Xeebta Soomaaliya: Qashinqubka EU
Dhaqdhaqaaqa Budhcad badeedda ee sii korodhay ee xeebaha Soomaaliya waxay
sababtay inay EU dhawaan go’aansatay inay ciidan udirto halkaas. Howlgalkan oo
loogu magac daray ’Operation Atlanta’ waxaa la sheegay in ujeeddada ka danbaysa
ay tahay sidii loo badbaadin lahaa gargaarka banii’aadannimo ee UN u daabusho
Somalia.
Dawladda Sweden, oo uu horboodayo wasiirka difaaca Sten Tolgfors, waxay sheegtay
in howshu tahay ”si loo ilaaliyo dadaalada World Food Programme ay cuntada ugu
daabulayso Soomaaliya iyadoo la gaadhsiinayo dadka tabaalaysan kuwaasoo
gargaarkaas la’aantii ahaan lahaa kuwo macaluula oo la hilmaamay”
Laakiinse wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay arrin kale: ”Intaa kadib dunida
reer-galbeedku waxay leedahay dano muhiim ah oo ah shaqaynta isusocodka
ganacsiga (ee badda kuxidhan dabcan). In badan oo isusocodka ganacsiga adduunka
ah ayaa adeegsada aaggan.”
Inay EU, waqti ay Soomaaliya ku jirto dhibaatado banii’aadanimo tii ugu darnayd
abid, ay gacan taageero u fidiso shacabka Soomaaliyeed waa arrin wanaagsan
hadday run tahay.
Midowga Africa ayaa ku guul darraystay qaylo dhaantiisii uu muddo kabadan 10
sano ku celcelinayay, markii ugu dambaysayna ay ahayd 2006, in EU iyo dunida
reer galbeedku u diraan Somalia ciidan nabad ilaalineed.
Markii Soomaali danyar ah oon la tirokobi karin, kuwaasoo si quus ah isugu dayay
inay nolol fiican ka raadsadaan jasiiradda carabta, ku quuseen Gacanka Cadmeed,
kadib markii ay naxariis laawayaal aan arxan lahayn oo ka baayac mushtara
safrinta dadka sida sharci darrada ah ay gacmahooda ugu daadsheen dadkaas
masaakiinta ah badda, aamus iyo af-kaxidhasho ayay doorteen EU.
Baddalkeediina EU waxay sii adkaysatay xuduudaheeda si ay u xakamayso qaxootiga
imaanaya waddamada urukooda ku jira.
Ugu horraynba dardargalinta ka danbaysa ’Operation Atlanta’ waa si loo yareeyo
culayska haysta shacabka Soomaaliyeed. Balse sida uu isagoo daacad ah u sheegay
Sten Tolgfors Reergalbeedku dano muhiim u ah bay ka leeyihiin. Tan ugu sii wayna
waa inay xaqiijiyaan iyaga dhaqaalahooda.
Ururka Refugees International ayaa dhawaan ku dhaleeceeyay reer galbeedka waxa
ay ugu yeedheen ”Munaafaqnimo caalami ah oo ku aaddan Somalia” Waxuu ururkani
isbarbar dhig ku sameeyay sida ay reer galbeed durbaba u fara galiyeen arrimaha
Soomaaliya kadib markii danahoodii dhaqaale la handaday iyo awood la’aantoodii
inay xaliyaan dhibaata daba dheeraatay ee waddanka haysata.
Way iska caddahay inay budhcad baddeeddu dambiileyaal yihiin waana in lala
dagaalamaa iyadoon la eegayn cidda ay halista ku yihiin. Laakiin dadka
masaakiinta ah ee Soomaaliyeed ee adduunku iska halmaamay rafaadka haysta
arrintooda xataa ilbiriqsi muhiimad ah wax siinaya malahan!
Haddaba budhcaddu waxay buuxiyeen laba boos kadib markii dowladdii dhexe ay
burburtay. Danyarta kalluumaysatada ah waxay u yihiin ilaalo xeebeed ka erya
kuwa kusoo xad gudba biyahooda. Waxaa kaloo loo arkaa inay yihiin sidii
Robin
Hood (waa nin sheekooyin hore laga qoray oo dhuljiif ahaa xoolaha uusoo dhacona
wuxuu siin jiray masaakiinta). Budhcaddu waxay soo dhacaan hantileey waxay
lacagtooda uga faa’iideeyaan tuulooyinka adduunku illaaway ee macaluushu ku
baahday.
Dalkii Somalia wuxuu ficil ahaan u istaagay jiritaankiisu 1991 markaasoo
dawladdii ugu dambaysay ee kalitaliye Siyaad Barre ay dhacday. Kadib Barre wuxuu
dalka uga huleelay xeeb kale oo 3600 km u jirta Somalia. Kadib biyaha Somalia
waxay noqdeen meel ay qashinka ku qubaan shirkadaha Yurub iyo Asia.
Markii ugu horraysay een maqlo arrintan waxay ahayd 1996 markaan booqay
magaalada Bossaso halkaasoo ah meeshaan ku dhashay kuna soo barbaaray. Waxayse
sunta xeebaha Soomaliya indhaha caalamka soo jiidatay kadib Sunaamidii ku
dhufatay dalka 2004.
Xafiiska bay’ada ee UN-ta (United Nations Environment Programme) ayaa xaqiijiyay
in haamo waawayn oo sun qatar ah laga soo buuxiyay laga helay xeebaha Puntland.
Sannado badan ayaana lagu qubayay suntaas Soomaaliya oo mawjadaha baddu soo
tufaysay.
UNEP iyo ururo kale oo caalami ah ayaa sheegay in boqolaal muwaadiniin ah oo
deeganaada xeebta Bari ee Puntland ee sunta laga helay ku sugnaa laga helay
cuduro ay sababeen suntaasi waxaana ka mid ahaa Xiidmaha caloosha oo dhiig ka
dillaacay, mantag/hunqaaco dhiig badan la socdo, isbaddal ku yimid maqaarka, iyo
astaamo kale.
Maraakiibta sunta ku qubta biyaha Soomaaliya waxaa leh shirkado Yurub iyo Asian
isugu jira. Ergayga UN-ta u qaabilsan Somalia, Ahmedou Ould-Abdallah, ayaa
dhawaan sheegay inay hayaan warar lagu kalsoonyahay oo xaqiijinaya in shirkado
reer Yurub iyo Asian ah ay si qorshaysan ugu daadiyeen biyaha Soomaaliya qashimo
halis ah oo uu ku jiro qashinka Nuclear-ka.
Waxaa si gaar ah farta loogu fiiqay Swiss-ka iyo Talyaaniga inay si xariifnimo
ku jirto ugu daadiyaan qashinka xeebaha Soomaaliya. Waxaase kaloo jira kuwo kale
oo badan oo loomalaynayo in Yurub laga leeyahay oo ku guda jira falalkaasoo
kale.
Waa wax adag in la aamino in dawladaha reer Yurub ayna la socon falalkaas
Mooraalka kasoo horjeeda ee dambiga ah.
Falalkaas faa’iido badan baa kasoo gashaa shirkadaha reer Yurub ee qashinka
daabula. Sida ay sheegtay UNEP qiimaha ay shirkadahaas ugu kacdo inay qashin ku
daadiyaan Somalia waa 2,25 Dollar halkii tan (ton) ee qashin ah, halka ay isla
qashinkaas (haddiiba la oggolyahay) laga qaadi lahaa 1000 Dollar halkii tan
yurub gudaheeda.
Taas macnaheeda waa in dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu ragaadisay ay ugu
fadhido (ay ku bixinayaan) 997,5 Dollar halkii ton ee qashin ah ee Yurub laga
keeno, marka laga soo tago caafimaad darrada iyo cudurrada qashimadaas ka
dhasha, nolol maalmeedkii ay badda kala soo bixi jireen oo ay ku waayaan, iyo
bay’adii oo ku burburta taasoo waqtiga fog cidhib xumo ku leh Dadkaas.
Shacabka ayaan darradu ku habsatay ee Soomaaliyeed khatarta ay budhcad badeeddu
ku hayaan isusocodka saliidda ee waddamada qaniga ah ee reer galbeedka waxaa uga
muhiimsan ooy ahmiyaddooda koobaad tahay balaayo kaga timaadda dhanka Bay’ada,
dagganaansho la-aanta dalkooda haysata iyo faqriga baahsan.
Marka hadday dhabtii Yurub rabto inay dadka Soomaaliyeed caawiyaan ugu yaraan ha
ka daayaan qashinkooda ay kusii daldalayaan.
ABDIMAJID OSMAN,
CHEMIST, DHAKHTAR CILMIGA DAWOOYINKA
DHAKHTARKA JAAMACADDA LINKOPING
TARJUMADII: CABDULFATAAX SHEIKH BIIXI(bihiabdul@yahoo.com)