SomaliTalk
June 8, 2000
Kooxda Somalia
|
Wararka ka imanaya Africa waxa ay sheegayaan in kooxda kubbada cagta ee Soomaaliya oo lagu magcaabo Benadir Telecom ay noqotay kooxda ugu dambeysa (ama ugu hooseysa) liiska cayaaraha Africa.
Sida aan lasocono Soomaaliya oo aan lahayn dawlad ayaa kooxdani ku guulaysatey in ay kaqayb galaan cayaaraha taas oo ah guul weyn oo ay gaareen cayaaraha Soomaaliya.
Kooxda Telecom waxaa kharashkeeda bixiyey (sponsor) shirkadda lagumagcaabo Telecom taas oo ah shirkad kadhisan magaalada xamar. Waxay shirkadaasi ku ammaantahay xilqaadka iyo hawshaas ay u qabteen ummadda Soomaaliya xilliga baahida weyn ay u qabaan wax soo celiya dareenkii shacabka.
Intii ay cayaaraha is-reeb-reebka socdeen waxaa kooxda soomaaliya ay kudhowaatey in lagreebo cayaarta kaddib markii ay bixinwaayeen lacagtii kaqayb galka cayaarta. (Akhri warkii hore ee laxiriirey arintan).
Waakan hoos kuqoran sida ay u kalaahorreeyaan cayaaraha Afrika. Soomaaliyana ay ugu dambeyso.
1. South Africa 2. Morocco 3. Tunisia 4. Egypt 5. Cameroon 6. Zambia 7. Angola
8. Ghana 9. Ivory Coast 10. Nigeria 11. Democratic Republic of Congo 12. Zimbabwe
13. Algeria 14. Guinea 15. Senegal 16. Burkina Faso and Mali 18. Gabon 19. Namibia
20. Togo 21. Congo 22. Kenya 23. Mozambique 24. Malawi 25. Liberia 26. Uganda
27. Mauritius 28. Libya 29. Sierra Leone 30. Tanzania 31. Sudan 32. Swaziland
33. Madagascar 34. Burundi 35. Ethiopia 36. Benin 37. Gambia 38. Rwanda 39. Lesotho
40. Mauritania 41. Cape Verde Islands 42. Botswana 43. Chad 44. Eritrea 45. Guinea Bissau
46. Niger 47. Central African Republic 48. Sao Tome e Principe 49. Seychelles
50. Equatorial Guinea 51. Djibouti 52. Somalia
Liiskaan waxaan kasoo xiganey (copyrightChina News Agency).
TAAGEER KOOXDA SOOMAALIYA
Waxaan asaasnay qayb aad toos ugu soodaabicikartaan taageerada iyo faaladda aad kabixineysaan cayaaraha Soomaaliya. (eeg cinwaanka hoose).
Bogga Cayaaraha Soomaaliya (open forum)