Waan idin salaamay dhamaan walaalahayga
halkan fikradaha isku waydaarsanaysa
gaar ahaan kuwa soo diyaariyay barnaamijkan.
Salaan kadib walaalayaal hadaan ka dhiibto
ra'yigayga halkan kaasoo ku wajahan
qaadka.
Walaalayaal waxaan qabaa in uu qaadku
yahay daroogo taasoo aan banaaneyn
waxaana soo gudbinayaa gabay uu tiriyay
Abwaan Abshir Nuur Faarax (ABSHIR BACADLE) Ciwaanka Gabygu waa
QAYILOO CUN REERKANA QADI...QAADOW ADIGAA LEH.
(Qaadka ha u Aqoonsato Ummadda Soomaaliyeed Daroogada Cagaaran...)
1-Boqolaal qorshoo wada qabyaa ....
Qaadow adigaa leh.
2-Qoryo raamso quudkana yaree...
Qaadow adigaa leh.
3-Qayiloo cun reerkana qadi .....
Qaadow adigaa leh.
4-Qasad dhaar ah qowl aan la fulin.
Qaadow adigaa leh.
5-Faqiir qani is moodoo qayila...
Qaadow adigaa leh.
6-Qaflad aan dareenkeed la qabin....
Qaadow adigaa leh.
7-Qurbaha joog adoon hawl ka qaban...
Qaadow adigaa leh.
8-Kabr qolofa & qurun agyaal...
Qaadow adigaa leh.
9-Qaan gaaro qeyrkood ka haray....
qaadow adigaa leh.
10-Is qandiiri kana qoomamee...
Qaadow adigaa leh.
11-Qaamuuska cay waxa ku qoran....
Qaadow adigaa leh.
12-Qayb amaaho adigoon qadeyn....
Qaadow adigaa leh.
13-Xubna qaadi waa sida qof qalan....
Qaadow adigaa leh.
14-Qandiga fuqurka &quus rageed...
Qaadow adigaa leh.
15-Inoo qaybi aan lagu qanceyn....
Qaadow adigaa leh.
16-Adaa qaatay qeybtii badneyd....
Qaadow adigaa leh.
17-Iska qari qofbaa kugu qabsane...
Qaadow adigaa leh.
18-Af qashuush ahoon cadeygu qaban...
Qaadow adigaa leh.
19-Il qaloocda daankoo qombora....
qaadow adigaa leh.
20-Qashin iyo qashaabiir qurmoon....
Qaadow adigaa leh.
21-Qamra cagaaran qiil lagu xalilo....
Qaadow adigaa leh.
22-Qandaraaska qababaal xumada....
Qaadow adigaa leh.
23-Qarnigaan qasaaraha u daran....
Qaadow adigaa leh.
walaalayaal waan dhamystirayaaye iga raali ahaada
Qore: Cabdirisaaq Ahmed Mahamed
Asalaamu Alaykum Bahda somalitalk
salaan kadib, walaalayaal ilaa iyo
haatan howl wanaagsan ayaad bulsho
weynta soomaaliyeed u'socota bishaan
waanna ku mahadsan tihiin dadaalka
aad kujirtaan
Haatan kaasoo ah [QADKA]
dhibaatada dhaqaale, caafimaad, horumar,
iwm. Ee u'leeyahay [QADKA] sidaan ognahay
dhamaan teen in uu qaadku mukhaadaraad
kayahay meella baddan aduunka oo idil.
Waxba yaan laga meer meeran waanu ognahay in uu maan dooriye yahay, caafimaad
ahaan waa hurdo la'aan, iska hortaagid xaga cunnada. horaa
loogu gabyay "qalbi qooqan qooro aan
waxtarin qaadow adigaaleh" igana raalinoqda erayada aan meesha kuqoray.
Qore: hannaan haaji ahmed
Akhri qaybtii hore (Back) | Waa socotaa ee guji halkan (Forward)
Posted SomaliTalk.com Team
May 19, 2000
QAYBAHA KALE EE QAADKA