Koboca Islaamiyiinta Soomaaliya - Q.3aad
(Siraha Qarsoon )

W.Q. Cabdishakuur Mire Aadam.
cobol319@gmail.com
Qormo Taxane ah...
Cutubka Koowaad.
Ku Baraarugii Dacwadda Diinta ee Islaamiyiinta Soomaaliya.
Qormadda Sadexaad.
11 Janaayo 1975-tii ayaa Kacaanka taageerayaashiis ugu
yeeri jireen inuu barkaysnaa dhaqangeliyey xeer loogu magac daray Xeerka Qoyska
(Sinaanta Ragga iyo Dumarka). Xeerkan oo si muuqata uga horimanayey kitaabka
Quraanka Kariimka ah iyo shareecadda islaamka. Halkaas ayaa la oran karaa waa
goobta u noqotay bilowga kooxaha Islaamiyiinta ah ee Soomaaliya kacdoonkoodu ka
abuurmeen. Waa halkay ka falagsantay isbedelka lagu doonayo hoggaan Islaamiya oo
Soomaaliya ka curta .
Sanadkii 1952-dii ayaa wareegto ka soo baxaday maamulkii
gumeysiga Talyaaniga ee xornimadda gaarsiinayey Konfurta Soomaaliya. Wareegtaas
ayaa ka hadlaysay in dhamaan xeer Sharciyeed loo sameeyey lagu dhaqayo dalka
Soomaaliya. Marka laga reebo xeerka Qoyska oo isaga lagu dhaqayo Kitaabka
Manhajka ah. Waxaa ku dhaqaya Qaadi(Garsoore) Muslim ah oo yaqaan Shareecadda
Islaamka. Iyadoo la asaasay Maxkamadaha Degmooyinka(DistricCourt )oo shareecada
wax ku xukumaysa. Ma asyan xukumi kari Maxkamadahaasi wax ka badan 3000(Sadex
Kun ) oo shillin. Waxaa sidaas ii cadeeyey Avv. Xuseen Cabdulle Codweyn.
Talyaanigu6 aad ayuu uga gaabsaday xeer u samaynta
qoyska. Qaynuunadii kale oo dhan wuxuu u bedelay Koodishinaal (Codetional).
Nikaax, Furiinka, Dhaxalka .Magaha waxaa uu u daayey Shareecadda Islaamka inay
Soomaalidu isku xukunto.
Soomaaliya kolkay xornimadda qaadatay Sanadkii 1960-kii.
Waxaa sharci ahaan la isticmaalayey nidaamkii Talyaanigu ka tegey. Hase ahaatee
Sanadkii 1967-dii7 ayaa Barlamaankii xilligaas waxaa la hor geeyey mashruuc
Qaynuun ahaa oo ku saabsanaa Xeerka Qoyska. Waxaa xeerkaas soo nidaaminayey
Cullimo Masari iyo Soomaali isugu jirtay. Xeerkaasi waxaa loo soo dhisay Afarta
Mad-habadood ee jira mid waliba meeshay uga dhegen tahay nidaamka qoyska. Waxaa
la horgeeyey mashruucaas Barlamaankii. Way diideen,ma gudbin. Iyagoo ku diiday
hadaanu nidaamka qaynuunka Qoysku noqonayn Fiqi Shaafici ah. Meeshaas ayuu ooli
jiray ilaa 1969-kii oo wadanka inqilaab ka dhacay.).
Madaxweynihii Soomaaliya Jaalle Maxamed Siyaad waxaa uu
ugu baaqay culimadii waqtigaas. Inaanay ka horiman go’aanka dawladiisa kacaanka
ahayd qaadatay ee ku saabsanaa Xeerka Qoyska. Wadaadadu kama yeelin codsigiisaa,
aad ayeyna uga gilgisheenXeerkaas.
Maalintii Axad ahayd ee 12 Janaayo 1975-tii Madaxweyne
Siyaad Barre waxaa uu khudbad ka jeediyey Garoonkii Kubbadda Cagta ee (Stadium
Conis). Waxaa uu si aad ah ugu hadlay waxayaabo la xiriira oo ay ka mid yihiin
dhaxalka, furiinka iyo xuquuqda raga iyo dumarka ee Ilaahay jideeyey. Maalintaas
waxay u ahayd hogaamiyihii Kacaankii Oktoobar Maxamed Siyaad maalintaariikhda
u gashay.
Maalintii xigtay ee Isniinta ahayd 13 Janaayo 1975-tii
waxaa uu hogaamiye Siyaad Barre la shiray Garsoorayaashii Maxkamadaha dalka oo
ay ku jirtay Maxkamadii Badbaadada dalka la oran jiray. Waxaa uu si cad ugu
sheegay dhaqan gelinta SharcigaXeerka Qoyska ee Kacaanku soo saaray in siduu
yahay loogu dhaqmo. Iyadoon loo dhego raaricin Shiikhyada sida tooska ah uga
horyimid xeerkan khilaafsan diinta islaamka. Sir doonka Kacaanka ayaa iyagu
faafinayey in culimadda qaarkood ee diidanxeerka Kacaanku soo saaray inay
gacan saar la leeyihiin ururo carbeedoo dib u socod ah isla markaan dhaqaale
iyo tababaro ka hela wadamo Carbeed oo ay ka sheegeen Wadanka Sacuudiga oo
keliya.
Maalmihii 15 Janaayo ilaa 17Janaayo waxaa jiray diidmo
xooggan oo u dhexeysay cullimada diinta iyo kacaankii Oktoobar
Maalinimadii Jimcaha8 ahayd ee 17 Janaayo 1975-tii ayaa
waxaa Salaadii Jimcaha ka istaagay Masaajidka Cabdulqaadir. Allaha u naxariistee
Shiikh Axmed Shiikh Maxamed oo gacanta ku haysta Wargayskii Xidigta Oktoobar oo
lagu soo qoray Khudbadii Madaxweyne Maxamed Siyaad. Taasoo si toos ah uga
horimanaysay Qur’aanka Kariimka ah iyo shareecadda islaamka. Ha ugu
waaweeynaadaane arrimaha dhaxalka. Waxaa uu Shiikhu si geesinimo ah u sheegay
inaanay suuragal ahayn in la aqbaloku xadgudubka diinta islaamka, culi’maddana
ay waajib ku tahay inay hor istaagaana arrimahaa khatarta ah. Waxaa Shiikha ka
daba hadlay culli’ma badan,kuna raacday talladda uu soo jeediyey.
Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaan wax ka weydiiyey
xaaladda maalintaas. Waxaa uu ku dheeraaday geesinmadii Shiikh Axmed Shiikh
Maxamed. Waxaa kaloo uu xusay Shiikh Muuse Yuusuf wadaad la oran jiray. Waxaa uu
yiri :-
’’ Shiikh Muuse Yuusuf ayaa si bareer ah u yiri:-
Ilaahow Ruush isku dhaqan ma nihin. Isku diin ma nihin ee si na kala dheh. Waxaa
uu Shiikh Muuse maalintaas ka hadlayey Masaajid aan ahayn Masjidka Cabdulqaadir.
Isagoo si weyn uga hor yimid Xeerka Sinaanta Ragga iyo Dumarka ee Kacaanku meel
mariyey. Masjidka Cabdulqaadirwaxaa maalintaas Jimcaha ahayd Khudbadii ka dib
gudaha u soo galay Ciidamadii Nabad Sugida iyo Booliska. Waahareereeyeen
Masjidkii, korontadiina ka gooyeen. Waxay xabsiga u taxaabeen tiro badan oo
dadkii Masjidka ku tukanayeey ka mid ahaa’’
Ciidamadda Nabad-sugida ayaa dadkii ay qabqabteen oo
xabsiga u taxaabeen waxaa ka mid ahaa 35 ee culimadii diinta magaaladda Muqdisho
ahaa. Iyadoo Idaacadda Radio Muqdisho ay baahinaysay hadalo lid ku ahaa
dhaq-dhaqaaqa wadaadada oo iyagu keliya ku taagnaa waxay diintu ka qabto xeerka
uu soo saaray Madaxweynuhu.
Xigasho.
- 6- 7 Avv.Xuseen Cabdulle Codweyn.
- 8- Waraysigii Cabdulraxmaan Baadiyow ee Ogaalonline.com
Akhri... Qaybta 4aad....
W.Q. Cabdishakuur Mire Aadam.
cobol319@gmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraha ku
saxiixan - waxana uu ku salaysan yahay buug uu qoraagu qorayo....