Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qaybta 5aad:
Habnololeedka Guud Ee Nabiga (scw)
Nabinnimada Kahor.
Dhinac walba oo laga eego Nabigu (scw)
wuxuu ahaa shakhsi heerka ugu sareeya ka gaaray hoodada qof lagu ammaano,
wuxuu ahaa moodal sareeya oo dhamays tiran laga haqab tiray figradda toosan
iyo aragtida toolmoon, wuxuu nasiib u helay gabal wayn garashada wanaagga,
ka baaraan dagidda talada, habboonaanshaha hadafka la higsanayo iyo hanaanka
loo marayo intaba, wuxuu kaalmaysan jiray aamuskiisa dheer isagoo ay u
weheliso u fiirsasho xeeldheer waxa hareerihiisa socda, ka shaqaysiinta
maskaxda iyo doorashada xaqa, wuxuu ku daalacday caqligiisa badan iyo
abuuristiisa hufan dhamaan saxiifadaha nolosha, waxa hareerihiisa ka socda,
hawlaha dadka iyo xaaladaha ururada.
Wuxuu marka ka qash-dhacay dhamaan
khuraafaadka xun waana ka fogaaday, ilaa uu ka aqoonsaday si cad halka ay
kala joogayaan meheradaha dadka iyo tiisa u gaarka ah, markaas ayuu kula
noolaaday jid cad, wixii wanaag ah oo ay sameeyaan waa la wadaagaa, haddii
kalase wuxuu ku laabtaa gooni u joogiisii uu caadaystay, sidaa darteed ma
cabbi jirin khamro, mana cuni jirin gawrac sanab lagu kor qalay, kamana qayb
gali jirin ciid amase munaasabad lagu xusayo sanabada, iskaba daaye laga soo
bilaabo barbaaristiisii wuxuu ka didsanaa dhamaan macbuudaadka beenta ah ee
xaq darrada lagu caabudo, ilaa wax uu ka neceb yahay aysan jirin ilaa heer
uusan maqli karin dhaarta lagu dhaaranayo magaca sanabada.
Ilaalinta Alle Ee Ku Hareeraysan
Wax shaki ahi kuma jirin in aqdaarta
Alle ku hareeraysay ilaalin iyo dhawris, waxaa hadaba culumada Islaamku isku
raacsan yihiin inuu macsuum ka ahaa gaalnimada oo uusan ku dhicin waxyiga
kahor iyo kadib toona sidoo kale dunuubta waawayn, taasina waa tan ay
ayidayso dhacdooyinka taariikh-da Nabiga (scw) ka buuxa ee ka horeeya soo
dajinta waxyiga, markastoo naftiisu u hanqaltaagto macmacaansiga aduunka,
amase markastoo uu jalleecsado raacista caadooyinka aan ciribtooda la
mahadin qaarkood, islamarkiiba waxaa si xoog ah usoo kala dhexgalaysa
ilaalinta rabbaaniga ah inay ka horjoogsato shaygaas uu damcay awgeed.
Ibnul Athiir wuxuu wariyey in Nabigu (scw)
yiri, “waligay maanan damcin inaan sameeyo shay ka mida waxyaalihii dadka
Jaahiligu samayn jireen labo goor ma ahane, markastoo labadaas kamidana Alle
ayaa nakala dhex joogsanayay, kadibna mar dambe ma aanan damcin ilaa Alle
igu karaameeyay rasuulnimada, (marka hore) wiil aan ariga la wada joognay
duleedka Makko ayaan ku iri, ninyohow ariga caawa maad ii ilaalisid waxaan
aadayaa Makko oo aan kusoo cawaysimayaa waxyaalaha dhalinyaradu ku
cawaysimaane? Markaasuu yiri haye, marka waan soo tagay ilaa aan marayay
daarta ugu soo horeysa ee Makko laga galo, waxaan maqlay muusiko la tumayo,
markaasaan iri war meeshaan maxaa ka jira? Markaasaa la yiri waa arooskii
hebal iyo hebla, markaasaan fariistay inaan dhagaysto, markaasaa Alle hurdo
igu riday oo aan seexday, kadibna waxaan kusoo baraarugay kulaylka qoraxda,
marka waxaan isagasoo laabtay wiilkii saaxiibkay ahaa, markaasuu i waydiiyay
xalay maxaad samaysay, markaasaan u sheegay sida aan la kulmay, habayn
kalana sidii oo kale ayaan ku iri, marka waxaa igu dhacay wixii markii hore
igu dhacay oo kale, kadibna mar dambe maanan damcin wax xumaan ah. (1)
Sidoo kale
Bukhaari wuxuu ka warinayaa
jaabir inuu yiri, “ Markii Kacbada la dhisayey Nabiga iyo Cabbaas (adeerkiis)
ayaa waxay soo gurayeen dhagaxaan, marka Cabbaas ayaa Nabiga (scw) ku yiri,
fur macawistaada oo garabka saaro dhagaxa hakaa celisee, markaas ayuu dhulka
ku dhacay isagoo suuxsan indhuhuna cirka u salladan yihiin, kadibna waa soo
miyirsaday isagoo leh!! Macawistayda isiiya macawistayda isiiya, markaa
hoosguntigiisa ayuu isku adkeeyay, markaa kadibna waligiis cawradiisa lama
arag. (2)
Sidoo kale maalin ayuu Nabigu (scw)
Kacbada dawaafayey isaga iyo saaxiibkiis mawlihiisana ah Zayd Ibn Xaaritha,
marka Zayd ayaa sanabada midkood taabtay markaasuu Nabigu (scw) ka reebay
taaba shadaas, markii lasoo wareegay ayuu Zayd hadana taabtay si uu u
hubsado inuu u diidan yahay iyo in kale, markaasuu hadana si kulul ugu
diiday taabashadaas oo yiri “maxaa kugu itaxaanay sanabkaan” Zayd marka waa
ka joogsaday taabashada sanabka ilaa laga soo gaaray soo diristii nabinimada,
marka Zayd wuxuu ku dhaartay inaan Rasuulka Alle (scw) waligiis sanab taaban
ilaa Alle waxyiga ku karaameeyey. (3)
Dhalinyara nimadiisii Nabigu wuxuu ahaa
shakhsi kaga soocan dadka intiisa kale dhaqamo macmacaan, akhlaaq sarraysa
iyo sifooyin toolmoon, sidaa darteed wuxuu ahaa, kan dadka ugu shakhsiyad
wayn, ugu akhlaaq wacan, ugu ceesid wayn darisnimo, ugu dulqaad wayn, ugu
hadal ku run badan, ugu sahlan garqaadasho, ugu naf dhowrsoon, ugu baarrisan
hawl qabasho, ugu ballan oofin badan, ugu amaano culus, ilaa uu noqday qofka
ugu haybadda wayn dadka ilaa ay ku magacaabeen Amiin, waxyaalaha uu kulan
saday ee xaaladaha habboon iyo dabeecadaha jamashada awgood, wuxuuna ahaa
sidii ay ku tilmaantay Umul mu’miniin Khadiija markay lahayd, wuxuu
xambaaraa gablanka looma ooyaanka ah, wuxuu keenaa kasabka lama helaanka ah,
wuxuu sooraa martida jalaqlaha ah, wuxuu u kaalmeeyaa irdaha xaqa oo dhan.
Bishaarooyinka Nabiga (scw) kahoreeyay
Kutubta Ahlu Kitaabka
Nabiga (scw) soo bixitaankiisa waxaa
kusii bishaareeyay nabiyadii Alle ee ka horreeyey sida nabiyadii reer Bani
Israaiil iyo nabiga Alle ee ciise (cs), arrintaan waxaa si wayn uga waramay
Qur’aanka sida aayadda 6-Safa oo sheegaysa in ciise (cs) kusii bishaareeyay
soo bixitaanka Nabiga (scw) sidoo kale aayadda 157-Acraac oo Alle ku sheegay
in sifooyinka Nabigu ku yiileen Towrat iyo Injil labadaba, waxaa kaloo sii
sheegay kitaabaha umadaha hore ay gacanta ku hayeen, oo si cad u sheegay
magaca iyo tilmaamaha Nabiga (scw) dhamaantood.
Hadaba inkastoo laga soo bilaabo qarniga
sideedaad ee ciise dabadi ay dadka ahlu kitaabka loo yaqaani kutubtooda ka
joogeen magaca Nabiga markii doodaha diiniga ahi bateen oo muslimiintu u
xujaysteen kutubtooda, hadana wali waxaa maanta la hayaa kutubtaas qaarkood
oo sheegaya Nabiga (scw) iyo magaciisaba, waxaana kamida Towraadda Saamira
iyo Injiilka Barnaaba, kitaabkaan dambana kaniisaddu waxay mamnooceen
akhriskiisa iyo haysigiisa qarniga shanaad ee ciise dabadi, hadaba nuskho
laga helay sanadahaan dhaw maktabad qadiim ah oo ku taal meesha loo yaqaan (baxrul
mayit) badda dhimatay oo wadanka urdun ah waxaa ku qoran isxaaxeeda 41-aad
cibaaradaan (29 Alle ayaa iska xijaabay waxaana ka cayriyay mallaak
Miikhaa’iil Firdowsa 30 markaasuu Aadam milicsaday wuxuuna arkay qoraal
albaabka korkiisa suran oo ay ku taal La Ilaaha Illaa Allahu Muxamadu
Rasuulullah) (4)
Meel kale oo kitaabkaas ah waxaa ku taal
cibaaradaan (163 : 7 Ardadii ayaa ku jawaabay macallinoow yaa laga yaabaa
inuu noqdo ninkaas aad ka hadlayso ee caalamka imaan doona, wuxuu ku
jawaabay yasuuc isagoo qalbigiisu aad ugu faraxsan yahay : waa Muxamadu
Rasuulullah) (4) ereyada sidaan oo kale ahi meelo badan ayay kaga soo
laablaabteen Injiilka Barnaaba waana kitaab la daabacay oo dunida oo dhan
maanta laga heli karo, baybalada kale ee Luuqaa iyo Yuxannaa waxaa ayagana
meelo badan kaga yaala bishaarooyin ku saabsan soo bixitaanka nabiga,
hijradiisa xaga madiino, dagaalada uu gaalada awlaada qiidaar la galayo iyo
sifooyin badan oo Nabigu leeyahay.
Towraadka Sifru Ashiicaa ee hadda
gacanta lagu hayo Isxaasiisa 21-aad waxaa ku qoran In waxyi laga soo
dajinayo dhulalka carbeed ee buuraha ah In Nabigu hijroon doono markii
gaaladu ku heshiiyaan inay dilayaan In uu kaga guulaysan doono geesiyaasha
awlaada Qiidaar goobta badar In xujada Nabigu ay markaas sare mari doonto.
(4)
Waxaana kutubtaas qoraalo badan kasoo
guuriyay culumada islaamka ee noolaa kahor intii aan wax badan laga badalin
kutubtaas, sida Ibn qutaybah, Almaawardi, Alqaraafi, Ibn Taymiya iyo Ibn
Qaym, ayagoo waliba caddeeyay sida ay markii dambe uga tirtireen magaca
Nabiga (scw) kutubtooda.
Waxaa kaloo la wada ogsoon yahay sida
yuhuuddii iyo nasaaradii Nabiga la kulmay ay u sheegeen sifooyinkiisa, kuwo
islaamay iyo kuwo aan islaamin intaba, waxayna ahayd arrin la wada ogsoon
yahay oo qur’aanku meelo badan kula dooday inay ogyihiin oo ilmahooda uga
aqoon badan yihiin Nabiga ee ay is indha tirayaan haddaysan taasi jirina way
inkiri lahaayeen, sidoo kale carabta ahlu kitaabka la darsa oo ayaguna ka
ogaaday sifooyinka Nabiga ee ay ahlu kitaabku sheegayaan oo waliba ay ahlu
kitaabku ugu caga juglayn jireen in intay nabiga xilligiisii la gaaray
rumeeyaan ay layn doonaan, taasina waa arrintii sababta u hayd islaamidda
reer madiino, markay arkeen nabiga ay dheheen wallaahay waa nabigii yuhuudu
idiin sheegi jirtay, sida aan arki doono insha allah.
Culumada ahlu Kitaabka
In badan oo kamida culumada umadaha hore,
ayaa caddeeyey tilmaamaha Nabiga (scw) waxaana kamida Cabdulaahi Ibn salaam-kii
islaamay iyo Zayd Ibn Sacna oo isaguna islaamay oo labaduba ahaa culumada
yuhuudda ee ugu caansan xilligaas, waxaase ka yaab badan qisada dheer ee
Salmaan Alfaarisi waana qiso sanad ahaan sugan, In markii uu isu maray sadex
sheikh oo raahibiintii Nasaarada ka mida oo mid waliba markuu dhimanayey uu
u tilmaamay kan kale.
In caalimkii ugu dambeeyay oo uu Salmaan
ugu yimid Cammuuriya (oo ku taal dhulka hadda turkiya loo yaqaan) uu markii
uu dhimanayey Salmaan ku yiri yaad ii dardaarmaysaa inaan aado oo ahlu
towxiidkii ka haray? Markaa uu yiri “wiilkaygoow wallaahay ma ogi qof
towxiidkii aan haysanay ku sugan oo maanta nool oo aan kugu amro inaad aado,
hasayeeshee waxaa la gaaray samaankii lasoo diri lahaa Nabigii Xaramka,
meesha uu u hijroon doonaana waa magaalo u dhaxaysa labo buurood oo dhagax
madow ah oo ku taal dhul carro seel leh oo timirtu ka baxdo, wuxuuna
leeyahay calaamado aan qarsoomi karin, garbihiisa dhexdooda waxaa ku yaal
kaatunkii nabinimada, hadiyadduu cunaa sadaqadase ma cuno, haddaad hadaba
awoodo inaad nabigaas la kulanto yeel xilligiisii ayaad gaartaye”.
Kadibna Salmaan inuu ka sheekeeyey sidii
uu madiino kusoo galay inuu gacan adoonsi ku dhacay, in markii nabigu soo
hijrooday uu maqlay ninkii adoonsanayey iyo nin kale oo isu sheegaya soo
galitaanka Nabiga markaas uu Salmaan geedkii kasoo dhacay, oo uu ninkii
waydiiyey warka Nabiga oo ninkii adoonsanayey inta xanaaqay lahaa, maxaa
adiga kaa quseeya arrimahaan orod shaqadaada qabso, kadibna uu nabiga la
kulmay uuna tijaabiyey calaamadihii loo soo sheegay kulligood islamarkiibana
uu islaamay.
Waxaa kaloo sheekooyinka laga wariyey
culumada ahlu kitaabka kamida, Salama Ibn Salaama Ibn Waqash oo reer madiina
ah inuu yiri, waxaa daris nala ahaa oday yahuudi ah, marka maalin ayuu
gurigiisa kasoo baxay ilaa uu nasoo kor istaagay, annagoo ah koox u dhalatay
Bani-Cabdi ash-hal anigaana ragga meesha fadhiya ugu da’ yar, marka odagii
wuxuu ka sheekeeyay maalinta Qiyaamada, xisaabta aakharo, miizaanka, jannada
iyo naarta, hadalladaas wuxuu ku leeyahay dad sanabo caabud ah oo aan
rumaysnnayn in dadka lasoo saari doono dhimashada kadib, marka waxay ku
dheheen war heedhe balo qabayohow ma waxaad rumaysan tahay in waxaasi dhici
doonaan, in dadka lasoo saari doono dhimashada kadib?
Odagii wuxuu ku jawaabay haa, markaasay
dheheen oo maxay tahay calaamadda lagu garan karo arrintaas? Markaasuu yiri
nabi laga soo saari doono dhulkaan wuxuuna gacanta u taagay dhinaca Makko
iyo yaman ay xigto, markaasay dheheen oo goormaan arkaynaa? Markaasuu yiri
inta aniga isoo fiiriyey –raggana anigaa ugu yaraa- ayuu yiri, haddii
wiilkaan yar cimrigiisa dhamaysto waa gaarayaa.
Marka Salama wuxuu yiri, wallaahay inaan
maalmaha iyo habaynadu dhamaan ilaa Alle soo diray Muxamed (scw) odagii oo
nool oo na dhexjooga, markaasaan annagu rumaynay odagiina ku gaaloobay
islawayni iyo xaasid nimo, markaas ayaan waxaan ku niri, war hebeloow inkaar
qabayohow miyaadan ahayn ninkii warbixintii aad ogayd Nabiga (scw) nooga
sheegay maxaad u rumayn wayday? Wuxuu yiri, waan ahay laakiin isagii ma ahan.
Sidoo kale Caasim Ibn Cumar wuxu yiri,
nin oday ah oo u dhashay qabiilka Bani-qurayda (qabiil yuhuuda) ayaa igu
yiri ma ogtahay sababta ay ku islaameen Thaclaba Ibn sacya iyo walaalkiis
Usayd iyo Usayd Ibn Cubayd, niman ilma adeer ah oo isla Bani-qurayda u
dhashay oo markii jaahiliga madax u ahaan jiray markii Islaamka lasoo
galayna wali masuuliyiintooda ahaa? Markasaan iri, maya wallaahay, markaasuu
yiri, nin yuhuudda shaam ku nool ah oo la yiraahdo Ibn Haybaan ayaa safar
noogu yimid Islaamka sanado kahor marka dhexyada ayuu iska dagay, wallaahay
waligay maanan arag nin aan shanta salaadood tukan (islam ahayn) oo ka khayr
badan ninkaas, muddo ayuu agtayada ku noolaa markii roobka la waayo wuxuu na
amri jiray inaan sadaqo bixino markaas ayuu noo roob dooni jiray, wallaahay
inuusan meeshuu fadhiyey ka istaagayn ilaa roobku na qabto, labo iyo sadex
marba wax ka badan ayaan arrintaan ku arkay.
Marka waagii dambe ayaa geeridii kusoo
xaadirtay, markii uu ogaaday inaan nololi u harin ayuu yiri, isu kaalaya
yahuudeey, maxaad u malaynaysaan inay igasoo saartay dhulkaygii barwaaqada
iyo khamrada badnaa oo ikeenay dhulkaan abaarta iyo balada iyo baaska ah?
Markaas ayaan ku niri, adigaa oge noo sheeg, wuxuu yiri dhulkaygii waxaa iga
keenay inaan sugayo soo bixitaan nabi samaankiisii la gaaray, magaaladaanina
ay tahay meesha uu usoo hijroon doono, marka waxaan rajaynayay in lasoo
saaro oo aan raaco, waxaana idin soo hareeyay xilligii soo bixitaankiisa ee
yaan la idiinka hor marin yuhuudeey, marka lasoo dirana waxaa lala soo diri
doonaa dhiigoo daata iyo maatada iyo dumarkoo laga qafaasho cidda khilaafta
ee yaysan taasi idinka hor istaagin rumaynta nabigaas.
Markii Muxamed (scw) lasoo diray oo uu
khaybar hareereeyey ayey sadexdaan dhalinyarada ahi dheheen, waana niman
dhalinyaro ah, war hooy reer bani-quraydoow wallaahay ninkaani waa Nabigii
uu idin kala ballamay Ibn Haybaan, markaasay ugu jawaabeen maahan isagii,
kooxdaan dhallinyarada ahi marka waa kasoo dhex bexeen oo Islaameen,
markaasaa dhiigooda, maalkooda iyo ehelkoodaba loo amaan galiyay.
Sidoo kale qisada markii hiriqle boqorka
Room uu su’aalaha waydiiyay Abu sufyaan Ibn Xarab wuxuu yiri, waanan ogaa in
nabi waqtigiisii la gaaray, umaananse malaynayn inuu idinka carabta ah
idinka soo bixi doono.
Ansaarta qaar badan oo kamida ayaa
sheegay in sababta ay ku Islaameen hanuuninta Alle kadib, ay ahayd in
markasta oo ay yuhuudda xoogaa xurguf ah u gaystaan ay oran jireen Nabiga
xilligiisii la gaaray intaan rumayno ayaan idin dhamayn doonaa sidii caad
iyo thamuud, marka soo bixitaanka Nabigu (scw) wuxuu ahaa wax iska caan ah
oo ahlu kitaabku meelkasta ka sheegaan, waxayse aamin sanaayeen inuu ayaga
ka soo bixi doono, markii ay arkeen in Nabigii oo ay garanayaan carabta laga
soo saaray ayey cunsuriyad darteed ugu gaaloobeen, waxaana arrimahaan si
wayn u faahfaahiyey qur’aanka kariimka ah fiiri, Suuratul Baqara aayadaha
89-90-91, 100-101, 146, iyo meelo badan oo qur’aanka ka mida.
Nabiga laf ahaantiisa
Nabigu (scw) wuxuu ahaa ruux mucjiso ah
oo lagu arkay waxyaalo badan oo laga yaabay waxaana ka mid ah, in nabinimada
kahor uu dhagax salaami jiray, in markii uu safarka aaday la arkaayay daruur
markasta haraynaysa, in wixii uu ku riyoodo si cad ay u imaan jireen, in hab
dhaqankiisa iyo akhlaaqdiisuba ay ahaayeen kuwa dadka ka sareeya, waxaas oo
dhanna waxay odoros kasii bixinayeen in mustaqbalka shakhsigaani uusan ahayn
mid caadi ah.
Ghaaru xiraa
|
Nabinimadii oo soo dalaalimaysay.
Godkii Xiraa
Markii Nabiga (scw) da’diisu afartanka u
dhawaatay, fakarkiisii iyo indha indhayntiisii horana ay kala fogaysay xagga
caqliga isaga iyo reer tolkiis, waxaa la jeclaysiiyey cidlada iyo ka
fogaanshaha dadka, wuxuu hadaba qaadan jiray biyo iyo caanaboore oo aadi
jiray godka loo yaqaan (ghaaru xiraa) oo korsaaran buurta Jabalu Nuur,
waxayna Makko u jirtaa ilaa labo mayl inkastoo hadda ay magaaladu dhaaftay,
waana god hawada u furan oo dherarkiisu yahay afar dhudhun ballaciisuna
sadex dhudhun iyo dhudhun sadexmeeloodkiis, reerkiisuna waa u dhaw yahay,
markaas ayuu joogayaa bisha ramadaan isagoo quudinaya cidii soo marta oo
masaakiin ah, waqtigiisana wuxuu ku dhamaystaa inuu ku cibaadaysto waxyaalo
ka mida diintii nabi Ibraahim (sc) iyo ka fakarida waxyaalaha ku hareeraysan
oo muuqaalada uunka ah, iyo inuu dareemo waxa ka dambeeyaa uunkaan oo awood
wax abuurta oo yaab badan oo daahsoon ah, naftiisana uma cuntamayn waxa
tolkiis ku sugan yahay oo aaminsanaanta shirkiga ee kala daadsan iyo halka
ay wax fiirinayso ee itaalka daran ah, hasayeeshee hortiisa ma yaal wado cad
uu qaado amase manhaj xadaysan amase dariiq toosan oo uu ku kalsoonaan karo.
Sida muuqatana gooni joognimadaan Nabiga
(scw) loo qoondeeyey waxay ahayd wax ku yimid qorshaynta Alle u dajiyey, si
uu ugu diyaariyo arrinta wayn ee sugaysa, waana lagama maarmaan naf walba oo
la doonayo inay nolosha bashariyada wax ka badasho oo dhinac kale u leexiso
hogaanka taariikhda waa lagama maarmaan inay khalwo gasho oo waqtiga
qaarkiis goonijoog noqoto, si ay uga dhexbaxdo mashquulka dunida iyo buuqa
nolosha, iyo walwalka irsaaqadda iyo muranka dadka dhexyaal ee waxyaalaha
yaryar ee mashquulinaya.
Sidaasaa hadaba Alle Nabiga (scw) ugu
jaangooyay isaga oo ay sugayso xambaarista amaanadii waynayd, isagoo ay
sugayso inuu dunida korkeeda wax ka badalo, isagoo ay sugayso inuu hogaanka
taariikh-da si toosan u saani gareeyo, cuzladaan intuusan dusha u saarin
farrinta wayn ee bashariyada loo soo dhiibay, wuxuuna Nabigu (scw) muddo
sadex sano ah ku qaadan jiray sanadkiiba bil khalwadaan isagoo fiirinaya
abuurkaan uunka ee furan kana fakaraya qaybka wayn ee diimoon ee ka dambeeya
uunkaan, ilaa laga gaaray xilligii uu la xariiri lahaa qudrada ka dambaysa
unkumidda uunkaan muuqda.
Jibriil Oo Waxyigii Lasoo Dagaya
Markii ay u dhamays tirmeen afartan sano
–waana heerka buuxsamidda qofka waxaana layiri cimrigaasaa rususha lagu soo
diraa- waxaa ku bilowday nuurka nabinimada in raadadkeedu u iftiimayo,
raadkaasina waa riyada wanaagsan, waxaa dhacday hadduuba riyo arko inay u
timaado sida waabarigu u dilaacayo oo kale, sidaas waxaa ku gudbay muddo lix
bilood ah, waxaa la yiri muddada nabinimada oo 23-sano ah riyadu waxay ka
tahay meel marka afartan iyo lix meelood loo dhigo, markii hadaba bisha
ramadaan la gaaray ee sanadkii sadex ka ahaa gooni u bixiisa (scw) ayaa Alle
la doonay inuu albaabada raxmadiisa u furo uunka arlada korkeeda ku nool, oo
ku karaameeyey Nabinimada, oo uu soo dagay Jibriil oo sida aayado qur’aanka
ka mida.
Markii si xeeldheer loogu kuurgalay
akhbaaraha taariikhdaan kusoo arooray waxaa suurta gashay in lagu jaangooyo
maalinkaas waxyigu soo dagay inuu yahay maalintii Isniinta ee bisha ramadaan
ahayd 21 waqti habayn ah, waxayna waafaqsan tahay tobanka bisha August
sanadka 610 ciise dabadi, 10/8/610-kii ciise dabadi, cimrigiisuna wuxuu
maalintaas ku xaddadan yahay 40-sano oo dayax ah, lix bilood iyo
12-maalmood, taasoo u dhiganta 39-sano oo qorrax ah, sadex bilood iyo
12-maalmood.
Markaanna bal aan ka dhagaysano
runleeyda Caa’isha (har qabow Alla ha geeyee) oo inoo Marisa qisada
dhacdadaan aad moodid shoclad nuurka ilaahiga ah oo dhex jibaaxaysa
daruuraha iskor fuulay ee gaalnimada iyo baadiyoobidda ah, ilaa ay leexisay
khadkii noloshu ku socotay oo ay saani u toosiyey seedka taariikh-du
haysatay, waxay Caaisho tiri.
1. Wax ku akhir Nabiyow Magaca Eebe ee abuuray (Khalqiga).
2. Dadkana ka abuuray Calaq. 3. Akhri Eebana waa kan sharafta lehe.
4. Ee dadka baray sida qalinka wax loogu qoro. 5. Dadkana baray
waxayna aqoonin.
Dhegayso:
Suurat: Al-Calaq
|
Wixii ugu horreeyey ee Rasuulka (scw)
lagu bilaabay ee waxyiga ahi waa riyada wanaagsan ee hurdada uu ku arko,
wuxuu marka ahaa wax allaale wixii riyo ah oo uu arkaa waxay u timaadaa sida
oogga dilaaciisa oo kale, kadibna waxaa la jeclaysiiyay cidla joogga, wuxuu
marka ku cidlaysan jiray godka (ghaaru xiraa), halkaas oo uu ku
cibaadaysanayo habayno tiro kooban, intuusan reerkiisa usoo laaban, wuuna u
saad qaadan jiray arrintaan, kadibna wuxuu kusoo laabtaa Khadiija markaas
ayuu haddana saadkii oo kale qaataa, ilaa uu uga yimid xaqu isagoo ku jira
godkii ghaaru xiraa, waxaa marka u yimid malak markaas ayuu yiri: Akhri!!:
markaasaan iri waxba ma akhriyi aqaan: wuxuu yiri Nabigu (scw) markaasuu
inta qoorta kor ii qabtay I ceejiyay ilaa uu dhib ii gaystay, kadibna inta
isii daayey haddana yiri Akhri!!: markaasaan iri waxba ma akhriyi aqaan: mar
sadexaad ayuu inta qoorta kor ii qabtay oo I ceejiyay ilaa uu dhib ii
gaystay, haddana isii daayey yiri: (Akhri cuskashada magaca rabbigaa kan
abuuray –uunka-: Insaankana ka abuuray dareerto dhiig ah: Akhri rabbigaa waa
kan ugu sharaf badane)* .
Rasuulku (scw) erayadaan ayuu lasoo
laabtay isagoo wadnuhu gariirayo, wuxuuna usoo galay Khadiija Bint Khuwaylid
markaasuu yiri: Ida dooy!! Ida dooy!! Markaasay dadeen ilaa argagixii ka
tagay, markaas ayuu Khadiija ku yiri, maxaan galabsaday oo la iga rabaa,
wuxuuna u sheegay khabarkii uu la kulmay, -isagoo raaciyey- wallee waxaan u
cabsaday naftayda, markaasay Khadiiyo tiri, maya Allaan ku dhaartaye waligaa
Alle inuusan ku hoojinayn, waxaad adugu xariirisaa arxaamta (qaraabada),
waxaad xambaartaa gablanka looma ooyaanka ah, waxaad keentaa kasabka lama
helaanka ah, waxaad soortaa martida jalaqlaha ah, waxaad u kaalmaysaa
dhamaan irdaha xaqa.
Way la tagtay Khadiija ilaa ay ugala
tagtay Waraqa Ibn Nowfal Ibn Cabdilcuza oo ay Khadiija ilma adeer yihiin,
wuxuuna ahaa nin hore u qaatay diinta nasaarada jaahiliyada dhexdeedii,
wuxuuna ku qori jiray kutubta luqadda Cibriga (luqada yuhuudda), wuxuu marka
Injiil kaga qoray cibriga intii Alla la maagay, wuxuuna ahaa oday da’ wayn
oo indha beelay, Khadiijaa marka waxay ku tiri, ina adeer bal ka dhagayso
wiilkaan walaalkaa dhalay, Waraqa wuxuu yiri adeer maxaad aragtaa? Marka
ayuu Rusuulku (scw) u sheegay akhbaarta wixii uu arkay, markaasuu Waraqa
yiri, kaasi waa khayr sheegihii ilaahay kusoo dajiyey Muuse!! Alla hoogaye
maan dunidaan korkeeda maanta barbaar ahaado!! Alla hoogaygee maan noolaado
maalinta tolkaa ku cayrinayo, Rasuulka (scw) ayaa yiri oo ma i cayrinayaan?
Markaasuu ku jawaabay haa, waligeed nin lama imaan waxa aad la timid oo kale
illaa waa lala colloobaa, haddii aan maalinkaas nolol ku gaarana waxaan kuu
gargaarayaa gargaar xoog badan, kadibna waxba lagama joogin inuu Waraqa
geeriyooday waxyigiina kala go’ay.
Sida ay caddeeyeen qaybaha kala duwan ee
qisadaan Nabiga (scw) malagu wuxuu ugu yimid si kadis ah iyo sida muuqata
qaab cabsi weheliso taasoo Nabiga ku abuurtay argagax wayn ilaa uu yiri
waxaan u baqay naftayda, dhinaca kale wuxuu ka cabsaday markay qisadaani
caanbaxdo hadalada laga yaabo inay kasoo yeeraan bulshada caamada ah ee
maqlaysa, arrimahaan oo Nabiga (scw) walwal wayn ku dhaliyay.
Mufasirka wayn ee Imaamu Dabari iyo
taariikh yahanka Ibn hishaam, waxay soo saareen khabar inoo kordhinaya inuu
godkii ghaari xiraa kasoo baxay kadib markii waxyigu si cabsi badan oo lama
filaan ah ugu yimid, kadibna uu mar dambe laabtay oo dhamays tiray muddadii
uu ku nagaan jiray godka, kadibna uu kusoo laabtay Makko, waxaana sababta uu
godka uga soo baxay tooshka ku ifinaysa qisada qaybteeda uusoo saaray Imamu
Dabari waana tanaa ayadoo faahfaahsan.
Rasuulka Alle (scw) wuxuu yiri kadib
markuu ka sheekeeyey habkii waxyigu ugu yimid, “ma jirin wax makhluuga Alle
ka mida oo aan ka nebcaa qof gabyaa ah amase qof jinnoolow ah, xataa maanan
awoodin inaan xaggooda fiiriyo, markaas ayaan waxaan iskula hadlayaa waxa
maanta iigu fog oo aan ugu nebcahay waa gabyaa ama jinnoolow in la imoodo,
haddana waxaan isleeyahay waxaan Qureysh marna ha u sheegin waligaa, yaysan
waligaa kaaga sheekaysan waxaan, wallee waxaan aadayaa buur dheer dhaladeed
oo aan naftayda ka tuurayaa waana ka raaxaysanayaa dhibkeeda, marka waan soo
baxay anigoo doonaya arrintaan ilaa aan marayey buurta dhexdeeda, waxaan
maqlay cod ka yeeraya xagga cirka oo leh, Muxamadoow waxaad tahay rasuulkii
Alle aniguna waxaan ahay Jibriil!!
Madaxa ayaan kor u qaaday xagga cirka,
mise waa Jibriil oo muuqaal nin oo kale ah oo lugihiisu ku gudban yihiin
jahada samada oo dhan, markaas ayuu haddana wuxuu yiri, Muxamadoow waxaad
tahay rasuulkii Alle anna jibriil baan ahay, marka waan istaagay anigoo
fiirinaya, muuqaalkaani wuxuu iga mashquuliyey wixii maskaxdayda ku jiray oo
dhan, marka horana uma dhaqaaqo gadaalla uma dhaqaaqo, waxaan isku dayey
inaan wajigayga ka jeediyo oo samada dhinacyadeeda kale u jeesto mise dhican
kasta oo cirka ah oo aan fiiriyo waxaan ka arkaa isagii oo sidii ah, marka
kama aanan suulin inaan taagnahay oo aanan hortayda u dhaqaaqayn
gadaashaydana u laabanayn waqti dheer, ilaa Khadiija ay I wayday oo iisoo
dirtay dad aniga iraadinaya, ilaa ay meelkasta iga raadiyeen oo Makko tageen
oo Khadiija ku laabteen aniguna wali meeshii ayaan taagnahay horay iyo
gadaal midna u dhaqaaqi mayo, markaas ayuu iga tagay aniguna aan reerkaygii
ku laabtay ilaa aan Khadiija u imid oo aan cabsi darteed dhabteeda barkaday
anigoo isku dhajinaya, markaasay tiri abal qaasimoow xaggee jirtay?
Wallaahay dad baan diray baadi doonkaagee ilaa ay Makko tageen oo igu soo
laabteen ayagoo aan ku heline.
Markaas ayaan uga sheekeeyey wixii aan
la kulmay, markaas ayay tiri bishaarayso ina adeer oo is adkee allaha wayn
baan ku dhaartaye waxaan rajaynayaa inaad tahay nabigii ummaddaan, kadibna
way istaagtay oo aaday Waraqa Ibn Nowfal markaasay u sheegtay warkaan cusub,
markaas ayuu yiri qudduus qudduus!! Allaha naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku
dhaartaye waxaa u yimid khayr sheegihii ugu waynaa ee nabi Muuse u imaan
jiray, waana nabigii ummaddaan loosoo diray, ee waxaad ku dhahdaa ha is
adkeeyo hana sugnaado, markaasay khadiija soo laabatay oo uga warantay
hadalkii Waraqa, hadaba markii Rasuulku (scw) dhamays tirtay muddadii uu
godka ghaari xiraa joogi jiray oo Makko kusoo laabtay waxaa la kulmay Waraqa,
markaasuu yiri markuu ka dhagaystay wixii uu arkay, Allaha naftaydu gacanta
ugu jirtaan ku dhaartaye waxaad tahay nabigii ummaddaan waxaana kuu yimid
khayr sheegii ugu waynaa ee Jibriil ee nabi Muuse (cs) u imaan jiray.
Muddadii Waxyigu kala joogsaday iyo
Jibriil oo markale qur’aan lasoo dagay
Waxaa jirta muddo waxyigu kala joogsaday
ujeedada laga lahaana ay culumadu ku tafsiireen in Nabiga (scw) cabsidu ka
baaba’do oo uu hubsado inuu noqday nabigii Alle markaas uu waxyigu haddana
dib u bilowdo, hadaba muddada waxyigu kala go’ay dadbaa waxay ku sheegaan
sadex sano amase labo sano iyo bar, hasayeeshee waxaas oo dhan waxba kama
jiraan ee waxay ku koobnayd maalmo kaliya
Taariikh yahanka wayn ee Ibn Sacad wuxuu
Cabdulaahi Ibn Cabbaas ka warinayaa inay muddadaasi ahad maalmo gudahood,
taasina waa xaqiiqada aan laga fursan karin ee saxda ah marka si xeeldheer
loo fiiriyo taariikhdaan dhamaan dhinacyadeeda, Nabiguna (scw) wuxuu
maalmahaas waxyigu kala go’ay joogay isagoo aad u murugaysan oo walwalsan oo
yaab badan uu ka muuqdo, Imamul Bukhaari wuxuu warinayaa in markii waxyigu
kala go’ay uu si qoto dheer uga murugooday taasoo marar badan ku dhalisay
inuu naftiisa dilo oo buur dheer iska tuuro, markasta oo uu buur dhalada uga
baxana waxaa isu muujiya Jibriil oo leh Muxamadoow: waxaad tahay rasuulkii
Alle ee xaqa ahaa, markaas ayuu Nabiga (scw) qalbigu u dagaa oo uu xasilaa
markaas ayuu soo laabtaa, haddana markii muddadu ku dheeraato ayuu sidii oo
kale u kallahaa markuu buurta fuulo haddana Jibriil ayaa isu muujiya markaas
ayuu sidii oo kale ku dhahaa.
Al-xaafid Ibn Xajar wuxuu yiri, kala
go’aas waxyigu wuxuu ku koobnaa maalmo qura, si ay Nabiga (scw) uga tagto
argagixii markii hore ku dhacay, sidoo kale si uu u jeclaysto in mar kale
Jibriil soo laabto, hadaba markii ay naxdintii hore iyo wareerkii ka dul
kacay , oo uu hubsaday xaqiiqada calaamadihii uu la kulmay, oo uu ogaaday si
yaqiin ah inuu noqday nabi loo waxyoodo oo uu soo dirsaday Allaha wayn ee
sareeya, uuna hubsaday in cidda u timid ahayd safiirkii waxyiga waxa uu
keenayna aheeyeen khabarkii samada, oo uu arrimahaan ka helay quwad ku
dhiirrigalisa dulqaadka, ayaa Jibriil mar labaadkii soo laabtay isagoo wada
aayado qur’aan ah.
1. (Nabiga) Isdadayow. 2. Istaag oo dig. 3.
Eebahaana Waynee. 4. Dharkaagana daahiri. 5. Xumaanta ka hijroo (iyo
sanamyada).
Dhegayso:
Suurat: Al-Muddathir
|
Bukhaari wuxuu soo saaray xadiith uu ka
warinayo Jaabir inuu maqlay Nabiga (scw) oo ka sheekaynaya kala go’ii
waxyiga wuxuuna Nabigu (scw) yiri, anigoo soconaya ayaan waxaan maqlay cod
xagga cirka ka yeeraya markaas ayaan xagga sare fiiriyay, mise waa malagii
iigu yimid godkii xiraa oo ku fadhiya kursi hawada dhexe ee cirka iyo dhulka
u dhaxaysa, markaas ayaan ka cabsaday ilaa aan dhulka ku dhacay, markaas
ayaan reerkayga ku soo laabtay anigoo leh, war idadooy war idadooy,
markaasaa la idaday, waxaana Alla subxaanah soo dajiyay “hooy kan is
dadayoow: Istaag oo dig: (Yaa ayuhal mudathir: Qum Fa’andir) ilaa laga gaaro
qowlka Alle ee (Warrujza Fahjur) kadibna waxyigii waa soo batay oo iska daba
yimid.
Faahfaahin Noocyada Waxyigu U Yimaado
Intaynaan bilaabin sharaxa dacalada
noloshii Nabiga (scw) iyo Rasuulnimada, waxaan u baahanahay inaan dulmaro
qaybaha waxyiga uu Nabiga (scw) ugu imaan jiray, innagoo aqoonsanayna
noocyadaan waxyiga oo ah isha dacwada Nabigu (scw) ka dab qaadanaysay iyo
gurmadka hogaanka u hayay, hadaba Al-imam Ibn Qayim wuxuu yiri isagoo
faahfaahinaya noocyada waxyiga.
Mid kamid ahi waa ru’yada runta ah ee uu
hurdada ku arko, waana noocii uu waxyiga Nabigu (scw) ku bilowday
2- Nooc uu jibriil Nabiga (scw)
ruuxdiisa iyo qalbigiisa ku afuufo isagoo aan arag Malaga, waana kan uu
Nabigu (scw) yiri, “Ruuxul qudus (Jibriil) wuxuu naftada ku afuufay inaysan
nafina dhiman doonin ilaa ay dhamays tirato risqigeeda ee dadoow Alle ka
cabsada oo qurxiya kasabka raadintiisa, yaysanna idinku kallifin irsaaqadda
oo soo daahdaa inaad ku raadisaan si aad Alla ku caasinaysaan, waxaa Alla
agtiisa yaala laguma helo Isaga in loo hogaansamo mooyee.
3- In Nabiga (scw) malagu isugu soo
ekeeyo nin suuradiis oo uu markaas la hadlo Nabiguna (scw) xafido waxa uu
leeyahay, marka uu sidaan isu soo ekeeyo saxaabada ayaa arki jiray mararka
qaarkood
4- Inuu ugu yimaado hab aad u shido
badan oo uu maqlayo cod aad mooddo sharqanta ka baxda bir xadiida marka
dhagax dushiis lagu garaaco, noocaani waa kan Nabiga (scw) ugu daran, malagu
si shido badan ayuu u fahansiinayaa ilaa Nabiga (scw) uu dhidid ka shubmi
jiray maalinta qabowga badan, ilaa hadii uu gaadiid saaran yahay neefka
geela ahi fariisto inta qaadi waayo culayskiisa, maalin waxaa dhacday inuu
sidaan oo kale ugu yimid ayadoo lugtiisu saaran tahay lugta Zayd Ibn Thaabit
markaas ayay ku cuslaatay ilaa uu mooday in lugtiisii shiidantay culays
dartiis
5- Inuu Malaga ku arko suuraddii Alla ku
abuuray, markaa uu u waxyoodo wixii Alla amray inuu usoo waxyoodo, sidaanna
laba goor ayay dhacday sida Alle ku sheegay Suurada Najmi, oo labadaba uu
nabigu suuxay intuu u dulqaadan waayey muuqaalka makhluuqaas Alle abuuray
6- In Alla si toos ah ugu waxyoodo,
waana sidii ka dhacday todobada samo korkooda habaynkii Micraajka oo markaa
salaadda lagu soo waajib yeelay, waxyaalo kale oo badanna la amray
7- In lagu soo gaarsiiyo hadalka Alle oo
toos ah, ayadoo aan malag u dhaxayn sidii nabi Muuse loola hadlay oo kale,
marka la hadlidda Muuse qur’aanka ayaa sheegay tan Nabigeenuna waxay ku
sugan tahay xadiithka Israaga
8- Martabo kale oo la sheegay waxa ay
tahay in Alle si toos ah ula hadlo ayadoo aan xijaab u dhaxayn oo uu arko,
hasayeeshee waa arrin aan la isku waafaq sanayn culumada qaarkood ayaa
aaminsan, mana jiro daliil diini ah oo si cad u sheegaya, asalkuna waa inaan
cidina Alle aduunka ku arkayn Aakharo mooyee.
Hadalkii Ibn Qayim waa dhamaaday inagoo
xoogaa soo gaabinay.
______________________________________________
1- qisadaan Imamu dahabi iyo sheekhiisa
Al-xaakim waa saxiixiyeen Ibn kathiirse daciif ayuu ku xukumay, fiiri
Albidaaya 2/287,
2- fiiri saxiixul Bukhaari baabka dhismihii kacbada 1/540
3- fiifi mucjamka dabaraani ee wayn 5/88 sidoo kale dalaa’ilu nubuwa
Albayhaqi 2/34
4- fiiri siiratu nabawiya assaxiixah 1/118—121
* aayadaha soo dagay waa ilaa qowlka Alle ee (callamal Insaana maalam yaclam)
Nabigoo la amray inuu
dacwada dadka ugu yeero iyo kooxdii ugu horraysay ee Islaamtay.