Haamo Waaweyn oo kusoo Caariyey Xeebaha
Gobolka Jubbada Hoose
Socdaal gaaban oo ay qaarka mid ah mas'uuliyiinta isbahaysiga
dooxada Jubba tageen jasiiradaha gobolkan Jubbada Hoose ayaa waxa ay
ku soo xaqiijiyeen in ay jasiiradahaas qaarkood yaalaan haamo
waaweyn oo aan lagaranayn oo looga shakiyay in ay ku jiraan sun..

Haamaha kusoo caariyeye xeebaha Jasiirahada J/Hoose
- Wasiirka dib u dhiska iyo
dib u dajinta DFKMG, xildhibaan Barre Hiiraale oo Caalamka ka
codsaday in ay wax ka qabtaan maraakiibta ajanabi ee qashinka ku
soo daabulaya xeebaha soomaaliya...
- Kaluumaysato Ku Noolaa
Jasiirado Ka Mid ah J/Hoose oo aagaasi ka huleelay kadib markii
ay ku dhaceen cuduro la garan waayay oo ka asiibay maqaarka....

Waftiga Wasiirka dib u
dhiska iyo dib u dajinta DFKMG oo booqday jasiiradaha J/Hoose

Waftiga oo la tusayo haamaha dhex yaal meel u dhow xeebta...
|
Socdaalkan ay shalay barqonimadii
ku baxeen qaar ka mid ah mas'uuliyiinta Isbahaysiga Dooxada Jubba (IDJ)
ayaa waxaa hogaaminayay gudoomiyaha IDJ, xildhibaan Barre Aadan
Shire "Barre Hiiraale" ayadoo ay ku weheliyeen hay'ado iyo ganacsato,
ayadoo sababta socdaalkooda lagu macneeyey kadib markii qaylo dhaan
xoogan ay ka timid dadyowga dagan jasiiradaha gobolkaan oo kasoo
qayliyay haamo waaweyn oo ay sheegeen in ay bada soo caariday ayna
soo dhawaanayaan.
Haamahaan la sheegay in ay soo
caariday bada ayaa waxaa ay ku macneeyeen dadka in ay ku jirto sunta
ay maraakiibta shisheeyey ku soo shubaan xeebaha soomaaliya ayadoo
hadda haamahaan ay yaalaan xeebaha u dhow jasiiradaha Kooyaamo iyo
Kambooni oo labaduba ka mid ah jasiiraha gobolkan.
Hadaba intii ay socdaalka ku jireen
wafitigasi ayaa ugu horeyntii waxa ay tageen jasiirada Koyaamo oo
ayadu ay taalo haan weyn oo 1 km u jirta xeebta jasiirada koyaamo
qiyaastiina biyaha badda ka saraysa in lagu qiyaasay 27 feet,
haantaasi oo aad u weyn ayaana ilaa iyo iminka la garanayen waxa ku
jira balse ay soo dhawaatay kadib markii ay dhaceen bad gariirkii
tsunami, mana aysan jirin cid si toos ah oga war bixisay maadaama ay
kaluumaysatadii aagaasi ku noolaydna ay ka baqooleen bishii Febarayo
kadib markii ay ku dhaceen cuduro la garan waayay oo ka asiibay
maqaarka.
Sidoo kale waxa ay wafdigii shalay
ka tagay magaalada kismaayo booqdeen jasiirada kiyaanbooni oo ayana
ay taalo haan weyn oo ka soo caariday bada oo iyana ka mid ah
haamaha ay keeneen maraakiibta shisheeye oo qashinka ku soo daadka
xeebaha Soomaaliya.
Hadaba socdaalkii wafdigii uu
horkayay xildhibaan Barre hiiraale ayaa waxa ay ku mareen jasiirado
dhowr ah oo ay kujirto jasiirada idhidhi oo ay halkaas kula kulmeen
dad kaluumaysato ah oo u sheegay in ay soo badanayaan caarinta ay
badda ka soo caaryayaan xayawaanka ku dhexnool taasna ay sababtay
wasakhda lagu soo daadshay bada
Waxaa saakay shir jaraa'id oo ku
saabsan qashinka la soo buux dhaafshay xeebaha soomaaliya gaar ahaan
xeebaha gobolka jubbada hoose qabtay wasiirka dib u dhiska iyo dib u
dajinta dowlada FDRKM xildhibaan Barre aadan shire bare hiiraale
waxa uuna caalamka kaga codsaday in ay wax ka qabtaan maraakiibta
ajanabi ee qashinka ku soo daabulaya xeebaha soomaaliya iyo
dhibaada ay u gaysanayaan maraakiibta ajanabi kaluumaysatada
soomaaliyeed ee ka jilaabta bad weynta iyo xeebaha soomaaliya.

Haamaha aan la garanayn oo kasoo caariyey xeebaha J/Hoose
cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
SomaliTalk | kismaayo soomaaliya
cabdiqadar84@hotmail.com
Haan Aad u Dheer oo ku soo caarisay
Xeebaha Jubooyinka
Haamahan oo la garan waayay
noocooda ayaa lagu arkay Xeebaha Koonfureed ee Magaalada Kismaanyo
gaarahaan halka lagu magacaabo Kayooma,taasoo sida wararku ay
sheegayaan ku beertay dadka halkaasi deggan argagax xooggan.
Wasiirka dib u heshiisiinta
Dowladda Federaalka islamarkaana ah Guddoomiyaha Isbaheysiga Dooxada
Jubba Barre Aadan Shire Hiiraale oo markiiba ka hadlay Haantan soo
caarisay,waxaa uu ugu baaqay ay`adaha samafalka inay la soo gaaraan
Gurmad degdeg ah,mar haddii laga yaabo in dhinaca Badda ay
ugayimaddaan Qatar waxyeelo ba`an ku keeni karta noloshooda
Shalay gelinkii dambe ayaa qaar
kamida hay`adaha samafalka iyo isbahaysiga dooxada jubba ay gaareen
deegaankaasi iyadoo joogga haantaasina lagu qiyaasay ilaa 3mtr
Waxaana wararku intaa ay ku
darayaan inaan ilaa iminka la ogeyn waxa ay gelbineyso Haantan
goobtaasi soo gaadhay,inkastoo dadka halkaasi ku nooli ay sheegayaan
in haantani ay ka mid tahay waxyaabihii aasnaa ee ay soo saartay
dabeyshii Tsunami ee gilgishay meelo badan oo ku teedsan Badweynta
Hindiya
Horay ayaa waxaa u jiray in dhul
xeebeedka la yiraahdo Kudhaa dadka ku dhaqan ay la kulmeen waxyeelo
kaladuwan oo uga timid dhinaca badda sababtayna Dhimasho iyo Dhaawac.
Si kastaba ha ahaatee waxaa horay u
jiray laba haamood oo lagu arkay xeebaha Jubbooyinka kadib
dabeylihii Tsunamiga ee bishii decembar ee dabayaaqadii sanadkii
tegay,ilaa iminkana ma jirto cid isku howshay waxka qabshada arintan
cabsida caafimaad xumo ku heysa shacabka soomaaliyeed oo markiisii
hore la ildarnaa colaado iyo dhaqaalo xumo ay sababtay dowlad
la`aantii mudada dheer lagu soo jiray
Hassan Dhaaleey
Dheel10@hotmail.com
Mogadishu Somalia
Faafin: SomaliTalk.com |
Minneapolis, MN | April 16, 2005
