Markii muuse uu tuuray ushiisi ay
noqotay abeeynso weyn sida ay ku tilmaamayn culumadu, abeesadaasi
waxay ahayd mid cuno buuran muuqalkeeduna argagax leeyahay taas
ayaana keentay in dadku si deg deg ah uga yaacan iyagoo ka durkaya
goobtii ay ku sugnayd, abeesadaas oo qaabishay goobtii xadhkaha iyo
ulaha misixiriintu ay ku daadiyeen mid midna u guranaysa dhaq
dhaqaaqeduna uu yahay mid aad u deg deg badan dadkuna ay xageeda soo
eegayaan iyagoo la yaaban, misixiriintiina waxay arkeen arin
fashilay iyo wixii ay sameeyay oo waxba ayna ka oolin, cilmigii iyo
aqoontii ay lahaayena waxay ku garteen in ayna ahayn misixir ama
waxyaabo kale oo la mid ah waxan uu muuse la yimi waxayna
xaqiiqsadeen in anay arintani tahay mucjiso cid kale ayna samayn
Karin illaahay mooyne illaaha u hiiliyay xaqa, Illaahay (SW) waxa uu
quluubtooda ka qaaday qafladii iyo daboolkii xaqa ka saarnaa waxana
u iftiimay xaqii si ay ugu hanuunan sidaas ayayna illaahay ugu
toobadkeenay uguna sujuudeen, waxayna misixiriintii u soo bandhigeen
dadkii goobjooga ahaa iyagoo cidna aan ka cabsanayn waxay yidhaadeen
waxanu rumaynay Rabiga Muuse iyo Haarun.
Siciid Binu Jubeer
illaahay ha unaxariistee waxa uu yidhi markii ay sujuudeen waxay
arkeen guryihii iyo fooqyadii ay kulahaayeen jannada oo la sii
qurxiyay taas ayaana keentay in ay dhagaha ka furaystaan canaanta
iyo hanjabaada fircoon oo xaqa ay ku adkaysteaan.
Fircoon markii uu arkay misixiriintii
oo muslimay oo iyagoo muuse iyo haarun xusaya dadka hortooda ka
cadeeyeen talaabadaas oo ahayn mid geesinimo ah fircoon wuu ka
argagaxay arinkaa, fircoon aad ayuu arintee uga cadhoodhay waxana uu
ugu hanjabay in uu lugaha iyo gacmahaba u jari doono si talan taali
ah kuna xidhi doono geedaha timirta ah jiridooda, fircoon oo
hadalkiisi sii wataa waxa uu yidhi ma waxaad rumaynaysaa aniga oo
idin ogalaan idinkoo igalatashanin in aad maamulkayga ka baxaysaan.
Waxa uu yidhi Fircoon muuse waa kii
idin baray sixirka tanina waa khiyaamo aad khiyaamayseen magalada
waana idinka saari doona waanad ogaan doontaan, dadkuna way ogaayeen
qof kasta oo caqli lihi in muuse iyo misixiriintu maalin kaliya oo
sannadka ka mid ah aanay kulmin, markaa sidee ayuu u noqon karaa kii
sixirka baray? Manuu ahayn kii iskugu yeedhay ee fircoon ayaa miyi
iyo magaaloba ka soo aruursaday misixiriintii.
Dadku marka ay xaqiiqsato qiimaha
iimaanka hanjabaab kasta oo kuwa xadgudbay ula yimaadaan waxka kama
tarto waxayna gargaarsadaan caqiidada iyagoo nolosha aduunyadan laga
tagayo ka doorbida aakhirada lagu waarayo, waxay u yidhaadeen si aan
argagax lahayn anagu rabigay ayaan u tooban keenaynaa, waxayna ku
dhawaaqeen xaqiiqadii dagaalka oo ah in aanay cafis iyo denbi dhaaf
ayna ka doonayn fircoon laakiin aay illaahay ka doonayaan denbi
dhaaf iyo xaqa ay ku sugnaadan iyo samir waxayna yidhaadeen
“Illaahayow na sii samir oo na oofso anagoo muslim ah” wuu talax
gabay kii xadgudbay, waxana imika taagan in ay laba kala doortaan,
in ay ka noqdaan xaqa iyo xanuunka iyo in lagu xidho jiridaha
timirta.
Waxa bilaabmay wareegi labaad ee
hirdanka xaqa iyo baadilka
Iyagoo kuwii madaxda ahaa ay leeyihiin
lana hadlaya muuse “Waxay yidhaadeen Madaxdii qoomka fircoon ma
garateen muuse iyo qoomkiisu in ay arlada fasahaadinayaan isagoo
garanaya illaahyadiini, wuxuu yidhi waxa aad laynayseen inamada
waxana aad daynayseen hablaha waana idinka awood badnayn”
Halkaa waxa inooga muuqata in ay
masriyiintu tira yaraayeen sidaa darteena ay ku hoos jireen maamulka
fircoon iyagoo iska ilaalinaya muuse iyo cida rumaysay, waxayna ka
baqanayeen dhibaato uu u geeysto fircoon sidee darteen ayayna u
arkayeen dacwadan xaqa ah in ay arlada fasahaadinayso si ayna
meeshana uga bixin fircoon iyo maamulkiisu, fircoon maamulkiisa waxa
uu u kaashanayay diinta baadilka ah waxana uu sheeganayay in uu
yahay mid ay dhaleen illaahyadan baadilka ah.
Fircoon markii ay taladu farahiisa ka
baxday isagoo doonaya si uu ku ilaaliyo maamulkiisa kana badbaadiyo
khatarta dhabta ah ee ku soo began waxa uu yidhi “Waxanu leyn
doona inamadiina waxana deyn doona hablihiina anagu waan idinka
awood saraynaa”
Hanjabaadani maaha markii ugu horeysay
reer binu israa’il laakiin waa mid jirtay wakhtigii Nabi Muuse
dhashayba, muuse waxa uu bilaabay in uu qoomkiisa kula dardaarmo
sidii ay samir u yeelan lahaayeen iyo adkaysi illaahayna u
gargaarsan lahaayeen waxana uu u sheegay in illaahay (sw) dhulka
cidii uu doono dhaxalsiiyo cidhibta wanaagsana ay leeyihiin kuwa
illaahay ka cabsada oo aanay ka baqan illaahay mooyane cidkale, “Muuse
waxa uu ku yidhi koomkiisi gargaarsada illaahay oo samra dhulka
illaahay waxa uu dhaxalsiiya cida uu doono ee adoomihiisa ah waxana
cidhib wanaagsan kuwa illaahay ka cabsada”
Qoomkii Nabi Muuse (CS) waxay ay
bilaabeen in ay ka cawdaan dhibaatadii lagu hayay “Waxayna
yidhaahdeen waanala dhibaayay intii ka horeysay intaanad noo iman
iyo marka aad noo timiba” kalmadahani waxay la xidhiidhan sida
qoomkiisu u moodayeen in ay dhibaatada ay kaga baxayaan iyo
marxalada adag, muuse waxa uu ugu bishaareyay in xaqu guulaysanayo
fircoon iyo qoomkiisana la halaagayo dhulkana iyagu ay dhaxli
doonaan, waxana uu uga digay in ay fidmada iska ilaaliyaan isagoo u
sheegaya in dhulka la dhaxalsiinayaa ay tahay imtixaan iyaga lagu
imtixaamayo “Waxa uu yidhi waxa laga yaaba in illaahay halaago
cadowgiina idinkana idin dhaxalsiiyo dhulka ka dibna la eego waxa
aad samaysaan”.
Waxaynu ka soo gudubnay marxalada
waxana u gudbaynaa mid kale inagoo quraanku ina hogaaminayo, waxaynu
arkaynaa sidii ay iskaga hor yimaadeen xaqa iyo baadilku iyo fircoon
oo kala tashanaya madaxdiisi kale sidii muuse loo dili lahaa.
“Waxa uu yidhi fircoon ka warama
hadii aan dilo muuse oo isaguna rabigii u yeedho waxan ka baqayaa in
uu idinka badalo diintiina dhulkana fasahaad gaadhsiyo.
Imika Nabi Muuse (SW) waxa uu galay
difaac iyo qalcad adag, goobta ay ku badbaadan kuwa la dhibaa iyo
cida nabad gelyada doonaysa “Waxa uu yidhi muuse waxa aan ka
magan galay rabigayga iyo rabigiina midkasta oo isla weyn oo aan
rumaynin maalinta qiyaamaha”
Waxay ku dhowaatay figradii fircoon in
ay rumowdo hadii aanu nin ehelka fircoon ihi oo ka tirsan madaxda
fircoon illaahay (SW) quranka ninkaa magaciisa uuna noogu sheegi
inkastoo magacagu mihiim uuna ahayn muuqalkiisana aan la sheegin
laakiin illaahay (SW) waxa uu quraanka inoogu sheegay ninkaasi in uu
ahaa muunin.
Waxa uu ka waramay ninkan muuminka ihi
isagoo (Imaamkiisa qarinaya) in uu ka qayb galay shir lagu
garfaynayay sidii muuse loo dili lahaa, markii la isla qaatay
taladan ayuu isna soo bandhigay waxa uu muuse yidhi in uu yahay
kalmad kaliya oo ah in illaahay yahay kaligii cadayna uu keenay in
uu yahay Rasuul hadaba laba arimood mid ayaan inala gudboon oo aan
lahayn mid sadexaad in uu yahay muuse beenale iyo in uu run
sheegayo, hadii uu beenale yahay (Beentaasi waa dushiisa) manuu
mutaysan manuu odhan wax lagu dilo, hadii uu run sheegayo oo aynu
dilno yaa inaga badbaadinaya cadaabka uu inoo sheegayo? waxa uu ka
waramay ninkan muuminka ihi ee iimaankiisa qarinayay in uu ku yidhi
goomkiisi inagu maanta waxaynu gacanta ku haynaa xukunkii iyo
quwadii yaa inaga badbaadinaya cadaabka illaahay hadii uu inoo
yimaado? Yaa inaga badbaadinaya iqaabka illaahay hadii ay dhacdo?
Madax adeegteen iyo beenteenu inaga ayay na dayacaysaa,
Waxay ku bilaabeen kalmadihiisi lagu
gancayay in aanu ahayn nin lagu tuhmo maamulka fircoon manuu ahayn
kuwa muuse raacay mana aha in la yidhaado waxa uu u hadlayay si uu u
difaaco maamulka fircoon, maamulkan waxa baabinayayna waxa uu ahaa
beenta iyo maamul xumada iyo dulka loo geysanayo dadka aan waxba
galabsan, mawduucan ayaana loo daliilsanayaa kalimaadka ninkaasi in
ay noqdaan kuwa quwada leh marka loo geeyo fircon iyo madaxdiisa,
fircoona waxa uu helay in figradiisa ah in muuse la dilo isagoo ku
cabsi gelinaya ninkaan muuminka laftiisa.
Waxa uu ku dhawaaqay fircoon kalmadii
taariikhiga ahayd taas oo tusaale u ah mid kasta oo xadgudba oo ka
denbeeya isaga “Waxa uu yidhi fircoon rayigeygu wax kale maaha ee
waxa aan arkaa uun arin aan idinku hadaynayo dariiqa toosan”
kalmadan weligoodba way adeegsadaan kuwa xadgudbay marka ay la
hadlaya shacabkooga iyagoo leh taasi waa aragtiyadayada gaar ka ah
waana mid inoo horseedaysa hanuunka, arinkasta oo khalad ahayna waxa
waaji ah in cidkasta oo ka hortimaado laga difaaco, doodu kumay
joogsanin intaa fircoon wuu yidhi kalmadiisi laakiin kumii gancin
ninkii muuminka ahaa.
Hadalkii ayuu qabsaday waxana uu yidhi
ninkaas muuminka ihi waxa uu dabada ka gelay taariikh isagoo soo hor
dhigay fircoon iyo qoomkiisiba cadaymo ku filan runta muuse isagoo
uga digaya dhibaatada ay la kulmeen umadiihii iyaga ka horeeyay ee
ka beeniyay rasuushi loo soo diray ka dibna illaahay halaagay, waxa
ka mid ahaa umadahaa qoomkii Nuux, Qoomkii Caad iyo Qoomkii
Samuud, maxayba meel fog ka eegi taariikhda masar ayaa ka
markhaati ah in qoolkiisu saxan yahay.
Runtii Nabi Yuusuf (CS) waxa uu la
yimi cadeemo dadkuna way ka shakiyeen ka dib hadana way rumeeyeen
markii uu ka badbaadiyay duruufihii adkaa iyo abaarihii soo maray,
maxaa iskaga dhowdhow soo dirida illaahay soo diray Nabiyada?
Taariikhda gabowday waa in ay lahaataa meelo dhaxal
gal ah, run ahaantiina tirayar oo muuminiin ah ayaa guulo soo hooyay
oo jabiyay kufaar badan illaahayna halaagay kuwa duufan lagu qaraqay
kuwa qaylo lagu khasifay, Maxaynu hadaa ka eegaynaa?
Si aynaan u halaagsamin dhamaanteen
waa in aynu wax ku qaadano waxa aanu ka ogaano qoomamka inaga
horeeyay sida ninkan muuminka ihiba uu doodi fircoon ugu soo
bandhigay in hadii muuse la dilo ay dhibaato la kulmi doonto, dooda
ninkan muuminka ah waxa ku jiray dhow digniinood oo uu ka bilaabay
isagoo u sheegayay kuwii goobjooga ahaa in figradan ah in la dilo
muuse ay tahay mid aan cidhibteeda denbe lagu nabad gelayn
Illaahay (SW) waxa uu inooga waramay
in aayadkii illaahay ee fircon uu kaga hor yimi isweyneen iyo dulmi
“Waxa uu yidhi fircoon haamaanow ii dhis meel dheer waxa laga
yaaba in aan gaadho sababo samadana aan ka eego illaahan muuse waxan
u malaynayaa in uu yahay beenale sidaas ayaa loogu qurxiyay
xumaantii camalkiisa oo uu xaqa isku hortaagay may ahayn khiyaamadi
fircoon wax aan ahayn mid liidata”
Mar labaad waxa uu isku dayay fircoon
in fogaado si aan u waajihi xaqa si cadaan ah isagoo aqoonsan
dacwada kalinimada illaahay ee geligishay maamulkiisa taas oo ka fog
heerka qarashada fircoon taas oo ka fog in uu ahaado mid ku dadaala
baadhitaanka illaaha muuse.
Wakhtigaa faraacinadu waxay gaadheen
aqoon ka xeer dheer muuqalka garasha fircoon waana ta keentay in ay
ku kala qayb-samaan laba qaybood qayb muuse, Qayb Nabi muuse
rumaysay iyo qayb beenisay oo xaqa ka hortimi.
La soco
Marlabaad ninkii muuminkaa ahaa waxa
uu si cad u yidhi:- kalmado geesinimo leh sida illaahay (SW)
quraanka inoogu tilmaamay “Waxa uu yidhi kii muuminka ahaa
qoomyahow raaca ka idinku hanuuninaya dariiqa toosan, qoomyahow
noloshan aduunyadu waa raaxo yar ee aakhiro ayaa ah daarta lagu
waarayo, qofka camal xun sameeya lagu abaal marin maayo wax aan
ahayn wuxuu sameeyay oo kale, qofka wanaagsameeya rag iyo dumar
isagoo muumin ah kuwaasi waxay gelayaa janada waxana loogu
arsaaqayaa si aan xisaab lahayn, qoomkaygiyow waxa aan idinku
yeedhayaa nabadgelyo idina waxa aad iigu yeedhaysaan naar, waxa aad
iigu yeedhaysaan in aan cid aan illaahay ahayn caabudo aqoona aan u
lahayn, aniguna waxa aan idinku yeedhayaa illaaha cisiga badan ee
denbi dhaafka badan”.
Waxa uu ka nahiyay ninkan muuminka ihi
isagoo ku hadlaya erayo geesinimo leh ka dib markii ay ka tageen
kuwii hereero fadhiyay iyagoo u arkaya in uu muuse raacay, waxayna
bilaabeen in ay khiyaameeyan iyagoo hadal haya erayadii ka soo
fulay, shirqoolkaa ay u digeena illaahay ayaa isaga ka badbaadiyay.
Hadii aynu u soo noqono xaalka masar
ee wakhtigaa waxa uu gaadhay heer dhibaatada fircoon in uu inamada
yar yar laayo hablahana uu daayo, muuse iyo qoomkiisina waxa soo
foodsaray ciqaab adag in kastoo ay rajaynayeen in illaahay u
gargaaro kuna samreen dhibaatadan.
Fircoon wuu sii waday xadgudubkiisi
iyo dulmigii, waxa la soo gaadhay wakhtigii quwada illaahay ay qaban
lahayd fircoon illaahaybaana cid walba ka quwad badan “Waxanu
qabanay muddo sannada ah reer fircoon waxa laga yareeyay midhihii si
ay wax ugu qaataan, marka ay wanaag-helaan waxay odhan jireen anagaa
samaysanay marka ay xubaani timaadana waxay dusha ka saarayeen muuse
iyo cidii raacday”.
Illaahay (SW) ayaa la damcay in uu
nolosha ku adkeeyo oo uu ibtileeyo camsina uu geliyo si ay uga
joogsadan khiyamada muuse iyo cidii raacday oo ay u sugnaato
Nabinimada muuse iyo runtiisuba isla wakhtigaa, Illaahay (SW) waxa
uu masar ku saliday abooro waxana engagay dhulkii waxana gudhay
wabigii niilka waxana yaraaday midhihii soo baxayay dadkiina aad
ayuu u gaajooday, waxana badatay isnecbaashihii laakiin reer fircoon
may garanayn dhibaatadan xidhiidhka ay la leedahay dulmiga ay
sameeyeen waxana soo qaateen sababo kale marka ay helaan wanaag
iyaga ayaa sheeganayay marka ay xumaani timaadana Nabi muuse ayay
dusha ka saarayeen, cisigii ayay u qaateen xumaan waxana
rumaysanayeen sixirnimada muuse ay masuul ka tahay balaayadan
asiibtay, axmaq-nimadooduna waxay tustay in abaartan ku dhacday ay
tahay aayada kaga timid xaga muuse si uu u sixro laakiin waa aayad
aanayn rumaynayn.
Illaahay (SW) arinkaa wuu ku sii
adkeeyay si ay uga soo noqdaan xumaanta waxana lagu saliday Duufan,
Ayax iyo waxyaabo kale oo faro badan oo illaahay quraanka inoogu
sheegay, mihiimaduna waxay ahayd in reer fircoon Nabi Muuse (CS) u
yimaadan oo uu rabigood u baryo si balaayadan looga dulqaado,
waxayna yidhaahdeen “Waxay yidhaadeen muusow noo bari rabigaa
waxa uu kuu balan qaaday hadii uu dhibaatadan naga dulqaado waanu ku
rumaynaynaa waana ku raacaynaa hadii aanu reer binu israa’il aanu
nahay”.
Nabi Muuse (CS) illaahay (SW) ayuu u
baryay dhibaatadina waa laga dulqaaday, Maxaase ka danbeeyay? Markii
dhibaatadii laga dulqaaday balankii way ka baxeen mayna hanuunin
dadkii reer masar balankiina may oofin, fircoona waxaba uu ku
dhawaaqay in uu isagu masar leeyahay iyo wabiyada durduraya muusena
yahay musixir beenale ah iyo nin fiqiir ah oo heli karayn fargal yar
oo dahab ah.
“Run ahaantii waanu dirnay muuse
iyo aayadkayagiba waxana u dirnay fircoon iyo madaxdiisi waxana uu
ku yidhi waxa aan ahayn rasuul uu soo diray rabiga caalimiinta,
markii uu ila yimi aayadkii waaba ay ku qoslayn, markasta oo aayad
aanu tusnana iyadoo ka waynba ta kale, waxanu ku salidnay cadaab si
ay illaahay ugu soo noqdaan, waxay yidhaahdeen misixiryahow noo bari
rabigaa wixii uu ku balan qaaday waanu hanuuniyee, marka laga
dulqaado dhibaatadana waxay ku sii nagaanayeen xumaanta, fircoon
waxa uu u dhowaaqay qoomkiisi waxa uu yidhi qoomyahow anigu miyaanan
lahayn milkiga masar iyo wabiyadan hoostayda durduraya miyaydaan wax
arkeen ama aniga ayaa ka khayr badan kan fiqiirka ah ee ku dhowayn
mid wax cadeeya”.
Bal hada eeg cajaayibka quraanka
caqligoogi liitay iyo xoriyadoodi liitaday iyo mistaqbalkoogi liitay
iyo bila’aadanimadoodi liitadayba waxay adeeceen fircoon waa adeecid
la yaab leh taa ayaanu ku garanaynaa in ay ahaayeen qoom faasaqiin
ah waayo faasaqnimadu dadka waxay seejisaa jiheenta mustaqbalkooga
iyo toosinta arinkooga waxana ku tuurtaa halaag sadan qoomkan
fircoon oo kale.
Waxa inoo cadaatay in aanu fircoon
rumaynin Nabi Muuse (CS) isla markaana aanu joojinin dhibaatadii uu
ku yahay reer binu israa’il, Nabi muuse (CS) waxa uu beryay illaahay
(SW) laakiin arin waxay ku soo dhamaatay illaahay (SW) in uu muuse u
waxyooday in uu ka baxo masar goor habeenimo ah, markii ay u diyaar
garoobeen in ay baxaan ayay ku warheleen in ay ka daba yimaadeen
fircoon iyo ciidankiisi iyagoo doonayay in ay dadkan ka soo
reecaban goobtuna waxay ahayd Kanalka Suways meesha imika la yidhaa
Buxayraad.
Waxa soo gaadhay fircoon warkii in uu
muuse baxay iyo qoomkiisiba waxa uu u dirayay amaradiisi dhamaan
magaalooyinka si ay u soo diyaariyaan ciidan badan si loo soo qobto
muuse iyo qoomkiisi oo looga qaribo arinkii ay diyaarsadeen iyo
mabda oogaba, fircoon imika waxa uu bixinayaa amaro guud
ujeedadiisuna waxay tahay in uu muuqal u sameeyo dadka muuse iyo
qoomkiisina ay yihiin kuwa khatar ku ah fircoon iyo boqortooyadiisa,
sidee ayuu illaah u noqon karaa mid ka cabsanayaa koox yar oo illaah
kale caabudaysa?
Si kastaba ha ahaateen waxa uu
bilaabay fircoon in uu ka taxadiro kana diyaag garoobo sidii uu
arinta hogaankeeda u sii hayn lahaa, waxa soo baxeen iyagoo raacaya
raadkii nabi muuse iyo qoomkiisi.
Bixitaankani waxa uu ahaa mid mihiim
ah waxay ka yimaadeen wixii ay mulki lahaayeen oo dhan Bustaanadii,
Durduradii iyo Qasnadii iyo Wixii ay mulki lahaayeen oo dhan dibna
ugumay soo noqon, muuqalkani waxa uu ina tusayaa in cidhibtii soo
bixitaankoogu ay ku raadgoobayeen muuminiinta in ay ahayd iyagoo u
deg degaya abaal marintii uu lahaa dulmiga iyo xadgudubku.
Waxa dhawaaqay kuwa ka mid ah qoomkii
Nabi Muuse (SW) waxayan yidhaahdeen waxa na soo gaadhay ciidan kii
fircoon, Nabi muuse (SW) muu hayn talo uu ku badbaadiyo laakiin
qalbiga muuse waxa ka buuxay kalsoonida rabigii waxana uu rumaysnaa
in uu illaahay u gargaari doono, daqiiqadii ugu denbaysay ayaaba uu
illaahay (SW) u waxyooday “Waxanu u waxyoonay muuse in uu ushiisa
ku dhufto badan” wuu ku dhuftay waxana dhacday mucjiso waxana
xaqiiqowday wixii dadku afka soo marin la’aayeen amarkii illaahay
doonay ayaa ahaaday, fircoon ayaa soo gaadhay badii waxana uu arkay
mucjisadii waxana uu arkay badii uu laba u qaybsantay oo yeelatay
dariiq engegen, fircoon waxa uu u yeedhay ciidankiisi waxana uu
amray in ay ka horeeyaan oo ay bada dhex galaan, markii muuse iyo
qoomkiisi ay bada ka gudbeen mar labaad ayaa illaahay muuse u soo
waxyooday in uu ka gudbo bada, illaahay (SW) waxa uu doonay in uu
inuu qaraqo fircoon iyo ciidankiisi markii fircoon iyo ciidankiisi
ay ku dhamaadeen badii ayuu illaahay (SW) soo fuliyay amaradiisi
waxa dulmaray fircoon iyo ciidankiisi moojadihii bada waxan qaraqmay
fircoon iyo ciidankiisi waxa qaraqmay canaadkii madaxa adkaa waxana
badbaaday kii illaahay rumeeyay, markii ay u cadaatay fircoon in uu
qaraqmay oo ayna badbaado u oolin “Waxa uu yidhi waxa aan
rumeeyay in aanu illaah jirin illaaha reer binu israa’il rumeeyeen
mooyane waxana ka mid ahay kuwa mislimiinta ah”
Waxana qancay ninkasto oo xumaan lahaa
oo liitay kumuu joogin in uu ku dhowaaqo iimaan oo kaliyee waxa uu
ku daray in uu is dhiibo laakiin waxba kamuu faa’iidin imikana maaha
wakhtigii doorashada waxa ka horeysay caasinimo iyo isla weynaan
sida illaahayba quraanka inoogu sheegay “Imika horteed ayaad
caasiyooday oo aad ka mi dahay kuwa wax fasahaadinaya” way
dhamaatay wakhtigii toobada ee laguu xadiday waana halaagsantay
arinkiina wuu dhamaaday badbaadana kuumay sugnaan waxa badbaadayaa
jidkaaga oo kaliya si aanu kaluunku u cunin ragqaadana dadka lagama
fogaynayo si ay dadku wax u qaatan waxana badbaadaya jidkaaga si ay
kuwa kaa denbeeya wax ugu qaatan “Maanta waxa aanu badbaadinaynaa
jidhkaaga si ay ugu noqoto kuwa kaa denbeeya aayad in badan oo dadka
ka mid ihina aayaadkayaga way ka jeedan”.
Waxa la feeday daahi asturayay
xadgudubka fircoon mowjadaha ayaa ku soo tuuray raqdiisi xeebaha,
intaa ka dib asturaadi waxay u soo hadhay dadkii masar, inoogamuu
waramin quraanku wixii ay sameeyeen markii uu nidaamkii fircoon uu
baaba’ay ee lana qaraqay fircoon iyo ciidankiisi, nagamuu waramin
waxyaabihii kale ay sameeyeen markii uu illaahay dumiyay wixii
fircoon sameeyay iyo qoomkiisi, waxa aad uga waramay qisaska iyo
taariikhda.