Mudadii xukunka masar uu haystay Nabi
Yuusuf (CS) dadka reer masar waxa ay noqdeen dad illaahay (sw)
kalinimadiisa rumeyey, waana waxa loo soo diray anbiyada oo dhan,
dhimashadii Nabi Yuusuf ka dib Reer masar waxa ay ku noqdeen halow
iyo shirki, reer binu israa’ilna waxa ay dhex gelaan mushtamicii
masar, badhbaa halaabay oo diinta ka baxay badh kalena waxa ay ku
soo hadheen tawxiidkii wayna farabateen reer binu Israa’iil waxana
korodhayn tiradooda.
Masar waxa xukumi jiray boqor madax
adag oo reer masar ay caabudi jireen boqorkani waxa uu u arkayey in
reer Binu Israa’il sii faro badanayaan oo boqortooyadiisana ay
qabsanayaan, waxana uu maqli jirey sheekooyin odhanaya inan reer
binu israa’il ah ayaa dumin doona Fircoon boqortooyadiisa masar ka
dhisan,
Fircoon
waxa uu soo saaray go’aan amraya in la dilo inankii reer binu
israa’il ah ee dhashaba waxana la bilaabay nidamkaa sii loo hirgelin
lahaa, waxana uu yidhi la taliyihii Fircoon kuwa gaboobay ee reer
binu israa’il wey dhimanayaan kuwa yaryarna waa la qawracayaa sidaas
ayeyna ku dhamaanayaan reer binu Israa’il.
Dadka reer masar waxa ay noqdeen umad
taagdaran maamulkuna waxa uu doorbiday in la dilo inankasta oo
dhasha, Inamada yar yar ee dhasha sanadna waa la dili jiray sanadna
waa la deyn jiray, Fircoon waxa uu moodayay marka uu arinkaa
samaynayay in uu xalkan ku nabad gelayo, Nabi Haaruun (CS) waxa uu
dhashay sanadkii aan caruurta la dilayn hooyadii waxa ay dhashay
iyadoo rumeysan in uu u nabad gelayo inankeedu, Sanadkii ku xigeyay
ee inamada la laynayey waxa dhashay Nabi Muuse (CS) Muuse hooyadii
waxa ku dhacay cabsi iyo argagax weyn iyadoo ka baqaysa in la dilo
wayna la dhuumatay iyadoo ku naas nuujunaysay si qarsoodi ah, waxa
la soo gaadhay habeenkii barakaysnaa ee illaahay u soo waxyooday
Nabi Muuse hooyadii illaahay (SW).
“Waxanu ugu waxyoonayn Nabi Muuse
hooyadii in ay naas nuujiso marka ay u baqatana in ay ku tuurto
biyaha dhexdooda iyadoo cabsi iyo murogo midna ayna ku jirin, waanu
u soo celin doona xagaaga waxana uu ka mid noqon doona kuwa rasuusha”
Waxa la amray in ay Nabi Muuse hooyadii ay sameyso Sanduuq yar
muusana ay ku dhex rido ayna la tagto wabiga dhinaciisa oo ay
raaciso wabiga biyaha, waxa ay la hayd nabi muuse hooyadii qalbiga
hooyooyinka oo kale waa qalbiga ugu raxmada badan aduunyada, waxana
ka buuxsamay qalbigeeda warwar iyo murugo iyadoo weliba ilmaheeda
raacinaysa biyaha wabiga laakiin way ogayd in illaahay uga naxariis
badan yahay iyada oo illaahay yahay rabiga muuse iyo wabiga niilkaba,
inkastoo markii hore biyaha niilku fara badnaayeen illaahay (SW)
waxa uu ku amray moojadihii biya niilka in ay si degan u socdaan
inta ay sidaan ilmaha yar ee nabiga noqon doona sidii uu illaahay
(SW) u amray naartii lagu riday nabi Ibraahim (CS) in ay noqoto
Qabow iyo nabad gelyo sidaas oo kale illaahay waxa u faray wabiga
niilka in uu qaado muuse si degana u wado ilaa inta uu gaadhayo
qasriga furcoon, Biyihii niilka ayaa qaaday sanduuqan cisiga leh ee
uu ku jiro muuse geeyeyna qasrigii fircoon halkaas oo mowjadihii
siday ay ku wareejiyeen.
Markii uu waagu baryey waxa soo baxday
gabadhii fircoon oo ku socoto beertii qasriga, gabadha fircoon aad
ayey uga duwaneyd fircoon isagu waxa uu ahaa kaafur iyaduna waxa ay
ahayd muuminad isagu waxa uu ahaa mid naxariis daran iyaduna waxa
ayad mid naxariis badan mar labaad waxa ay ahayd gabadh aad u
murugaysan wax caruur ahna u may dhalin fircoon wana ay jecleed in
ay mar uun agteeda ay ku aragto ubad, markii ay ku dhowaatay biyihii
niilka ayey heshay Sanduuqi wayna soo qaaday waana la furay sanduuqi
waxana ay aragtay muuse oo ku jira sanduuqa oo inan yar ah markiiba
waxa ay qalbigeeda ka dareentay jaceyl illaahaybaana qalbigeeda ku
tuuray kalgacal waxana ay soo qaaday sanduuqi, muuse waa uu soo
baraarugay waxana uu bilaabay in uu ooyo waxana uu u baahnaa naaskii
uu jaqi jiray subaxnimada, fircoon ayey gabadhiisi ula timi iyadoo
sidata ilma yar waxana uu weydiyay naa halkee ayaad ka keentay
ilmaha yar waxana ay uga warantay sanduuqi waxana uu ku yidhi hadal
ka soo go’aya qalbi aan raxmad lahayn kolay waa inan yar oo reer
binu israa’il ah oo sanadkani mayna ahayn sanadkii la leyn jiray?
gabadhii fircoon inta ay ilmihii yaraa halkaa laaabteeda ay ku
qabtay ayey qaylisay illaahay (SW) isagoo nooga waramaya waxa ay
tidhi gabadhii fircoon waxa uu inoogu sheega ayaad quraan ah “Waxa
ay tidhi gabadhii fircoon waxa uu ii yahay aniga mid indhuhu ay ku
qaboobaan ee hadilina waxa laga yaaba in uu ina anfaco oo aanu inan
ka dhigano”
Fircoon waxa uu xasuustay yaraanta
awooda gabadhiisa waana uu ka aqbalay waxii ay doonaysay waxana uu u
ogalaaday inankan yar in lagu koriyo qasrigiisa, muuse waxa uu
bilaabay oohintii waxana la amray in loo yeedho gabadh naas nuujisa
waxana la keenay gabadh muuse naaska nuujinaysa qasriga fircoon way
qadan laakiin wuu diiday in uu naaskeeda jaqo waxana la keenay ku
labaad iyo su sadexaad iyo ku tobnaad intaba waa uu diiday muuse in
uu jaqo naaska isagoo welibana oogaya, gabadhii fircoon way ku ag
warwareegtay iyadoo garan la wax ay samayso, gabadha fircoon oo
kaliya may murugaysnayn oo may oogeeyn laakiin waxa ka darnayd oo
iyana meel kale ku murugaysnayd muuse hooyadii, muuse hooyadii kumay
dhowaan marka ay ku tuuraysay wabiga niilka ilaa ay mooday in ay
qalbigeedi ku tuuraysay biyaha, biyihii niilkuna way ka qariyeen
sanduuqi wax war oo danbena kamay helin.
Waagi danbe ayaa baryey iyadoo
galbigeeda ay ku wareegayso murugadii ilmaheedu waxana ay ku
dhowaatayba in ay tagto qasrigii fircoon oo ay ku sheegto in uu
yahay inankeedi wixii dhacayaaba ay dhacaan illaahay ayaa soo qabtay
qalbigeeda oo ka buuxiyey nabad wayna iska degtay oo ay sugnaatay,
arintii oo dhamina waxa ay noqotay in ay tiraahdo walaashii waxa aan
tagayaa qasriga fircoon agtiisa si aan u soo ogaado muuse xaalkiisa,
waxayna ay tagtay muuse walaashi qasriga fircoon agtiisa waxa ay
meel durugsan ay ka maqashay oohintii muuse waxana ay aragtay iyagoo
garanla si ay yidhaahdaan waxana ay maqashay in uu diiday in uu
dumarka naaskooga jaqo, waxa ay ku tidhi shaqaalihii fircoon ma idin
tusaa qoys naas nuujinaya oo kafaala qaadanaya oo u adeegaya laguna
halaynayo hawsha inankan yar, gabadhii fircoona aad iyo aad ayey ugu
faraxday arintan waxana ay muuse walaashi ay u sheegtay in ay u
yeedho gabadhan muuse walaashiina way noqotay waxana ay keentay
hooyadeed, hooyadii ayaana naas nuujisay waxana ay tidhi gabadhii
fircoon qaad ilaa inta uu naas jaqida uu dhamaysanayo oo nagu soo
celi marka naasku ka gudho waxana aanu ku siin doonaa abaal marin
weyn sidaas buuna illaahay Nabi Muuse ugu soo celiyay hooyadii si
indhahedu ugu qabooban oona ay u murugoon si ay u ogaato in balan
qaadka illaahay uu xaq yahay.
Illaahay (SW) waxa uu ku yidhi
suuratul Qasas “Wuxuu noqday qalbigii muuse hooyadii mid madhan
markii ay ku dhowaatay ka dib” “Waxa aan ka manciney dumarkii
kale naaskoogi mar kii hore waxay tidhi walaashii ma idin tusaa qoys
kafaala qaadanaya oo nasteex idin ah” “Waxanu ku soo celiney
hooyadii si ay indhaheedu ugu qabowsadaan oona ay u murugoonin una
ogaato in uu balan qaadka illaahay yahay xaq laakiin dadka
badankoogu ma garanayaan”
Markii ay muusa hooyadii ay ka
gudhisay waxa ay ku celisay gurigii fircoon waxana jeclaaday dadkii
oo dhan illaahay (SW) waxa uu ku yidhi suuratul Daah “Waxa aan ku
geliyey kalgacal xagayga ah”
Muuse waxa uu noqday ilma yar oo cid
kasta oo aragtaaba ay jeclanayso wakhtigaa waxa uu ku suganaa mid ka
mid ah qasriyada aduunka kuwa ugu waaweyn, isagoo lagu
tarbiyadeenayo ilaalin xaga illaahay ah, tarbiyada muuse waxa ay ka
bilaabmatay guriga fircoon gurigaas oo ay ku sugnaayeen kuwa ugu
waaweynaa murabiyiinta iyo macalimiintii xiligaa, wakhtigaana masar
waxa ay ahayd dowlada ugu weyn aduunka, fircoona waxa uu ahaa
boqorka ugu quwada badan aduunka, sidaa darteedna waxa uu awood u
lahaa in uu soo kaxaysto macalimiinta iyo mufakiriinta ugu cilmiga
badan aduunka sidaas ayuu illaahay kula doonay xigmadiisa in uu
muuse ku tarbiyadeeyo tarbiyada ugu weyn uguna balan qaaday
macalinka ugu weyn in tacliintiisana uu ku dhamaysto isagoo ku sugan
guriga cadowgiisa kana faa’iidaysanaya fursada ah doonista illaahay.
Muuse waxa uu ku wey naaday guriga
fircoon waana uu is ogaa in aanu ahayn ina fircoon ee uu yahay reer
binu israa’il waxana uu arki jirey sida ay u hatigayaan askarta
fircoon iyo kuwa la socdaa reer binu israa’il, markii uu gaadhay
muuse afartan jir ayuu soo gelay magalada goor aan dadku ogeyn
isagoo magalada dhex socda ayuu arkay nin ka mid ah kuwa fircoon
raacay oo garaacaya nin reer binu israa’il ah ninkii daciifka ahaa
waxa uu kaalma ka dalbaday Nabi Muuse (CS), muuse ninkii waa uu
dilay, muuse waxa uu ahaa nin xoog badan ninkana muu dooneyn in uu
dilo ee waxa uu doonayey in uu garaaco oo kaliya laakiin markii ugu
horeysay ee uu gacantiisa ku fidiyeyba ninkii waa uu ku dhintay,
muuse naftiisi waxa uu is yidhi waxa aad samaysay waa camal shaydaan,
shaydaankuna waa cadow dadka haleeya intaa ka dib muuse rabigiisa
ayuu baryey waxana uu yidhi:-Rabiyow waxa aan dulmiyey nafteydi
ee ii denbi dhaaf, illaahayna uu u denbi dhaafay.
Illaahay (SW) waxa uu kaga waramay
Suuratul Qasas
“Markii uu gaadhay heer uu adkaaday
oo uu sugnaaday waxanu siinay xukun iyo cilmi sidaas ayaana ku abaal
marinaa dadka wanaagsan” “Waxa uu soo galay magaladii goor aan cidi
ogeyn wax uu arkay laba nin oo is dilaaya oo midi yahay qoladooda
midna uu yahay qolo ay col yihiin ninkii qoladooda ahaa ayaa gargaar
ka dalbaday si uu uga hiiliyo kan cadowgooga ah muuse gacan ayuu ula
tagay ninkii waana uu dhintay ninkii, waxa uu yidhi waxaasi waa
camal shaydaan, shaydaankuna waa cadow dadka haleeya oo cad (15)
waxa uu yidhi illaahayow nafteydi ayaan dulmiyayee ii denbi dhaaf
illaahayna waa uu u denbi dhaafay, illaahay isagaa denbi dhaaf leh
oo naxariis badan (16) waxa uu yidhi rabiyow wixii nimco ah ee aad I
siisay noqon maayo mid ugu gargaara mujrimiinta”
Muuse waxa uu noqday nin magalada
godob ka gelay oo ka baqaya lana baadi goobayo xaalkii Nabi muuse
(CS) mudo ayuu sidaa uu ahaa iskana ilaalinayey in uu shargalo
isagoo la baadi goobayo oo dhan walba iska eegaya ayuu is qarin
jiray.
Muuse waxa uu illaahay balan kula
galay in aanu u gargaari kuwa mujrimiinta ah manuu dhex geli jirin
kuwa u doodaya mujriminta iyo kuwa rabshado wadayaasha ah marka ay
is qabsadaan kuwa qoomkiisa ah, muuse waxa uu la kulmay ninkii uu
maalintii hore wax ka celiyey oo meel ka qaylinaya oo isku madhan
yihiin mid ka mid ah qoladii masriyiinta ahayd muuse waxa uu gartay
in uu yahay rabshadwade reer binu israa’il ah, markii uu muuse ka
qabo is yidhi ayuu ku qayliyey waxana uu ku yidhi “Waxa aad tahay
nin aad u xoog weyn” muusena waxa uu ku yidhi kalmad la mid ah
oo uu ugu hanjabay ninkii, ninkii reer binu israa’il waxa uu u
qaaday in uu ninkan dilayo waxana uu xasuusiyey ninkii uu muuse
dilay muusena waa uu ka joogsaday, Muuse waa uu ka aamusay isagoo ka
cadhaysan waxan uu soo xasuusiyey sidii loogu denbi dhafay iyo
toobadii iyo balankii uu illaahay kula gelay in aanu u gargaarin
mushrakiinta ayaa ku dhex wareeqay qalbiga muuse, muuse waa uu
iskaga dhaqaaqay isagoo illaahay denbi dhaaf waydiisanaya.
Masrigii rabshadwadaha ahaa waxa uu
ogaaday in uu muusa dilay ninkii masriga ahaa ee shalay ee aasayeen
cidina mey ogeyn in uu dilay muuse isla markiina ninkii waxa uu ku
baahiyey warkii magaladii oo dhan waxana uu ka shifay sirtii muuse
waxana uu cadeeyey arinkiisi, waxa muuse u yimi nin masri ah oo
muumin ah oo cararaya waxana uu Nabi Muuse (SW) kula taliyey in uu
magalada iskaga baxo.
“muuse waxa uu waa bariistay in uu
magalada dhex deedi ku cabsado lana deydayo waxana uu la kulmay
ninkii uu shalay u hiilinayey oo qaylinaya waxana uu ku yidhi muusow
waxa aad tahay nin xoogweyn markii uu muuse doonay in uu dilo ninkii
cadowgooga ahaa ayuu ku yidhi muusow ma waxaad doonaysaa in aad I
disho sidii kii aad shalay dishay oo kale waxa aad doonaysaa uun in
aad dhulka ku kibirto ma doonaysid in aad noqoto kuwa wax
hagaajinaya (19) waxa u yimi nin cararaya oo ka yimi dhinaca
magalada waxana uu ku yidhi muusow madaxdii way ku shirqoolayaan si
ay kuu dilaan ee iskaga bax magalada waxa aan ku ahay nasteex”
Illaahay (SW) waa uu inaga qariyey
inkaa muuse u digay magaciisa, waxana aynu halkaa ka garanaynaa in
uu ahaa ninku nin mudakar ah marka laga eego sida uu u soo ogaaday
shirqoolka muuse lagu waday ee ay wadeen dadka madaxda ah hadii uu
yahay shaqsi caadi ah muu ogaadeen shirqoolkan ninkun waxa uu
garanayey muuse in aanu mutaysan in la dilo marka loo eego denbigii
uu shalay gelay waayo ninku waxa uu ku dhintay khalad, xeer
ciqaabeedka qadiimka ah ee masar waxa uu ahaa in lagu xukumo xadhig
ee maxaa keenay in la dilo? Halkan waxa ka muuqata cibarada ah in uu
ninkan masriga ihi muuse nasteex u yahay, jawaabteeda ayaan soo
dhigayaa horteena waxa ay ila tahay “Madaxdii wey ku
shirqoolayaan” xogaamiyaashu waa madaxda qoom u saraysa ee
hogaamisa waxa ay diyaariyeen mu aamarad denbiga caadiga ah iyadoo
loo soo bandhigin maxkamad iyo qaadi toona in la geeyo jeel maxaa
soo geliyey meesha madaxda ee ku kalifay in ay noqdaan darafka mid
ah shaqsiyaadka doonaya si loo dilo muuse, waxa ay ku bilaabmatay in
aanu qofna muuse jeclayn waanu uu ogaa in uu yahay reer binu
israa’il waanu ogaa sanduuqi hooyadii ay ku soo riday markii ay
biyuhu keeneyn qasriga fircoon.
Khiyaamadii ay soo diyaariyeen kuwa
damacsanaa mansabkiisa si uu ugu soo beegmay inan yar oo israa’ili
ihi waxana la gudboonayn in aanu ku soo beegmin, mar labaad ayuu
helay fursad kale markii la ogaaday ninkii uu dilay.
Arintan waxa ku farxay wixii joogay
qasriga oo dhan waxana ay go’aansadeen in ay dilaan illaahayna muuse
waxa uu u soo diray nin masri ah oo caqli badan oo uga diga
nasteexna uga ah si uu uga baxsado wajiga daalibiinta .
Muuqaalka qaybta labaad ee qisada waxa
inooga muuqanaysa ninkii muuse oo ka baxsaday magalada go’aana ku
gaadhay in uu ka baxo cabsi darteedna hareera iska eegaya
shanqadhana dhaqaysanaya qalbigana illaahay ka baryaaya “Rabiyow
iga nabad geli qoomka daalibiinta ah” Runtii waxa ay ahaayeen
qoom daalimiin ah waxana ay doonayeen in ay danbigiisa ku dabaqan
dil aanu u badheedhin waxa uu geestayna waxa uu ahaa nin uu gacanta
ku fidiyey oo dhintay isagoo u badheedhin muuse masar waxa uu uga
baxay si deg deg ah manuu tagin qasrigii fircoon manuu badalan
dharkiisi wax sahayna muu qaadan go’aanka safarkiisana kumey jirin
in uu soo noqdo manuu wadnin wax gaadiid ah oo uu fuulo cidkalena
lamay socon, markii uu ninkii muuminka ahaa uu u digay ayuu baxay,
waxana uu doortay dariiq aan ahayn dariiqi la marayey waxana uu
gelay lama dagaan saxara ah waxana uu waajahay goor illaahay u
qadaray isagoo ilaalinaya, safarkan muuse may jirin meel u xadidan
uu tago waana markii ugu horeysay ee uu saxaraha kaligii u baxo.
Muuse kaligii ayuu lugeeyey saxaraha
waxana uu soo gaadhay meesha la yidhaa Madyan waxana uu ag
fadhiistay ceel weyn oo biyaha laga cabo si uu ugu nasto, intii uu
soo socday Nabi Muuse (CS) waxa uu ka baqayay in furcoon col ka soo
daba diro oo la qabto, muuse markii uu ku soo dhowaaday magalada
Madyan waxa uu hoos jiifsaday geed isagoo haraad iyo gaajo
bastii ah waxa ka dhacday ka bihiisi mid ka mid ah daalka iyo
dhibaatada saxaraha darteed, muu haysan lacag uu ku iibsado kabo iyo
cunto iyo wax uu cabo toona, muuse isagoo oo dhibaatadan adagi
haysato ayuu ku soo baxay dad adhi waraabsanaya dadkaas oo ay ka mid
ahaayeen laba hablood oo adhigoogi celinaya si uuna adhiga dadka
kale ugu darsanin isla markiina muuse waxa uu dareemay in ay
labadaan hablood ay u baahan yihiin cid kaalmaysa waxana uu u
dhaqaaqay dhinacoogi waxana uu weydiyay in uu caawin karo,
Mufasiriinta badhkood waxa ay yidhaadeen sababta habluhu adhiga u
waraabin kari weyeen waxa ay ahayd in ceelka dhusha uu ka saarna
dhagax weyn dhagaxaas oo ayna qaadi jirin tobon qof wax ka yari
muuse ayaa u yimi ka dibna dhagaxii ka qaaday oo waraabiyay
adhigoogi.
Cumar Binu Khadaab (RC) waxa uu yidhi:
dhagaxaa toban qof wax ka yari may qaadi jirin.
Muuse intaa ka bacdi geed ayuu iska
hoos fadhiistay waxana uu yidhi erayadan ducada ah ee illaahay (SW)
quraanka inooga waramay “Waxa uu yidhi rabiyow anigu wixii aad I
siiso ee khayr ah waxa aan ahay mid u baahan” ibnu cabaas (RC)
waxa uu ku fasilyay aayadan isagoo leh:- muuse waxa uu lugeeyey
masar ilaa Madyan waxa uu cunayayna waxa uu ahaa baqalka iyo
dhirta caleemaheeda isagoo muuse cagaha jiidaya ayay labadii kabood
ee uu xidhnaa kab ka mid ah ay ciidu ka qabsatay isagoo aad u daalan
ayuu geed hoos fadhiistay, ninka sidan ihi waxa uu ka mid ahaa kuwii
uu illaahay ka doortay khalqigiisa,
Illaahay (SW) waxa uu noogu sheegay
aayadan qisa dhex martay labadii hablood ee adhiga u waraabiyay “Waxa
u timid mid ka mid ah oo socota waxa ay ku tidhi iyadoo xishoonaysa
aabahay ayaa ku yeedhaya si uu ku abaal mariyo sidii aad xoolaha
noogu warabisay, muuse markii uu u yimi uu uga waramay qisaskii waxa
uu ku yidhi ha cabsanin waad ka nabad gashay qoomkii dalimiinta
ahaaye, waxa ay tidhi mid ka mid ah hablihii aabo abaal marin sii
isagaa ugu khayr badan mid abaal marin la siiye waa mid quwad leh oo
aamin ah, wuxuu yidhi waxa aan doonayaa in aan ku guuriyo labadeyda
hablood mid ahaan sideed sanadoodna aad ii shaqayso hadii aad toban
ka dhiganayso adiga ayay ku jirtaa ma doonayo in aan ku dhibaateeyo
waxana aad ogaan doontaa hadii alle yidhaado in aan ka mid ahay kuwa
wanaagsan sidaas ayaana isku og nahay wax cadoowad ihina dushayda ma
aha waxa aan leeyahayna illaahay ayaan u wakiilanayaa”
Aayadahani waxa ay ka waramayaan
markii muuse soo warabiyay adhigii hablihiina soo raacen oo loo yimi
hablaha aabahood iyo reerkoogi ayay habluhu aabahood uga warameen
wanaaga muuse u sameyey iyo sida uu u mudan yahay in loo abaal gudho.
Markii uu muuse hoos fadhiistay geedka
uu yidhi “Rabiyow wixii aad I siisay ee khayr ah waan u
baahanahay” waxa maqashay mid ka mid ah hablihii waxayna u
tagtay aabaheed waxayna uga warantay muuse odaygii waxa uu amray mid
ka mid ah hablihiisi in ay u yeedho “Way u timid midkood iyadoo u
socota si xishood leh” Cumar Binu Khadaab (RC) waxa uu yidhi:-
isagoo tilmamaya xishoodkan kan illaahay (SW) ku tilmaamay aayadan
markii ay muuse u imanaysay gacanteeda ayay wajigeeda ku asturtay, “Aabahay
ayaa ku yeedhaya si uu kaaga abaal mariyo sidii aad noogu warabisay”
kalmadan kor ayay u tidhi si aan ribo u gelin hadalkii ay is
yidhaadeen taasina waa dhamaystirkii xishoodkeeda “Markii uu yimi
ee uu ga waramay qisaskii” wixii arinkiisu ahaa siduu kaga soo
baxay masar iyo fircoonkii uu ka soo baxsaday waxa uu ku yidhi “Ha
baqanin waad ka soo badbaadaye qomkii daalimiinta ahaa” waad ka
soo baxday dhulkii ay maamulayeen dawladoodina lama joogtid.
Waa la isku khilaafay odaygaan uu
muuse u yimi waa kuma? Waxa la yidhi waa shacayb (CS) isaga ayaana
caan ah sida ay dad badani u haystaan dadka sidaa leh wax ka mid ah
Xasan Al basri iyo Maalik Binu anis laakiin dad faro
badani wax ay yidhaaden shuceyb waxa uu noola mudo dheer intii
qoomkiisa la halaagay ka dib ilaa uu muuse soo gaadhay oo hablihiisi
mid ka mid ahna u guuriyay Xasan Al Basri waxa uu leeyahay
ninkan ay muuse kulmayn waa shucayb waxana uu ahaa ninkii lahaa
biyaha magalada laakiin muu ahayn Nabi ninkan reer Madyan
shucaybna inaadeerkii ayuu ahaa waxana la yidhi waxa uu ahaa nin
muumin ah oo qoomkii shucayb ah, waxa kale oo la yidhi waxa uu ahaa
nin la yidhaa Yasruun kitaabada ehlu kitaabadana waxa ku qoran
yasruun in uu ahaa faaliye reer madyana ah oo ah nin weyn oo aad u
cilmi badan, Ibnu Cabaas iyo Abu Cubayda waxa ay yidhaadeen
magaciisu waa yasruun abu cubayda waxa uu ku daray in uu ahaa
shucayb inaadeerkii ibnu cabaasna waxa uu ku daray in uu ahaa ninkaa
rer madyan.
U jeedada waxa looga jeeda markii la
marti geliyay si wanaagsana loo qaabilay kana sheekeyay wixii uu soo
maray waxa loogu bishaareyey in uu soo nabad galay, markay arin
halkaa marayso ayay labadii hablood mid ka mid ihi tidhi “Aabo
abaal marin sii” adhigana ha inoo raaco waxana ay ku amaantay in
uu leeyahay quwada iyo aaminimo, Cumar, Ibnu Cabaas, Shureex, Abu
maalik, Qataada, Maxamed Binu Isaxaaq iyo kuwa kale waxa ay
yidhaadeen marka ay inantu aabaheed u sheegtay in uu aamin yahay
awoodna leeyahay waxa uu ku yidhi aabaheed maxaa ku ogaysiyay?
Waxayna ku jawaabtay aabo waxa uu ka qaaday ceelkii dhagax aan toban
qof ayna qaadi Karin markii aan u imi ee aan soo hor galayna waxa uu
ugu yidhi iga danbee hadii aan dariiqa ka lumana I tilmaam, Ibnu
Cabaas (RC) waxa uu yidhi dadka sadex ayaa ugu fiicnaa Ninkii
Nabi yuusuf yidhi meel wanaagsan dejiya iyo inantan ku tidhi
aabaheed aabo muuse abaal gud wanaagsan sii iyo abu bokor
sidiiq markii uu iska danbaysiyay cumar.
“Waxa uu yidhi waxa aan doonayaa in
aan ku guuriyo mid ka mid ah hablahayga iina shaqayso sideed
sanadood hadii aad toban ka dhiganaysana adiga ayay ku jirtaa mana
doonayo in aan ku culaysiyo waxana iga heli doontaa hadii alle
yidhaa in aan ka mid ahay kuwa wanaagsan”
Akhri Qaybta 2aad... Guji halkan
Waxa si wada jir ah u diyaariyey
Cabdifataax Xasan Aadan
Axmed Ismacil Xasan (Bucul)
cabdifataax_96@hotmail.com
Feefin: SomaliTalk.com March 2,
2004