SomaliTalk.com
Tell Your Friends

Khalidmosque

Sadaqad malabexeysaa, taageer masaajidka Ilaah hakuugargaaree; ku hagaaji foomka hoos kuxusan (fadlan)
. MSWORD Pledge Form
. PDF Pledge Form
. Click here for more info


Faahfaahin dheeraad ah
guji halkan




barava

Xayaysiiska SomaliTalk

Fadlan daabac xaayasiiska Somalitalk kunadheji xarumaha Soomaalida ee cariga aad kunooshahay.

Guji halkan

Mahadsanidin Taageeradiina.


Chat | Forum | Search | Feedback | News
Family | Halal | Islam | Kaaba | Learning | News | SomBusiness | SomBeauty | SomLink | TafsiirQur'aan | Zakaat | Saxaabada
LiveNews Update | AfricaNews Highlights | Sports-News | News Sources
Maxkamadda Sare (Mareykanka) oo Diidey Dhegeysiga Kiis Canug Soomaaliyeed oo Loogeeyey Reer Christian ah
Qoraalkaan waxaan kasoo tarjumney bogga The Boston Globe
SomaliTalk
June 10, 2000

Click here for English version

PORTLAND, Maxkamadda Sare ee Mareykanka waxa ay diidey in ay dhegeysato rafcaanka laba waalid oo Muslim ah oo deggan Portland kuwaas oo gabadhooda ay dawlada gobolkaas horay ugu dhiibtay qoys aan muslim ahayn si ay u hayaan.

Qaybta adeega dadweynbaha (Department of Human Services - DHS) ee magaalada MAINE ayaa sannadkii 1996 waxay gabadhooda ka qaaday labada waalid ee Mohamed Muse Issak and Shamso Hirsi, kaddib markii dhakhaatiir iyo CASE WORKERKS ay ogaadeen in Kafia (waa gabadha yare') ay kajabantaha lafo.

Sanadkii hore, Qareen degmada ayaa baabi'iyey xuquuqdii waalidka ee Issak and Hirsi, kuwaas oo ah laajiyiin (immigrants) kayimid Soomaaliya. Maxkamadda sare ee magaalada MAINE waxa aya Bishii December qaadatay ama xukunkii ku raacday go'aankii maxkamadda degmada. Maxkamadda Sare ee Mareykanku diidmada ay diidey in ay dhegeysato kiiska waxa ay soo afjareysaa ama dhamayneysaa xaqii waalidnimada xagga sharciga, (ends the birth parents' legal options).

DHS Commissioner Kevin Concannon, waxa uu yiri go'aanka maxkamaddu waxa uu adkaynayaa ama xoojnayaa ficilkii wakaladiisa (agency).

Waalidka hadda Kafia korsanaya oo ah Caddaan, kudhashay Mareykanka ahna Christians waxa ay weydiisteen in ay korsadaan, laakiin waxaa arintaas dib u dhigay Rafcaankii sharciga ahaa (legal appeals) ee ay qaateen Issak and Hirsi, Sidaas waxayiri Concannon.

Muslimiinta kudhaqan nawaaxiga Portland waxa ay muujiyeen caro ay kaxunyihiin Kafia oo loodhiibay ama lageeye qoys aan Muslim ahayn. Habka udegan DHS (policy) waa in ay isku dayaan in ay carruurta u geeyaan qoysas ay isku diin yihiin. Laakiin Gobolku waxa uu yiri lamahayn qoys Muslim ah oo sookoriya markii dhaawaca Kafia la ogaadey.

Winston McGill, Muslim kunool agagaarka Portland, waxa uu yiri madareemin in Kafia ay kunegaato ama lajoogto Issak and Hirsi haddii ay khatar kujirto. Laakiin madaxda Gobolku wax tixgelin ah masiin sidii ay u dhawran lahayd dhaxalkii diinteeda, sidaas ayuu yiri.

"Waxaan filayaa haddii canugu ahaan lahaa Jewish, waxaan filayaa in Jaaliyadda Jewish ay dhehi lahaayeen, 'canuga waa in lageeyaa qoys ama guri Jewish'" ayuu yiri. "Waan ka niyad xumahay"

Dhakhaatiirtu waxay ogaadeen in Kafia ay ka jaban tahay lug markii ay da'deedu ahayd 2 Bilood. Waxaa lagaqaaday gurigeeda (qoyskeeda) waxaana hayey qoyskale lababillod.

Dadka u shaqeeya gobolka (state workers) waxay ogaadeen in ay kajaban tahay lafta "collarbone" iyo shan feerood, bil kaddib markii lagusoo celiyey Issak and Hirsi.

Kafia walaalkeed kaweyn jirana 18 oo layiraahda Bashir Muse waxa uu yiri ama sheegay in qoyskiisu ay aad uga murugoodeed qaaditaankii laga kaxeeyey Kafia, dhaawac yaduna aysan ahayn ulakac.

"Iyadu waa walaashay, iyadu waa dhiigaygii. Iyadu ma ah sida alaab aad bixinkartid, waa bini Aadam", ayuu yiri (walaakeed). "Maxaa dhacaya 20 sano kaddib marka aan ku arko wadada?. Iyadu ima garandoonto aniga.

Waxaa soo tarjumey bahda SomaliTalk.com


AKHRI


>> Ardaydii Soomalida oo guulwayn soo hoyday
>> Yaa nabadda Soomaaliya ka go'daa?
>> Kooxda kubadda cagta Soomaaliya
>> Shirweynaha Islaamiga oo Laguqabandoono Toronto
>> MINNESOTA SOMALI STUDENTS UNION
>> KULANKII ARDADA MINNESOTA
>> Somali Women in Diaspora Support Djibouti's Peace Plan
>> Quudka Naarta & Qaadka (BOQOLSOON)
>> Gabaygii ABSHIR BACADLE ee Qaadka


Posted by SomaliTalk.com Team
June 10, 2000
Allah Is Great
.



mail


Top | Somali | Search | Forum | Add Site | Contact Us | Feedback