Koboca Islaamiyiinta Soomaaliya - Q.4aad
(Siraha Qarsoon )

W.Q. Cabdishakuur Mire Aadam.
cobol319@gmail.com
Qormo Taxane ah...
Cutubka Koowaad.
Ku Baraarugii Dacwadda Diinta ee Islaamiyiinta Soomaaliya.
Qormadda Afaraad.
Waxaa Maxkamadii Badbaadada la hor keenay 35-kii wadaad
18 ilaa 19 Janaayo 1975-tii, Wadaadada waxaa Qareen u doodayey u ahaa Axmed Cali
salaax. Iyadoo uu ahaa Gudoomiyaha Xukunka Wadaada ku riday Gen.Maxamuud Geelle
Yuusuf oo ahaa xubin ka tirsan Golihii Sare ee Kacaan, ahaana waqtigaas nin aan
shahaado ku saabsan sharciga haysan, amaba aqoon u lahaa qaynuunka. Waxaa Xeer
Ilaaliye ahaa Cismaan Maye oo si aan dhamaystirayn dacwada ugu soo oogay
wadaada. Xataa gudaha maxkamada ma joogin markhaatiyaal ku filin oo ku marag
furi kara wadaada la eedaynayey. Waxaa uuGen. Maxamuud Gelle Dil toogasha ah
ugu xukumay wadaadadii kitaabka dartiis uga horyimid kacaanka in la nasakho
ayaado ka mid ah ayaadaha ilaahay samad ka soo dejiyey waxana xukumkii
Maxkamadaasi noqday sidatan :
Tobanka mid ahaa waxaa lagu xukumay dil
toogasha ah.
1- Axmed Shiikh Maxamed. 2- Cali Xuseen Warsame, 3- Ciise Xasan Axmed, 4-
Muuse Yusuf, 5 -Axmed Liibaan, 6- Maxamed Saciid Xirsi, 7- Cali Jaamac Muuse, 8-
Aden Cali Muuse, 9- Cismaan Jaamac Maxamed, 10- Yasiin Cilmi Cawil
Lixkale waxaa lagu xukumay soddon sano.
1-Adam nuur Cilmi Cali, 2-Maxamed Samantar Cali, 3-Cabdi Salaad Cabdulaahi,
4-Xirsi Xuseen, 5-Adam Cabdulaahi, 6-Xasan barre
Toddoba iyo toban waxaa lagu xukumaylabaatan sano.
1-Axmed Maxamed cusman, 2-Cabdi Cali C/rahmaan, 3-Cabdi Cabdullahi,
4-Maxamed Maxamud Weheliye, 5-Axmed Cali Yusuf, 6-Shariif Maxamed Yusuf,
7-Cabdullahi Faarax Cigaal, 8-Xasan Cawaale, 9-Ismaaciil Xasan Aaden, 10-
Maxamed Abdi, 11-Abuubakar Xasan,12-Cumar Sheekh Cali, 13-Cali Mursal
Maxamed,14-Bashiir Sheekh Maxamed,15-Cabaas Muse Faarax, 16-Yacquub Maxamed
Macallim, 17-Xasan Macallim C/rahmaan.
Maxkamadda Badbaadada ayaa ahayd mid aan wax Racfaan ah laga qaadan Karin,
waxaana la asaasay 1971-kii iyadoo lagu xeeriyey jirintaankeedaas xeer 03
kaasoo soo baxay 10 Janaayo 1971-dii
Gen.Ismaaciil Axmed Ismaaciil9 Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta
Soomaaliyeed oo ka hadlaya dhacdadii dilkii wadaadada ee Sanadkii 1975,waxaa
uu yiri:-
" Habeenkii markii dardaarankii wadaadada laga qoray lay keenay.Ayaan
arkay wiil 17-jir ahaa oo ku jira. Wiilkaaswadaadka ahaa, marka hore wuxu
sheegtay 18-jir. Balse, markii dambe wuxuu sheegtay 17-jir. Sidaa darteed
wiilkaasi da'ahaan ma ahayn dil dabadeedna waxaan damcay inaan la socodsiiyo
cidii ku shaqada lahayd, si aan ugu sheego wiilka 17-jirka ah oo markii hore
18-jir sheegtay inuu ku jiro, si looga baajiyo dilka. Hase yeeshee,wiilkii
intaan talaababa la qaadin, ayuu muusanow ku dhuftay oo uu yiri: War Jannada
hayga reebina, waar ummadda hayga reebina, wallaahi 18-jir baan ahay. Wiilkaas
yar caqiidadiisu xoogay lahayd iyo sida iimaankiisu ahaa, aad baanu uga yaabnay
dhamaantayo. Bal nin la leeyahay berri baa lagu dilayaa, ee ha lagaa baajiyo, oo
ku leh dadka hayga reebin ka waran! Sidaa darteed, lagama reebi ee sidii ayaa
lagu toogtay.”
Markaa kadib maxaa dhacay? Gen.Ismaaciil Axmed Ismaaciil markale ka sii
hadlaya sidii wax u dhaceen, wuxuu yiri,;-
" 33-askari oo ciidandamada kala tirsan ayaa toogashada fulin jiray.
Sarkaal millateriga ka tirsanaa ayaana subaxdaa ciidanka watay. Sideedaba anaga
Asluub ahaan marka la fuliyo toogashada kadib uun baa ribootka naloo keeni
jiray. Sidaa aawadeed waxa laga wer-wersanaa in ciidanka toogashada fulinayay
soo nabad noqon doonaan iyo inkale.Markaa subaxnimadii anigoo weli xabsiga dhexe
ee Muqdisho jooga ayaan arkay laba diyaaradood oo isku dhacay. Markiiba midi
dhulkay ku dhacday, oo meel aan xabsigii dhexe ka fogayn ah, tii kalena meel
kale oo ka durugsanayd ayay ku dhacday. Dad badan baa cibro ku qaatay arrintaas,
oo yidhi waa wax lagu cibro qaato wadaadadii la dilay iyo diyaaradahan isku
dhacay"
23 Janaanyo 1975-tii oo ku beegnayd Khamiis 11-kii Muxaram 1395-tii ee
Hijriyadda ayaaRadio Muqdisho waxaa uu sheegay in Wakaaladii wararka ee Sonna
soo tebisay sida idaacadu sheegtay in lagu fulliyey dil tobankii waadaad ee ay
horay Maxkamadii Badbaadadu ugu xukuntay dilka, waxaana lagu toogtay fagaaraha
loo yiqiiin Dugsiga Booliska iyadoo ay toogashadooda fuliyeen xubno ka kala
tirsanaa ciidamadii dalka oo isugu jiray ragg iyo dumarba si dadweynaha loo
tusiyo fulintii xeerkii qoyska ee kacaanka.
Sirta qarsoon waxay ahayd in Wadaadadii ka hor yimid oo sida bareerka ah u
diiday Xeerka Qoyska ee loo toogtay inay ahaayeen wadaada caadiga ah. Kama mid
ahayn Xarakadii Al-Ahli ama dhalinyaradii Baraagu Islaamka ayuu cadeeyey Shiikh
Cabdulqaadir Nuur. Taas ayaa waxay marag fur u tahay sida dadka Soomaaliyeed
dhamaantood u diideen Xeerkaas ka hor imanayey Diintooda.
Xigasho.
- 9- Ogaal Newspaper . Hargaysa.
Akhri... Qaybta 5aad....
W.Q. Cabdishakuur Mire Aadam.
cobol319@gmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraha ku
saxiixan - waxana uu ku salaysan yahay buug uu qoraagu qorayo....