Faa’iidooyinka
taariikh-da ku jiraa kuma koobna intaan aan sheegney laakiin waa daraf yar
oo kamida saxiifad dacaldheer oo ah faa’iidooyinka ku jira ogaanshaha
taariikh-da.
Arrimahaan aan sheegney
waa faa’iidooyinka guud ahaan taariikh-da ku jira laakiin darsigaan waxaan
kaga hadli doonaa insha allah taariikh-da islamka laga bilaabo siirada
Nabiga (csw) taariikh-daan oo runtii ah qayb muhiim ah oo ka mida damiirka
qofka musimka ah ayna ku guda jirto quwadiisa iyo ruuxdiisa macnawiga ah.
Taariikh-daan Islamku waa
gabal wayn oo kamida taariikh-da aduunka oo dhan amase waa taariikh-da ugu
baaxad wayn ee dunidu gacanta ku hayso, inay tahay afar iyo toban qarni oo
xariira wixii dhacay oo si faahfaahsan loo qorey loo hufay loona kaydiyey
gaar ahaan dunida muslimka oo lagu tilmaami karo wadnaha dunida inteeda
kale, marka la fiiriyo halka ay dunida kaga taal, hasa ahaatee nasiib darro
taariikh-da Islamku waa qarsoon tahay marka laga reebo dadka ku takhasusey
gaar ahaan waxay si wayn uga qarsoon tahay bulsha waynta muslimka ah iyo
dhalinteeda.
Sababaha keenay
qarsoonaantaan dabcan waa sababo badan iskana cadcad waxaana ugu wayn in
ummadda Islamka ahi ay ku dhacdey gacan cadow gumeyste ah oo wiiqay
lixaadkeeda ujeedooyinkiisana ay kamid tahay in ummadaan la ilowsiiyo
dhamaan casrigeeda hore iyo xadaaradeedii qaangaartey si ay waxa soo socda
uga dhunto sidoo kale loogu faafiyo dhaqamo iyo figradaha lagu
majara-habaabinayo.
Waxaa kaloo kamida in
dhamaan manaahijta taariikh-da ay dajiyeen afraad iyo ururro shisheeye ah
kuwaasoo runtii dagaal aan waxba iskula-harin ku qaaday taariikh-da Islamka
si wayna uga fogeeyey gacanta qofka muslimka ah islamarkaana aad loo
buunbuuniyey taariikho kale iyo waxyaalo aan qusayn ama aan ahmiyad ugu
fadhiyin mararka qaarkood in been cad la maleego si bohoshii aad ku dhacday
ama gacantii ku goysey laguugu muuujiyo sababkii guusha kuu horseedey.
Sidoo kale in la
adeegsado kooxda ardada ah ee galbeedka ama bariga ka timid ee loo yaqaan
cilmaaniyiinta kooxdaan oo runtii si wayn ugu shaqeeya shirqoolada
shisheeyuhu la maaggan yahay ummadda muslimka ah, islamarkaana Islamka iyo
taariikh-diisa iyo dadka haystaba ka neceb shisheeyaha laf ahaantiisa cuqdad
xunna u qaba Islamka taasoo ku keentey inay masaxaan dhamaan taariikh-daan
sidoo kale suurad xumeeyaan shakhsiyaadka Islamka ee waawayn guulaha hore
loo gaarey iyo dhamaan taariikh-da siyaasad ahaaneed ee Islamka kooxdaan oo
nasiib darrro wixii ay qoreen kaliya lagu qaatey manaahijta tacliinta ee
laga hirgaliyey dhamaan dunida muslimka.
Waxaan hadaba u dooraney
sababahaan li’adligood iyo ahmiyadda wayn ee taariikh-da Islamka sidoo kale
inaan uga sheekayno si dulmar ah oo aan laguna daaleyn lana saluugayn hadduu
alla idmo.
Laakiin intaannaan
bilaabin waxaan baraarujinayaa arrin muhiim ah tasoo ah inaan ogaano in
ummaddaan soomaaliyeed ee afkaan ku hadasha ay tahay qayb kamida jirka wayn
Islamka aysan marnana ka go’I karin marka taariikh-daan waa toodii waxaa
intaa wehiliya in taariikh-daani marar badan ay soomaalida si khaas ah u
taabanayso marka laga sheekaynayo dhacdooyinka muslimiinta soo mareyna
soomaalidu waa kamid ummadda Islamka ahi dhacdooyinkaan taariikh-da Islamka
waa wadaagtaa, muslimiintuna run ahaantii waa hal ummada haba kala duwanaato
afafkooda iyo midabadoodu ama dagaanadooda iyo ooddoodu ha kala fogaadaane.
Waxaan kale oo
baraarujinayaa, inaan taariikh-daan uga sheekayn doono -insha allahu- hab u
kala saarsaaran casri walba khilaafada wayn ee muslinka ah ee dhisnayd
ayadoo aan taaban doonno dawladaha yar yar ee ka feer dhismey ama dhamaan
dhacdooyinka ku lug xiran anagoo ka bilaabi doonna siirada nabiga (scw) kuna
xijin doonna dawladda khilaafada raashidiinta kadibna dawladda Umawiyiinta
sidaasoo kale insha allah, waxaana suurowda inaan isku feer wadno
taariikh-da labo dawladood sida siirada Nabiga (scw) iyo taariikh-da dawlada
khilaafada raashidiinta.
Ugu dambeyntii waxaan
allah (sw) waydiisanayaa inuu iigu kaalmeeyo camalkaan wayn iina fudududeeyo
isagaa kaligii awoodee (subxaanah) amaana ahaanna waxaan baraarujinayaa in
qoraalkaani ku yimid dalab ay iisoo gudbiyeen walaalaha mu’sasada abuubakar
iyo masjidka ashaafici..