SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BUUG

Koboca Islaamiyiinta Soomaaliya- Q.1aad

(Siraha Qarsoon )


W.Q. Cabdishakuur Mire Aadam.

cobol319@gmail.com

Qormo Taxane ah...



Cutubka Koowaad.

Ku Baraarugii Dacwadda Diinta ee Islaamiyiinta Soomaaliya.

Qormadda Koowaad.

Afgembigii1969-kii aanu dhiigu ku daadan, awooda xukunka dalka Soomaaliyana kula wareegeen Ciidankii Qalabka Sida oo uu hogaaminayey Maj.Gen.Maxamed Siyaad. Ayaa waxaa la oran karayey Soomaaliya waxay askartaasi ku soo kordhiyeen hab-dhaqan-dhaqaale ka duwan marxaladii soo jireenka u ahayd ee reer guuraanimada.

Soomaalida oo u badan xoollo dhaqato waxay si niyad ah u aaminsanaayeen diinta Islaamka, Diintaana u ahayd halka loo noqdo mar walba oo is qabad dhexdooda ahi yimaado. Balse Kacaanka maamulkii dalka qabsaday ayaa si la boodo ah wuxuu ugu dhawaaqay ku dhaqanka Hantiwadaaga Cilmiga(Scientific Socialisim) ku dhisan oo aanay Soomaalidu aqoon durugsan u lahayn. Kacaankaas oo la yimid xirxirnaansho siyaasadeed iyo mid bulshaba. Iyadoo Soomaalidu tahay dad furfuran oo laab xaaran.

Kacaanka Oktoobar ma la oran karay waxaa uu dagaal kula jiray Diinta Islaamka?. Mar haduu qaaday toobiyaha Hantiwadaaga Cilmiga ku dhisan? Su’aashaas ayaan waxaan weydiiyey Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax. Waxaa uu iigu jawaabay:-

 " Kacaanku waa ku tala jiray inuu isbedel ku sameeyo Diinta Islaamka. Waayo dawlad Shuuci ah ayuu ahaa. Waxaa taas daliil u ah nidaamkii Xeerka Qoyska ee uu qaatay. Kaasoo ka horimanayey Diinta Islaamka. Ku dhawaaqistiisu waxay muujinaysay kacaanku dagaalkii uu kula jiray Diinta. "

Shiikha ayaan mar kale wax ka weydiiyey qaadashadii Hantiwadaaga iyo waxa uu ka xasuusto. Waxaa uu ii sheegay sida wax u dhaceen markii la qaadanayey Hantiwadaaga, waxaana uu yiri:-

 " 1970-kii Bishii Oktoobar ayey ahayd maruu Maxamed Siyaad Barre khudbad ka jeedinayey halka loo yaqaanay Daljirka Dahsoon. Waxaan aniga iyo nin saxiibkay ahaa Shiikh Yuusuf Aden ka soo lugaynay Taree Biyaano. Ma haysan lacag aan Tagsi ku soo raacno. Niman dhalinyaro ah ayaan ahayn. Lug ayaan ku nimid anagoo danaynayna hadalka Madaxweynuhu jeedinayo. "

Waxaan weydiiyey muxuu Madaxweyne Siyaad sheegay maalintaas?

 " Khudbadii Madaxweynaha waxaa ka mid ahayd. Waxaan qaadanay Mabda’a Hantiwadaaga. ".

Madaxweynuhu waxaa kaloo hadalkiisii ku daray ayuu yiri:-

 " Waa la isweydiin karaa xagee ka soo qaadanay Hantiwadaaga?

Waa isu jawaabay Madaxweynuhu oo yiri:-

 " Waxaan ka soo qaadanay Diinta Islaamka. "

Waa sii watay hadalkiisii, Shiikh Cabdulqaadir si fiican ayuu ii eegay. Siyaad Barre waxaa uu yiri;-

 " Waxaa Nabigii iga soo gaartay raali allaha ka noqdee. Ma oran salaalahu calayihi wa salam. Iyadoo duulan la yahay inuu dadka isugu daray saadkii (sahaydii). "

Muxuu kaloo ku daray khudbadiisa ayaan weydiiyey wadaadka?

 " Yaa u sharixi kara dadweynaha mabda’a Hantiwadaaga ee la qaatay ayuu Madaxweyne Siyaad Barre weydiiyey dadkii Khudbadiisa dhegeysanayey?. Aan idiin sheego ee waxaa u sharixi kara nin aqoon yahan ah,nin wadaad ah oo si fiican u bartay Diinta. Wadaad xume meel ugama fura. Wadaad xume waxaan ugu yeeray. Ninka Diinta intuu wax ka bartay oran doona Hantiwadaaga iyo Islaamku isma waafaqsana.”

Kacaanka Oktoobar ayaa Sanad guuradiisii Koowaad ee ku beegnayd 21 Oktoobat 1970-kii waxaa uu gudoonsaday ku dhawaaqida iyo qaadista tubta Hantiwadaaga oo lagu jiheeyo dadweynaha Soomaaliyeed. Go’aanka ayaa ahaa bud-dhigida isbedelka dhinac walba ee lagu doonayey in bulshadada Soomaalida looga raro habdhaqankoodii hore iyadoo loo sahminayo habdhaqan ka duwan midkay horay u lahaayeen.

Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.

Marka dib loo yara milicsado taariikhd waxay Soomaalida ahaayeen weligood bulsho diinta aaminsanaanteedu aad ugu fogtahay. Halgankii Daraawiishta1 ee uu hogaamiyaha ka ahaa Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo ahaa Dariiqada Saalixiyada ayaa la oran karay waxaa uu salka ku hayey diidmo dadka Soomaalidu gebi ahaanba diideen waxaa ka soo horjeeda diintooda, sharaftooda, dhaqankooda,uguna babacdhigeen quwado awood ahaan aad uga xoogweynaa xilligaas. Iyagoo halgan kula jiray gumaystayaal fara badan Sanadkii 1900 ilaa 1921-kii.

Sidoo kale waxaa marar badan soo shaac baxay wadaado Soomaaliyeed oo daacad u ahaa diintooda sida Shiikh Bashiir iyo Wadadadka Shiikh Xasan Barsane oo ahaa Dariiqada Axmadiya ayaa la dagaalmay, kana soo horjeestay Gumaysiga. Gobolka Shabellada Dhexe Feb ilaa Aprile Sanadkii 1924-kii. Kuwaas si bareer ah uga horyimid gumaysigii Soomaaliya haystay. Halka la sheego Shiikhyo badan inay xiriir hoose la lahaaayeen gumaysigaas iyo weliba inay gunooyin lacag ah ka qaadan jireen.

Waxaa dadka taariikhda Soomaaliya ka hadlaa weriyaan marka la soo qaado salafiytiinta Soomaaliya in Qarnigii 19-aad ay jireen rag ay ugu horeeyeen Xaaji Cali Cabdiraxmaan Fiqi-Khayre oo ku magac dheeraa Xaaji Cali Majeerteen iyo Shiikh Xasan Ibraahim Yabarow. Laakiin Suufiyadda ayaa waqtigaas ka xoog badnayd Salafiyiinta. Waxaase jirtay inay dad door ah ka aflaxeen dugsiyada Shiikhyadan iyo weliba inay qabteen hawlo badan oo dib u heshiisiin ah. Colaado u dhexeeyey qabiilooyinka oo ay xaliyeen. Waxay kaloo ahaayeen kuwa la ixtiraamo marka masalooyinka diinta dhinacooda loo kaco. Macna waxa Salafiyada loo yaqaan sideedaba waxaa markii ugu horeeyey qeexay Iimaam Shamsudiin Al-Dahabi oo ka mid ahaa culimadda Shaafiiyadda, kuna dhashay Dimishiq 637 Hijriyada kaasoo geeriyooday 748-dii Hijriyada. Waxaa uu ku macneeyey Salafiyada2:-

 " U noqosho dhaqankii ay lahaayeen Saxaabadii Rasuulka iyo labadii jiil ee ka dambeeyey. Asalka Salafiyada waa in diinta islaamka laga qabsadaa Kitaabka iyo Axaadiista, Axkaamtana laga qaataa Kitaabka iyo Xadiiska saxiixa ah. " Waxaa xilliyadii dambe Soomaaliya la oran karay waxaa nooleeyey fikirka Salafinimadda Shiikh Nuur Cali Colow.

Suufinimadda3:-

 " Waxay ka kooban tahay qaybo dariiqooyinka ka mid ah oo ku caan baxay inay akhriyaan digri waqtiyo oo kala duwan,hadba qolo walba siduu Shiikhoodu ugu tilmaamo si ay u gaaraan martabad sare ee xagga ruuxda darajo ay u yaqaanaan Al-awliyaa amaba awliyonimo. Sideedaba Suufiyadu ma ahan dariiqo gaar ah ama diin gaar ah amaba mad-hab gaar ah ee waa dariiqo qofku u marayo siduu Ilaahay ugu dhowaan lahaa sida suufiyiintu aaminsan yihiin. Waa la Isku khilaafaa Ahlu Suufinimadda. Dadka qaar ayaa ku sheega inay ka soo jeeday koox muslim ah oo Masjidka Nebiga ag joogtay. Ninka lagu magacabo Ibni Jawsi Kitaabkiisa Tablis Ibliis waxaa uu ku sheegaa Suufiyiintu inay ka soo jeedeen Sufa Ibna Mara ninkan oo hooyadii nidar ku gashay inay suridoonto tiirka Kabcada markay dhasho ka dib si uu ugu go’o diinta. Markaas ayaa loo bixiyey Sufi. Waxaa kaloo la sheegaa inuu Sufi macna ahaan ka soo jeedo eray Giriig ah oo la macna ah Falsafa. "

Xigasho.

  • 1- Taariikhdii Darawiishta. Qoraa Aw-Jaamac Cumar Ciise.
  • 2- 3 Fasiraadahan waxaa laga soo dheegtay Internetka

Akhri... Qaybta 2aad....

mireW.Q. Cabdishakuur Mire Aadam.
cobol319@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraha ku saxiixan - waxana uu ku salaysan yahay buug uu qoraagu qorayo....

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 20, 2008

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS