|
Family
| Halal
| Islam
| Kaaba
| Learning
| News
| SomBusiness
| SomBeauty
| SomLink
| TafsiirQur'aan
| Zakaat
| Saxaabada
|
LiveNews Update
| AfricaNews Highlights
| Sports-News
| News Sources
|
June 30 - July 3, 2000
|
Shirweynaha Islaamiga oo Laguqabandoono Toronto
SomaliTalk
June 5, 2000
TORONTO, CANADA - War nagasoo gaarey maamulka Masjidka Khalid-Bin-Waliid ee Toronto waxa uu sheegayaa in kulan ballaaran oo Islaami ah uu kadhici doono magaalada toronto.
Kulankaas oo aysoo qabanqaabinyaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kudhaqan Woqooyiga America oo uu hormood u yahay Masaajidka Khalid waxa uu socondoonaa inta u dhexaysa June 30-keeda ilaa July 3-deeda, 2000.
"Shirwaynahaan Islaamiga ah oo aan isleennahay haddii Eebbe idmo aad buu faa'iido ugu leeyahay guud ahaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaanna jaaliyaddeena Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool oo mar walba u baahan in la xasuusiyo sidii ay u xifadasan lahaayeen Diintooda." sidaas waxaa yiri xubin katirsan maamulka masaajidka.
Wixii faahfaahin ah oo dheeraad ah ee kusaabsan shirkaas qaayaha leh waad idiinsoo tebin doonaa insha Allah marka ugu horreysa ee aan hello.
Masaajidka Khalid-Bin-Waliid waxa uu kuyaalaa xaafadda ay Soomaalidu ugu badanyihiin ee magaalada Toronto, waana masaajid had iyo jeer aad u camiran oo u qabta Islaamka adeegyo farabadan. Waa masaajid qiima aad uweyn uleh mujtamaca Islaamka oo dhan, gaar ahaan Soomaalida.
Cinwaanka masaajidku waa: Khalidmosque.com
AKHRI
>> KULANKII ARDADA MINNESOTA
>> Somali Women in Diaspora Support Djibouti's Peace Plan
>> Quudka Naarta & Qaadka (BOQOLSOON)
>> Gabaygii ABSHIR BACADLE ee Qaadka
Posted by SomaliTalk.com Team
June 5, 2000
|
|
MASAAJID LAGAFURIDOONO STOCKHOLM, SWEDEN
|
Waxaa maalinta Jimcada June 9,2000 magaalada Stockholm ee dalka Sweden lagafuridoonaa Masaajid aad uweyn halkaas oo lagusoo bandhigi doono barnaamijyo xiisa leh, insha Allah waan idiinsoo tebin doonaa wararka xaflada furitaanka Masaajidka.
SomaliTalk June 5, 2000
|
ARDAY SOOMAALIYEED
|
Arday Soomalaiyeed oo aad u farabadan ayaa June 8, 2000 kaqalinjebin doona dugsiyada Sare ee gobolka Minnesota, USA.
Akhri....
SomaliTalk, June 5, 2000
|
|
|