
maalmo kadib ayaa la’ogaaday in safarkiisu uusan booqasho kaliya
ahayn ee uu yahay safar Siyaasadeed. Wuxuu bilaabay inuu saaxibo
uruursado, dad badanna waa ku soo yaaceen. Talaabadii ugu horeysay
ee uu qaado waxay noqotay inuu lakulmo waxgaradka beeshuu ka dhashay
isagoo u akhriyey khudbad u ekayd muxaadaro kusaabsan taariikhda
Soomaalida. Kadib wuxuu safar ku tagay degmada B/Dheere, taasuu si
buuxda loogu soo dhaweeyey, waxayna u ahayd isku daygii ugu horeeyey
ee uu ku tijaabinayey in dalka Soomaali laga rabo iyo inkale,
waxaana isaga usoo baxday mar hadii B/Dheere laga soo dhaweeyey in
dalka intiisa kalana laga rabo.
MUXUU AHAA:
Wuxuu kamid ahaa raggii iyagoo
dhalinta-yaraa waxbartay, wuxuuna dhigtay iskuuladii ugu aqoonta
sareeyey dalka, da’diisii wuxuu kamid ahaa dadkii aqoonta lahaa ee
farta lagu fiiqayey. Wuxuuna koorsyo aqooneed u aaday dalka
Talyaaniga. Wuxuu muddo ka soo shaqeeyey Wasaaraddii waxbarasha
isaga macalin ka noqday iskuullada qaarkood iyadoo aysan da’diisa
gaarin 20.sano. Iskiis ayuu u muuqday intii uusan walaalkiis dalka
la wareegin, walow uu korintiisa qayb libaax ka soo qaatay walaalkii.
Wuxuu shaqaale ka noqday waaxo
kamid ah Wasaarada Arimaha dibadda, kahor intii uusan inqilaabku
dhicin, jagooyin kala duwan ayuu ka sooqabtay Wasaaradaas. Goortii
uu M/S/Barre dalka sidii xoogga ahayd kula wareegay muddo kadib
wuxuu u dalacay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda, intii ay jirtay
dowladii milatariga wuxuu u dhaxeeyey Wasaaradda Maaliyada iyo tan
Dibadda walow uu tan danbe u badnaa.
SHAKHSIYAD AHAAN:
Dadkii yaqaanay waxay ku sheegeen
inuu yahay nin jilicsan oo hadana isla weyn, ma’ahan aftahan hadal
aqood ah oo wuxuu rabo kaa dharjin kara, waa nin garasho yar,
mararka qaarkoodna aad mood ilma caruur ah. Wuxuu ku fakarayo kuuma
sharxi karo, illeen isaguba mayaqaanee, xaalladda Soomaaliya markuu
ka hadlayo sidii nimaan dalka u dhalan ayuu uga waramayaa. Oday
Soomaaliyeed oo isaga yaqaan ayaa igu yiri, waxaan u malaynayaa
inaan danbigiisaba laqorayn.
Wuxuu ku barbaaray nolol raaxo leh,
oo dhibtu siday u taal mabayaqaan. Waa nin iloowsho badan, in
sheekadiisa un la dhagaystana jecel, intabadanna isagaa is amaana oo
iska sheekeeya. Intuu wasiirka ahaa, wuxuu ku caanbaxay shaqo xumo,
iyo anshax xumo, haseyeeshee siduu halkan u yimid dadka hadda aadka
ugu dhaw dhaw, waxay ii shegeen inuu aad u akhriyo Quraanka Kariimka
ah, cibaadada iyo xiriirka Allana uu ku fiicanyahay.
Raggii ay isku loodka iyo isku
waayaha ahaayeen xiriir sheeko madhexmarto, waayo wuxuu yahay wey
ogyihiin, wuxuu jecelyahay inuu la saaxiibo qof aysan u
dhaafsiisneyn aqoonta uu u leeyahay inuu yahay oo kaliya C/Raxmaan
Jaamac. Waana bakhayl gacan adag, oo waxaa la ogyahay in qoyskii uu
walaalkiis ka geeryooday Madaxweyne M/S/Barre qaarkood ay ku
noolyihiin nolol hoose, isaguna uu haysto hanti farabadan. Waxaase
la sheegaa in danihiisa Siyaadasdee uu si xad dhaaf ah wax ugu
baxsho.
INTUU WASIIRKA ARIMAHA DIBADDA AHAA:
Wakhti baas baa loo magacaabay
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda, waxaa la yiri qoonkii jabaya
taladaa eebahay ka lunshaa. Waxaa isku soo aaday Soomaaliya oo ku
jirta dagaalkii 77. iyo C/Raxmaan oo ay talo meel daran ka timid u
magacawday Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda. Labadaas balo ayaa
halmar Soomaali kuwada dhacday, waxaa faallo qurxan ka bixiyey isku
soo beegista labadan shil, Qoraha Buugga ( Dhacdooyinka Madaganyaasha) Mudane “Cabdi Xasan Jimcaale” wuxuuna yiri { Haddii
laqiimeeyo dagaal-kaas iyo weeeraradaas, waxaa la oran karaa,
Soomaaliya waa ay ku guuleysatay dhanka farsamada, aqoonta dagaalka
ee weerar qaadista, iyo difaaca wajigiisa hore. Waxayse inkaari kaga
dhacday oo dhaawac aan laga soo kabsan karin kasoo gaaray dhanka
Diblomaasiyada, taasoo uu sabab u ahaa, Wasiirkii Wasaaradda Arimaha
Dibadda C/Raxmaan Jaamac Barre, oo asagu mudaba ahaa nin kasoo
shaqeeyey dhanka Diblomaasiyadda, haseyeeshee kuliitay qaabka
gorgortanka Diblomaasiyadda, laxiriirka, iyo ka qancinta dowlada
kale mowqifka dowladiisa, iyo asagoo ku liitay luuqadaha qalaad,
marka laga reebo luqadda Talyaaniga, wuxuu ahaa shakhsi had iyo jeer
ka carooda shirarka marka ay foodda isdaraan.}
Waxaa taas marag fur u ah,
xafladdii ugu horeysay ee ay dowladda Itoobiya ku aqoonsanaysay
mucaaradkii dowladdii M/S/Barre, ayaa waxaa ka soo qayb-galay
Wasiirkii Arimaha Dibadda ee Dowladda Itoobiya, goortii ay
khudbadihii rasmiga ahaa dhamaadeen, ayuu Wasiirkii si gooni ah miis
ugula qadeeyey 3.kamid ah xubnihii mucaaradka ahaa, wuxuuna ku yiri.
Soomaaliya waxay si weyn nooga adkaatay dhankii milatariga, waxayna
na horkeentay awood iyo aqoon aan u bareeri weynay, waxaa taas garab
socotay culays dhanka Siyaasadda ah oo ay nagaga adkaan rabtay,
anagoo banaan cidla ah nala soo dhigi rabay ayuu ilaahay gargaar
degdeg ah noo keenay, waana arin aan mahadeeda ilaahay siineyno,
taasoo ah in dowladdii Soomaaliya ay Wasiirkeedii Dibadda
umagacawday C/Raxmaan Jaamac Barre, oo ah nin dhinac walba kaga
liitay xiriirka arimaha dibadda. Tusaalahaani waa mid kamid ah
dhancoodiyka lama ilaawaanka ah ee laga xusuusto Musharaxa aan
maanta u taagan in dalka oo dhan loo dhiibo. Wuxuu caan ku ahaa
marka uu ka qaybgalo shirarka caalamiga ah ee Wasiiradda Arimaha
Dibadda inuu khudbad ka akhriyo goobta shirka kadibna isaga soo tago,
wuxuuna u dhaqmi jiray sidii wasiir ka socda dalalka khaliijka ama
dowladaha horumaray qabweynidii haysay awgeed.
ILA QOSOL SIYAASADEED:
Uma aan qaadan dhab markii iigu
horeysay ee la ii sheegay in C/Raxmaan ay ku soo dhacday inuu isu
sharaxo tartanka jagada madax-tinimda Soomaaliya, ee cayaar iyo
kaftan baan mooday, maxaa yeelay, wax fog ayey igu ahayd in maanta
uu C/Raxmaan damacaas yeesho, anoo isleh tolow C/Raxmaan isma
uuyaqaan miyaa? Haddeyse dhacday inuu is ilaaway, malla-waayey cid
xusuusisa dadka ninkuu ka’ahaa? Sikastaba haku dhacdee akhritow
maanta waa dhab ay mudan tahay inaad iga rumaysato in C/Raxmaan uu
kamid yahay Musharaxiinta jagada Madaxweyne. Waa muwaadin
Soomaaliyeed oo xaq u leh inuu iska dhaho wixii ku soo dhaca,
waxaase layaab iyo lama ilaawaanna ah, ninkii shalay wixii la’ogaa
dhigay inuu noqdo isla isagii kan hadana wax raba. Xildhibaan kamid
ah Barlamaankan ayaan ku iri C/Raxmaan miyaad dooraneysaan? Wuxuu
igu yiri: oo haddii isaga la dooranayo maxay dowladii u burburtay.
Xasan Xaaji Maxamuud oo ah qoraa
Soomaaliyeed ayaa sida uu ku sheegay horudhaca buug uu ka qoray
Soomaaliya, wuxuu yiri, in muddo ah ayaan is weydiin jiray dal dhan
iyo umad dhan maxay ku dhacday iney dowlad la’aan noqdaan? Anoo taas
cid iga qanciso la’, ayaan waxaan bartay buu yiri ilaa 28.qof oo
kamid ah raggii ka soo shaqeeyey dowladdii M/S/Barre, barashadaydii
raggaas wixii kadanbeeyey ilaa iyo hadda, waxaan isweydiiyaa buu
yiir, dalkan ay kuwan hormuudka u ahaayeen maxay ku dhacday inuu
wakhtigan soo gaaro? Muxuu goor hore u burburi waayey? Maxay ku
dhisneyd dowladda ay raggan hogaanka u hayeen? Waa su’aalo larabo in
laga qanciyo Xasan Xaaji iyo ragga badan oo fikradaas laqaba. Sow
ila qosol Siyaasadeed ma’ahan in ninkii loo haystay inuu dalka siduu
hadda u yaal ka dhigay, hadana inuu yiraahdo anaa maali jiray.
LAXWALIBA SHILINKEY ISDHIGTAA LAGU
QALAA:
Umaddi iyadaa horumar isgaarsiisa
ama meel daran iska tuurta. Soomaalidu haddey 14.sano kahor iska
riday dowladii uu hormuuka ka’ahaa C/Raxmaan Jaamac iyo raggii
lamidka ahaa, misana ay ilaa iyo hadda isbadal keeni waayeen, sow
gar ma’ahan in kii shalay la eryey uu is dhaho war malaha Soomaali
wax adiga ku dhaamaba waa la’dahayee bal u gargaar, ugu yaraan
armaad ku celisaan siday ahaayeen waagii kuugu danbaysay, adiguna
aad wali sidaadii tahay, iyadoo ayba kuu dheertahay duqniimo. Wuxuu
is dhihi karaa wax xun, wax la’aan ayey dhaantaa, kaba soo qaad
adigu inaad nin xun ahayd hadde Soomaali sidaad ku ogayd ka sii
xumaatay, allaylahay yaa maali jiray ayey maraysaa ee tabtaan uga
tagtay Soomaali ku soo celi.
DALXIIS SIYAASADEED:
C/Raxmaan Jaamac Barre wuxuu kamid
ahaa raggii hantida badan ka tabcay intii uu xilka hayey, waxaana la
sheegaa in dhaqaale xoogan ay u yaalaan dibadaha, 14.Sano ayaa u
dhamaatay intii uu shaqo la’aanta Siyaasadeed noqday, dadka qaarkiis
waxay qabaan in odayga musharaxnimda uu ku dhawaaqay ay tahay un
dalxiis Siyaasadeed oo uu rabo bal inuu waayo waayo soo xusuusto.
Waxaa la leeyahay waa ogyahay inuusan halkan Madaxweyne ka noqoneyn
ee wuxuu ka rabaa oo kaliya inuu ka dhigto dhaqdhaqaaq Siyaasadeed
oo uu nafta ku maaweelinayo.
KADARE HANAGU DOORAN:
Haddii la uruuriyo ceebihii M/S/Barre
iyo khaladaadkii ay dowladiisii gashay, waxaa qayb libaax ka
qaadanaya C/Raxmaan jaamac. M/S/Barre dhaawacii ugu weynaa ee ku
dhacay wuxuu ahaa inuu qoyskii R/Barre midkan kala soo dhexbaxay,
wuxuu ahaa ninkii inta badan haadanta ka tuuri jiray. Xilli dalkii
uu dhaqaale-xumo iyo sicir barar ka dhacay ayuu Madaxweynihii u
magacaabay C/Raxmaan Wasiirkii Maaliyadda, waatii qisadii lama
ilaawaanka noqotay uu ku kacay, bulshadii Soomaaliyeedna meel kasta
oo ay joogtayba halmar ku wada dhawaaqday KANI WAABA KADARE. Waxaa
yaab leh meeshii uu soo qabtaba dharbaaxo weyn ayaa umadda
Soomaaliyeed kaga soo dhacda. Xildhibaanka Soomaaliyeed ayey u
taalaa inuu maanta ku fakaro codkaaga sii, ninkii goortii Arimaha
Dibadda loo dhiibay sidii la ogaa falay dagaalkii 77. iyo ninkii
markii loo dhiibay Wasaaradda Maaliyadda ay Soomaalidu u bixisay
KADARE. Hadaba bal aan sugno waxay Mudanayaa-sheenna sameeyaan 10.ka
bisha 10.naad ee sanadkan.
MAXAAN WAX UGA QORAY:
Akhyaar badan oo saaxiibaday ah
ayaa igula taliyey kadib markaan u sheegay inaan ninkan wax ka
qorayo, inaan iska daayo qoraalkaas, iyagoo I leh ma istaahilaa
inaad wakhtigaaga intaas le’eg siiso wax ka qorista C/Raxmaan Jaamac?
Waxaan ugu jawaabay. Ugu yaraan, bal anna dalxiis qoraal ha ii
ahaado. Waxaase jira sabab igu kaliftay inaan wax ka qoro, taasoo
ah. Waxaa la yiri: Nin waalan ayaa aabihii oo dhintay ka dhaxlay
lacag farabadan, markaasuu lacagtii isaga cayaaray, ehelkiisii ayaa
ku yiri, war maxaad lacagta ugu dheeleysaa? Wuxuu ugu jawaabay.
Hadde sideen yeelaa hadaan waalanahay, lacagtana aan anigu leeyahay?
Hadaba xaalkeygu wuxuu yahay, hadde sideen yeelaa anna, hadaan rabo
inaan dadkayga wax uqoro, C/Raxmaan Jaamac Barrana uu nasiib darro
kamid noqday Musharaxiinta lahadal hayo.
FILASHO:
Uma’aan qorin qoraalkan sidii nin
malaynaya iney Soomaali doorato C/Raxmaan jaamac oo waan ogahay
inuusan guuleysaneyn, waxaanse guul weyn u qirayaa haddii uu codod
la sheego ka dhexhelo xubnaha Barlamaanka, taasoo iisi cadayn doonta
in qaar Soomaalida kamid ah aysan wali gaarin hammi dowladeed.
Haddiise ay noqoto sidaan rabo, oo ah inuu hal codna heli waayo,
waxaan ku qaboobayaa in Soomaali ay hadda diyaar u tahay iney
isweydiiso yaa dalka dan u ah? Iyo dowladnimo hadeer marabnaa?