Reer binu israa’il waxa hogaaminahay Nabi muuse (CS)
iyo walaalkii haaruun, laakiin maxay ku sameeyeen Nabi muuse?
Markii la halaagay fircoon iyo qoomkiisi iyagoo
arkaya isla markaa waxa saamayn ku yeelatay sannadihii faraha badnaa
ee cadaadiska iyo gumaysiga uu ku hayay, waxay noqdeen dad liita oo
dulaysan, fircoon waxa uu ku sameeyay reer binu israa’il waxyaabo
faro badan oo quraan ku inooga waramay, isla markaana waxa ducfi
weyni ku dhacay ruuxdooda waxana la yaabeen awoodan intan leeg ee
jabisay fircoon, fircoonkii fasahaadiyay toosnaantoodi.
Hadana jaahilnimo iyo dhago adeeg ayay kala hor
yimaadeen Nabi muuse (CS) iyagoo dagahooga ay ka sii guuxaysto
mucjisadii bada lagu jeexay ayay soo mareen qolo sanam caabudaya
wayna dareensanayee in ay kuwaas liitan, waxayna hayd in ay illaahay
ku mahadiyaan laakiin waxay muuse ka delbadeen in uu u sameeyo
illaah ay caabudaan sida qoladan oo kale, markaa waxba isma dhaaman
kuwaa sanamka caabudaya iyo iyagu markaas oo u muuqaday in ay u
doonayeen in ay ku noqdaan gaalnimadii ay ayaamihii fircoon ay ku
sugnayeen.
Way dhamaatay marxaladii kowaad ee mihiimada Nabi
muuse (CS) taas oo ahayd in uu meesha uu ka saaro noloshan-dulaysan
iyo dhibaatada reer binu israa’il ay ku hayeen fircoon iyo
ciidankiisi si ay ugu sugnaadan guryo sharaf leh, laakiin qoomkani
diyaar umay ahayn mihiimada weyn ee ah in ay dulka ku qabsadan
diinta illaahay waayo ka hore ee ay doorteen ayaaba ah arintan
markhatideeda, waxanu soo sheegnay in ay arkeen qoom sanam caabudaya
ka dibna ay gilgilantay tawxiidkoogi oo muuse ay ka delbadeen illaah
ay caabudaan, waxa lagama maarmaan noqotay in la helo risaalad kala
saarta tarbiyada umadan iyo diyaar gareenta sida ay u qaabili
lahaayeen, risaaladan darteed waxa uu illaahay (SW) Nabi muuse u
balan qaaday in uu la kulmi doono balan qaadkanina waxa uu ahaa in
muuse loo diyaargareeyo sidii uu u qaadi lahaa risaalada mudada
muuse uu diyaar garoobayay waxay ahayd Sodon habeen, Toban iyo
afartanba waa lagu sheegay, muuse waxa uu soomay Afartan
cisho si uu in badan illaahay ugu dhowaado, muuse la hadalka
illaahay waxa uu u siyaadin jiray kalgacal faro badan inaguna ma
qiyaasi karno dareenka muuse sida uu ahaa marka uu illaahay
waydiisto in uu arko, inta badan jacaylka dadku waxa uu diida ama uu
ka hor-joogsadaa araga indha ay jecel yihiin, Maxaad u malayn
Jacaylka Illaahay (SW)?
Markii uu dareenkii muuse uu ka buuxsamay jacalkii
illaahay iyo la kulankiisa wuu kari wayay in uu barbar dhig ku
sameeyo shaqsiyadiisa naftiisana uu ka horjoogsado in uu illaahay
waydiisto aragiisa.
“Markii uu muuse uu yimi goomtii balanta ayuu la
hadlay rabigii waxa uu yidhi rabiyow iskaytus” muuse waxa soo
gaadhay raxmada illaahay waxana uu gartay in aanu rabigii arkayn
waayo mid ka mid ah abuurkiisa ma qaadi karo nuurka illaahay waxana
la amray in uu eego buurta hadii ay ku sugnaato halkeeda in uu heli
doono wixii uu illaahay waydiistay, illaahay waxa uu ku yidhi muuse
“Laakiin eeg buurta hadii ay ku sugnaato halkeeda waad I arkaysaa
ka dibna buurtii way burburtay muusena illaahay ayuu u sujuuday
iskagoo argagaxsan” qofna ma qaadi karo nuurka illaahay
buurtiina way burburtay waxana la simantay dhulka muusena wuu dhacay
isagoo is kala garanayn “Markii uu soo kacay waxa uu yidhi adaa
xumaan ka nasahan waana tooban keenay aniguna waxa aan noqonayaa ka
kugu hor rumeeya” mar labaad muuse waxa uu la kulmay raxmadii
illaahay waxana loogu bishaareyay in uu ka mid yahay kuwa illaahay
ka doortay adoomadiisa illaahay (SW) waxa uu ku yidhi “ Waxa uu
ku yidhi muusow anigu waxa aan kaa doortay dadka risaaladaydi iyo
hadalkaygina qaado wixii aan ku siiyay kana mid noqo kuwa igu
mahadiya”
Doorashadani maaha mid uu kaga fadli badan yahay
nabiyada kuwii ka horeyay iyo kuwii ka denbeeyay toona laakiin waxan
jacalahay in aanu iska dhaafno dooda waayo waxa aanu rumaysan nahay
in ay nabiyada oo dhami isku mid yihiin illaahaybaana inooga waramay
in ay kala fadli badan yihiin darajadooduna ay kala sarayso si ayna
anagu u kala saari Karin ka hadal keeduna waa inaga xaaran, waxana
aynu ka taaganahay heerka iimaanka ee ah in aynu rumayno dhamaatood
oo aynu gudano ixtiraamkooda inalama gudboona inaynu dhex gelin
derajada macsuuminta illaahay doortay waana in aynu rumayno
nabiyadii oo dhan.
Illaahay (SW) waxa uu u cadeeyay Nabi muuse (CS)
damanada risaaladiisa “Waxanu ku qornay alwaaxdan shay kasta
wacdi iyo kala saarid shaykasta ku qaado kuwad qoomkaagana amar in
ay qaatan wanaageeda waana ku tusi daarta kuwa faasihiinta” waxa
ku sugnaa shaykasta mawduuc khaas ah oo ka waramaya, u jeedaduna
waxay ahayd in uu illaahay u cadeeyo qawaamiintiisa iyo tawjihiidka
la doonayo in umada xaalkeeda lagu wanaajiyo lana toosiyo
dabeecadeeda horena waanagii u soo aragnay in ay ahaayeen umada
fasahaaday oo dulaysantay, wuu dhamaaday balankii uu muuse la galay
rabigii, wuu noqday isagoo cadhaysan kana cadhaysan qoomkiisi
koomkaana manuu jirin cid raali gelin karta Nabi muuse (CS) laakiin
wuu garanayay in uu rabigii og yahay in uu ku noqonayo qoomkiisa
isagoo cadhaysan.
Nabi muuse (CS) waxa uu u dhaqaaqay dhinaca buurta
isagoo sita alwaaxdii Tawraad ku qornayd, qalbigiisana waxa ku
jirtay cadho laakiin ma garan karno heerka ay taagnayd caadifadiisu
iyo dareenkiisa, muuse umuu iman qoomkiisi ilaa ay dhacdo fidnadii
Samiri faahfaahinta fidnadanidaa, markii ay reer binu
israa’il ay ka soo baxeen masar waxay soo qaateen dahab iyo alaab
badan oo ay lahaayeen reer masar waxana la sheegay dumarka reer binu
israa’il in ay dahabka ka soo qaadan jireen si ay iskugu qurxiyaan,
markii la amray in ay baxaan ayay soo qaateen hadana waxay is
yidhaadeen waa xaaran oo way daadiyeen waxa soo aruuriyay Samiri
wuuna isku dhalaaliyay waxana uu ka sameeyay wax dibi u eeg,
Samiri waxa uu ahaa farsamo yaqaan tumaal ah dibigaa uu samayayna
gudihiisu wuu madhnaa waxana uu ku jeediyay dabeesha dhinaca hawadu
ka soo dhacayso, hawo ayaana dhinaca denbe ka soo galaysay afkana ka
soo baxaysay waxana uu samaynayay cod aad moodo codka dibiyada oo
kale.
Waxay yidhaahdeen sirtani waa mid aan hore loo arag,
Samiri waxa uu ka soo qaatay xantoobo ciid ah halkii uu maray
malaku jibriil markii uu u soo daadayay mucjisadii bada kala
jeexideeda, Samiri waxa uu arkay waxana hore uu u arag xantoobadii
ciida ahayna waxa uu ku daray dahabkii uu ka samaynayay dibiga,
Malaku Jibriilna meel kasta oo uu istaago naf ayaa gasha wayna
dhac-dhaqaaqdaa, Samiri markii uu isku daray dahabkii iyo ciidi ka
dibna uu ka sameyay dibi uu u ciyay sidii kuwii caadiga ahaa ayuu
soo bandhigay. waxa uu u soon bandhigay reer binu israa’il wixii uu
sameeyay.
Waxay weydiyeen:- kani waa maxay samiriyow? Waxa uu
yidhi kani waa illaahini waana illaahi muuse waxayna yidhaadeen
laakiin muuse wuu tagay oo illaahay ayuu la balansanaa waxa uu yidhi
Samiri muuse wuu ilowoobayee halkan ayay ahayd in ay ku kulmaan,
waxana soo dhacday dabeel dibigii ayay dabada ay ka gashay afkiisana
way ka soo baxday ka dibna wuu ciyay reer binu israa’ilna dibiga
ayay caabudeen, qisadan fidnadan waxa laga yaaba in uu la yaabo
qofka akhriya liidashada qoomkan darajadooda laakiin waxa is weydiin
leh sida ay marka ay mucjisada arkeen aanay wax ugu qaadan ee
sanamada ay u raadsadeen, waxana layaabkan kaa biinaysa marka aad
eegto qoomka laftooda in ay dibiga caabudi jireen oo lagu
tarbiyadeeyay masar, maalmahaa masar waxa lagu caabudi jiray sanamyo
waxana ay weynayn jireen dibi la yidhaa Abays waana lagu soo
tarbiyadeeyay duli sidaas ayayna naftoodu isku badashay oo mucjiso
kasta oo soo marta waxba ugu qaadan wayeen iska daa wax qof
sameeyayee waxa ay wax ku qaadan waayeen hadalkii illaahay (SW),
mucjisada la taaban karana sida ay ugu qanci waayeen ayay hadalkii
runta ahaana waxba ugu tari wayay sidaas ayayna ku halaabeen waxana
gudaha u galeen caabudida sanamyada waxay ahaayeen dad aan diin
lahayn sidii kuwii xukumi jiray masar taas ayaana sabab u ahayd in
ay dibi caabudan.
Haaruun way ku adkaatay in ay maalin reer binu
israa’il ay caabudi doonaan dibi in yar oo ka mid ihi dhinaca ayay
uga joogsadeen oo waxay noqdeen muuminiin laakiin intii badnayn way
galobeen, haaruun waxa uu is dhex-taagay qoomkiisi waxana uu ku
lahaa isagoo waaninaya waad ku fidnowdeen samiri ayaana idinku
mashquuliyay jahligiini ee dibigani maaha rabigiini iyo rabigii
muuse toona, way diideen kuwii dibiga caabudayay waanadii haarun wuu
ku soo noqday isagoo wacdinaya waxa uu xasuusinayay mucjisooyinkii
illaahay iyo sida uu illaahay u soo badbadiyay iyo sidii uu u
illaalinayay waxaas oo hadal ah dagaha ayay ka furaysteen wana
yaresteen waxana ay dooneenba in ay dilaan isagoo diidan in mowducan
laga hadlo ilaa inta uu muuse soo noqonayo, waana iska cadeed in uu
haarun ahaa nin ka dabacsan muuse laakiin qoomka dabacsanaantii
haarun waxba umay tarin, haaruuna waa uu ka baqay in uu quwad
isticmalo uu sanamka jabiyo waxana uu ka baqay in qoomki iska hor
yimaado fidnana ay ka dhacdo arintana dib ayuu u dhiga ilaa inta uu
muuse imanayo, waana uu garnayay muuse in uu yahay qof quwad badan
oo fidnada xalin kara iyadoo aan dhiig daadan.
Dadku waxay bilaabeen in ay ka dul ciyaaraan dibigii
waxana ku soo baxay nabi muuse (CS) markii uu maqlay buux iyo
sawaxankii isla markii uu goobtii muuse soo gaadhay waxay joojiyeen
ciyaartii waana ay aamuseen, muuse isagoo kor u dhowaaqaya ayuu ku
yidhi dabaday wax xun ayaad samayseen hadana muuse waxa uu u
dhaqaaqay dhinicii haaruun, muuse waxa uu tuuray dhulka ku tuuray
looxaantii towraad uu gacanta ku hayay, Muuse waxa uu aad uga
cadhoodhay wixii ay sameeyeen waxana uu qabtay madaxii haaruun
labadiisi gacmood ayuu midna timaha ku qabtay mina gadhka, muuse
waxa uu waydiyay haaruun in uu caasiyay amarkiisi sida uu uga
aamusay fidnadan sidii uu sisii dhex joogay dadka waxan aadka u
foosha xun sameeyay waxana uu ku canaantay sida uu uga aamusay
haaruun, haaruun inta uu xooga ka aamusay cadhadii muuse ayuu la
hadlay muuse isagoo rajaynaya in uu siidayo gadhka iyo madaxa kuna
halqabsanaya sida ay isku hooyo kaliya uga soo jeedan xusayana in ay
hooyo wada dhashay aabohoona aan soo hadal qaadin halkaana waxa
inooga muuqata in labada hooyo wada dhashaa ay cidkasta iskaga dhow
yihiin dhinaca wada tashiga.
Waxa uu yidhi:- Haaruun “Kay hooyaday dhashayow
isii daa gadhka iyo madaxa” haaruun waxa uu fahansiyay in aanu
arinku ahayn caasinimo xagiisa ka timid raalina aanu ka ahayn waxan
ay la yimaadeen waxana uu u sheegay in uu ka baqay hadii uu ficil la
yimaado in ay dadka ka tagaan ama ay dilaan, waxana uu waydiyay
muuse sidee ayaana ula joogayn waaba aad igaga tagtee oo masuul
ayaan ka sii ahaayee waxana uu u sheegay hadii uu wax talaabo uu
qaadi lahaa in uu ka baqay in dagaal ka dhaqo maasha ka bacdina aad
tidhaahdo maxaad aniga ii sugi wayday, haaruun waxa uu fahmay
walaalkiisi muuse in ay tahay in si dabacsan dadka ula hadlo.
Muuse waxa uu gartay in uu ku gafay haaruun
cadhadiisuna ay ahayd mid uu xaqa ku difaacayo waxana uu gartay in
talaabadan haaruun uu qaaday ay ahayd mid wakhtigaa ku wanaagsanayd,
waxana uu siidayay gadhki iyo madaxii uu hayay Muuse naftiisi iyo
walaalkiiba illaahay ayuu denbi dhaaf u waydiyay waxana uu u soo
jeestay dhinacii qoomkiisa isagoo adeegsanaya erayo kulkulul oo
cadho ka muuqato.
“Goomkaygiyow miyaanu illaahay idin balanqaadin
balan ma waxa idinku dheeraday balantii mise waxa aad doonteen in ay
idinku dhacdo cadho illaahay oo dib aad uga dhacdaan balanka”
muuse waxa uu ka hadlay xumaanta ay sameeyeen waxana uu mar labaad
yidhi isagoo aad u cadhaysan “Kuwii dibiga samaytay waxa ku dhici
doonta cadho xaga rabi iyo dulinimo aduunyo iyo aakhiriba sidaas
ayaana ku abaal marinaa kuwa been abuurayaasha ah” buuraha ayaa
isku gudbiyay sawaxankii iyo dhawaaqii muuse cadho daraadeed uu kor
u hadlayay ilaa inta ay dhamaantoo qoomkii ay madaxa hoos u
fooririnayeen wana ay garteen khaladkoogi iyo been abuurkii ay
sameeyeen waxana cadaaday in waxan muuse uu wadaa xaq yahay,
maqnaasha muuse ka maqnaana maaha muu ahayn mid kalifayay in dibi la
sii caabudo, goomka muuse waxa uu illaahay (SW) balan kula qalay
hadii ay isaga (Illaahay) u hogaansanaaday arlada la dhaxalsiin
doono.
Hadana muuse waxa uu u soo jeestay Samiri,
samiri oo ahaa ninkii dibiga ay caabudeen sameyay, muuse waxa uu la
hadlay samiri waxana uu ku yidhi arinkaagu muxuu yahay isagoo
doonaya in uu ogaado waxa ku kalifay arintan saamiri waxa uu ku
jawaabay waxa aan arkay wax aan weligayba arag, waxa aan arkay ayuu
yidhi Malaku Jibriil oo fuushan faras meel kasta oo farasku
qoobka uu saarona ciida taala ay samaynaysay dhaqdhaqaaq raadkii
jibriil waxana ka soo qaatay xantoobo ciid ah waxana ku daray
dahabkii aan dibiga ka sameeyay nafteyda ayaana ii qurxisay in aad
waxan sameeyo, muuse arintii waxba muu sii baadhbaadhin ee waxa uu
ku qaaday xukunkii xaqa ahaa, mihimna may ahayn in uu samiri arkay
Malaku Jibriil, ciida uu ka soo qaatay iyo dibigan uu samayay waa
denbi uu galay samiri laakiin mihiimadu waxay tahay denbigan uu
galay iyo fidnadan uu galayay qoomkii nabi muuse ee dhaqankoogi hore
uu ahaa in ay sanamo caabudaan, muuse waxa uu ku xukumay in aanu
qoomka muuse wax xidhiidh ah la yeelan oo kaligii uu noolado.
Waxana aynu rumaysanahay arinkaasi in uu ka khatarsan
yahay in badan aragtida deg dega ah saamiri waxa uu fidnayay reer
binu israa’il waxana uu ku soo aruuriyay dibiga dushiisa maadama uu
dadkaa meel uu iskugu keenay xumaan xukunkiisuna waxa uu noqday in
umada laga fogeeyo, Miyuu bukooday samiri? Oo dadku waxay kaga
yaaceen xanuunkan ku dhacay in kastoo la garanayn ninki samiri
halkuu ku denbeyay iyo dhimashadiisi hadana intii uu noola ee uuna
dhiman waxa uu ku jiray nolol adag oo uu ku ciqaabay nabi muuse oo
dilku ka sahlan yahay, samiri waxa uu noola isagoo nool oo dulaysan
cidina u soo dhowaan taasi waa ciqaabtii aduunyada, mar labaad
maalinta qiyaamaha ciqaab kale ayaa sugaysa oo xaqa illaahay ah,
Muuse waxa uu ka soo noqday saamiri dibigii uu samayayna waxa uu ku
dhex tuuray dab iyagoo eegaya.
Muuse waxa uu u soo jeestay qoomkiisi imikana waxa uu
xukumayaa intii dibiga caabuday waxana uu fahansiyay in ay nafahoogi
dulmiyeen waxana dhan loo saaray intii dibiga caabuday waxana u
banana tooban toobadaas oo ah in kuwii aan dibiga caabudin ay dilaan
kuwii dibiga caabuday, xukunkan nabi muuse gaadhay waxay ahayd mid
ku haboon kuwan dibiga caabuday waayo dadka sanamyada soo caabudaa
waxay saamayn ku yeelataaa noloshooda iyo caqligooga waayo garashada
dadku waa ka uu kaga duwan yahay xawayaanka, dadkuna hadii ayna
caqli lahayn noloshoodu macno ma samayso.
Muuse waa uu soo noqday waxana uu u akhriyay
qoomkiisi alwaaxdii tawraad amarkeedina waxa uu ka bilaabmayay in ay
ku qaatan xukumadeeda quwad iyo go’aan waxana la yaab noqotay in
qoomkiisu xaqa ay ka warwareegeen waxana ay ku yidhaadeen na tus
alwaada waxa nala amrayo iyo wax naga reebayo hadii ay sahlan yihiin
waanu qaadanaynaa, muuse waxa uu ku yidhi dhamaantood wada qaata
marar badan ayay soo cel celiyeen hadal, marka ay halkaa ay marayso
ayuu illaahay (SW) amar ku siiyay Malaa’igta in ay buur soo qaadan
soona dul dhigaan sida daruuraha oo kale waxana lagu yidhi hadii aad
aqbali waydaan xaqa buurta ayaa dusha idinka soo dhici doonta waana
ay aqbaleen waxana la amray in ay sujuudan waana ay sujuudeen,
waxana ay saareen gacmaha dhulkii wana ay socdeen iyagoo dhana ka
eegaya buurta cabsi iyo argagax qaba halkaana waxa ka muuqata in
ayna wajigooda illaahay si toos ah iskugu dhiibin ilaa ay qasab ay
ku noqotay in ay sujuudan taasina waa garashada daciifka ah marka uu
maqan yahay caqliga toosan ee garashadu gancinayso waa laga yaba in
qoomka muuse qisadan oo kale soo marto.
Markii ugu horeysay waxa lagu ganciyay quwad xaga
garashada ah iyo mucjisooyin cadcad waayo waxay ku soo noolayeen
kuna soo berbaareen gumaysi iyo dulinimo waxana diciiftay dad-nimadoodi
manay noqon kuwa sugnaada markay duligii ka baxeen waxana qasab
noqotay in quwad lagu meel mariyo sidii kuwii hore ee maamuli jiray,
hogaanka cusub ee imika hoos yimaadana uu yahay iimanka waxana ay
noqotay si looga badbaadiyo halaag iyo quwad lagu hanuuniyo denbigii
ay geleen ee dibi caabusta ahaana waxa uu kaga tagay raad, muuse
waxa uu ku amray reer binu israa’il in ay illaahay denbi dhaaf
waydiistaan, muuse waxa uu doortay totobaatan (70) nin waxana uu
yidhi u kaca xaga illaahay oo ka tooban keena wixii aad samayseen
idinka iyo kuwii aad ka tagteen ee qoomkiini ahaaba waxana lagu
amray in ay sooman mar yahoogana daahiriyan iyaguna is daahiriyaan,
muuse iyo totobaantankii (70) doortayba way isasoo raaceen waxayna
yimaadeen wakhtigii illaahay u xadiday.
Muuse waxa uu ku dhowaaday buurtii waxana la hadlay
illaahay (SW) totobaatankii (70) markii ay maqleen muuse oo la
hadlaya rabigii waxa laga yaaba in ay tani noqotay mucjiso kale oo
ku filan qaadashada iimaanka ay quluubtoodana ku sidanayan ilaa inta
ay nool yihiin, totobaatankii kumay joogsanin maqalkii hadalkii
illaahay oo kaliya ee hadana waxay ka dalbadeen in ay illaahay (SW)
arkaan waxana ay muuse si cadaan ah ugu yidhaadeen “Muusow ku
rumaysan mayno ilaa aan illaahay si cadaan ah u aragno” tani
waa mashaqo aad u la yaab leh oo qalbigana saamayn weyn ku
yeelaynaysa, marka kuwa foyow ay dalbadana ciqaabta ah argagax ee ay
ku dhacdo gariir iyo dumid alwaaxdooda iyo jidkoogu ay argaxaan isla
markiiba, muuse waxa uu gartay waxan ku dhacay totobaantankii (70)
uu soo doortay waana uu ka muragooday waxana uu illaahay u beryay in
uu u denbi dhaafo una naxariisto oo aanu ku qaadin denbiga ay
sameeyan kuwa liita manay doonayn in ay arkaan rabigood iyagoo ku
sugan sida dadku yahay ee naaqusnimo iyo qalbi engaga ah maan
gaabnimadana wax aan dhimasho ahayn ma ganciso.
Hadaba aanu eegno xidhiidhka ka dhexeeya wakhtigan
xaadirka ah iyo wakhtigaa hore illaahay (SW) waxa uu is barbar
dhigay isagoo la hadlaya Nabigeen Maxamed (N.N.K.H) labadii wakhti
ee ka horeyay oo ah wakhtigii ay soo degtay Towraad iyo
wakhtigii ay soo degtay Injiil labadaaba waxa loogu
bishareyay in uu soo bixi doono Nabi maxamed (CSW), waxaynu
rumaysanahay arinta lala doonayay dadkan maalintii nebi muuse (CS)
uu soo kaxaystay totobatanka (70) nin in ay ahaayeen kuwii ugu
fadliga badnaa maalintan uu la balamayna ay ahayd maalin khatar ah
oo mucjiso wayn, waxana lala doonay dadka Nabigii ugu denbeeyay
anbiyada illaahay.
Ibnu Khasiir waxa uu yidhi Kitaabka Qisas Al
Anbiyaa qoom uu ka soo qaatay Qataada, Muuse ayaa ku
yidhi rabigii rabiyow waxa aan ku arkay alwaaxda umad, umadaas oo ah
umada dadka ugu khayrka badan wanaagana is faraya xumaantana iska
nahinaya rabiyow umadaa ka dhig umadayda, Illaahay (SW) waxa uu ugu
jawaabay umadaasi in ay tahay Umada Nabi Maxamed (CSW) waxa uu yidhi
hadana muuse rabiyow waxa aan ku arkay alwaaxda umada kutubtoodu ugu
qorantahay laabta oo halkaa ka akhrisanaya kuwii ka horeyayna waxay
ka akhrisanayeen kutubtooda waxana laga qaadayay iyagoo waxba aan ka
xafidsanay waxbana aan ka garanayn illaahay waxa uu siiyay xiftiga
shay aan la siin qof ka mid ah umadaha rabiyow ka dhig umadayda,
waxa illaahay (SW) ku yidhi waa umada Nabi Maxamed (CSW), waxa uu
hadana muuse yidhi waxa aan alwaada ku arkay umad rumaynaysa
kitaabkii hore iyo kii ugu denbeyay lana dagaalamaya xumaanta
illaahayow ka dhig umadayda, waxa lagu yidhi waa umada Nabi maxamed
(CSW) muuse waxa uu hadana yidhi waxa aan rabiyow ku arkay alwaaxda
umad sanaqada ay cunaan ajar looga qorayo umadihii horena marka ay
qof sadaqad bixinayo illaahay waxa uu u soo diri jiray naar cunta
hadii ay naartaasi ka tagtana ay cunayaan xawayaanku umadaas oo
kooga qaniga ah sadaqada looga qaadayo lana siinayo ka fiqiirka ah
illaahayow kuwaa ka dhig umadayda, waxa loogu jawaabay waa umada
nabi maxamed (CSW) waxa uu yidhi hadana muuse waxa aan ku arkay
alwaaxda umad marka uu mid iyaga ka mid ihi uu ku hamiyo in uu
wanaag sameeyo ka dibna uu ku camal falo loo qorayo toban laabkeed
ilaa totobaatan laab illaahayow ka dhig umadayda, waxa lagu yidhi
waa umada Nabi maxamed (CSW).
Muuse waa uu soo raacay qoomkiisi waxana uu keenay
meesha la yidhaado Siinay, Siinay waa saxaro aan lahayn geed
la hadhsado cadceeduna aad u kulushahay mana laha cunto iyo biyo
illaahay (SW) waxa uu u galaday raxmadiisa waxa loogu hadheeyay
daruuro waxa samada looga soo dejiyay cunto, mar ay u baahdeen biyo
Nabi muuse (CS) ayaa ushiisi ku dhuftay dhagax waxayna noqotay laba
iyo toban ilood (12) oo biyo ah reer binu israa’ilna waxay u qayb
sanaayeen laba iyo toban (12) qabil, ikramidan iyo nimacadan lagu
taladay waxay nafahoogi ku dhaqaajisay in uu ku laba kacleeyo
cudurkii ku duuboobay waxana ay nafahoogu jeclaysateen in ay heleen
Basal iyo waxyaabo kale oo dhulka ka soo baxa, sidaa darteed
reer binu israa’il waxay waydiisteen nabi muuse in uu illaahay u
beryo in uu dhulka laga soo saaro cuntooyinka ay dalbadeen,
illaahayna (SW) waa uu ka aqbalay.
Halkan waxanu ku dhamayn doona Qisadii nabi muuse
(CS), qisadaas oo aanu ka soo qaadanay websiteka ku qoran af
carabiga ee ah
www.alqasas.com
Kulaabo bilowga qoraalka...