Dhibaatooyinkii Sunta Lagu Duugey Soomaaliya Intii u Dhaxaysey
1992 ilaa 1998
QAYBTA 4aad:
Tarjumadii: SomaliTalk.com | Janaayo 2009 | Qaybta: 1aad
| 2aad | 3aad |
4aad | 5aad
Gen. Morgan |
Qoraal ay faafisay jariidadda Famiglia Cristiana caddadkeedii 47aad ee soo
baxay
November 29, 1998, ayey ku sheegtay in ay jireen isku day la doonayey in
haraadiga sunta Nuclear-ka lagu aaso Gobolka Jubbada Hoose. "Laba sano ka hor
(1996),
shirkaddo ajaanib ah ayaa nagala soo xiriiray Nairobi," sidaas waxaa yiri
Gen. (Maxamed
Siciid) Xirsi Moorgan, oo markaas xakumey Kismaayo, isagoo intaas ku daray "Waxay
doonayeen qayb dhul ah oo ay ku duugaan haraadiga sunta haalista iyo sunta loo
yaqaan radioactive." Moorgan waxa uu sheegay in uu ka diidey
arrintaas.
Agoosto 5, 1987 ayaa la abaabuley qorshe laga soo unkay magaalooyinka Milan iyo
Roma, Italy oo la doonayey in haraadiga sunta halista ah lagu aaso Dhulka Lama-Degaanka
Saxaraha Afrika. Waxaana la dhaqan geliyey mashruuc loogu magac daray "Urano".
Laakiin markii ay burburtay xukuumaddii Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka ahaa
Maxamed Siyaad Barre ayaa waxaa bilowday qorshe jaaha lagu saarayo in sunta loo
soo weeciyo Soomaaliya.
Waxaana mashruucii "Urano" loo leexiyey Soomaaliya, sida ku cad saxiix ka dhacay
Nairobi June 24, 1992. Mashruucaas "Urano" qorshihiisu waxa uu ahaa duugista
Sunta Halista ah in lagu duugo Soomaaliya.
Bilihii Agoosto iyo September ee sannadkaas 1987 ayaa nin lagu magacaabo Mustafa
Tolba oo xoghayn u ahaa hay'adda Qaramada Midoobey u Qaabilsan Deegaanka ee loo
yaqaan UNEP waxa uu furtay afka labadiisa daan isagoo ka digayay "in shirkado
Talyaani ah ay sun halis ah ku aasayaan Soomaaliya. isagoo sheegay in uusaan
magacaabi karayn shirkadahaas isagoo u baqayey in uu halis geliyo nolosha dad
badan."
Waxaa xilligaas loo malaynayey markii qaylo dhaan badani soo yeertay in
arrintaas sun duugista la joojiyey. Laakiin taasi ma dhicin sida uu shaaca ka
qaaday Stefan Weber, oo ka tirsan Greenpeace qaybteeda Swiss-ka oo sheegay "in
aan hawshaasi (sun aasiddu) aysan joogsan. Waxaa xaqiiqo ahaan la arkay saddex
markab oo ay ka buuxdo haraadiga sunta oo gaarey Badda Gacanka Cadmeed."
September 8, 1992 waxaa Fax "sir ahaan ah" loo soo diray Nairobi xarunta
hay'adda UNEP, kaas oo ay ku qoran tahay akhbaar muujineysa digniin in Hargeysa
ay ku soo fool leeyihiin 81,000 oo litir oo ah sunta cayayaanka oo dhacday.
Dhanka kale, hay'adda UNEP waxay bilowday warbixin ay ku salayneysey xogta ay ka
hesho degaanka, gaar ahaan lataliyaheeda Mahdi Geeddi Qayad, oo ahaan jirey macallin Kimisteriga
ee Jaamacadda Muqdisho. Hawlagalkaas warbixintu waxa uu socdey intii u dhaxaysey
May 10 ilaa June 8, 1997. Warbixintii ugu dambeysey (oo ay UNEP diidey in ay
warbixintaasi jirto, laakiin jariidadda Famiglia Cristiana heshay nuqul) waxa ay
muujineysey cadayno iyo waraysiyo. Laba dhacdo oo waaweyn waxay ahaayeen:
Dhimasho qof kalluumayste ahaa oo ku sumoobay wax ka soo daatay shey laga helay
xeebta magaalada Baraawe iyo jiritaanka (sawirro iyo video) foosto weyn oo
dhererkeedu yahay lix mitir oo taal xeebta inta u dhexaysa Ige iyo Mareeg oo 350
km waqooyi ka xigta Muqdisho.
Waxa kale oo jariiddu sheegtay in ay soo ururisay caddaymo muujinaya in 10-kii
sano ee tegey sun halis ah lagu aasay Soomaaliya. Laga soo bilaabo Koonfurta,
sida magaalada Jamaame (aagga Kismaayo) iyo agagaarka magaalada Merka iyo meel u
dhow webi Shabeelle iyo meesha lagu magacaabo kontonka (50) oo u dhaxaysa Merka iyo
caasimada Muqdisho.
Cali Mahdi |
August 19, 1996 ayaa Cali Mahdi Maxamed oo ahaa madaxweynihii kumeel-gaarka ahaa
ee Soomaaliya, waxa uu soo saaray wareegto uu Ezio Scaglione ugu ogolaanayo in
haraadiga sunta halista ah lagu aaso aagga tuulada Ceel-Baraf, aagga Warsheekh
oo waqooyi kaga aadan Muqdisho. Halkaas oo sida ay sheegtay jariidadu uu Gen. Moorgan
sheegay in sannadkii 1992 "lagu gubey sunta Nuclear-ka xeebta Muqdisho oo laga
qoday hogag waaweyn. Waxa kale oo jira meelo laga qoday dhulka hoostiisa oo ku
yaal Jawhar iyo jidka u dhexeeya Qardho iyo Boosaaso iyo goobo u dhaxeeya Sanaag
iyo Bari.
Halifa Omar Drammeh, oo ka tirsan UNEP oo joogtey Nairobi waxay tiri "Maadaama
aan ilaalin kari weyney xeebta Soomaaliya ee dhererkeedu yahay 3300 km waxaan
xoogga saaray 1998 in aan la dagaallano sida sharci darrada ah ee maraakiibta
iyo shirkadaha shisheeye ay sunta ugu aasayaan badda Soomaaliya."
Raadka ay reebtay muddada dheer ee sunta lagu duugayey Soomaaliya waxaa ka mid ah in dadka
iyo xayawaanka lagu arko cudurro aan la aqoon. Waxaa sannadkii 1994 magaalada
Merka lagu arkay dad farabadan oo carrabka uu kaga dhacay cudurka kansarka iyo
arrimo la xiriira carruurta dhalaneysa.
Dhanka kale waxaa jirta arrin la xiriirta in Qaramada Midoobey ay
baaritan sameeyeen kaddib markii December 5 iyo 7 ee 1995 la maqlay qaraxyo
waaqeyn ee Sanaag, Sool iyo Berbera. Maalmihii ku xigey waxaa dad badan la soo
dersey in ay ku adkaatay neef qaadashadu, waxaana ku dhacay shuban. Tiro
caarruur ah ayaa dhintay.
Janaayo 1997 inta u dhexeysa Mudug iyo Nugaal waxaa qaar dad ah dareemeen xanuun
aad u daran kaddib markii ay cabbeen biyo ku jirey qalab ay ka heleen xeebta.
In badan waxaa dhiig ka furmay caloosha iyo afka. Inbadan ayaa dhintay qaarna
waxaa loo qaaday cisbitaal ku yaal Kismaayo ee Dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn.
Arrin taas la mida waxay ka dhacday Gobolka Galgaduud Agoosto 1998.
Intii u dhaxaysay Janaayo iyo Febraayo 1998, waxaa Shabeellada Hoose ku dhintay
dersin dad ah oo u dhintay xummad aan la aqoon. June 1998 waxaa xummaddaas oo kale
ku dhacday dad joogey aagga Warsheekh tuulooyinka Cadale iyo Ruun Mirgood.
June 22, 1998 qoraal ay faafisay Hay'adda Wararka ee Liibiya ayaa soo koobay
warbixin cilmi baaris uu sameeyey Kadhem Amoudi oo ah reer Algeria,
cilmibaaristaas oo sheegtay in dhimashada xad-dhaafka ah ee Geela Soomaaliya ay
sababtay haraadiga sunta Nuclearka ee lagu duugey Geeska Afrika (Soomaaliya).
Sidoo kale June 15, 1998 Warbaahinta Liibiya waxay sheegay in sidaas oo kale ay
ka dhacday Baydhabo, arrin saamaysan dad kumanaan gaaraya ee aagga Seyid Helow
iyo Buulo Barakow.
October 28, 1998 dhakhtar ka tirsan UNICEF oo magaciisa la yiraahdo Dr. Pirko
Heinnonen ayaa sheegay in Bardaale oo galbeedka kaga beegan Baydhabo in uu ka
dillaacay xanuun aan la aqoon oo galaaftay dhibanayaan. "Ugu yaraan 120 qof ayaa
dhintay laba bilood gudahood," ayuu yiri, isagoo intaas ku daray "Calaamadaha
jiradaasi waa xumad sare, gariir jirka oo dhan, dhiig bax sanka iyo cirridka
ah".
Qoraal ay daabacday Hay'adda Cuntada Adduunka ee loo yaqaan FAO, ayaa
sheegtay in xeebaha Soomaaliyeed lagu arkay weelal loo malaynayo in ay ku jiraan
Sunta Halista ah. Qoraalka ayaa xusay in Daahir Maxamed Buraale oo la
taliye loo xilsaaray arrintaaas uu June 24 ilaa August 10, 2005 tegey xeebaha
Goboladda Dhexe iyo Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya, waxana qormadu cadaysan
in ay arkeen haamo (weel) loo malaynayo in ay ku jireen Sun, oo ay ku soo caariyeen
xeebta kuwaas oo yaal meel u dhow xeebta oo ay badgariirkii soo saartay.
Inta aynaan u gudbin daawashada TV-ga Aljazeera (English) iyo TV-ga RAI (Talyaani)
oo aan bogga xiga ka daawan karno, waxaan ku hakan doonaa Lifaaq la xiriira
Maraakiibtii SHIFCO iyo meesha ay ku dambeeyeen. (VIDEO-ga
KA DAAWO HALKAN)
LIFAAQ 1: Maraakiibtii SHIFCO:
Bartamihii sanadahii 1970-naadkii waxaa badda Soomaaliya ka kalluunmaysan jiray
shirkaddii SOMALFISH, oo ahayd shirkad ay jaal ku yihiin dawladda Soomaaliya iyo Ruushka
(USSR), shirkaddaasi waxay lahayd 10 markab, waxayna sannadkiiba soo saari jirtey
kalluun gaaraya ilaa 3,400 ton ilaa laga soo gaarey 1977 oo ah xilligii uu
xumaaday xiriirkii Soomaaliya iyo Ruushka - oo markii dambe dalka laga cayriyey
Ruushka kaddib markii ay la saftay Itoobiya oo dagaal dhul iyo dad ka dhexeeyo Soomaaliya.
Muddo kaddib, waxaa sannadkii 1983 la asaasay shirkadda SHIFCO (Somali
High-Seas Fishing Company) oo ku bilaabatay 5 markab oo deeq uu Talyaanigu
siiyey Soomaaliya (Waxaa jira warbixino muujinaya in maraakiibtu ahayd 5 yaryar
iyo hal mid oo aad u weyn). Waxay shirkaddaasi kalluunka geyn jirtey Talyaaniga.
Qoraal ay 18-kii November 1998 Qortay hay'ad Cuntada u qaabilsan Midowga Yurub, ayaa sheegay in ay Maraakiibtii SHIFCO oo tiradoodu tahay
shan (5) ay ku booqdeen dekeda Cadan ee dalka Yemen, maadaama 1-dii July
1998 maraakiibtaas laga joojiyey yurub in aysan (kalluun) keeni karin - Go'aanka
lagu mamnuucay oo ahaa xeerka 97/296/EC.
Shanta Markab ee SHIFCO magacyadoodu waa: 21 Oktoobar, Faarax Oomaar, Cusmaan Geedi
Raage, 21 Oktoobar III, 21 Oktoobar IV.
LIFAAQ 2: Markabkii "21 Octobar" oo ku Caariyey Xeebta Garacad
Markabkii "21 Oktobar" oo July 2007 kusoo caariyey xeebta Garacad...
Gudoomiyaha Jariiban Cabdi Casiis |
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) oo ka tirsan bahda SomaliTalk.com oo
Gudoomiyaha Degmada Jariiban Cabdi Casiis Aw-Yuusuf Maxamed wareysi gaar
ah kula yeeshey Hoteel uu ku lahaa degmada Jariiban 24/05/2008-da ayaa wax ka
weydiiyey Markabka 21 Octobar oo ku soo caariyey aagga Garacad oo hoos timaadda
maamulka degmada Jarriiban.
Su'aal:-Gudoomiye Tuulada Garacad waxaa yaal Markabkii
21 Oktobar, wuxuuna ka
mid yahay Maraakiibtii Soomaaliya ay lahayd, wuxuuna halkaasi yaalaa muddo hal
sano kudhowaad ah, xaaladiisa maxaad ka warhaysaa?
Jawaab:-Gudoomiyuhu, Cabdi Casiis Aw-Yuusuf, wuxuu ku jawaabey: "Su’aashaas
inaad i weydiiso aad baan u jeclahay, sababtoo ah wixii iigu cajaab badnaa weeye
intaan maamulka hayo, markabkaas markii uu soo caariyey bishii 7-aad sanadkii
hore (2007) waxaa saarna 43 qof oo shaqaale ah, Markabkuna wuxuu ka mid ahaa
Maraakiibtii xaalufisey oo meesha ka Kaluumeysan jirey, waxaana laga heley
shabaagihii dadka deegaanka oo hore ay u qaateen, waxaa kale oo jirey ninkii
dhaawacay ruux shabaag lahaa oo deegaanka joogey oo markaa dhaawicii Xabadii ay
ku dhufteen miskiin la ah, markii dadku meesha ay isugu yimaadeen oo Markabkii
la fuuley oo laga aqoodey ninkii Alaabtiisa, gudigii deegaanka ayaa arintii dhex
galey oo badbaadiyey kii kale, waxaa kale oo cajiib ah Hubkii ku xirnaa Markabka
Badda ayey ku gureen si aan dadku u arag, waxaa 6-bilood kadib la heley Baddii
oo ciida qodey in Hub laga soo faago Badda dhexdeeda iyo Shabaagtii loo dhigey
Aargoosatada oo isku xiran, shabaagtaas qaarkood waxaa ku duubnaa Qori Dheshiike
ah, Dabo miinshaaraha, iyo qoriga AK 47, waxaan kaloo ku guuleysanay 43-da inaan
badbaadino, Markabaka ilaa waagaas meesha ayuu yaalaa waa la jiidiwaayey,
waxaana ilaalinayey 10 ruux oo ka mid ah dadka deegaanka. Hadda waxaan ka
warqabaa Puntland iyo DFKMG in ay yiraahdeen cidii jiidankarta ha jiidato anagu
xoogna uma hayno Xoolana uma hayno, in dad kale jiidandoono iyo in meesha uu ku
baabi’idoonana ma garan karo ee laakiin intaas ayaan ka warhayaa." (Waraysigii
oo dhan halkan ka akhri)
LIFAAQ 3: Maraakiibtii SHIFCO:
Si aad wax badan uga ogaatid Maraakiibta SHIFCO akhri
qormadii Dr. Abuucar
Saciid Abuubakar ee Dec 14, 2004.
###
DAAWO: VIDEO-YADA TELEFISHANADA KA HADLAY SUNTA
SOOMAALIYA
Qaybaha kale ee Qormadan: 1aad |
2aad | 3aad | 4aad
| 5aad
_______
Tixraac:
Faafin: SomaliTalk.com | Janaayo 25, 2009