Koboca Islaamiyiinta Soomaaliya - Q.7aad
(Siraha Qarsoon )

W.Q. Cabdishakuur Mire Aadam.
cobol319@gmail.com
Qormo Taxane ah...
Cutubka Labaad.
Asaaskii Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed iyo Herdintisiii
Islaamiyiinta.
Qormadda Todobaad.
Prof.Yuusuf Xirsi Buugiisa Xabsigaygii ee la daabacay
2001-dii boggiisa 22-aad waxaa uu ku qoray in goortii waqtigu ahaa labadii dambe
ee habeenimo ( sideeda saaca) ee 01 May 1977-dii lagu amray inay baabuurta
fuulaan. Aniga, Shiikh Maxamed Macallin iyo Maxamed Ibraahim Cigaal hal dhinaca
ayaa fariisanay. Waxaa dhinaca kale ka fadhiyey baabuurka aan wada saarayn oo
nagga soo horjeeday Yuusuf Cisamaan Samantar (Bardacad), Cabdulraxmaan Aswad,
iyo nin kale. Markii baabuurka nala saaray ee qof walbaa fariistay ayaa lugaha
waxaa looga qoofalay silsilado si aanu qofna u hawaysan inuu cararo. Iyadoo
intaas ay sii dheerayd ilaaladda xoogan ee baaburta aan saarayn korka ka
ilaalinaysay. .
Waxaa uu Prof.Yuuusf Xirsi xusay safarkii dhibka badnaa
intii maxaabiistaas siyaasadeed loo sii waday Xabsiga Laabaatan Jirow. Isagoo
sheegay in ku dhowaad kontomeeyadaas maxbuus ahaayeen kuwii ugu horeerey ee
Soomaaliya oo lagu furo Labaatan Jirow Xabsigaas la magac baxay.
Bishii Agoosto 1977 ayaa waxaa si gaar ah loogu xiray
meel Qamta la yiraahdo oo ka gaar ahayd Xabsi weynaha Labaatan Jirow rag ay ka
mid ahaayeen Maxamed Abshir, Shiikh Maxamed Macallin, Shiikh Cabdiqani Shiikh
Maxamed, Maxamed Ibraahim Cigaal iyo Cali Hayje nin la oran jiray oo isaga
markii dambe lagu dilay Xabsiga Labaatan Jirow.
Ciririgii siyaasadeed iyo la socodka dhaqdhaqaaq-yadooda
ee kacaankaasi saaray Islaamiyiinta kama hakin ujeedooyinkoodii. Waxay si mug ah
u lahaayeen isku xirnaansho iyo wada shaqayn taas oo ay ku jaah-wareereen
NSS-tii. waxaa la qiraa in Islaamiyiintu xilligaa adkaa kaga soo gudbeen
adkaysi iyo dulqaad xad dhaaf ah oo ay arrimaha ugu dulqaadanayeen si aan caadi
ahayn. Taasoo ku riixday inay higsadaan maanta halka ay ku haminayaan oo ah
hanashada hogaaminta awooda dalka iyo dadka Soomaaliya. Wadan in ka badan 17
Sano aan helin dawlad hogaamisa isla markaana hanata maamulkiisa .
Islaamiyiinta ayaa lagu tilmaami karay in kaga
faa’iidaysteen waqtigaas inay afkaartayrabeen ka dhaadhiciyaan shacabka oo ahaa
in shuuciyaynta dadku ay tahay ka saarida diintooda. Waa la oran karay inuu
fikirkoodaasi miradhalay ka dib markay dadku bilaabeen inay diintoodau soo
noqdaan. Isla markaan barashadeeda si qoto dheer u fahmaan.
Xubnihii14 ka midka ahaa Islaamiyiinta oo la qabqabtay
bartamihii sanadkii 1976-tii ayaa kuwoodii ugu horeeyey waxaa laga soo daayey
xabsiyadda dabayaaqadii Sanadkii 1977-dii xilligaas oo siyaasadii XHKS caga
dhigatay. Qodobka loo cuskaday xabsigooda qarkood wuxuu
ahaa qodobka 52-aad ee xeerka anshaxa. Waxaa xusid mudan in qodobkaasi uu ahaa
mid loogu tala-galay dumarka jirkooda ka ganacsada, kaas oo saamaxayay in qofka
eedeysan, saddex cisho lagu hayo xarunta booliskaka dabadeedna ama la daayo ama
loo gudbiyo maxkamaddii ku caddeyn lahayd dembiga.
Sanadkii 1977-kii iyo ka horba waxaa wadanka ka baxay
xubno muhiim ahaa oo ka tirsanaa dhaqdhaqaaqa Islaamiyiinta. Waxaa ka mid ahaa
Cabdulqaadir Shiikh Maxamuud, Axmed Nuur Carab, Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle,
Axmed Cismaan Dheel, Cabdisalaan Cismaan Cabdisalaan iyo rag kale oo badan,
waxayna kicitimeen wadanka Sacuudiga iyagoo halkaas ka galay jaamacado islaami
ah, kana soo kororsaday aqoon diineedkii loo baahnaa. Waxaa saldhigtay fidinta
dacwadda dalka gudihiisa. Iyadoo uu mira dhal noqday halgankii baraaruga dadka
ee dhinaca diinta.
Khilaaf ayaa soo kala dhexgalay xagga fikirka ah
Islaamiyiintii. waxaa meesha ka baxay dhaqdhaqaaqii la oran jiray Al-ahli oo
isagu shaqaynayey Sanadkii 1971 ilaa 1977-dii. Khilaafka ku soo kordhay
Islaamiyiinta Soomaaliya ayaa xiriir la lahaa kooxihii Islaamiyiinta Masar ee
xabsiyadda laga soo daayey, waxaana la xusaa in Sheikh Cabdulqaadir Sheikh
Maxamuud inuu markaas u Janjeersaday afkaarta kooxda Jamaacatul Mu’minuun dadka
badankiisu u yaqaanaan Tak-fiir. Warar dad dhowr ahi ii sheegeen ayaa waxaa ka
mid ahaa in Islaamiyiinta badankoodu kuwa joogay gudaha Soomaaliya ay qaateen
fikirka Jamaacatul Mu’minuun. Marka laga reebo xubnihii ku jiray Xabsiyadda.
Hase ahaate markiiba waa laga noqoday qaadashada afkaarta takfiirnimadda.
Kolkii loo caqli celiyey in badan oo ka mid ahayd dhalinyaradii Baraaruga
Islaamka.
Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaan si aan u
xaqiiqsado u janjeersiga dhalinyaradda Baraaruga ee dhinaca Takfiirka. Waxaan
weydiiyey waxa ka jira arrinkaas. Waxaa uu si guud mar ah iigu jawaabay:-
’’ Fikirkaasi waxaa uu asal ahaan ka yimid Wadanka
Masar. Kolkii dawladaasi xirxirtay oo ciqaabtay Muslimiinta xabsiyadda ku
xirayd. Waxay fikradu ka soo faaftay xabsiyada Masar’’
Sidee ayey inaga Soomaali ahaan inoo saamaysay?
’’ Dhalainyaradii Baraaruga Islaamka ee Al-Ahli ayaa
joogsanweyday. Maadaama kacaanku xabsiyadda dhigay cullimadii waaweynayd ee hagi
jirtay baraaruga Islaamka. In badan oo dhalinyaradda ahayd oo dhinac u liicday
waa jireen; Balse markii dambe ee cullimadda xabsiyadda laga soo daayey ayaa si
weyn wax looga qabtay. Oo si aad ah loogu caqli celiyey dhalinyaradii
degdegaysay.”
Sidoo kale waxaa dhinac noqday ururka Al-Islaax Shiikh
Maxamed Garyare ayaa dhinaca ula ruqay. Ururkii Jamciya Islaamiya waxaa madax
looga dhigay sheikh Maxamuud Cumar. Iyadoo Waqooyiga Soomaaliya uu ka jirtay
ururu Islaamiya oo la oran jiray Waxdada. Waxaa kaloo jiray xarako la yiraahdo
Aalla Sheikh oo uu madax ka noqday Sheikh Maxamed Macallin kolkii xabsiga laga
soo daayey1978-dii. Bilowgii Sanadkii 1978-kii ayaa noqday Sanad ku kowsaday
khilaafka Islaamiyiinta Soomaaliya u dhexeeyaa iyo asaasid ururuo Islaamiyiin ah
xanbaarasan fikirka Islaami Siyaasi..
Dagaalkii 1977-kii ee Soomaalidu la gashay wadanka
Itoobiyakama marnayn in xooggaagii dagaalamayey ay ku dagaalamayey si jihaad ah
isla markaana fulinayeen qodob diimeed ah xoraynta dhulka Islaamka ee la haysto
(Ogaadeenya).
Saraakiisha ka tirsanaa Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka
qayb gashay dagaalkII Ogaadeenya ayaa in badan oo ka mid ahaa waxaa saaqday
saxan saxada dabaysha diinta. Kuwaas oo ku hamiyeey inay Soomaaliya u horseedaa
dawlad Islaami ah. Waxaa xubnahaas ka mid ahaa Shiikh Xasan Daahir Aweys iyo rag
kale. Xunaha ka mid ahaan jiray Ciidankii Xooga Dalka Soomaaliyeed ee sida weyn
uga qayb qaatay ku baraarujinta Islaamka bulshadda Soomaaliyeed waxaa ka mid
ahaa Shiikh Maxamed Cali Dahir oo door muhiim ah ku yeeshay kobcinta Islaamka.
Ustaad Cabdulraxmaan Baadiyow15 oo ka mid ah
aqoonyahanadda Islaamiyiinta, kana tirsan xarakada Al-Islaax ayaa waxaa la
weydiiyey maxaa lagu garan karaa muuqaalka baraaruga islaamka? Waxaa uu ku
jawaabay:
” Waxaa lagu garan karaa(baraarugaas) sida looga
hadal-hayo warbaahinta caalamka oo dhan iyo sida ay u soo kordhayso ka
qaybgalka xisbiyadda Islaamiga ah ee xukunka iyo siyaasadda. Gaar ahaan dalalka
ay ka jirto doorashooyinka iyo tartanka siyaasada. Meel kasta waxaa lagu arkaa
muslimiin ka shaqaynaysa soo noolaynta ku dhaqanka diinta islaamka, waxayna ka
muuqataa dugsiyadda, masaajiydyada, jaamacadaha, goobaha shaqadda, ganacsiga,
waxay kaloo ka muuqataa dhaqanka nolosha, xiriirka qoyska, qaabka salaanta iyo
asluubta dadka iyo weliba bangiyadda islaamka oo si weyn ugu fiday dunidda
daafaheeda.’’
Xigasho.
- 14- Qoraalkii Dagaalkii Ogaadeenya
ee uu Qoray Dr.Sadiq Enow.
- 15- Waraysi uu Cabduraxman Badiyow
Siiyey Ogaalonline.com.
Akhri... Qaybta 8aad....
W.Q. Cabdishakuur Mire Aadam.
cobol319@gmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraha ku
saxiixan - waxana uu ku salaysan yahay buug uu qoraagu qorayo....