Qore: ADAM HAWAR
May 26, 2000
ASSALAAMU CALAYKUM
Alloow qiiqa iyo qaadka iyo quudka naartaba naga qari oo qarankayaga ka dheeray, Aamiin. Waa xigmadii BOQOLSOON Allah ha u naxariistee.
|
Walaalayaal Cilmigu waa amaano e waxaan rabaa inaan idin xasuusiyo
hadal uu ka
tegey kuna sifeeyey QAADKA walaalkeen MUXAMED AXMED ROOBLE, oo loo wada yaqaan
BOQOLSOON ALLE ha u xaxariistee, anoo runtii aad ula yaabay XIGMADIISA iyo sida
ALLE u waafajiyey QEEXIDA suntaas cagaaran iyo mid aan ka ag fogayn oo mar
walba la dhinac wado waa QIIQA BADANAHA (SIGAARKA) e.
wuxuu yiri Shiikhu raximahullaah:
'WAR GEEDKANI IYO SIGAARKUBA WAXAY U EG YIHIIN CUNTADA AMA GEEDAHA NAARTA
ALLE INOOGU SHEEGAY ISAGOO KU DIGANAYA EHLU NAARKA'.
'SUURADA MAGACEEDA LA YIRAAHDO AL MUZAMIL WUXUU ALLAAH INOOGU SHEEGAY INAY
NAARTU LEEDAHAY CUNTO LAGU MIIGTO (cunaha ku istaagta) WALAALAYAAL MIYAYDAN QAADKA ARAG SIDA LOOGU MIIGTO IYO DHIBKA
KAHAYSTA DADKA MARKAY CUNAYAAN'.
'WAXAY IS AG TUUMIYAAN INTAAS OO TARMUUS OO SHAAHA IYO INTAAS OO DHALO OO
KOOKA AH IYO INTAAS OO CAAG OO BIYO AH, IYO WELIBA MARMARKA QAARKOOD INTAASUBA
INTAY WAX TARI WEYDO BAY WAXAY KU RIIXRIIXAAN QORYO'. Qaadku quudkii naartuu
shaabahaaye walaalayaaloow ka dheeraada, hana isu ekaysiinina ehlu NAARKA.
Shiikhu isagoo SIGAARKA sifaynayana wuxuu yiri:
'GEEDKAN AAD KA QIIQINAYSAAN WUXUU U EG YAHAY DHIRTII NAARTA LAGU SHEEGAY,
WUXUUNA ALLE SAREEYE QUR'AANKIISA INOOGU SHEEGAY SUURADA LA YIRAAHDO AL-QAASHIYA
OO
MACNEHEEDU YAHAY (GAALADU NAARTA DHEXDEEDA KUMA HAYSTAAN CUNTO GEED DARIIC LA
DHAHO MOOYAANE, LAGUMA NAAXO GAAJONA KAAMA BI'IYO) MIYUUSAN SIGAARKUNA
SIFOOYINKAAS LAHAYN? GAAJO MA IDINKA BI'IYAA OO MALAGU DHERGAA? MASE LAGU
NAAXAA?'
'WAR ALLIHII IDIN ABUURAY KA BAQA DIINTANA SIDAY TAHAY U ILAALIYA AAKHIRO IYO
ALLE LA KULANKIISANA U DIYAAR GAROOBA, WAXAN AAD KU JIRTAAN WAX WANAAGSAN MAAHA
EE DIINTIINA BARTA OO KU DHAQMA'
Walaalayaal saan horeba idiinku sheegay waxaan aad ula yaabay kelmedahaas
kooban ee Shiikhu ALLAAH ha u naxariistee ku qeexay QAADKA isagoo Kitaabka
ALLAAH wax inaga tusinaya.
Walaalayaal waxaynu haysanaa DIIN dhamays tiran oo wax walba ALLAAH inoogu
cadeeyey lagaga bixi karo mugdiyaasha aan maanta ku jiro iyo kuwa aduun
weynuhuba ku jiro, aawayse dadkeedii? waxaynu noqonay GEELII qabey cudurka biyo
diidka ee DARKA CEELKA hoganaayey, isna biyaha cabi waayey XOOLIHII kalena
ceelkii ka horjoogsadey.
Waxaan ALLAHA awooda badan weydiiisanayaa inuu diinteena na baro, na
fahansiiyo, noona fududeeyo ku dhaqankeeda iyo u gudbinta Caalamka dhamaantiis
oo maanta ay ku badatay MACAASIDII lagu halaagay dhamaan UMMADIHII inaga
horeeyey.
ALLOOW QIIQA IYO QAADKA IYO QUUDKA NAARTABA NAGA QARI OO QARANKAYAGA KA
DHEERAY, Aamiin.
Walaalkiin Adam Xawar
ADAM HAWAR
Email: ISLAAM@USA.COM
Akhri Gabaygii qaadka ee
Abshir Nuur Faarax (ABSHIR BACADLE)
Akhri qaybtii hore (Back) | Waa socotaa ee guji halkan (Forward)
Posted SomaliTalk.com Team
May 26, 2000
QAYBAHA KALE EE QAADKA