SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Dhiig Inaad Aragto Xiise Makuu Hayaa??!! (Warbixin) - Qaybtii 2aad


Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com , +253624079


Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Xiligii aan soo gaarey Gaalkacyo

FG: Halkan ka akhri qaybtii 1aad....

12-kii Habeenimo ayaan soo gaarney magaalada Gaalkacyo, waxaana digniin laygu siiyey in magaaladu ay laba u kala qaybsan tahay, islamarkaana socsocodka magaalada dadka aan la aqoon, labada dhinac aysan asxaan u sameyn, ugu yaraan waa lagu xirayaa ayaa laygu yiri, gaariga aan la socdo wuxuu ahaa mid sida Ari, wuxuuna u socdey Burco, gunaanadkii waxaa laygu dejiyey Hoteel Gols oo ku yiiley dhinaca Woqooyi ee Gaalkacyo, intii aan soo dhexda socdey Magaalada waxaan ku arkey dhismooyin cusub iyo iftiin badan.

Mid ilaalinayey Hoteelka oo aan ugu nimid isagoo soo jeeda ayaa wuxuu igu yiri “saxiib jiif kuuma hayno ee mar dambe Hoteelka ha garaacin ee ka noqo”, waan yaabey, waxaana ila socdey darawalkii iyo milkiilihii gaariga oo igu hubsanaayey jiifka Hoteelka, waayo intii aan soo socdey ayaan u sheegey waxa aan uga soo cararey halkii aan ka imid ee Baydhabo, iyaga ayaa la doodey wuuna naga furey waxaana lagu yiri, yuusan seexane hadii uu raabee, Hoteelka dhexdiisa haku jiro oo qaboga iyo Tuugada Magaalada haka galo ayey ku yiraahdeen, wuuna ogolaadey weyna iga tageen darawalkii iyo Milkiilhii gaariga, ninkii waardiyaha ahaa wuxuu I seexiyey sariir hore loo kireeyey, wuxuuna iga qaadey laba jibaar jiifkii Hoteelka, wuxuuna igu yiri “adeer ninkii sariirta jiifey wuxuu ku maqan yahay qayilaade iska seexo, hadii uu yimaada waxaan ku qancinayaa, lacagta aan kaa qaadaye ee aroortiina hore usoo toos si uu isagii halkiisa u seexdo”, runtii aniga uma arkeyn wax dhibaato ah, waayo ma garanaayo meel kale oo aan aado, hadii aan ka diido wuxuu dhihi karaa, iga bax banaanka, sidii ayaa waagu iigu baryey.

Markii uu waagu baryey 2-saac wixii ka dambeeyey waxaa soo baxay kuleyl daran oo aan la wareerey, waxaan raadsadey dadd aan ku degilahaa oo markii hore aan kusoo talogaley, waxaana iga yaabiyey qaabka magaalada ay u dhisan tahay iyo Haween gaari ku dhex wata magaalada, markii aan arkey waxaan soo xassuustey berisamaadkii Muqdisho sida ay ahaan jirtey, waa maalintii ugu horeysey oo aan imaado Gaalkacyo inta aan noolahay, waan ku farxay imaanshiha Magaalada Gaalkacyo sababo badan aw-geed, balse waxaan soo xasuustey oo qalbiga iska iri hadal mid ka mid ah Odayaasha Soomaaliyeed ee waayo jooga ahaa oo markii dagaalada ay ka bilaabanayeen Muqdisho inta ka soo cararey oo yimid Gaalkacyo oo hadana ka soo tagey oo aan ku kulaney Muqdisho

intii aan ka soo tegin 05/3/2007 mar aan weydiiyey xaalada Gaalkacyo oo isagu markaa ka yimid wuxuuna yiri “war ileyn Muqdisho Magaalo ayey ahayd, laakiin Mudug, Malezanawi, Mareykan iyo meelo kale ayaa looga yimid”, sababtoo ah Mudug wey degan tahay wax colaad kama jirto, marka laga reebo xoogaa, waayo dadka colaada ka huriyey Muqdisho waxay ahaayeen markii hore intooda badan dadd ka yimid Mudug iyo Malezanawi ciidamadiisa oo iyagana hada ka wada, inkastoo ay jiraan qaybo kale oo ka yimid Gobolada dalka, hadana bilowga colaada Soomaaliya waxaa lahaa dadka deegaanadaas ka yimid, weyna garawsan yihiin in ay ku qaldanaayeen arintaas dadkii bilaabay iyo kuwii kaga dambeeyeyba, hadana waxa maanta dhacaaya waxaa dusha saaranaayo Maamul ku sheega hada jooga, Malezanawi ciidamadiisa iyo Mareykan aarsi doon ah” ayuu yiri ninkii.

Runta hadalka ninkaas waagaa waan la yaabanaa, laakiin markii aan imid ayaan u dhabagalay oo hadalka intiisa badan waa jiraa, Magaalada Gaalkacyo xiligaas waxaa ka jirey is-bedel aad u weyn xaga maciishada, Nabadgelyada iyo Wax-barashada waxaana kusoo qul qulaayey daddyow kala duwan oo kasoo barakacay Gobolada Koofureed ee Soomaaliya.

Waxyaabaha iigu yaabka badan ee aan halkaas ku arkey waxay ahayd xiligaas dalka waxaa ka jirey Jiilaall aad iyo aad u daran oo dadd iyo duunyo ku hayey culeys daran gaar ahaan Biyo la’aan, Xoolaha oo aan lahayn daaq ku filan, dadka dhaqda xoolaha oo iyagana cuno yari iyo xoolaha aan nacfi lahayn isku dul baaba’ayeen, waxaana dhacdey in dadka magaalada ay roob doon sameeyaan oo ay isu soo baxaan, laakiin dadkii magaalada hal meel isuguma imaan labada dhinac midba meeshiisa ayuu Roobdoon ka sameeyey waxayna dhahayeen hadalkan “Aloow roone Roobeey Roob iyo Raaxa Roobey”, runtii aniga waxay igu ahayd wax aan la yaabo, waayo Roodoonku wuxuu leeyahay shuruudo, waxaana ka mid ah in sunooyin la tukado iyo ducooyin la yaqaan la akh-riyo, balse ma dhicin, marka laga reebo dadd yar oo aan maqley inay sameeyeen arintaas, balse dadku waxay ka sinaayeen sidii caruurtii hadalkaas aan kor ku xusey.

Markii dambe ayaan dib u eegey hab dhaqanka deegaanka iyo arimaha diinta waxaana ogaadey in culimada joogta magaalada ay u qaysamaan dariiqooyin iyo wadaada casriga ah ee diinta sida sahalka dadka ku baraya, waxaana masaajidada qaarkood ka socdey codadd aan loo baahneyn oo midba bidka kale ugu jawaabayo iyo codbaahiye meelo fog gaaraya ay ku xiran yihiin, waxaase xaqiiqsadey in ay marayaan xiligii 1993-dii Muqdisho sidaas oo kale ay ka jirtey, taasoo socotey mudo ilaa 2000-kii.

Magaalada Gaalkacyo waxaad moodaa in Gobolada kale ee dalka Soomaaliya ay ka duwan tahay, sababtoo ah markaad soo dhex istaagto iyada dhexdeeda xoogaa waxay kuula muuqaneysaa in ay ku taal Buur dusheeda, waxaana ku arkey iyada hareeraheeda ma leh Buuro iyo Geed la harsado, dhulkeeduna waa dhagax, sidoo kale waxaan ku arkey marka la gaaro 6-saac ama 12 duhurnimo Magaalada dhexdeeda lagu ma arko, dadd ka dukaameysanaya, sida magaalooyinka kale ee Soomaaliya , inta badan dadka jooga Kuleyl dartiis iyo dhaqan ay u leeyihiin aw-geed ahaa ma garanayo, inta aan Magaalada joogey kuma arag wax la yiraahdo digaag, lo’da iyo dameeraha biyaha dhaamiya maadaama deegaanku uu yahay deegaan Biyo yar kuleylkiisuna aad u sareeyo.

Sidoo kale waxyaabaha aan ku arkey Gaalkacyo waxaa ka mid ah dhalinyarada joogta waxay isticmaalaan Jaadka, waxaana ku yar waxyaabaha inta badan ay iscimaalaan dhalin yarada Reer Muqdisho sida Ciyaaraha qaybaheeda kala duwan sida kubadad Cagta, Koleyga iyo Teeniska.

Dhalin yarada Gaalkacyo iyo dadka ku nool waxay u fariistaan Jufo Jufo, dadka magaalada waxay u kala degan yihiin Reer Reer xaafadaha, Magaalada Gaalkacyo waxay u qaybsan tahay, laba qaybood, waxaana ka jira laba maamul oo iska soo horjeeda, waxaa dhistey labada maamulba beelaha kala dega Magaaladad Gaalkacyo Koofurteeda iyo Waqooyigeeda, xuduuda maamuladaasi ma dhama nus KM, waxaana degan xudaasi Beelaha dega deegaanka qayb ka mid ah, xiliyada ay colaaduhu dhacaan waxaa lagu kor dagaalamaa beeshaas degan xuduuda iyadoo aan la ixtiraameyn naftooda iyo maalkooda, sidaas ay tahayna labada maamul waxay iska qabaan Gabdho, waxayna isleeyihii Abti, Awoowe, Habar yar, Ayeeyo, hadana isu socodkoodu mana yara mana badna, waxayna isugu jiraan mar walba labada dhinac digtoonaan aan dhamaaneyn.

Labada maamul ee ka jira magaalada xiligaas waxay ku jireen shirar kala duwan oo dhinaca amaanka ah oo hadana iska soo horjeeda, waxaana jirey amaan dari soo bilaabanaysey xiligaas, waxaana jirey xilyada Habeenkii dadka isaga kala goosha xaafadaha Magaalada ee labada maamul dhexdooda gaar ahaan dhinaca Woqooyi, dadka waxaa laga furanayey Taleefoonka Gacanta xitaa mararka qaar dadka ayaa loo dilayey, ruuxii ka badbaada dhaawac fudud ayaa loo geysanayey.

Mararka qaar waxaa dhaca shilall yar yar oo dhimasho iyo dhaawac geysta, labada dhinac waxay u kala qabtaan dadd aan waxba aan galabsan dhacdooyinkaas dadka loo qabta intoo badan waxay ka soo jeeda Gobolada Koofureed ee Soomaaliya, inkastoo kuwa deegaanka qabashadooda lagala kulmaayey caqabado badan.

Dhinaca maamul Goboleedka Puntland waxay wadeen qorsho deriseyn ah oo dhinaca amaanka wax looga qabanayo, inkastoo qorshahaas uusan ka bilaaban Magaalada Gaalkacyo, hadana waxaa si hoose loogu jirey shirar lagu abaabulayo arintaas gaar ahaan Magaalada Boosaaso, waxaana diirada la saarayey dadka kusoo kordhey deegaanada maamul Goboleedka Puntland, waxaana jirey saraakiil Ethopia-n ah iyo kuwo Mareykan ah oo si gooni gooni u imaanayey Boosaaso.

Magaalada Gaalkacyo intii aan joogey waxaa yimid sarkaal Ethopi-an ah bishii 5/2008-da, ujeedada sarkaalkan si dhab ah uma helin, balse waxaa la ii sheegey in Rag ka soo jeeda Gobolka Soomaalidu ay degto ee Ethopia xooga ku haysato in uu ku raad joogey, iyadoo qaar ka mid ah Ragaas hore looga qab qabtey magaalada Boosaaso, taasoo lagu eedeeyey qaar ka tirsan mas’uuliyiinta Puntland, waxaana dhacdey in ragaas qaarkood ay ka hadlaan Saxaafada iyagoo beeninaya, laakiin mid ka mid ah oo aan la kulmey ragaas wuxuu ii sheegey “in arintaas ay si khalad ah u dhacdey, laguna jiro hawsheeda” balse aniga naf ahaantey ayaan u maleeyey mas’uulkan inuu si gaar ah isha iigu hayey, waayo markii aan weydiiyey su’aalo kulull waxaan ka dareemay wax ka badan is-difaac oo waan ka gaabsadey.


Gorayo joogta Tuuladda Garacad

Safarkii Garacad....

intii aan ka soo tegin Gaalkacyo, waxaan u gudbey Tuulada Garacad oo markaa Kooxo bur cad baddeed ah ay ku haysteen Dooni laga leeyahay dalka Faraniiska, wixii halkaasi ka dhacay iyo sida ay wax u dhaceen, markii aan kusoo noqdey Gaalkacyo ayaan soo tebiyey, balse waxaan wareysiyo gaar gaar ah ka soo qaadey Maamulaha Iskuulka Tuulada Garacad, Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Jariiban, Isku Duwaha Caafimaadka Degmada Jariiban iyo Gudoomiyaha Degmada Jariiban, inkastoo Tuulooyin yar yar oo badan markii hore iyo markii dambe aan soo marey oo qaarkood uu ka muuqdey raadka dagaaladii sokeeye, dhamaan xubnahaan oo ka hadlaya xaalada kala duwan ee deegaanada ay ku kala nool yihiin ayaa waxaa ugu horeyn soo qaadaneynaa Maamulaha Iskuulka Tuulada Garacad, waxaa uu yiri


Gudoomiyaha Maxkamada Jariiban

Isu duwaha Caafimaadka Degmaad Jariiban, Axmed Cabdi Cali Godane waxa uu yiri:


Jariiban meel ku dhow Ceel Biyaha laga Cabo


maamulaha Iskuulka Garacad

Gudoomiyaha Jariiban

Iskuduwaha Caafimaadka Degmada Jariiban

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Degmada Jariiban oo aan wareysi kulayeeshey Hoteel uu ku lahaa degmada jariiban ayaa wareysigii waxaa uu udhacay sidan

Gudoomiyaha Degmada Jariiban Cabdi Casiis Aw-Yuusuf Maxamed “waxaan ku wadaa Jacabur, sababtoo ah...”

Gudoomiyaha Degmada Jariiban Cabdi Casiis Aw-Yuusuf Maxamed oo aan wareysi gaar ah kula yeeshey Hoteel uu ku lahaa degmada Jariiban 24/05/2008-da, islamarkaana aan wax ka weydiiyey Taariikhdii la degey degmada jariiban, xiliga loo bixiyey magaca ay hada wadato iyo sababta loogu bixiyey, xiligii Degmo ahaan loo aqoonsadey, inta maamul ee soo martey iyo Tuulooyinka hoos imaan jirey xiligii hore iyo waxa iska bedeley intii ay bur burtey Dowladii dhexe ee Soomaaliya ayaa isagoo arimhaasi ka hadlaaya wuxuu yiri

"Degmada Jariiban waxaa la degey xiligii Sayidka, ka horna waa la degenaa taariikhda waxaa lagu sheegaa 1910-kii, inkastoo dadka ganacsataduna ay degeen 1940-kii, waxaana degmo ahaan loo aqoonsadey 1964-tii, waxaana soo marey (9) Gudoomiye Degmo iyo (3) Duq-magaalo, waxaana jirey marar Gudoomiyaha iyo Duqa-magaalada xilkoodu uu isla hayney hal ruux, iima wada Rikoor gareeysna dhamaantood ,laakiin inta aan hubo waa intaas, Xiliga loo bixiyey magacaan Jariiban anigu inta aan soo garaadsadey waxaa lagu sheegeyey magacaan Jariiban, laakiin xiliga go'an ee loo bixiyey magacaan Jariiban ma garankaro, khariidadda waxaa ku qoran in hore loogu magacaabi jirey Ceel Xamure, degmaduna waxaa ku yaali jirey Afara Ceel, waxaana ka mid ah Ceel Xamure oo Magaalada 5km u jira, waxaana ogaa Talyaanigii isagaana ku qorey Khariidadda magacaas, Ceelasha kale waxaa ka mid ah Ceel Gows, Ceel Cade, Ceel Shadeed-leey iyo Ceel Xamure, waxaana magacii qaatey markii dambe Ceel Gows" ayuu yiri Cabdi casiis Aw-yuusuf oo hadalka sii wata ayaa intaa ka darey.


Ceel gows

Ceel gows


Awrtaan Biyaha dhextaagan waxay si toos ah ugu maaxdaan Ceel Gows

"Degmadu waxay lahaan jirtey laamo yar yar oo dowladu ay lahayd sida Maxkamadii Degmada, Xarun Xanaanada Xoolaha, Boostada iyo Is-gaarsiinta, Maaliyadii, Iskuul iskaa ay ku dhisteen shacabka Degmada oo ka kooban 3 Qol oo ilaa iyo hada aan dhismihiisa la bedelin, Xabsigii Degamada, Saldhigii Booliiska iyo Guriga Gudoomiyaha Degmada iyo kan Duqa-magaalada oo hal isku ahaa, dhamaan Goobahaas waa ay bur bursan yihiin".


Saldhiga Jariiban,.

Cabdi Casiis Aw-yuusuf Maxamed mar uu ka hadlaayey xiligii Degmo ahaan loo aqoonsadayey, inta Tuulo ee hoos imaan jirtey Degmada intii uusan bur burku dhicin ayaa wuxuu yiri


Ceel dheer ee Jariiban oo ay ku ciyaarayaan ciyaalka

"Degmada waxaa hoos imaan jirey 18-Tuulo oo Afar ay waaweyn tahay, waxaana ka mid ah Bali busle wuxuu ahaa Beel, Af-Gumasoorey waxay ahayd Beel, Garacad Beel bay ahayd, inta magaalo ahaan waxay ahaayeen intaas, marka laga reebo inta Ceelasha laga cabo leh maahee, dhamaan Tuulooyinkaas hada way is bedeleen, sababtoo ah deegaanku xiliyadii hore waa uu xadidinaan jirey, ruux kasta oo maamul soo mareyna waa garan karaa, waxa jira xiligaan iyo kii hore farqiga u dhexeeya, deegaanadu xiligii hore waxaa u dhexeyn jirey ilaa 30-km, Magaalooyinkuna waxaay lahaayeen meelo loo maro, hada Jariiban waxay mareysaa ilaa 47-Tuulo oo qaarkood noqdey magaalo weyn, lamana garan karo xaaladooda Caafimaad, Waxbarasho iyo noloshii Bulshada qaybaheeda kala duwan, loomana hayo awood baahida intaa la eg ay ku daboosho Degmada iyo Gobolkuba , taasina waxaa keeney waa bur burka, dalka ka dhacay, 8 Tuulo ayey waxbarasho ka jirtaa, waxaana dhigta Ardey tiradoodu gaareyso 1136 Ardey, xarunta degmada waxay leedahay Dugsiga H/Dhexe iyo sare, inta kale waa H/dhexe, waxaana ka mid ah Tuulooyinkaas, Garacad, Kulub, dhinowdo, Seemade, Bali busle, Mayle iyo Salax, marka laga hadlaayo dhinaca Caafimaadka wey jiraan goobo loogu talo galey balse, Qalab Caafimaad iyo dadd leh aqoontii Caafimaadka oo dhameystiran ma jirto,, tuulooyinka aan soo xusey dhamaantood qalab bilow ah way leeyihiin, laakiin ma leh dhakhaatiir ku filan iyo adeegii caafimaadka".

mar uu ka hadlaayey dhinaca Amaanka Gudoomiye Cabdi Casiis Aw-yuusuf ayaa wuxuu yiri "Degmada Jariiban waxay lahaan jirtey Saldhig Booliis iyo laba Rugood oo ay ku kala yaaliin Bali busle, Af-barwaaqo iyo kan Degmada, intuba wey baaba'san yihiin, Degmaduna waxaa ku magacaaban 11 Askari, mana laha qalabkii adeega oo ay ku fulin lahaayeen hawlahooda, Xabsiguna waa bur bursan yahay, mana fulin karaan hawlihii Booliis lagu yiqiiney".

sidoo kale mar aan weydiiyey Gudoomiyaha sideed hawlahaaga ku gudaneysaa, hadii booliis shaqeeya uusan jirin ayaa wuxuu ku sheegey

"Taas waxaan ku wadaa Jacabur, sababtoo ah nin baa la yiri hada ka hor dadkaada sideed ku maamushaa, wuxuuna yiri Beesheydu Xisna ma taqaan, sharcina ma taqaan ee waxaan kuwadaa xaajo la yiraahdo Jacabur, aniguna marka waxaan kuwadaa xaajo la yiraahdo Jacbur, inta dalku maamul dhab ah ka yeelanayo".

Gudoomiyuhu mar uu ka hadlaayey Juquraafi ahaan Degmadu waxa ay caan ku tahay, sababaha u diidey in degmada nawaaxigeeda lagu beero dhir, waxa u diidey in dadka deegaanka ay helaan Biyo nadiif ah iyo Juquraafi ahaan inta ay ku fadhido ayaa wuxuu yiri

"Degmadu waxay caan ku tahay oo ay leedahay Xeeb dhererrkeedu uu gaarayo ilaa 155-km oo Badd ah, waxay keloo caan ku tahay Geed xiliga abaart Xoolaha daaqa aysan abaaru ku harin Xoolaha, waana dhul Xooluhu ay ku tarmaan sida Ariga Geela iyo Lo'da, sababta diidey in dhir lagu beeri waayo, Soomaali hadaanu nahay, ma laha Hanti ka dhexeysa dadka, waxa bur burka keeneyna waa taas, mana laha Biseyl in dhirta la beero, degmaduna waxay ku fadhidaa dhul dhan 415km oo isku weer ah, dhulka baaxada intaas leh, waxay ka cabaan Afar Ceel oo Wadaamo laga shubo iyo 5 Ceel oo Matoor saaran, inta kale waxaa laga cabaa Baraag, Biyaha Ceelasha waxaa ka dhibaato badan, kuwa Baraagta, waxaana ka dhasha Kaneeco, mana jiro cid wax nagala qabatey ilaa iyo hada, hadii aan meel kasta tegey, 15 bilood ayaan xilka hayaa, waxaana ku hawlanaa in magaaladu ay yeelato Is-gaarsiin iyo Biyo Nadiif ah, waxa keeney in la fulin waayo waa Jidadka oo bur bursan, dowlad wax ka qabato ma jirto, hore dhulkaan waxaa la oran jirey xiligii dowladii hore gaari waa, laakiin xiligaan la joogo ma jirto Qolo 40-km wado Cara kaaweysey, oo dadweynihii deganaa ay isku tashadeen, sida Garacad iyo Jariiban inta u dhexeysa, waxaan keloo wadnaa wada marta inta u dhexesa Boosaaso iyo Jariiban oo ag marta Ceelka Qoon ku reeb oo 25Km ah oo Baabuurt mari weysey inaan dhisno, wadadaasina waxay laamiga ugu dhacdaa Wargaduud, Dhoobo cantuug, labi lamaane, laamiga wuxuu inoo jiraa ilaa 160Km, jidkaasina hada waxaan hagaajiney ilaa 10Km, waxaana inoo harey 15Km waxa keeney inaan dhisno waa dhibaatadaasna waa baahida jidadka aan u qabno, iyaga ayaa wax walba naga go'doomiyey, xitaa Hay'adihii nooma imaan karaan, midii timaada jidka xun oo hadana leexsan aw-geed naguma soo noqoto, jidna Dowlad baa wax ka qabata ee shacab wax kama qaban karo".


Markabkii 21 Oktobar


S:-Gudoomiye Tuulada Garacad waxaa yaal Markabkii 21 Oktobar, wuxuuna ka mid yahay Maraakiibtii Soomaaliya ay lahayd, wuxuuna halkaasi yaalaa mudo halsano kudhowaad ah, xaaladiisa maxaad ka warhaysaa?

J:-Gudoomiyuhu wuxuu ku jawaabey ee su’aashaas inaad I weydiiso aad baan u jeclahay, sababtoo ah wixii iigu cajaab badnaa weeye intaan maamulka hayo, markabkaas markii uu soo caariyey bishii 7-aad sanadkii hore waxaa saarna 43 qofoo shaqaale ah, Markabkuna wuxuu ka mid ahaa Maraakiibtii xaalufisey oo meesha ka Kaluumeysan jirey, waxaana laga heley shabaagihii dadka deegaanka oo hore ay u qaateen, waxaa kale oo jirey ninkii dhaawacay ruux shabaag lahaa oo deegaanka joogey oo markaa dhaawicii Xabadii ay ku dhufteen miskiin la ah, markii dadku meesha ay isugu yimaadeen oo Markabkii la fuuley oo laga aqoodey ninkii Alaabtiisa, gudigii deegaanka ayaa arintii dhex galey oo badbaadiyey kii kale, waxaa kale oo cajiib ah Hubkii ku xirnaa Markabka Badda ayey ku gureen si aan dadku u arag, waxaa 6-bilood kadib la heley Baddii oo ciida qodey in Hub laga soo faago Badda dhexdeeda iyo Shabaagtii loo dhigey Aargoosatada oo isku xiran, shabaagtaas qaarkood waxaa ku duubnaa Qori Dheshiike ah, Dabo miinshaaraha, iyo qoriga AK 47, waxaan keloo ku guuleysanay 43-da inaan badbaadino, Markabaka ilaa waagaas meesha ayuu yaalaa waa la jiidiwaayey, waxaana ilaalinayey 10 ruux ka mid ah dadka deegaanka, hada waxaan ka warqabaa, Puntland iyo DFKMG in ay yiraahdeen cidii jiidankarta ha jiidato anagu xoogna uma hayno Xoolana uma hayno, in dad kale jiidandoono iyo in meesha uu ku baabi’idoonana ma garan karo ee laakiin intaas ayaan ka warhayaa.

S;-gudoomiye intii aan joogey Tuulaada Garacad waxaa yimid xubno Injineero ah oo laga keeney dalka Bakistaan, xubno kale oo Soomaali ah oo isugu jirey DFKMG iyo maamul goboleedka Puntland oo doonaya in Markabkaas xaaaladiisa ay qiimeeeyaan, islamarkaana lagu talo jirey in shirkado Soomaali ah ay la wareegaan oo laga iibiyo arintaas maxaad kala socotaa?

J:- arintaas inay jirto waan maqley lacag badan baana Markabka ku baxdey,wuxuuna meesha yaalaa 11-bilood 10 ruux baana ilaalineysey oo bishii qaadata $ 200 iyo kharash kale, waana maqley Dowladu wey iska fasaxdey,in nimankii kharash agreynayey lagu yiri, laakiin maadaama aan si cad u maqal inaan ka hordhaco ayaan diidayey, sheekadaasna sida aad u maqashey ayaan u maqley.

S:-gudoomiye waxaa la ii sheegey in Tuulada Garacad laga dhisidoono Dekad, waana hadal in badan la wadwadey dhismaha Dekada ee arimahaasi xageebey ku dambeeyeen?.

J:- waa jiraa in arintaas wax badan la hadal hayey, waana mid dadd badan ay hadal hayaan, ilaa iyo hada wax cadaan ah mahayo, ee waxaan anigo ka warqabaa in arintaas aysan sahlaneyn, waana mid ku xiran arin dowladeed si sahalna kuma imaankarto, mana jiro ilaa dowlad rasmi ah inta laga helayo in arintaas ay jirto, wey jireen qolo dhahdey meesha ayaan sahmineynaa oo aan aniga geeyey, ilaa iyo hada ma jiro wax muujinaya ifafaale dhisme dekedeed, meeshuna waxay leedahay marsooyin badan sida Marso xagaa iyo Marso diraaceed, waxayna leedahay hadii aan kuu sheego waxaa ka mid ah Kulub, Garacad, Culiyo iyo dhabar xagato, waxaana awooda la saaraayey xiligaas Garacad iyo Culiyo, Rajana waanu leenahay oo kama rajo dhigin, waana wax baahiweyn aan u qabno.

Kadib waxaan ku soo noqdey Gaalkacyo, maalmo yar kadib oo aan joogey ayaa waxaan dareemey culeys kale doo dhinaca amaanka ah, markii aan halkaas ka dareemey in iyaduna ay ka jiraan falall lagu ugaarsanayo dadka ku cusub Magaalada Gaalkacyo dhinac kasto haka yimaadeene, islamarkaana ay jirtey xiligaas waqti ku dhow, in qaar ka mid ah dhilin yaro ka timid Zoonka shanaad ee Soomaalidu ay degto ee Ethobia, oo isugu jira Macallin wax ka dhigayey Dugsi Quraan iyo qaar ka mid ah Ganacsatada Magaalada oo dhamaan dadkaas la iigu sheegey in ay ka soo jeedaan Gobolka Shanaad ee Soomaalida ay degto ee Ethobia, in laga qab qabtey, ayaa anigana waxaa laygu wargeliyey in aan Hoteelka ka ag-dheeraan ama aan ka bixin, inta ay jiraan hawl-galadaas.


lacagtii shilin soomaaliga iyo mid been abuur ah oo land ah


Xiligii aan ka soo tegey Gaalkacyo

30/ bishii 5/2008 ayaa waxaa ka dhacay magaaalada in la weeraro Garoonka Diyaaradaha ee Gaalkacyo intii uusan galin xiga mashquulka, markii aan ogaadey Ayaan go’aansadey in isla maalintaas ka soo dhaqaaqo, saacadu marka ay ahayd 5:30 daqiiqo oo galabnimo ayaan ka soo tegey Magaalada Gaalkacyo, soona aado Hargeysa, waxaana soo raacey Gaari yar oo MRTWO ah, waxaana soo marey wadadda isku xirta Gaalkacyo, Garoowe, Laas-caano, Burco, Ber Bera ilaa Hargeysa. (AKHRI qaybta xigta - 3aad)....


Ceel Gaal oo bur burkii dalka saameeyey


Geedka Wadaamo gooye

AKHRI qaybta xigta - 3aad

Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com , +253624079

Faafin: SomaliTalk.com |  Oct 3, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda..  iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS